Cudurkan wuxuu saamayay wax ka badan 1.3 billion oo qof oo daafaha dunida jooga. waana halista ugu badan ooy dadku u dhintaan.
Cilmi baadhis la sameeyay ayaa lagu cadeeyay in 29.2% raga aduunka la nool yihiin cudurkan. halka 24.8% dumarka aduunka ay nool yihiin cudurkan. 58.8 malyan oo qof ayaa u dhintay cudurkan, sanadki 2014 ki. hadaba waa maxay calaamadaha dhiig karka lagu garto.
Qodobada qoraalka
- Waa maxay dhiigkarka?
- Calaamadaha dhiig karka lagu garto
- Dhiig karka maxaa sababa?
- Noocyada dhiig karka
- Dhibaatooyinka dhiig karka
- Yuu halis ku yahay dhiig karka?
- Sidee lagu ogaadaa inaad dhiig karka qabto?
- Goorma la dhihaa waxaad qabtaa dhiig karka?
- Sidee loo daweeyaa dhiig karka?
- Cuntooyin kaa caawinaya in dhiiggu dego:
- Talooyin sida loo xakameeyo dhiiga
- Xeelado looga hortago wadno-xanuunka
Waa maxay dhiig karka?
Dhiig karku waa markuu kordho cadaadiska dhiiga ee xididada jidhka. wuxuuna kordhaa cadaadiska dhiigu, markay dhuubtaan ama yaraadaan halbawlayaasha qaada dhiiga.
Sanado badan ayuu ku hayn karaa adigoon ogeyn, wax calaamad ah oo muuqdana lahayn. Wuxuuna waxyeelo xun u gaystaa
- halbawlayaasha qaada dhiiga.
- Maskaxda.
- Wadnaha.
- Indhaha.
- Iyo kalyahaba.
Waa waxyeelada uu u gaysto qofka qaba dhiig karka. waana xanuun halistiisu badan tahay, hadaana si fiican loo maaraynin.
sidoo kale akhri
Calaamadaha dhiig karka
Dhiig karku waa mid kamida xanuunada dhuunta. inta badana malaha calaamado muuqdo oo lagu garto, markuu kugu dhaco.
Tobonaan sano ayey qaadataa in la ogaado, waana markuu marayo marxalada ugu dambaysa. Waxaana marxaladan lagu gartaa.
- Madax xanuun.
- Neefta oo ku dhibta.
- Sanka oo ku gororo.
- Madax wareer.
- Aragaada oo yaraada.
- Miir daboolan.
- caga barar.
- Kaadida oo ku yaraata.
- Xabadka oo ku xanuuna.
- Kaadida oo dhiig yeelata.
Calaamadan oo dhan waxay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo ded deg ah.
Habka ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo inaad qabto dhiig karka. waa in la cabiro cadaadiska dhiigaada joogtada ah.
Dhiig karka maxaa sababa?
Daraasaduhu si cad wali uma ogaanin waxyaabaha keena. cadaadiska dhiiga ee sida tartiib-tartiibta u kordha.
Laakin waxyaabahan hoose ayaa laga yaabaa. iney door muhiima ka ciyaaraan dhiig karka inuu imaado. Waxaana kamid ah.
- Inaad waalidkaada ka dhaxasho hadey qabeen.
- Miisaankaada oo aad u kordha.
- Jimicsi la’aanta.
- Cimrigaada oo kordha.
- Cudurada ku dhaca wadnaha.
- Hurdo la’aan wakhti dheer ah.
- dawo qaldan ood isticmaasho.
- Dhibaato ku dhacdo qanjidhada qaar.
- Cusbo badan ood isticmaasho.
Hadaad rabto inaad ka fogaato halista xanuunkan, waa inaad ku dadaashaa caafimaadkaa jidhka.
Noocyada dhiig karka
Dhiig karka waxaa loo qaybiyaa laba nooc oo kala ah.
- Midaan la garanaynin sababta keenta, oo noqon kara dhaxal ama qaab nololeedka qofka. Wuxuuna ku badan yahay dadka waawayn.
- Waa mid ku imaada xanuun qofka ku dhaca, sida xanuunka kalyaha ama dhibaato kale oo caafimaad.
Noocan malaha da’ u gaar ah, qof kasta ayuuna ku dhici karaa.
Dhiig karka noocyadiisa kala duwan waa dawo, laakin haduu jiro xanuun keenay. waa in laga daweeyaa xanuunkaas asagana.
Dhibaatooyinka dhiig karka
Dhiig karka oon dawadiisa la qaadanin ama si wanaagsan loo maaraynin. wuxuu keeni karaa dhibaatooyin badan sida.
- Maskaxda oo ku furma dhiig.
- Kalyaha oo joojiya shaqada.
- Wdnaha oo khalkhala.
- Indha ood beesho.
- Xasuus la’aan.
- Faalug inuu kugu dhaco.
Dhibaatada ugu wayn waxay ka dhalataa, markuu qofku joojiyo dawadi loo qoray. ama uuna joogto u qaadanin. ama uuna dhakhtarka la xidhiidhin asagoo isku arkay calaamadaha dhiig karka.
Yuu halis ku yahay dhiig karka?
Dhiig karku wuxuu khatar ku yahay inuu ku dhaco
- Dumarka ka wayn 65 sano.
- Raga ka wayn 45 sano.
- Hadaad cayisho wuu kugu dhici karaa.
- Waalidkaada haday qabaan wuu kugu dhici karaa.
- Dadka sigaarka iyo tubaakada aadka u cabo.
- Qofka Walwalka iyo walaaca badan
- Qofka drugska isticmaalo sida khamriga.
qofka isticmaala daroogada wuxuu halis wayn ugu jiraa. inuu ku dhaco cudurka dhiig karka, waxaana haboon inaad joojiso hadaad leedahay balwadan.
Sidee lagu ogaadaa inaad dhiig karka qabto?
Qofka caadigaa ee aan qabin dhiig karka, qiyaasta dhiigiisu waa 120mm Hg oo dhiiga sare ah. halka dhiiga hoose yahay 80mm Hg.
Goorma la dhihaa waxaad qabtaa dhiig karka?
Haduu cadaadiska dhiigaadu ka sareeyo 140mm Hg, oo qaybta sare ah. iyo 90mm Hg qaybta hoose ah, waxaa la dhihi karaa waxaad leedahay xanuunkan.
Marka la cabirayo dhiiga, waa inuu qofku ku jiraa marxalad dagan oo nasiino ah. si uuna u qaldamin cabirka dhiiga.
Si loo hubiyo inuu qofku qabo dhiig karka, waa in la cabiraa 3 waqti oo kala duwan, ama 3 maalmood kala duwan.
Halmar oo la cabiro laguma ogaan karo inuu qofku leeyahay dhiig karka iyo in kale.
Sidee loo daweeyaa dhiig karka?
Marka hore waxaa qofka leh cudurkan lagula taliyaa. inuu noloshiisa wax badan ka badalo, sida cuntooyinka uu cunayo oo kale.
Cuntooyin caawiya in dhiiggu dego:
waxaa jira cuntooyin tiro badan oo la tijaabiyay. kuwaas ooy sheegeen dhakhaatiirtu iney dajiyaan dhiiiga. Waxaana kamid ah.
- Sareenka.
- Yicibka.
- Caanah dufanka leh.
- Bocorka.
- Kalluunka salamon.
- Midhaha kookaha.
- Shaaha cagaaran.
- Caanaha.
- Basbaaska guduudan.
- Shukulaatada madow.
- Qudaarta iyo midhaha sida mooska, tufaaxa, timirta.
- Cuntooyinka leh xididka sida bataatiga.
- Hilibka cad sida midka doorada
Cuntooyinkan waxay kaa caawinayaan iney dajiyaan dhiigaada, hadaad si wanaagsan u maarayso cunistooda.
Talooyin sida loo xakameeyo dhiiga
Talooyinkan waxay kaa caawinayaan inaad yarayso. halista uu jidhkaada u gaysan karo dhiig karka.
- Cuntadaada wax badan ka badal.
- Qudaarta badso.
- Hilibka iska yaree.
- iska yaree isticmaalka milixda.
- Jimicsi dhaxdhaxaad ah same.
- Miisaankaada hoos u dhig haduu badan yahay.
- Walwalka badan iska yaree.
- Iska jooji balwada, hadaad leedahay.
- Markasta talada dhakhtarkaada qaado.
Xeelado looga hortago wadno-xanuunka
Culimada caafimaadka ayaa sheegay, 4 arimood oo qofka ka caawin kara. inuu fiicnaado caafimaadka wadnihiisa, waxayna kala yihiin.
1. Xakamaynta walwalka
Waxaa jira habab badan oo loo maarayn karo walwalka iyo walbahaarka badan. waxaana kamid ah.
- Inaadan ku mashquulin wixi la soo dhaafay.
- Xasiloonidaada ood ilaaliso.
- Inaad ka walwalin mustaqbalka.
Hadaad iska ilaaliso walwalka badan. waxaa hoos u dhacaya cadaadiska dhiiga iyo garaaca wadnaha.
2. Hurdo kugu filan inaad hesho
Hurdo xumida waxay badisaa daalka iyo xanaaqa. qofka wayn wuxuu u baahan yahay inuu helo maalinti 7 saacadood oo hurdo. Waxayna muhiim u tahay
- xasuusta oo fiicnaanta.
- Nasashada.
- Nidaaminta dheef-shiidka.
- Nidaaminta kiimikooyinka jidhka.
Hurdo xumidu waxay qayb wayn ka qaadataa. dhibaatooyinka dhaliya cudurka xun ee dhiig karka.
3. Samaynta jimicsiga
Sida hurdada oo kale jimicsiga waxaa laga helaa waxyaabo badan oo noloshaada faa’iido u leh.
Waana hababka ugu muhiimsan ee looga hortagi karo xanuunada wadnaha. Sida
- dhiig karka.
- macaanka.
- iyo cayilka.
Jimicsigu wuxuu hagaajiyaa garaaca wadnaha. waxaana fiican caafimaad ahaan inaad samayso. 150 ilaa 300 daqiiqo oo jimicsi ah isbuuci.
sidoo kale akhri:
4. Fiiro gaara calaamadaha wadno-xanuunka
Waa muhiim inaad ogaato calaamadaha waxno-xanuunka iyo faaluga. si aad u hesho gargaar deg deg ah, hadaad dareento.
Qofka markuu ku soo socdo faalug, calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah.
- xanuun daran inaad madaxa ka dareento.
- Curyaanimo qaybo kamida jirka.
- Dhibaato xaga dhaqdhaqaaqa ah.
Waxyaabahan waa qaybo kamid calaamadaha lagu garto inuu kugu soo socdo faaluga.
Hadaba markaad dareento in wax iska badaleen caafimaadkaada. waxaa fiican inaad la xidhiidho dhakhtarka.
Gaba-gabo
Dhiig karku waa cudur halis badan, ooy la nool yihiin dad badan. waa xanuun dhuunta oon la ogaan Karin bilowgiisa ilaa laga gaadho xaalad xun mooyee. cadaadis dhiig oo sarreeya.
Waana cudurada ugu waawayn ee dhibaatada ugu badan gaadhsiiya. wadnaha, kalyaha iyo maskaxda qofka.
Waxaadna oga hortagi kartaa inaad samayso jimicsi joogto ah. iyo inaad la socoto xaaladahaada caafimaadka. cadaadiska dhiigga ee sareeya wakhtiga uurka cadaadis dhiig oo sareeya.
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad.