Dhamaanteen waan ku-riyoonaa inaan helno jacayl dhaba, daacada oo adag.
Waxaan rabnaa dhamaanteen, in nala-qadariyo, nala-qiimeeyo, oo waliba dareeno ammaan, xilliga xidhiidhka. hadaba waa kuwan astaamaha ninka daacada ah.
Waxaan danaynaa inaan ogaano, qofka aan noolasha la-qaybsanayno, inuu yahay, mid markasta na-garab-istaaga. Hadal kaliya maaha, ee ficilna nagu tusa.
Waxaan jecel-nahay inaan ogaano, dareenkooda iyo ujeedadooda xidhiidhka. Waxaa ka-sii muhiimsan, waa inaan ogaanaa iney daacad yihiin.
Laakin maxay ka dhigan-tahay, in ninkaad sheekaysataan, uu noqdo daacad.
Ninka daacada ah, maaha midka ku dhaha waan ku-jeclahay, ama kuu gada ubax. Daacadnimadu intaas way ka-ballaadhan tahay.
Waayo Ninka daacada ah, waa midka garabkaada istaaga waxkastoo dhaca. Waa mid ku qadariya, ku qiima, oo mustaqbalna kaa leh.
Wuxuu kula-qaybsada farxada, markaad dabaal-dagayso. Waa midka gacanta ku-qabta, markay xaaladu xun-tahay.
7 sifo oo lagu-garto, ninka daacada ah.
1- Waad isku-hubtaa
Mid kamida astaamaha ugu muhiimsan. ee ninka daacada uu leeyahay, waa inuu yahay midaad isku-hubto.
Taas macnaheedu waxaa weeyo, waa nin u taagan noolashaada, waxkastoo dhaca.
Uma baahnid inaad qiyaasto ama aad ka-fikirto ujeedadiisa xidhiidhka. Waa qof dareenkiisa iyo wuxuu doonayo uu cad yahay.
Ficilkiisa iyo shaqadiisa ayaad ka-dareemaysaa, inuu yahay ninaad isku-hallayn karto. Markasta waa garabkaada.
Wakhti ayuu kula-qaataa, ag-joogaadan wuu xiiseeyaa.
Mudnaan gaara ayuu ku-siiyaa, xataa markuu mashquulsan yahay, kuuma waayo wakhti. Isku-hallaynta laguu sheegayo waa midaas.
Markaad sheekaysanaysaan, hadalkaada wuu xiiseeyaa. Waxaad arki asagoo ku-waydiinaya xaaladaada, dareenkaada iyo maalintaada siday ahayd.
Wuxuu daneeyaa oo xiiseeyaa, inuu si-wanaagsan kuu fahmo.
Sifooyinkan waxay ku-tusayaan, inuu yahay nin daacada. oo markasta u taagan xidhiidhkiina inuu noqdo mid guulaysta.
Siiba xilliyada adag, garab ayuu kuu noqdaa. Kuumana ogolaanayo, inaad kaligaa wajahdo duruufaha adag ee noolasha.
sidoo kale akhri:- astaamaha lagu garto gabadha daacadaa
2- Kaama qarsado alaabtiisa
Daah-furnaantu waa astaan kaloo ku-tusaysa daacadnimada. Waxaana kamida waxkasta, sida alaabihiisa.
Aan qeexno bal qodobkan. Inaad ixtiraamto waxyaabaha gaarka ee qofka, waa muhiim xilliga xidhiidhka. Laakin ninka daacada ah, waxba kaama qarsado. Sababtoo ah, wuxuu qariyaba ma-jiraan.
Telefoonkiisa u ilaali, laakin sidaas oy-tahay. Hadana kaama-qarsado markuu massage usoo-dhaco. Ama ma-masaxo wuxuu google-ka ka-baadhayay, markaad u imaato.
Agtaada wax cidhiidhiya kuma-dareemo. Waxaad arki, asagoo baraha bulshada ku-jira, wax qoraya ama akhrinaya. Ma-arkaysid markaad u imaato, asagoo xidhaya shaashada mobilekiisa, am aka-baxaya appki uu ku-jiray.
Markuu waxyaabo noocan ah, agtaada ku-samaynayo, wuu dagan yahay.
3- Mustaqbal ayuu kaa rabaa
Ninka daacad ah, waa midka kaa-leh mustaqbalka
Inuu ku guursado kaliya kaama-rabo, ee wuxuu rabaa inuu wakhtigiisa oo dhan kula-qaato. Ood gaadhan hormar.
Riyadiisa ayuu kula-wadaagaa. iyo waxyaabaha uu doonayo inuu helo mustaqbalka, ood adigu kamid tahay.
Maaha inuu qaab sarbeeba kuugu sheego. ee si-cad ayuu kuugu sheegaya ninka daacada, yoolashiisa.
Waxaad arki, asagoo ka-hadlayo siduu u hagaajin lahaa mustaqbalkiisa. Waxaa kamida, sida inuu qorshe u sameeyo dhaqaalihi aad ku-dhisi-lahaydeen mustaqbalkiina.
4- Waa mid dareen ahaan kuula-jooga
Inaad qofka dareen-ahaan ula-joogto, way ka-duwan tahay inaad u muujiso dareen-jacayl.
Ee ninka daacada ah, ee dareen-ahaanta kuula-joogo. Waa midka doonayo inuu kula-wadaago farxadaada, kuu damqada xilliga adag. Iyo inuu noqdo mid ku-caawiyo xilli-kasta iyo xaalad-kastaba.
u-fiirso siduu u-dhaqmo, markaad ku-jirto xaalad-adag. Garabkaada muu taagan yahay? Muu ku caawiyaa?
Ninka daacada ah, waa ninka garanaya dareenkaada. Kaa-caawiyo waxaad ku-liidato. Ilaaliyana dareenkaada.
5- Waxbuu kuu huraa
Inuu wax kuu-huro macnaheedu maaha, inuu naftiisa kuu-waayo ama kuu dhinto. Ee waa inuu kuu tanaasuli karo, asagoo ilaalinaya baahidaada iyo farxadaada.
Kaba-soo-qaad, asagu ma-xiiseeyo jalaatada, adiguse waad jeceshahay. Hadaba intuu soo-gado ayuu kula-cunay.
Waxaa laga-yaabaa, inuuna xiisaynaynin dhadhankeeda, laakin maadaama adigu aad ku-faraxsan tahay, dartaa uu u-cunayo.
Waxaa laga yaabaa, inuu baajiyo hawlihiisa, si uu adiga wakhti kuula-qaato. Inuu wakhtigiisa kuu-huro, waa calaamad dabiiciya oo muujinaysa jacaylkiisa iyo daacadnimadiisa.
6- Shaqsiyadaada ayuu qiimeeyaa
Sida dhabtaa ninka daacada ah, wuxuu ixtiraamaa shaqsiyadaada
u-fiirso sida uu kuula-dhaqmayo
- miyuu kuu naxariistaaa oo ku tix-galiyaa?
- Fikirkaada muu dhagaystaa?
- Dareenkaadda miyuu ilaaliyaa?
Ninka daacada ah, wuxuu garanayaa, inaad tahay qof madax-banaan oo leh baahiyo gaara. Dareen iyo aragti gooniya.
Intuu isku-dayi lahaa inuu ku-badalo, wuxuu kugu ixtiraamaa shaqsiyadaada. Waxaad arki asagoo kugu taageeraya, waxaad xiisaysi. Xataa haday ka-soo hor-jeedo xiisihiisa.
Ka yara-fikir waxyaabahaad isku-khilaaftaan. Sidee buu u xalliyaa?
Ninka daacada ah, marnaba naftiisa uma eexanayo. Taas badalkeeda wuxuu ixtiraami aragtidaada, xataa haday khilaafsan tahay danahiisa.
Waxaad arki asagoo xal mideeya, u raadinaya aragtida labadiinaba.
Intaas waxaa-dheer, wuxuu ilaaliya xuduudahaada. Waayo wuxuu og-yahay in waxkasta leeyihiin xad. Kugumana qasbayo midiisa.
Hadaad dhahdo waxan kuma-qanacsani, wuu kaa-dayn. Kuguma qasbayo waxaadan diyaar u ahayn.
7- Wuu qadariyaa dadkaad jeceshahay
Wuu garanayaa ninka daacada ah, dadkaad jeceshahay iney muhiim kuu yihiin. Wuxuuna ku-dadaalaa inuu la-yeesho xidhiidh wanaagsan.
Taas macnaheedu maaha, inuu doonayo inuu la-saaxiibo asxaabtaada ama ehelkaada. Ee waa qadarin iyo ixtiraam uu u-muujinayo ayaga.
Ninka daacada ah, wuu garanayaa iney dadkan qayb ka-yihiin noolashaada. Wuuna ilaaliyaa doorkay ku leeyihiin noolashaada.
Mida ugu muhiimsan, waa inuu kugu-qasbin, inaad kala-doorato asaga iyo iyaga.
Taas badalkeeda wuxuu kugu dhiiri-galiyaa, inaad ilaaliso xidhiidhkooda. Sababtoo ah wuxuu garanayaa, iney ka qayb-qaataan farxadaada.
QODOB DHEERIYA
1- Waa dhiiri-galiayahaad koowaad
Guushaadu waa guushiisa, waa sida uu u-fikiro ninka daacada ah.
Markaad guulaysato, waa garabkaada, wuuna kuu sacabeeyaa. Wuu ku-faanaa guushaada.
Dib u-milicso marki ugu-dambaysay eed gaadho guul. Ama aad xaqiijisay wax muhiim kuu ahaa.
- Miyuu kula-dabaal-dagay?
- Dadaalkaada badan, miyuu qiray?
Waa inuu ku dhiiri-galiyaa, markaad u halgamayso xaqiijinta hadafkaada, oo uu kugu booriyaa. Wuu kugu kalson yahay, wuuna ku caawiyaa markaad u baahato garabkiisa.
Laakin dhiiri-galintu, kuma koobna guulaha waawayn oo kaliya, waxaa ku-jira xataa kuwa yaryarkaa.
Sideed u tijaabin kartaa, inuu ninka daacad kuu-yahay?
Hagaag, inkastoon kugula-talinaynin inaad imtixaanto lamaanahaada, inuu daacad kuu yahay iyo in-kale. Adigoo khayaamaynaya.
Waxaad daacadnimadiisa ka-qiimayn kartaa hadalkiisa iyo ficilkiisa.
U-fiirso siduu kuu ixtiraamo, inuu kuu tanaasulo iyo ballan-qaadyadiisa.
- Miyuu ilaaliya ballanta
- Mudnaan gaara muu-siiyaa xidhiidhkiina
Dareen ahaan iyo ficil ahaanba, miyuu ku taageeraa?
Dhamaan waxyaabahan, waa sifooyin kuu muujinaya, inuu daacad yahay.
Sidoo kale u-fiirso, siduu u dhaqmo markaad ka-maqan tahay.
- Qiimaha xidhiidhkiina miyuu ilaaliyaa
- Aamin miyaa maraad la-joogin?
Daacadnimadu maaha aaminaad oo kaliya, sidoo kale waa in lays-caawiyo. Ood qadariso lamaanahaada dareenkiisa. Iyo inaad ilaaliso sharafta xidhiidhkiina, marxalad-kasta.
Sidee buu u muuqdaa ninka daacada ah?
Ninka daacada ah, waa midkaad isku-hallayn karto, aamini karto, oo wehel kuu ah.
Waa qofka garabka kuu noqda, xaalada wanaagsan iyo mida xunba. Waa nin gadariya shaqsiyadaada, oo ilaaliya xidhiidhka.
Wuxuu daneeyaa, inuu ku-fahmo, wuuna xiiseeyaa dadkaada iyo adigaba. Dabcan maaha nin wakhtiga isku kaa-dhaafinaya, ee wuxuu kaa-leeyahay mustaqbal. Waa sida ninka daacada ah, u-muuqdo.
Sideed ku ogaan kartaa inuu daacad kuu yahay ninka?
Qaabka aad ku ogaan karto, inuu ninka daacad kuu yahay waxaa weeyo. Wuxuu dhaho ayuu sameeyaa.
Miyuu ku dadaalaa inuu wakhtiga kula-qaato. Xilaad faraxsan tahay oo kaliya maaha, sidoo kale xilliga adag.
Miyuu daneeyaa riyadaada? Muu kaa-caawiyaa yoolkaada? Miyaad ku-jirtaa qorshihiisa mustaqbalka?
Haduuna ka-baqaynin, inuu xidhiidhkiina wax u-horo. Inuu dadkaada qadariyo, iyo inuu guushada u arko sida midiisa oo kale. Waa calaamado wanaagsan oo ku-tusaya, in laysku-hallayn-karo.
Gaba-gabo
Daacadnimu maaha wax la-muujiyo xilliyada gaar, ee waa wax laga-arko ficiladeena maalin-laha ah. Ee muujinaya ixtiraamka, jacaylka iyo balanteena.
Waa inuu garabkaada ahaado, markastana aad isku-hallayn-karto. Waa inuu kaala-tashado aragtidiisa iyo dareenkiisa. Sidoo kale waa inuu dhagaysto fikirkaada.
M.a