fbpx

Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you

Jacaylku waa wax dadku ka maarmin. Waxaan moodnaa jacaylku, inuu dhaxmaro dadka lamaanahaa oo qudha. Sidaasna maaha.

Waxaa jira 8 nooc oo loo-qaybiyo noocyada jacaylka. Sida midka lamaanaha, asxaabta, ehelka, iyo xataa dadka maraya wadada. Ee aadan garanaynin.

Hadaba maqaalkan, wuxuu kaa caawinayaa. inaad fahahnto noocyada jacaylka eed dareento waxay kala yihiin. sidoo kale akhriso dhibaatooyinka guurka ninka kaa yar.

8-da qaybood ee noocyada jacaylka

Maadaama ay kala-duwan yihiin noocyada jacayl. mid kasta wuxuu leeyahay hab gaara, oo uu wax u saameeyo.

1.     Jacaylka fudud (philia)

Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you
Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you

Nooca jacaylka philia, waa mid kamida noocyada jacaylka dadka ku dhaca. Waana jacaylka dhax-mara dadka ehelada iyo dadka asxaabta ah.

Ixtiraamka iyo daacadnimada ayuu ka dhashaa jacaylka noocan ah.

Sidee lagu gartaa

  • Wada-sheekaysiga fiican eed la-leedahay asxaabtaada.
  • Daacadimada idinka-dhaxaysa.
  • Is-caawinta xilliyada adag.

2.     Jacaylka adag (pragma)

Nooca jacaylka pragma, waa jacaylka adag, ee soo-jiray sanadada badan. inta badan wuxuu dhax-maraa lamaanaha xidhiidhkooda, sida wada-jirkaa u daryeela. Ee isku tanaasula, isku dulqaata.

Wuxuu jacaylki darajadan gaadhaa, marka labada qof si wada-jira u xaliyaan khilaafyadooda. Ballamahana isku oofiyaan. Si uu jacaylkooda u xoogaysto.

Sidee lagu gartaa

  • Xoojinta xidhiidhkiina si-joogta ah.
  • Inaad lamaanahaada u muujiso dadaal badan.
  • Lamaanahaada ood caawiso markasta.

3.     Jacaylka caanka ah (storge)

Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you
Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you

Jacaylka nooca storge, waa mid caana oo la-yaqaano. Waa midka u dhaxeeya waalidka iyo caruurtooda. Sidoo kalana waa mid u dhaxeeya asxaabta.

Waa jacayl aan dhamaad lahayn, oo ku dhisan dareen qoto-dheer iyo is-aqbalaad. Jacaylkan wuxuu ku dhashaa si fudud. Wuxuuna waaraa wakhti dheer.

Sidee lagu gartaa

  • Inaad u hurto wakhtigaada iyo baashaalkaada gaarkaa.
  • Si dhakhso ah inaad u cafiso markasta.
  • Wadaagida xasuuso iyo xiliyo saamayn badan.

4.     Jacayla dareenka leh (eros)

Nooca jacaylka eros, waa mid dabiiciya oo ku abuuran dadka oo dhan. Waa jacayl wata dareen taabasho oo gaara.

Waxaa kamida isdhuunkashada, gacmaha lays-qabsado iyo hab isa-siinta. Nooca jacaylkan, waa rabitaanka jidhka qofka kale.

Sidee lagu gartaa

  • Inaad u bogto jidhka qofka.
  • Istaabashada sida dhuunkashada ama hab hab-siin.
  • Xidhiidhada gogosha.

5.     Jacaylka ciyaarta (ludus)

Nooca jacaylka ludus, waa mid loo dhaqmo sida caruurnimada oo kale. Waa jacaylka jilicsan ee dhaxmara lamaanaha, marka xidhiidhku bilow yahay. Ama labada qof arooskoodu cusub yahay. Sida bisha malabka oo kale.

Sidee lagu gartaa

  • Shukaansiga dabiicigaa.
  • Inaad wada-qaadataan wakhti madadaalo ah.
  • Sida caruurta ood u wada dhaqantaan.

6.     Jacaylka qalafsan (mania)

Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you
Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you

Waa nooc qalafsan oo kamida noocyada jacaylka. Wuxuuna dhaxmaraa lamaanayaasha. Wuxuu sababaa inuu dhasho masayr aan jirin, iyo rabitaan badan. sida inaad wakhtibadan isla-qaadataan lamaanahaada.

Arrimaha ugu badan ee keena, jacaylka qalafsan. Waa jacaylka aan isku-dheeli-tirnayn. Ee dhaxmara lamaanaha.

Sidee lagu gartaa

  • Shakiga iyo tuhunka badan.
  • Masayrka bilaa sababta ah.
  • Inaad jeclaato, ogaansha waxkasta uu sameeyo lamaanahaada.

Sidee looga fogaada noocan.

  • Xakamee dhaqanadaada qalafsan, intaadan wax samaynin ka-hor.
  • Naftaada ku mashquul, in kabadan mida qofka kale.
  • Ku kalsoonow xidhiidhkaada.

7.     Jacaylka nafta (philautia)

Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you
Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you

Nooca jacaylka philautia, waa mid kamida noocyada jacaylka. Waa nooca aad ku ogaato qiimaha naftaada. Iyo inaadan iska indho-tirin baahiyahaada gaarkaa.

Inaad naftaada jeclaato waxay ka bilaantaa, inaad garato masuuliyada kaa saaran badqabkaada.

Sidee lagu gartaa

  • Inaad naftaada ku qanacsantahay.
  • Daganaanshaha.
  • Qiimaha shaqsiyadaada ood ilaaliso.

Sideed naftaada u jeclaan kartaa?

  • Badqabka naftaada kor u qaad.
  • Noolashaadau daryeel sida waalid ilmihiisa daryeelaya oo kale.
  • Wakhti la-qaado dadka ku jecel.

8.     Jacaylka bilaashka ah (agape)

Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you
Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you

Waa midka ugu sareeya noocyada jacaylka. Noocan ma khuseeyo jacaylka jidhka, ee waa mid dareen bani’aadamnimo leh.

Noocan kuma xidhna wax filasho ah, ood ka sugayso qofka kale. Ama inaad hesho badalkiisa. Waa jacaylka keena iney dadku caawiyaan qof ayna garanaynin oo dhiban.

Sidee lagu gartaa

  • Markasta wuxuu ku dadaalaa hagaajinta noolasha dadka kale.
  • Damiir dadnimo oo wanaagsan ayuu leeyahay.
  • Shadaqo bixinta badan.

5-ta darajo ee oo uu maro xidhiidhka jacaylka

Qaabka aad u maarayso darajooyinkan ayaa laga qiyaasi karaa. sida uu noqon doono xidhiidhkaada. wayna ku adag tahay dadka badankooda, iney gartaan darajooyinka uu maro xidhiidhku. waxay sababi karta hadii aad aqoon u lahayn darajooyinkan, inuu burburo xidhiidhkaada.

Xidhiidhka jacaylka, waa wax qof kasta soo-mara noolashiisa mar ama ka badan. wayna kala duwan yihiin xidhiidhadu. waana sababta ay u adag tahay inaad dhakhso is-fahantaan qofka. waayo ma isticmaali kartid xeelad horey kuugu shaqaysay.

Sidaas darteed, Inaad samayso jacay maaha wax adag. laakin waxaa adag inaad ilaaliso xidhiidhkaas.

Barashada darajooyinkan iyo inaad ogaato sida uu u saameeyo xidhiidhka. waxay idinka caawin karaan inaad fahantaan xaalada aad ku sugan tihiin markasta.

1- Darajada xiisaha iyo jacaylka

Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you
Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you

Markaad qof jeclaato, way adag tahay inaad aragto nuqsaantiisa. waxaana kuu muuqda oo kaliya dareenka xiisaha badan ee aad qofkaas u hayso. taas oo keenaysa inaad arki waydo dhinaca xun ee qofka. halka asagana uu kuu arko sidaas oo kale, laakin xiisahan badan maaha mid waara. wuxuu jiri karaa 2 sano ugu badnaan.

Inta badan qofka aad jeclaato maaha mid aad isku-dhigantaan. waayo waxaad ka rabtaa inuu rumeeyo riyooyinkaada. ama uu buuxiyo meelaha aad ku liidato.

Laakin maxaan u jeclaanaa qof aanan isku-dhigmin?

Sida caadigaa qofku wuxuu jeclaadaa qof leh, shaqsiyad iyo sifooyin ka-duwan middiisa. si uu u noqdo qofkaas, mid buuxin kara meelaha uu ku liidato.

Intaas waxaa dheer, darajadan dhaxdeeda way adag tahay inaad ogaato. xidhiidhka idinka dhaxeeya adiga iyo lamaanahaada inuu yahay mid guulaysan iyo inuu fashilmayo.

2- Darajada halganka

Badanaa waxaan aragnaa muuqaalada quruxda badan. iyo sheekooyinka xiisaha badan ee laga qoray, xidhiidhada jacaylka. taasoo keenaysa inaan aamino, inaadan ku guulaysanaynin xidhiidhkaada jacaylka. ilaa aad hesho qofka filimka aad ku daawatay oo kale. waana sababta aan u jeclaano jilayaashaas. tusaale, dumarku waxay jecel yihiin wiiil shaarukhaan oo kale ah.

Darajadan dhaxedeeda, labad qof waxay dareeemaan culays iyo xanuun badan. maadaama ay wajahayaan xaqiiqada dhabtaa. mararka qaar dareen xiisaha ahaa ee is-badalay, waxaan ku badalnaa xanaaq. taasoo keenta laftirkeeda dhibaato kale.

Waxaan sidoo kale joojinaa, waxyaabihi hore ee aan u samayn jirnay lamaanaheena. enagoo billowna inaan ogaano, waxyaabaha uu kugu nici karo qofkaas.

Marka lagu jiro darajadan. mid kamida lamaanaha ayaa billaawa dib-ugurasho, asagoo moodaya in la-khayaanay. maadaama uu qofki kale aad isku badalay, uuna ahayn qofki hore ee uu jeclaaday. halka midki uu billaabo inuu daba-socdo asagoo muujinaya taxadar gooniya.

Darajadan aad ayey ugu adag tahay lamaanaha. dadka qaarna way ka cajisaan xidhiidhkaas. waxayna moodaan inuu khasaaray dadaalki badnaa ee ka-baxay. waana sababta labada qof u kala tagaan, si uu u raadiyo qof kale oo uu moodayo inuu ku haboon yahay.

Darajadan dhaxdeeda, qoysas badan ayaa burbura oo is-fura.

3- Darajada daganaanshaha

Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you
Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you

Hadii adiga iyo lamaanahaada aad barataan waxyaabaha aad ku kala duwan tihiin. kadibna aad iskugu dulqaadataan, waxaad galaysaan xaalad daganaansho ah.

Rafaad iyo dagaal badan kadib, adiga iyo lamaanahaada aad ayaad isku jeclaanaysaan. waxaana adkaan doona xidhiidhki idinka dhaxeeyay. taasoo keenaysa inaad xasishaan oo uu yaraado buuqi badnaa ee idinka dhaxeeyay.

4- Darajada ballanta

Markaan ka hadlayno xidhiidh jacayl. dadku badanaa waxay ku ballamaan guur iyo iney midoobaan. laakin lamaanayaasha qaar ayaa sameeya khalad. waxayna midoobaan ayagoo ku sugan darajada ugu horreysay ee xiisaha. taasoo keenaysa in lays-fahmi waayo.

Darajadan markaad soo gaadhaan adiga iyo lamaanahaada. waxaad diyaar u tihiin guur, waxaana ogaateen inaad is-rabtaan, is-jeceshihiin. Waxaa sidoo kale garanaysaan, in labadiinaba aad leedihiin khaladaad. oo iidan ahayn dad dhamaystiran.

5- Darajada farxada

Markaad soo-gaadhaan darajadan adiga iyo lamaanahaada. waxaad ogtihiin inaad is-jeceshihiin. inkastoo xidhiidhku mararka qaar noqdo mid adag. hadana waa muhiim inaad garanayso sida loo maareeyo.

5-ta luuqadood ee jacaylka

A. eray ku qirasho

dadka qaar waxay rabaan, iney lamaanahooda ka maqlaan amaan fiican. Ama “waan ku jeclahay” hadii lagu dhihi waayo, waxay dareemaan inaana la-jeclayn.

B. Caawinta qofka

Inaad qofka caawiso, sida inaad u nadiifiso aqalka oo kale. Ama aad ka caawiso ka shaqaynta hawl sugaysay. Waxay ka dhigtaa qofka mid faraxsan. Waana hab dadka qaar u muujiyaan jacaylkooda.

C. Hadyada

Dadka qaar waxay qiimeeyaan, iney bixiyaan ama la-siiyo hadyad. Kuwa qaarna ma xiiseeyaan.

Hadii lamaanahaada jacaylka uu ku qiimeeyo, inta hadyad aad siisay. Hadaba jacaylkaas waa nooca hadyada.

D. Wakhti wada-qaadashada

Dadka qaar waxay ku cabiraan jacaylka lamaanahooda. Inta jeer ee wakhti fiican isla-qaateen. Sida kulankooda wada-sheekaysiga oo kale.

Hadii lamaanaheeda ka-mashquulo, oo wakhti fiican siin waayo. Waxay dareentaa inaana la-jeclayn.

E. Taabashada jidhka

Ugu dambayn dadka qaar, ayaa jacaylkooda ku qiimeeya, taabashada lamaanahooda. Sida gacanta oo lays-qabsado, iyo inta jeer ee uu dhuunkaday.

Hadii aan la-dhuunkanin waxay dareentaa, inaana la-jeclayn.

Maxay muhiim u tahay luuqada jacaylka?

Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you
Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you

Ujeedada barashada luuqada jacaylka, waxaa weeyo. Inaad ogaato habkaad jacaylka u dareento, iyo habka qofka lamaanahaada ah u dareemo.

Hadaad ku kala duwan tihiin luuqada jacaylka, waxay xidhiidhkiina ku keeni kartaa dhibaato.

Tusaale ahaan, lamaanahaadu wuxuu jacaylka ku dareemaa qirashada. Laakin adigu waxaad ku dareentaa nooca hadyada.

Adigu waxaad rabtaa inuu ku siiyo hadyad, si-aad u xaqiijiso inuu ku jecel yahay. Halka asaguna kaa sugatyo inaad ku dhahdo “waan ku jeclahay”. Maad aragtaa caqabada? Waad kala-duwan tihiin.

Laakin ha-walwalin. Adiga iyo lamaanahaada, muhiim maaha inaad hal luuqad kuwada muujisaan jacaylkiina. si xidhiidhkiina u sii socdo.

Waxaad u baahan tihiin, waa inaad wada-hadashaan oo kaliya. Markaad fahantaa, qaabka midkasta u rabo inuu jacaylka u dareemo. waxba ma adkaan doono.

Gaba-gabo

Dhamaanteen noocyada jacaylka waan ku kala duwanahay. Waana wax caadiya. Caqabadaha aan la-kulano xiliyada xidhiidhka. mararka qaar waxay ka dhalataa, fahan la’aanta heerka jacaylka ee midba midka kale.

Hadaba maadaama aad ogaatay dhamaan noocyada jacaylka. Darajooyinka jacaylka iyo luuqadaha jacaylkaba. Waxaan rajaynayaa inaad si fiican u hagaajin doonto xidhiidhkaada.

Si guud, inaad u muujiso dadaal iyo dulqaad xidhiidhkaada jacaylka. waa wax lagu faa’ido, marka labada dhinac daacad isku yihiin.

La-wadaad asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad.

1 thought on “Noocyada jacaylka iyo 8 qaybood better for you”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights