fbpx

Ardayga wanaagsan iyo astaamaha uu leeyahay better

Maad tahay arday, maad doonaysaa inaad noqoto arday wanaagsan oo rumeeya hadafkiisa nolosha.

Waxaan kula wadaagayaa sidaad ku noqon lahayd ardayga wanaagsan ee guulaystay.

Ardaynimadu way adag tahay, waxayna kaaga baahan tahay dulqaad. iyo karti badan inaad muujiso.

Ardaygu waa qofka taga goobaha wax lagu barto sida. Dugsiyada. Macadyada. Jaamacadaha. Kooleejyada iwm.

Hadaad tahay arday raba inuu gaadho guul. waxaa muhiima inaad galiso naftaada dadaal iyo tamar badan.

Qaybaha qoraalka

  1. Waa kuma ardayga wanagsan?
  2. Astaamaha ardayga wanaagsan
  3. Tilmaamaha ardayga wanaagsan
  4. Waajibaadka saaran ardayga
  5. Akhlaaqda ardayga wanagsan
  6. Guusha ardayga wanagsan
  7. Sidee wakhtiga loo maareeyaa?
  8. Talooyin anfacaya ardayga

Waa kuma ardayga wanaagsan?

Waxaa jira astaamo badan oo lagu garto inaad tahay arday fiican iyo in kale. waxaana ugu muhiimsan kuwan.

  • Wuxuu ku dadaala waxbarashadiisa.
  • Akhlaaqdiisa ayuu hagaajiyaa.
  • Waalidkiisa ayuu baari u yahay.
  • Wakhtigiisa wuu ka faa’idaystaa.
  • Waa mid allihihiisa ku xidhan.

Waxa ugu mihiimsan ee lagaa rabo hadaad doonayso inaad noqoto arday rumeeya yoolkiisa. waa inaad waqtigaada dayicin.

sidoo kale akhris:

sidee loo gaadhaa guusha nolosha?
su’aalo iyo jawaabo aqoon guud
dhibaatada siigada iyo sida loo joojiyo
talooyin wanaagsan oo dhisaya noloshaada
hooyo macaan u dir fariimahan

Astaamaha ardayga wanagsan

Waxaa jira astaamo lagu garto ardayga fiican, adigu maad leedahay astaamahan.

  • Waa iney kaa go’an tahay inaad guul ka gaadho waxaad baranayso.
  • Waa inaad muujisaa dadaal iyo karti dheeri ah.
  • Ardayga wanagsan waa midka hogaamiya fasalkiisa.
  • Waa inaad ku kalsoonaato naftaada, allana aad talo saarato.
  • Macalinkaada waa inaad waydiiso su’aalo waxtar leh.
  • Inaad waajahdo caqabadaha ku soo wajaha, adigoo xal u keenaya.
  • Macalinkaada, maamulkaada iyo ardayda kalaba waa inaad xushmaysaa.

Hadaad rabto inaad noqoto arday wanaagsan. waa inaad yeelataa astaamaha aan kor ku soo xusnay.

Tilmaamaha ardayga wanagsan

  • Inaad noqoto arday wax u baranaya inuu ka saaro naftiisa mugdiga.
  • Waa inaad noqotaa arday dareensan qiimaha wakhtiga.
  • Waa inaad noqotaa arday qadariya macalimiintiisa.
  • Arday ay noolashiisu ka muuqato aqoonta waa inaad noqotaa.
  • Waa inaad noqotaa arday firfircoon, oo hawlaha ka qayb qaata.
  • Noqo arday dadaal badan, oo waqtigiisa ka faa’ideysta.
  • Waa inaad ka faa’idaystaa talooyinka wanaagsan ee lagu siiyo.
  • Arday alle ku xidhan waa inaad noqotaa.
  • Macalimiintaada la yeelo xidhiidh wanaagsan.
  • Waa inaad u dulqaadataa dhibka waxbarashada.
  • Nadaafada jidhkaada waa inaad ku dadaashaa.
  • Waalidkaada waa inaad baari u noqotaa.

Waajibaadka saaran ardayga

  • Waa inaad wehel ka dhigataa camalada wanaagsan ee alle ku faray.
  • Naftaada waa inaadan barbar dhigin dadka kale.
  • Waa inaad noqotaa qof maarayn kara wakhtigiisa.
  • Waa inaad cadaysaa habkaad ku gaadhi lahayd yoolkaada.
  • Dhaqan waa iney kuu noqotaa inaad xaadirto duruustaada.
  • Macalimiintaada waa inaad qadarisaa.
  • Inaad habeenki seexato waqti fiican ku dadaal.
  • Waa inaad u dulqaadataa culayska waxbarashada.

Waxaa tahay rajada waalidkaada iyo qarankaada. waa inaad noqotaa arday han wayn oo bulshadiisa anfaca mustaqbalka.

sidoo kale akhti:

hadalo wanaagsan oo murti leh
cilmi nafsiga waxa qalbiga qofka ku jira

Akhlaaqda ardayga wanagsan

waa kuma ardayga wanaagsan ee guulaystay
Akhlaaqda ardayga wanagsan

Markaad tahay arday, waa inaad noqoto mid akhlaaq leh. si aad u noqoto arday wanaagsan oo bari hogaamiya ummada.

Ardayga khlaaqda wanaagsan leh, waa inuu yeeshaa tilmaamahan hoose.

  • Shuruucda waa inaad u hogaansantaa.
  • Waa inaad ixtiraamtaa macalimiinta iyo bulshadaba.
  • Tanaasul waa inaad samayn karto mararka qaar.
  • Waa inaad wax cafin karto.
  • Inaad dadka garab siiso.
  • Ka fogow inaad dadka aflagaadeyso.
  • Inaad dadka amaan siiso.
  • Dadka wanaagsan ood la saaxiibto.
  • Qofna been ha ugu hilinin.

Akhlaaqdu waa shay looga baahan yahay inuu yeesho qof kasta. naftaada bar anshaxa ardayga wanagsan looga baahan yahay inuu yeesho.

sidoo akhri:

gobolada soomaaliya maxaad ka taqaanaa?
shuruudaha salaada iyo siday ku ansaxdo
sheekh mustafe sheekha ugu saamaynta badan
erayo dhiiri galin ah oo naftaada dhisaya
sidee loo noqdaa qof furfuran

Guusha ardayga wanagsan

Ardayga guulaystay wuxuu sameeyaa qodobadan hoose. adigana waad samayn kartaa si aad u noqoto arday guulaysta.

1. Qorshee waxaad qabanayso iyo jadwalkaada waxbarashada.

Waa inaad barataa qorshaynta iyo sida mudnaanta loo kala siiyo hawlahaada. Waa inaad is-waydiisaa “waa maxay hadafkaygu”

Hadaad rabto inaad gaadho guul wayn. ood mustaqbalka qayrkaa ku dhaafto waa inaad dhaaftaa.

  • Hurdada badan.
  • ciyaar iyo dheel-dheel.
  • Wakhti lumiska.

Waxaad u baahan tahay inaad ka fikirto sidaad ku gaadhi lahayd. darajada aad naawilayso iyo waxaad qaban lahayd.

Waxaa lagaaga baahan yahay inaad samayso wax akhris badan, qoraal. iyo inaad samayso baadhitaan badan ood ka helayso ilo aqooneed.

Markay kuu cadaadaan hawlaha aad qabanayso, waa inaad kala hor marisaa. ood mudnaanta siisaa kuwa wax-badan ku soo kordhinaya hadafkaada.

Markaad doorato hawlaha aad leedahay, hadaad qabato waad ku guulaysan. iswaydii waxyaabaha dheeraadka ah eed u baahan tahay sida.

  • Buugaag.
  • Internet-ka.
  • Lacag.
  • Qalab.
  • Saaxiibo kula dadaalo.
  • Macalinkaada.
  • Iyo cida wax ku tari karta.

Dhamaan waxkasta oo kaa caawin kara inaad gaadho yoolkaada. iyo qorshayaashaada, waa muhiim iney kuu cad yihiin. Qorshe wanaagsan oo lagu dadaalo ayaa lagu gaadhaa nolol wanaagsan.

2. Akhri oo ku dadaal duruustaada

Waxaa xaqiiqo ah in aqoontu ka dhalato, ku kobocdo. kuna adkaato wax akhriska badan ee fahamku weheliyo.

Hadaad tahay arday mustaqbalkiisa dan ka leh, oo dadaalaya. waxaa wajiib kugu ah inaad wakhti badan u hurto wax akhriska.

Laakin aan kula wadaago hanaan kaa caawin kara inuu wanaagsanaado wax akhriskaada. waana sidan.

A. Eegmo guud. Marka hore si guud waa inaad u indho-indhaysaa waxaad akhrinayso.

B. Su’aalo. Waxaad akhrinayso waa inaad ka dhigtaa qaab su’aaleed. sida muxuu macalinka cutubkan iga waydiin karaa?

C. Akhri. Hada waa inaad akhrisaa, adigoo su’aalahaadi jawaabahoodi si fiican u dhuganaya.

D. Dib u dhihid. Waxaad skhrisay waa inaad iska-waydiisaa su’aalo, ama aad soo koobtaa. calaamadi meelaha muhiimka ah.

sidoo kale akhri:

saaxiibka wanaagsan maxaa lagu gartaa

E. Muraajacee. Si aad si fiican ugu sii fahanto waxaad akhrisay, waa inaad muraajacaysaa marar kale.

Haduu hanaankan kaa caawin waayo wax akhriskaada. waxaad baadhaa hanaan kale oo kaa caawin kara akhriskaada.

3. Si joogto ah u soo xaadir fasalkaada

Waxaad fursad u helaysaa ineyna waxba ku dhaafin. waxaadna ka faa’ideysan macalinka wanaagsan iyo midkaan wanaagsanaynba.

Faa’idada ugu yar eed ka heli karto waxay noqon kartaa. inaad macalinkaada ka maqasho fikrad aan ku qornayn buugaagta oo ku caawin karta.

Waana caado wanaagsan inaad fasalada soo xaadirto. waayo waxaa kuu fududaanaysa mustaqbalka inaad si joogto ah u xaadirto. goobtaada shaqada iyo inaad gudato waajibaadkaada.

4. Ka shaqee wixii laguu diro

Waxbarashadu maaha intuu macalinka kuu sheego oo kaliya. qaybta ugu muhiimsan waa inaad adiga qabataa.

Taasna waxaa kaw ka ah, inaad ka shaqayso laylisyada fasalka dhaxdiisa ah. iyo kuwa guriga laguugu diro.

5. Ku dhaqan asluubta wanaagsan

Aqoon bilaa akhlaaq ah, bilaa aadaaba h, waxay kaa dhigaysaa sida dameer la saaray mala boo kale.

Aqoontu waa iney kuu kordhisaa akhlaaq iyo haybad iyo hanaan noolaleed oo wanaagsan.

Waa inaad ka dheeraataa xumaanta, liidnaanta iyo beenta. si aad u noqoto qof ay ku daydaan ardayda kale.

6. Wakhtigaada maaree

Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee alle SW ku siiyay, wakhtigu waa noloshaada. Cimrigaadu wuu xadidan yahay.

Hadaba inta yar eed noshahay waa inaad ka faa’ideysataa ood ku camirtaa wax wanaagsan oo ku anfacaya.

Sidee wakhtiga loo maareeyaa?

sifooyinka lagu garto ardayga wanaagsan
sidee waqtigaada uga faa’idaysan kartaa?

Waa kuwan talaabooyin kooban oo kaa caawinaya inaad si wanaagsan u maareyso waqtigaada.

  • Samayso hadafyo aad rabto inaad gaadho.
  • U kala hormari yoolashaada sidey u kala mudan yihiin.
  • Qiimee sidaad wakhtigaada u isticmaasho hada.
  • Samayso jadwal aad ku maamusho wakhtigaada.
  • Markasta dib u eegis ku same wakhtigaada.

Waxaa muhiima inaad iska ilaaliso waxyaabaha wakhtigaada luminaya, hawl kasta qabo wakhtigeeda.

Iska dhaaf waxyaabaha ugu badan ee dhalinta maanta wakhtiga ka lumiya sida.

  • Ciyaaraha.
  • Daawashada filimaanta.
  • Fadhiisiga maqaxiyaha.
  • Sheekada telefoonka.
  • Saaxiibada xun.

Waxan oo dhan waa waxyaabaha ugu badan ee waqtiga kaa luminaya. waxaana aabo u ah waxyaabahan inaad ku qanacdi, han yari iyo hadaf la’aanta.

sidoo kale akhriso

sida ugu fiican maaraynta waqtiga
bisha ramadaan iyo faaiidooyinkeeda
sidee loo dhimaa miisaanka?
calaamdaha gaaska lagu garto
waa maxay kalsooni?

Talooyin anfacaya ardayga

  • Ardayow macalinkaada ixtiraam oo si fiican u adeec.
  • Noqo arday ku hubaysan akhlaaqda wanaagsan.
  • Dhagaysigaada haka bato hadalkaada.
  • Dadaalka aad wado ka midho dhali.
  • Xasuusnow waalidkaada inaad guulaysato ayey rabaan.
  • Noqo arday ku xidhan rabigiisa.

sidoo kale akhriso:

erayo kaftan iyo qosol ah
sheeko qosol badan

Gaba-gabo

Ardayga wanagsan waa midka qorshaysta noloshiisa, ee yeesha han. iyo hiigsi uu ku gaadho wuxuu rabo.

Adigana hadaad rabto inaad noqoto arday wanaagsan. waa inaad yeelataa astaamaha uu leeyahay ardayga guulaystay.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

Dhamaad.

6 thoughts on “Ardayga wanaagsan iyo astaamaha uu leeyahay better”

  1. Waa qormo wanaagsan oo xiiso badan. Runtinaa ayaan ugu xidhanahay bartaada
    Waad kunmahadsan tahay dadaalkaada

  2. obviously like your website but you need to test the spelling on quite a few of your posts Several of them are rife with spelling problems and I to find it very troublesome to inform the reality on the other hand Ill certainly come back again

  3. My brother suggested I might like this blog He was totally right This post actually made my day You can not imagine simply how much time I had spent for this info Thanks

  4. I do trust all the ideas youve presented in your post They are really convincing and will definitely work Nonetheless the posts are too short for newbies May just you please lengthen them a bit from next time Thank you for the post

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights