Markay gabadha, magacaada ku cel-celiso marar badan, markay hadlayso. Badanaa waa tilmaan sheegaysa, iney kuu hayso dareen gooniya.
Waxay noqon kartaa iney ku xiisaynayso gabadha, ku ixtiraamayso. ama wax ka-duwan intaasba ayey noqon kastaa.
Waa arrin muhiima, oo u baahan inaad ka-fiirsato.
Waxaan kula-wadaagayaa, 8 arrimood oo keenaya, iney gabadha magacaada ku cel-celiso in-badan. iyo sida loo-macnaysto
1- Way ku baraarujinaysaa
Sababta ugu horreysa, waxay noqon kartaa arrin iska-caadiya. Sida hadey rabto iney soo-jeediso dareenkaada.
Tusaale ahaan, adigoo wax ka-fikiraya, haduu qof magacaada kuugu yeedho, waad soo-jeedsan. Sax?
Sababtoo ah, maskaxdeena waxaa ku borograamsan, iney u jawaabto qofki kuugu yeedha magacaada. Waana hab fudub ood qofka ku baraarujin karto dareenkiisa.
Hada kaba-soo-qaad, waxaad la-sheekaysanayaa gabadh, laga yabaa inaad leexiso wajigaada. Sida inaad fiiriso meel kale, ama aad ku foorarsato mobilekaada.
Markan oo kale, waxay isticmaali magacaada, si-ay kuugu soo-celiso jawigi hore.
Kuma soo-jeedinaysa’un, ee waxay kuu sheegaysaa inaad noqoto. qof ayada la-joogo oo xaadira.
Hadaba markaad aragto, ayadoo kuugu wacayso magacaada marar-badan. isku-day inaad siiyo mudnaanta ay kaa doonayso.
sidoo kale:- astaamaha lagu garto ninka daacada ah.
2- Waxay rabtaa iney kula-samayso xidhiidh
Sababta labaad, waxay noqon kartaa iney rabto, iney kula yeelato xidhiidh. Wuxuu noqon karaa xidhiidhku mid saxiibtinimo iwm.
Waxa ugu macaan ee qofku maqlo, waa magaciisa. Waana hab ay kugu-tusayso, inay ku qadariso, ooy qiimayso shaqsiyadaad.
Markay magacaada ku cel-celiso in-badan, waxay rabtaa iney kula yeelato xidhiidh adag. Laga yaabo iney xiisaynayso ag-joogaada iyo sheekooyinkaada.
Waa hab awood badan ooy kugula-samaynayso xidhiidh dhaw.
3- Way kaa heshay
Iney gabadha, marar badan ku cel-celiso magacaada, markaad isla-joogtaan. Waxaa weeyo calaamad soo-jiidasho leh.
Waxaa laga-yaabaa, markay magacaada ugu cel-celinayso. iney si aan toos ahayn kuugu muujinayso dareenkeeda.
Bal ka-fikir, markuu qof ku soo-jiito, waxaad si-joogta ah uga fikir qofkaas. Magaciisa ayaana ku soo noq-noqonaya maskaxdaada. Kadibna si fudud ayuu afkaada uga soo-bixi.
Maahmaah soomaaliyee ayaa ahayd, waxa uurkaada ku-jira ayuu afkaada xadaa.
Hadaba hadey magacaada ku cel-celiso marar badan, waxaa macquula iney dareen kuu hayso.
Laakin waxaad ogaataa. inkastoo tahay arrintan calaamad wanaagsan, hadana waxaa mihiima inaadan ku dagdagin.
Ka-fiirso intaadan go’aansanin, inaad la-hadasho.
4- Waa arrin caado ah
Waxay noqon kartaa caado u gooniya. Dadka qaar ayaa dhaqan uleh, iney magaca qofka ku cel-celiyaan, markay sheekaysanayaan.
Waxay aaminsan yihiin, iney keenayso is-fahan iyo iney qofkaas, si wanaagsan isku-bartaan.
Laga yaabaa iney leedahay dhaqankan oo kale. Laga yabaa iney ku cel-celiso magaca qof-kasta, oo magacaada oo kaliya ahayn. Waana qaabka ay ula-dhaqanto dadka.
Dabeecad ayey ka-tahay iney magaca qofka ku cel-celiso.
Hadaba markaad aragto, iney magacaada ku cel-celinaso marar badan. fiiri siday dadka kale ula-dhaqanto.
Haday magacooda ugu yeedho marar-badan sidaada oo kale. waxay noqon kartaa habka ay dadka ula-sheekaysato.
5- Wax ayey rabtaa iney kuu sheegto
Haday magacaada ku cel-celiso marar-badan, markaad sheekaysanaysaa. Waxaa laga yaabaa iney rabto iney wax ku-fahansiiso. Ama iney kuu sharaxdo.
Waana arrin macquula, waliba markay rabto iney kugu qanciso. Ama rabto iney kuu sheegto wax muhiima. marar badan ayey magacaada kuugu yeedhi kartaa. Si-ay kuugu muujiso dareenka xooga badan, eey u hayso shaygaas.
Waa qaab ay kuugu muujinayso. siday ugu wayn-tahay, waxay doonayso iney kuu sheegto markaas.
Waa sida ayadoo ku-leh “dhagayso, arrintan waa muhiim hebelow. Waxaana rabaa inaad iga caawiso”
Hadaba markaad aragto, ayadoo magacaada sheegaysa marar-badan, markay kuu sheegayso arrin. Waxay rabtaa inaad maqasho waxay doonayso.
6- Way ku xod-xodonaysaa
Inaad marar badan qofka magaciisa ugu yeedho, mararka-qaar, waxay abuurtaa jawi xod-xodasho ah.
Waxay keenaysaa, inuu u muuqdo is-dhaxgalkiina, mid xamaasad iyo isku soo-dhawaansho abuuraya.
Haday magacaada kuugu yeedho, ayadoo muusoonaysa oo xamaasadaysan. Ama ay si-goona kuu soo eegto. Waxay rabtaa iney ku soo-jiidato.
Waa hab fudud ood qofka kula-samayn karto xidhiidh. Mid gaara oo idin dhaxeeya labadiina.
7- Waxay tijaabinaysaa falcelintaada
Waxaa laga yaabaa, iney qiyaasayso dareenkaad ayada u hayso, inta uu dhan yahay.
Falcelintaad samayso, markay magacaada kuugu yeedho, ayey kala soo-baxaysaa xog badan.
- Wajigaada miyuu iftiimay, markay magacaada kuu yeedhay?
- Miyaad dareentay farxad iyo amakaad?
- Mise caadi ayaad ahayd?
Falcelintaada noocey tahay, ayey kala soo-baxaysaa, sidaad u aragto ayada. Waa imtixaan ay ku tijaabinayso dareenkaada.
Hadaad si togan uga falceliso, markay magacaada ku cel-celiso. Waxay ku dhiiran kartaa, iney kula-yeelato xidhiidh qoto-dheer adiga.
8- Shaqsiyadaada iney u bogtay
Iney magacaada ku cel-celiso markaad sheekaysanaysaa, waxay cadaynaysaa, inay shaqsiyaada u bogtay.
Waxay diraysaa fariin ah, iney xuraynayso shaqsiyadaada iyo inaad muhiim u tahay.
Waxaadna xasuusnaataa, magacaadu maaha sifo oo kaliya. Wuxuu ka turjumayaa qofkaad tahay. Hadaba markay magacaad sheegayso in-badan, waxay soo dhawaynaysaa shaqsiyadaada.
Waa hab ay kugu tusayso, qadarinta iyo qiimahay u hayso noocay tahay shaqsiyadaad.
Sidee loo-macneeyaa, sababta magacaada gabadha ugu celceliso in-badan
Inaad macnayso, sababta gaarkaa ee magacaada u sheegto gabadha in-badan, maaha wax fudud. Waa xujo adag.
Laakin ha wal-walin, anagaa kula wadaagaysno, sida loo-macneeyo arrintan.
Aan gudaha u galno qodobkan. Waxaan kuu sheegayaa talaabooyin fudud, ood ku fahmi karto dabeecadaheeda.
1- U-fiirso siday dadka kale ula-dhaqanto
Tallaabada ugu horreysa, waa inaad eegtaa siday ula-dhaqanto dadka kale.
Magacyada dadka kale, miyey ku cel-celisaa marar-badan, sida magacaada oo kale. Haday “HAA” tahay jawaabtaada. Waa siday ula-dhaqanto dadka oo dhan.
Haday “MAYA” tahay jawaabtaada. Waxaa jirta sabab gaara, oo adiga kugu kooban. Waana muhiim inaad markasta, isbarbar-dhig ku samayso. siday kuula-dhaqanto iyo siday ula-dhaqanto dadka kale.
2- Luuqadeeda jidhka u-fiirso
Haday magacaada kuugu yeedho cod dabacsan, ayadoo gacantaada u taabanaysa si-fudud. Ama kuu soo-fiirinaysa si naxariis leh. Way ku xod-xodanaysaa.
Sidoo kale. hadii hadalkeedu yahay mid adag, indhahana si-adag kuugu soo-eegto, markay magacaada kuugu-yeedhayso. Waxaa laga yaabaa, iney rabto iney soo-jeediso dareenkaada.
Haday yara-xishoonayso ama yara wal-walsan tahay, markay magacaada dhahayso, waxay kuu haysaa dareen.
3- Waxay ku xidhan tahay mawduuca
Waxay ku xidhnaan kartaa, nooca sheekadiinu tahay.
Haday magacaada sheegto marar-badan, markay hadlayso. Waxay rabtaa iney sheegto ama ay kugu qanciso arin.
Haday magacaada ku cel-celiso ayadoo kaftamaysa. waxay rabtaa iney ku xod-xodato, ama kula yeelato xidhiidh adag.
Sidoo kale fadhigiina u fiirso. Hadaad tihiin dad koox ah, magacaadana ay ku cel-celiso in-badan. waxay rabtaa iney soo-jeediso dareenkaada. ama iney kuu-muujiso inaad tahay qof gaar ka-ah dadkaas.
4- Aamin dareenkaada
Ha-yaraysan dareenkaada gudaha. Waxaa laga yaabaa, inaad uurka iska-waydiisay, maxay magacayga ugu cel-celisaa in-badan?
- May jiraan calaamado kale oo kuu-sheegaya, iney ku doonayso?
- Wakhti miyey kula-qaadataa?
- Miyey ku danaysaa?
5- Furuhu waa wada-hadalka
Hadaad xiisaynayso, aadna ku qanacsan tahay gabadha, maxaad u-waydiin laadahay?
Sida inaad dhahdo. “ waxaan ku-waydiinayaa, waxaan arkaa adigoo magacayga ku cel-celinaya in-badan, markaan hadlayno”. Sabab miyaa ka dambaysa?
Hadalka tooska ah ayaa cadayn kara, mugdiga iyo mad-madawga. Hadaad waydiiso, waxaa imaanaysa inaad yeelataan wada-hadal macno leh.
Waxaad ogaataa qofkasta iyo dhaqan-kasta, inuu yahay mid gaara. Sidaas darteed, talaabooyinkan waa kuwo ku hagi kara.
Laakin, waa inaad si taxadar leh uga fiirsataa. Waa inaad awodaa inaad si fiican u fahanto, sababta magacaada ugu cel-celiso badanka.
Gaba-gabo
Waxyaabo kala-duwan ayaa calaamada u noqon kara, in gabadha magacaada ku cel-celiso.
Laga yaabaa iney rabto dareenkaada, ama iney rabto xidhiidh iney kula-yeelato. Ama iney tahay siday ula-dhaqanto dadka.
Inaad fahanto sababta gaarkaa. waxay u baahan tahay inaad si taxadar leh ugu fiirsato dhaqankeeda. hadalkeeda, luuqadeeda jidhka iyo waxaad ka-hadlaysaan.
Inaad dareenkaada aaminto iyo inaad si toosa ula-hadasho. ayaa sidoo kale kaa caawin kara, inaad fahanto ujeedadeeda.
Qofkasta si gaara ayuu u samaysan yahay. Waa muhiim inaad fahanto iyo inaad xurmayso qaab-hadalka qofka.
M.a
Waa cajiin