fbpx

Bisha ramadaan – faa’iidooyinka soonka better

Bisha soonka waxay leedahay fadli aad u badan. waana fursad sanadki hal mar soo marta dadka muslimiinta ah.

Diinteena islaamka bisha ramadaan aad ayey u karaamaysay. waxayna ku jirtaa boos aad u wayn.

Qodobada maqaalka

  1. Waa maxay soon?
  2. Waa maxay tiirasha soonka?
  3. Shuruudaha soonka
  4. Maxaa buriya soonka?
  5. Waa maxay fadliga soonka?
  6. Sunooyinka soonka
  7. Faa’iidooyinka caafimaad ee soonka?
  8. Astaamaha bisha ramadan ay leedahay
  9. Talooyin ku saabsan bisha ramadan
  10. Is xisaabi intaana lagu xisaabinin
  11. Dhacdooyinki bisha ramadan
  12. Bisha Ramadan maxay kaga duwan tahay bilaha kale?
  13. Sideen looga faa’idaystaa soonka?
  14. Waxyaabaha kobciya iimaanka qofka
  15. Imasa ka hadhay ramadan

sidoo kale akhriso

waa maxay shuruudaha salaada lagu aqbalo
sheekh mustafe waa sheekha ugu saamaynta badan
su’aalo iyo jawaabo aqoon diini iyo maadi ah
maaraynta waqtiga sida ugu fiican ee loo maareeyo

Waa maxay soon?

Soonku luuqad ahaa waa af-haysasho, oo macnaheedu tahay in layska daayo Xanta. Cunista. Iyo cabista.

Intaas ayaa lagu magacaabaa soonka dhanka luuqada.

Dhanka sharciga soonku waa in layska dhaafo, waxyaabaha qofka afuriya sida.

  • Cunista.
  • Cabista.
  • Galmada.
  • Beenta.
  • Xanta.
  • Ceyda.
  • Dadka oo laysku diro.

Soonku waa cibaado, wuxuuna yahay tiirka afraad ee tiirasha islaamka. Wuxuuna alle ku waajibiyay dadka muslimiinta ah. iney soomaan bisha ramadan, sanadki hal mar.

Table of Contents

Waa maxay tiirasha soonka bisha ramadaan?

Soonku wuxuu leeyahay 3 tiir, oo mid kamid ah hadii la-waayo, wuu burayaa soonka. Waxayna kala yihiin.

  • In laga fogaado, wax kasta oo buriya soonka.
  • Inaad niyaysato soonka.
  • In la helo qofki lagu waajibiyay.

Tiirashan mid kamida hadii la-waayo, soonka wuu burayaa.

Shuruudaha soonka

waa maxay soon bisha ramadaan?
waa bisha shaydaanka la xidho

Soonku wuxuu leeyahay shuruudo uu ku ansaxo, hadii la waayana ma ansaxayo. Waxayna yihiin shuruudahan.

  • Waa inaad tahay qof muslim ah.
  • Qan-gaadh waa inaad tahay.
  • Qof caqli leh waa inaad tahay.
  • Waa inaadan ahayn qof musaafur ah.
  • Hadaad gabadh tahay, waa inaad daahir ka tahay caadada.

Maxaa buriya soonka?

Soonka waxaa buriya waxyaabo badan, oo lagu soo koobi karin halkan. waxyaabaha ugu waawayn waxaa kamid ah.

  • Qofka oo diinta ka baxa.
  • Inaad qarawdo ama aad samayso galmo.
  • Hunqaaco kas layskaga keeno.
  • Sigaar cabista.
  • Inaad si kas ah wax u cunto ama u cabto.
  • Inuu imaado dhiiga dhalmada ama xaydka.
  • Qofka oo waasho.
  • Inaad suuxdo.

sidoo kale akhri:

qiso cajiib ah qisooin cusub
halxiraale iyo jawaabo cusub

Waa maxay fadliga bisha ramadaan?

Soonku wuxuu leeyahay fadli wayn, oo hadaad soonto aad helayso, waxaana kamid ah.

  • Dambigaada hore oo uu alle kuu dhaafayo.
  • Ducadaada oo la aqbalo.
  • Inuu aakharo kuu shafeeco qaado.
  • Wuxuu caafimaad u yahay jidhkaada.
  • Waxaad ka helaysaa awood badan.
  • Naarta ayaad uga gaashaaman.

Sunooyinka soonka

Waxaa jira waxyaabo suno ah ood ka helayso ajar badan hadaad samayso, waxaana kamid ah.

  • Afurka oo la dadajiyo.
  • Inaad saxuurato.
  • Xilli dambe inaad saxuurato.
  • Qaraabada ood xidhiidhiso.
  • Sadaqada inaad badiso.
  • Masaajidka inaad ku ictikaafto.
  • Akhrinta quraanka ood badiso

Inaad samayso acmaashan, waxay kaa caawinayaan. inaad hesho ajar badan, iyo inuu hagaago soonkaada.

Faa’iidooyinka caafimaad ee soonka?

Faa’idooyinka laga helo soonka way badan yihiin waxaa kamid ah.

  • Wuxuu ka hor tagaa cudurada kansarka.
  • Awoodaada jirka ayuu kordhinayaa.
  • Wuxuu ilaaliyaa maqaarka jirka.
  • Wuxuu ka hortagaa cudurada macaanka.
  • Cudurada ku dhaca lafaha ayuu dawo u yahay.
  • Wuxuu yareeyaa dufanta tirada badan ee jirka.
  • Waxaa burbura fayraska ku jira jirkaada.
  • Hab dhiska difaaca jidhka oo hagaaga.
  • Waxaa hagaagaya wareega dhiigaada.
  • Waxaa kordha dareenka dareemayaasha shanta ah.

soonka wuxuu daawo u yahay cuduro badan, oo jidhka qofka daciifiya.

sidoo kale akhri:

talooyin wanaagsan oo dhisaya noloshaada.
guusha nolosha wadada loo maro
gobolada soomaaliya maxaad ka taqaanaa?
hadal murti leh oo gaaban

Astaamaha bisha ramadaan ay leedahay

Bisha ramadan waxay leedahay astaamo badan oo lagu yaqaano, waxaana kamid ah astaamahaas.

  • Waxaa la soo dajiyay bisha ramadaan quraanka.
  • Waxaa la furaa labaabada janada.
  • Albaabada naxariista ayaa la furaa.
  • Albaababa naarta ayaa la xidhaa.
  • Shayaadiinta ayaa la xidhaa.
  • Dad ayuu alle naarta ka xoreeyaa habeen kasta.
  • Bisha ramadaan waxaa ku jira, habeen ka khayr badan kun bilood.

Haday bisha ramadan kuu bilatay adigoo caafimaad qaba, ka faa’idayso. Waxaad kamid noqon kuwa liibaanay aakhiro iyo aduunba.

Yaa afuri kara bisha ramadaan?

bisha ramadan axkaamteeda.
yaa afuri kara bisha soonka

Diinteena dadka qaar, waxay u fasaxday iney afuraan, ayadoo bisha ramadan lagu jir. Waxayna kala yihiin dadkaas.

  • Qofka ku jira safarka.
  • Hadaad xanuunsan tahay.
  • Qofka ku dhibaatoonaya soonka.

Talooyin ku saabsan bisha ramadaan

Ugu horreyn hadaad caafimaad qabto, gurigaadana aad joogto. waa inaad samaysaa dadaal ka badan, midki aad samaysan sanadki hore.

Waa kuwan talooyinka aan ku siinayno ee bisha ramadan.

  • Isku-day inaad yarayso waxyaabaha maaweelada ah ee qofka mashquuuliya. Sida
    • waxyaabaha la-dhagaysto.
    • Kuwa la daawado.
    • Iyo gamamka.
  • Hadaad karto, isku-day inaad xifdiso qayb kamida quraanka.
  • Wax ka baro ducooyinak uu nabigeena SCW ku ducaysan jiray.
  • Noqo qof firfircoon oo bulshada caawiya, gaar ahaan qoyskaada.
  • Ha badsanin xiliga afurka raashinka aad cunayso.

Waxaan rajaynayaa inaan noqono kuwa ka faa’idaysta bisha barakaysan ee soonka.

Is xisaabi intaana lagu xisaabinin

Intaada seexanin ka hor is-waydii su’aalahan, si aad u ogaato waxa kuu qabsoomay.

  • Maad tukatay salaadihi lagugu lahaa? Jamaaco maad ku tukatay.
  • Maad tukatay sunnooyinki rawaatibta ahaa?
  • Quraan maad akhrisatay? Imisa jus ayaad akhrisay?
  • Maad akhrisatay adkaarti subaxa iyo galabta?
  • Ruux sooman maad afurisay?
  • Taraawiixda maad tukatay?
  • Maanta wax maad sadaqaysatay?
  • Afurki maad dadajisay?
  • Saxuurti dib maad u dhigtay?
  • Maad ku afurty timir? Hadaad waydo dhib maleh.
  • Alle SW dambi dhaaf maad waydiisatay.
  • Maad ducaysatay?
  • Maad u ducaysay walaalaha muslimiinta ah ee dhiban?
  • Maad joogtaysay dhaqanka iyo akhlaaqda islaamka ee suuban?

Dhamaan su’aalahan waa inaad is-waydiisaa intaadan seexanin ka hor. si aad uga faa’ideysato soonkaada.

Dhacdooyinki bisha ramadan

dhacdooyinka bish ramadaan
waa bisha dambiyada la dhaafo

Waxaan kula wadaagaynaa qaybo kamida taariikhihi iyo dhacdooyinki waawaynaa ee bishaan dhacay.

  • Bishi ugu horeysay ee nabiga loo waxyooday, waxay ahayd ramadaan.
  • Hooyo khadiija RC, waxay geeriyootay bil ramadaan.
  • Waa bishi ugu la-jideeyay aadaanka.
  • Bishan dhaxdeeda waxaa la sharciyeeya salaada ciida.
  • Bishi la furtay magaalada barakaysan ee maka, waxay ahayd ramadaan.
  • Faaduma bintu rasuul SC, waxay geeriyootay bil ramadaan.
  • Cali binu abii daalib RC, wuxuu shahiiday bil ramadaan dhaxdeeda.
  • Waxaa bisha ramadaan dhaxdeeda geeriyooday, hooyadii muminiinta caa;isha RC.
  • Ciidamada muslimiinta bishi ay furteen andalus, waxay ahayd ramadaan.
  • Xajaaj binu yuusuf wuxuu geeriyooday bil ramadaan dhaxdeeda.
  • Suldaan saalimki 1-aad ee cusmaaniyiinta, ayaa furtay dalka hungury.

Intan waa qaybo kamida dhacdooyinki ugu waawaynaa ee dhacay bil ramadaan dhaxdeeda.

sidoo kale akhri:

oraahyo cajiib ah oo xikmad leh
xikmado cajiib ah oo gaaban

Bisha Ramadan maxay kaga duwan tahay bilaha kale?

Bishan waxay kaga duwan tahay bilaha kale, waxyaabo badan, waxaana kamid ah.

  • Waa bisha kaliyaa ee ay waajib tahay in lawada soomo.
  • Waxaa soo dagay bishan, quraanka kariimka.
  • Habeen ka khayr badan 100 bil ayaa kujira.
  • Waa bisha kaliya ee la tukado salaada taraawiixda.

Intan waa qaybo kamida waxyaabaha ay bishan gaarka kala tahay bilaha kale.

Sideen looga faa’idaystaa soonka?

Waa Qodobo Ka Caawinaya Inaad Si fiican Uga Faa’idaysato Bisha barakaysan ee Ramadan

  • Akhri 4 bog oo kamida quraanka.
  • Salaadaha waajibka ah ku tuko masaajidka.
  • Ku bilow afurkaada biyo, timir iyo wax fudud.
  • Ducayso oo alle dambi dhaaf waydiiso.
  • Wanaaji niyadaada, carabkaadana bar xuska alle.
  • Laabo indhahaad oo haku eegin wax macsi ah.
  • Iska-dhaaf beenta oo carabkaada ka adkow.
  • Iska ilaali kibirka, xasadnimada, nacaybka iyo xanaaqa badan.
  • Xiriiri qaraabadaada oo booqo bukaanada.
  • Dariskaada xaqooda dhar, oo xaaladooda ka war-hay.
  • Asxaabta xun iskaga hadh.
  • Iska cafi cid kasta ood wax ka tabanayso.
  • Alle dartii iskaga dhaaf dhamaan balwadaha xun.
  • Kula dhaqan dadka dhaqan iyo dabeecad wanaagsan/
  • Sadaqo maalinle ah la-bax.

Ogow hadalka wanaagsan waa sadaqo, inaad qodax wadada ka qaado waa sadaqo. Maalin aadan qabanin wax wanaagsan yeyna ku dhaafin.

sidoo kale akhri:

sidee loo noqdaa qof furfuran
cilmi nafsiga waxa qofka qalbigiisa ku jira
astaamaha saaxiibka wanaagsan
hadafka nolosha baro sirta guusha nolosha

Waxyaabaha kobciya iimaanka qofka

waxyaabah kobciya iimaanka
sideed u kobcin kartaa iimaankaada bisha soonka

Waa kuwan 10 waxyaabood ood ku kobcin karto iimaankaada markuu daciifo.

  • Tawbad keenka.
  • Salaada.
  • Akhrinta quraanka.
  • Xuska alle ood badiso.
  • Inaad alle talo saarato.
  • Ducada ood badiso.
  • Cilmiga diinta ood barato.
  • Soonka sunda ah, ood soonto.
  • Inaad xasuusnaato aakhiradaada.
  • Samaynta camal wanaagsan.

Inaad samayso acmaashan, waxay kaa caawinayaan inuu kobco iimaankaada. akhriso fadliga bisha soonka.

Gaba-gabo

Bisha Ramadan waa bil khayr badan, waana bil aad ugu wayn dadkeena muslimiinta ah.

Wuxuuna alle bishan naarta ka xoreeyaa dad badan. alle hanagu daro kuwa naarta laga xoreeyay.

Waxaan kugula talin lahaa inaad ka faa’idaysato. waayo lama hubo inaad helayso fursadan oo kale.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

Dhamaad.

Imasa ka hadhay ramadan

Soonka 2024 wuxuu bilaabanayaa 10-04-2024

3 thoughts on “Bisha ramadaan – faa’iidooyinka soonka better”

  1. Fantastic beat I would like to apprentice while you amend your web site how could i subscribe for a blog site The account helped me a acceptable deal I had been a little bit acquainted of this your broadcast offered bright clear concept

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights