fbpx

Xijaabka dumarka – waa maxay ujeedada loo xidho better

Xijaabku waa maro astaan u ah dumarka islaamka. alle ayaana ku waajibiyay iney xidhato gabadha muslimada ah.

Hadaba wali maad is waydiisay, waa maxay ujeedada xijaabka dumarka u xidhaan. iyo ahmiyada uu leeyahay.

Qaybaha qoraalka

  • Waa maxay xijaab?
  • Maxay qasab u tahay in la xidho xijaabka ?
  • Shuruudaha xijaabka
  • Faa’iidooyinka xijaabka dumarka
  • Muhiimada xijaabka dumarka
  • wadamada xijaabka mamnuucay
  • Talooyin ku saabsan xijaabka dumarka
  • Ha u-dulqaadanin waligaa waxyaabahan
  • Ninka maxaa lagu doortaa

Waa maxay xijaab?

Macnaha erayga xijaab waa asturnaan. Xijaabku wuxuu kamid yahay dharka khaaska u ah dumarka muslimiinta.

Inaad xidhato xijaabka dumarka, waxay calaamad u tahay inaad tahay. qof fulinaya amarki alle SW.

Maxay qasab u tahay in la xidho xijaabka ?

Xidhashada xijaabku waa amar alle quraankiisa ku sheegay. sababtaas darteed ayeyna waajib ugu tahay dumarka muslimiinta iney xijaabtaan.

Iney gabadhu xidhato xijaabka, waa calaamad lagu garanayo. iney fahantay amarki alle, ooy qaadatay.

sidoo kale akhri:

faaiidooyinka bisha ramadaan laga helo
habeenka arooska talooyin ku anfacay
maaraynta waqtiga

Shuruudaha xijaabka

Xijaabka sharciga ah wuxuu leeyahay 8 shuruudood oo kala ah.

  • Xijaabka inuu qariyo jifhka oo dhan
  • In xijaabka laftiisa noqonin qurux.
  • Xijaabku waa inuu noqdaa maro adag.
  • Waa inuu noqdaa xijaabku mid aan kugu dhagnayn.
  • Xijaabku waa inuuna noqon mid la carfiyay.
  • Xijaabku waa inuuna u ekaanin dharka raga.
  • Inuuna noqonin xijaabku dharka lagu faano.

Faa’iidooyinka xijaabka dumarka

waxaa jira faa’idooyin badan ood ka helayso hadaad xidhato xijaabka, waxayna kala yihiin.

  • Waxaad fulisay amarki alle SW.
  • Sharaftaadi ayaad ilaalisay.
  • Qalbigaada ayaa nadiif noqonaya.
  • Diintaada ayaad muujisay.
  • Akhlaaqdaada ayaa hagaagaysa.
  • Shaydaanka ayuu xijaab kaaga yahay.
  • Xishoodka ayuu ilaaliyaa.
  • Raga ayaa kugu ixtiraamaya.
  • Wuu ku asturayaa xijaabka.
  • Dhar ka duwan midki raga ayaad xidhan tahay.
  • Xumaanta ayuu kaa dhawrayaa, sida zinada iyo qaawanaanta.

dhamaan waxyaabahan waa faaidooyinka aad ka helayso xidhashada xijaabka, marka ku dadaal.

Muhiimada xijaabka dumarka

Xijaabku dumarka islaamka wuxuu u leeyahay ahmiyad gaar ah, waxaana kamid ah.

  • Xijaabku waa astaanta lagu aqoonsado gabadha muslimka ah.
  • Abaal-marinta gabadha xijaaban, waa janada.
  • Wuxuu kaa difaacayaa cisha shaydaanka.
  • Waa astaan u taagan iimaanka gabadha.
  • wuxuu difaac u yahay naftaada.
  • Waa astaan midaysa dumarka muslimiinta.
  • Waa ficil muujinaya inaad adoon u tahay alle SW.

wadamada xijaabka mamnuucay

waxaa jira wadamo xijaabka dumarka uu mamnuuc yahay, waxaana kamid ah wadamadaas.

  • Faransiiska.
  • Bulgeria.
  • Natherlands
  • ruushka.
  • Belgium.

Talooyin ku saabsan xijaabka dumarka

Xidhashada xijaabku waa astaan kamida muujinta diintaada. waxay cadaynaysaa inay dhab kaa tahay waxaad rumaysan tahay.

  • Marnaba haka xishoonin xidhashada xijaabka.
  • Ku dhaqan diintaada adigoo qaadanaya xijaabka.
  • La saaxiib dumarka asturan ee xijaaban.
  • Tusaale wanaagsan u noqo gabdhaha islaamka.
  • Qadari diintaada oo xidho xijaabka.

talooyinkan way ku anfacayaan, hadaad doonayso. inaad ka mid noqoto dumarka quraanka lagu amaanay.

Ha u-dulqaadanin waligaa waxyaabahan

Dadka qaar dulqaadka badan waxay ka tahay wanaag. Dadkana kuma qasbaan rabitaankooda. laakin dulqaadka badan wuxuu kaa dhigi karaa mararka qaar, qof aan jirin.

Waa kuwan waxyaabo ay tahay inaadan u dulqaadanin mararka qaar.

1. Dhaqanka iyo hadalka xun ee suntan ah

Hadalada iyo dhaqanada xun waxay keenaan dhaawac dareen iyo mid jidh ahaamba.

Hadalada xun waxay keeni karaan. in hoos laguu dhigo ama culays kaa soo wajaho goobtaada shaqada.

Sidaas darteed marnaba ha u dulqaadanin hadalada iyo dhaqanada xun. eed kala kulanto dadka kale, waayo waxay burburinayaan noloshaada.

2. Khayaanada

Khayaanadu waa mid kamida waxyaabaha bulshooyinka burburiya. Waana inaadan u dulqaadanin sinaba.

Khayaanadu waa xeelad qofka lagu dhakro, si loo jabiyo amaanada.

Waxaana inta badan sameeya khayaanada. Dadka beenta badan. laba-wajiilayaasha.

Marnaba ha u dulqaadanin khayaanada, xataa haday yar tahay. hadii kale dhib wayn ayaad kala kulmi doontaa.

3. Dadka taban

Dadka taban ee filashoodi fiicnayn, waxa kaliya eey kula doonayaan waa inaad fashilanto. hoos ayeyna kuu dhigayaan.

Waxaana kugu adkaan doonta inaad gaadho hadafkaada iyo riyadaada, hadaad saaxiib ka dhigato.

4. Munaafaqnimada

Munaafaqnimadu waxaa weeyo, inuu qofku kugu eedeeyo waxaad samaysay. asagoona samaynaya wuxuu kugu eedaynayay.

Waxaa kale oo lagu macneeyaa, inuu sheegto qofka wuxuuna ahayn. Waa astaan xun oo qiimahaada hoos u dhigayso hadaad u dulqaadato.

5. Cudur daarka

Inta badan cudur-daarka waxaa keena sabab. laakin waa ineyna noqon sababuhu kuwo isku mid ah.

Sida ugu wanaagsan eed uga hortagi karto cudur-daarka badan. waa inaad qofka kula xisaabtanto wuxuu sameeyay.

Waxaadna ogaataa cudur-daarashada badan iney tahay been, beentuna waxkasta way xumaysaa.

6. Xanta

Waxaa laga yaabaa inaad aragto dadka kugu xeeran oo wax xamanaya. ama samaynaya borobagaandho, mana aha dhaqan ay tahay inaad u dulqaadato.

Xantu waa dhaqan naxariis la’aan ah, been ah, waxayna jecel yihiin dadka xanta badan. iney dad kale u yeelaan ceebo ayna lahayn.

Ayagoona naftooda ka dhigay midaan lahayn wax ceeb ah. hadaba marnaba ha ogolaanin inuu qof ku baro dhaqankan xun. buyuuc minhajul muslim qawaacidul fiqhiya.

Ninka maxaa lagu doortaa

Xijaabka dumarka – ahmiyada xijaabka
kitaabu buyuuc minhajul muslim qawaacidul

Hadaad rabto inaad hesho nin kuula dhamo, ixtiraamka aad mudan tahay. waxaa muhiim ah inaad garanayso sifooyinka aad ku xulan lahayd ninka.

Waxaa jira sifooyin uu leeyahay ninka wanaagsan, oo lagu garto. Hadaad rabto inaad hesho nolol fiican, calaamadahan waa inaad ku doorataa ninkaada.

1. Daacadnimada

Waxaan filayaa inaad fahansan tahay muhiimada ay leedahay daacadnimada. Waana mid kamida shuruudaha aasaaska u ah xidhiidhka guulaysta.

Qofka markuu daacad yahay waxaad dareemi doontaa.

  • Daganaansho.
  • Cabsi la’aan.
  • Ammaan iyo jaceyl nafsi ah.

Waxaadna ogaataa iney sahlan tahay, in xidhiidh caafimaad qabo la-dhiso. Haduu ninku daacad yahay.

2. Kalsoonida

Kalsoonidu waa sifo soo jiidasho leh, haduu qofku isku kalsoonaado. naftiisa ayuu wanaajiyaa, dadka kalana wuu wanaajiyaa.

Qofka isku kalsoon marnaba kama baqo inuu dareenkiisa muujiyo, naftiisana qiimo tiro.

Ninka noocan ah, xidhiidhka uu sameeyo wuxuu noqdaa mid adag. maadaama uu isku kalsoon yahay.

3. Sharafta

Ninku haduuna lahayn sharaf lama aamini karo, anshax-xumada iyo qiimo la’aantiisa. waxay saamayn xun ku yeelan doontaa hab-dhaqankiisa.

Inka sharafta aan lahayn marnaba kuulama dhaqmayo si wanaagsan.

  • Naftiisa oo kaliya ayaa u daran.
  • Wuu ku dhaawacayaa.
  • Wuu ku khayaanayaa.
  • Dhibaato badan ayaad wajihi doontaa.

Hadaba ninku haduuna lahayn sharaf, ka fogow. Waayo ma noqon karo aabo iyo say wanaagsan.

4. Ixtiraamka

Inaad dadka ixtiraamto, waa adigoo ilaaliya dareenka qofka ee gaarkaa. waa qoofka ood ula dhaqanto si wanaagsan.

Ninka markuu ku ixtiraamayo waxaad ku ogaan kartaa.

  • Inuu ilaaliyo dareenkaada.
  • Wuu kula tashan doonaa.
  • Si dabacsan oo naxariis leh ayuu kuula hadli.

5. Naxariista

Siduu ninka kuula dhaqmi doono. waxaad ka arki kartaa siduu ula dhaqmo dadka kale, sida kuwa la-shaqeeya.

Ninka markaad is-barataan, waxaad arki doontaa wajigiisa dhabta ah. hadaba si fiican u baro wuxuu sameeyo, hadalkiisa kaliya haku-qancin.

Naxariistu waa sifo la jecel yahay. waxaana laga helaa dadka qalbigooda wanaagsan yahay oo kaliya.

Sifooyinka kale ee lagu xusho ninka wanaagsan waxaa kamid ah.

  • akhlaaqdiisa.
  • Hadal yaqaanimo.
  • Nin ku ilaashan kara inuu yahay.
  • Nin shaqaysta.
  • Qoyskiisa nin u roon.

Gabadhey marnaba wakhtigaada haku luminin, nin aan ku xurmaynaynin. adigoo heli kara nin kuula dhaqma si wanaagsan. muslim qawaacidul fiqhiya fiqul cibaadaat.

Gaba-gabo

Xijaabku waa quruxda gabadha muslimka ah, wuxuuba kamid yahay awaamiirta alle SW. Qofkii fuliya amarka allana, aakharo iyo aduunba wuu liibaanayaa. qawaacidul fiqhiya fiqul cibaadaat kitaabka.

midna ogow, In gabadhu ay muujiso diinteeda iyo asturnaanteeda. waa qayb kamida quruxda dumarka. Sidaas darteed marnaba haka cabsanin inaad muujiso ood xidhato xijaabka. minhajul muslim qawaacidul fiqhiya fiqul.

La-wadaag asxaabtada, mahadsanid.

Dhamaad.

3 thoughts on “Xijaabka dumarka – waa maxay ujeedada loo xidho better”

  1. You really make it seem so easy with your presentation but I find this matter
    to be actually something that I think I would never understand.
    It seems too complex and very broad for me. I’m looking forward for your next post,
    I’ll try to get the hang of it!

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights