fbpx

Calaamadaha gaaska lagu garto iyo daawadiisa better

Gaasku waa cudur ku dhaca uur-ku-jirta qofka, wuxuuna khalkhal ku sameeyaa dheef-shiidka caloosha.

Waxaa jira dad badan oo soomaali ah oo la-dhiban xanuunka gaaska. Waxaana kamid ah calaamadaha gaaska lagu garto inaad caloosha ka dareento

  • Holac.
  • Dibiro.
  • Kuleel.
  • Xaxuun.
  • iyo waxyaabo kale.

qoraalkan waxaan uga jawaabaynaa dhamaan su’aalahan hoos ku xusan.

  1. Waa maxay gaaska?
  2. Maxaa keena gaaska?
  3. Calaamadaha gaaska lagu garto?
  4. Sida loo baadho gaaska?
  5. Iyo sida gaaska loo daweeyo.
  6. muxuu soomaalida ugu badan yahay gaaska?
  7. cuntooyin u fiican qofka leh gaaska.
  8. cuntooyinka kiciya gaaska.
  9. talooyin qofka qaba gaaska.

sidoo kale akhri:

talooyin wanaagsan oo dhisaya noloshaada
dhibaatada siigada iyo sida ugu fudu ee loo joojiyo
isbuuca koowaad ee uurka iyo calaamadaha lagu garto

Waa maxay gaaska?

Waa boog ku dhalata dahaarka caloosha. wuxuuna noqon karaa mid cusub, iyo mid daba-dheeraada.

maxaa keena gaaska?

Gaaska caloosha waxaa keeni kara ama sababi kara waxyaabo badan. waxaana kamid ah waxyaabahaas

  • Isticmaalka khmariga ama daroogada.
  • Inaad yeelato hunqaaco joogta ah.
  • Isku-buuqa ama stresska.
  • Daawooyinka qaar sida antibiotics-ka iwm.
  • Aashitada caloosha oo badata.
  • Isitcmaalka tubaakada iyo sigaarka.
  • Inaad gaajaysnaato wakhti badan.
  • Cuntada xawaashka badan ood isticmaasho.
  • Inaad isticmaasho dawooyinka xanuun baabi’yaasha ah sida paraxtemol.

Calaamadaha gaaska lagu garto

Hadaad kamid tahay dadka qaba gaaska, waxaad dareemi doontaa dhamaan waxyaabahan soo socda.

  • Lalabo iyo yaq-yaqsi badan.
  • Hunqaaco
  • Laab-jeec iyo hunqaaco dhiig leh.
  • Caloosha oo dibirta.
  • Cunto xumo.
  • Miisaankaada oo yaraada.
  • Caloo xanuun.
  • Dibiro iyo daaco.
  • Lalabo iyo mataq.
  • Kuleel iyo olol.
  • Af qallayl.
  • Hurdo xumo.
  • Wadna garaac.
  • Wareer ama dawakhaad.

calaamadaha gaaska feeraha

noocan waa mid caan ka ah, oo aad ugu badan dadka soomaalida. waxaana lagu gartaa calaamadahan hoose.

  • Feera xanuun.
  • Waxaad cuntay ama cabtay oo kugu soo gadooma.
  • Garbaha ood ka dareento xanuun mararka qaar.
  • Cagaha ood ka dareento xanuun mararka qaar.
  • Inaad dareento daal xiliyada qaar.
  • Dhuunta ood ka dareento xanuun mararka qaar.
  • Naqaska oo kugu yara-dhagayo ood dareento.
  • Cabsi iyo naxdin inaad dareento mararka qaar.
  • Inaad dareento oohin.
  • Inaad ku xanuusato cuntada aad cuntay.

Sidee loo baadhaa gaaska?

sidee loo baadhaa calaamadaha gaaska
xanuunka xabadka ee gaaska awgeed

waxaa jira habab kala duwan oo loo baadho gaaska, inuu ku hayo iyo in kale. waxaana kamid ah hababkaas 3-dan qaab ee hoos ku xusan.

1. Upper endoscopy

Waa qalab afka bukaanka laga galiyo, ilaayo caloosha lagu dhaadhiciyo. Wuxuuna hubiyaa in calooshaada leedahay wax caabuq ah.

Kadiban waxaa la sameeyaa biopsy. waa hab lagu soo jarayo waxyar oo kamida hilibka caloosha ee buugta yeelatay. Si loo baadho.

2. Baadhitaanka dhiiga

Waxaa la hubinayaa in unugyadaada dhiiga cas ku yar yahay oo aad tahay dhiig la’aan.

3. Baadhitaan saxaro

Waxaa kale oo lagu ogaan karaa in saxarada bukaanka dhiig la-socdo.

Sidee loo yarayn karaa khatarta gaaska?

Qof kasta oo qaba gaaska wuxuu u baahan yahay, inuu qaato talooyinkan soo socda.

  • Qaado dawada gaaska, adigoo la-tashanaya dhakhtarkaada.
  • Cun cuntooyinka baalasha leh, sida garawga, galayda, masagada. Ugu yaraan hal mar maalinti.
  • Si sax ah u qaado talada ay ku siiyaa dadka aqoonta u leh caafimaadka.
  • Cun cuntooyinka cad ama kuwa aan dhadhanka lahayn, ilaa aad ka bogsato.
  • Ka fogow cuntada suugada leh, iyo kuwa saliida leh sida canjeerada.
  • Si tartiib-tartiib ah ugu soo laabo cuntadi caadiga ahayd.
  • Xiliga aad seexan rabto 3 ilaa 4 saac ka-hor cunto cun.
  • Iska ilaali inaad seexato calooshaada oo buuxda. Ama adidoo aad u gaajaysan.
  • Ducayso inuu alle ku caafiyo.

Maxaa soomaalida ku badiyay cudurkan?

Dhakhaatiirtu waxay qiyaaseen in badanaa aan isticmaalno. waxyaabaha dhaliya ee keena gaaska,  tusaale ahaan.

  • Cuntada aan cuno.
  • Sidaan u cuno.
  • Sidaan u isticmaalno dawooyinka.
  • nolol xumada haysata umadeena.
  • Iyo waxyaabo badan oo baadhitaan u baahan.

Cuntooyinka u fiican qofka gaaska qabo.

waxaa jira cuntooyin u wanaagsan dadka qaba gaaska, kuwaas oo ka yarayn kara

waxaa kamid ah

1. Malabka

hadaad qabto gaaska soo noqnoqda, malabka waa dawada ugu haboon eed isticmaali karto. adigoona u isticmaalyo sidan hoos ku xusan.

Markaad soo toosto subaxdi, adigoon cunin wax kale. Soo qaado koob biyo saafi ah kadibna ku darso hal qaado oo malab saafi ah. Kadibna isku-qas oo cab.

Badanaa dadka gaaska stress-ka ka dhasha way ku caafimaadaan arintan. Si fiican iskaga hubi, in malabka aad isticmaalayso yahay saafi.

2. Burka shoofaanka

Shoofaanka waa bur ka samaysan maado la dhaho “auto meal” waana cuntada ugu fiican. ee lagu qureecdo, dadka gaaska qabana aadka ugu fiican.

Cuntadan waxay caloosha ka nuugtaa, aysiidha caloosha ku jirta. gaajadana aad ayey ugu fiican tahay.

3. Sanjabiisha qoyan

Sanjabiisha qoyan waxay yaraysaa laab-jeexa iyo biyaha kulul ee kugu soo noqda. markaad cunto cuntooyinka kiciya gaaska.

Iska ilaali sanjabiisha qalalan, waayo wuxuu kiciyaa gaaska. Qaabka aad u isticmaalayso waa sidan.

Sanjabiisha qiyan ayaad dhax dhigaysaa biyo. kadibna waxaad cabaysaa biyahaas, ama waxaad ku darsan kartaa cuntada.

4. Qudaarta cagaaran iyo saladhka

Qudaarta cagaaran iyo saladhka waxay yareeyaan gaaska iyo calool-fadhiga. Waxayna sheegaan dhakhaatiirta iney fiican tahay, inaad isticmaasho hadaad leedahay gaaska.

5. Caanaha

Caanaha subaga laga saaray ee la-qaboojiyay, waxay yareeyaa aysiidha caloosha. Waana muhiim ineyna caanuhu ahayn kuwo fadhiya ama suusac ah.

Caanuhu waa iney ahaadaan kuwo cusub ama kuwa gasacadaha ku jira.

6. Shaaha cagaaran

Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in shaaha cagaaran uu yareeyo dibirada caloosha iyo gaaska.

7. Babayga

Babaygu wuxuu yareeyaa aysiidha caloosha, wuxuuna wanaajiyaa dheef-shiidka. Laakin liin dhanaan iyo sokor haku darin, markaad rabto inuu kaa yareeyo gaaska.

Cuntooyinka sababa gaaska caloosha

calaamadaha gaaska iyo dawadiisa
calaamadaha sababaha ogaanshaha iyo

waxaa sidoo kale jira cuntooyin sababa gaaska, ama qofka gaaska leh ku kicin kara. waxaana kamid ah cuntooyinkaas kuwan hoos ku xusan.

1. Raashinka dufanka leh

Cuntooyinka leh dufanka, waxay gaabis ka dhiaan shaqada dheef-shiidka. sidaas darteed raashinka aad cuntay wuxuu ku daahaya uur-ku-jirtaada.

Taas waxay keenaysaa inuu raashinka ku dhax qurmo halkaasa. iyo iney neeftaada soo shiirto.

Bakteeriyada jidhkaada ayaa burburinaysa sulfurki. kadibna waxay ka dhigaysaa nooc kale oo ah “hydrogen sulfide”

Arintaasna waxay kordhinaysaa xadiga gaaska ee calooshaada ay sii daynayso. markaad cunto hilibka iyo raashinka kale.

Sidaas ayuuna ku imaanaya laab-jeex. kadib markii gaaski tirada badnaa u soo gudbo meelo ka baxsan caloosha

2. Caleenta cagaaran

Qudaarta caleenta ah, waxaa ku badan maadada fiber-ka oo uu jidhkeena u baahan yahay. balse waxay sidoo kale wadataa sonkor la dhaho “raffinose”

Sorkortan jidhkaada lama falgali karo. waxaana ka imaan kara jahwareer caafimaad oo xaga dheef-shiidka ah.

Toos waxay u aadaysaa mindhicirada, oo tamar ahaan u isticmaalaya. waxaana ka halkaas ka abuur-maya nee fur badan.

3. Ukunta

Ukunta gaas kama qaadno, laakin waxaa ku jirta maado ka kooban sulfur oo la dhaho methionine.

Marka hadaad doonayso inaadan si-xun u shiirin. ukunta haku cunun raashinka kale eel eh dufanka.

4. Basasha

Toonta, basasha iyo cuntooyinka lamidka ah. waxay keeni karaan in calooshaada aaryo ka buuxsanto. taaso oo keeni karta dibiro ama gaas.

5. Cuntooyinka caanaha ka samaysan

Caanaha lo’da iyo adhiga. waxay ka samaysan yihiin maado la dhaho “lactose” oo kordhisa gaaska sonkorta.

6. Qamadiga iyo haruurka oo dhan

Maadooyin gaas iyo fiber badan soo saara ayaa ku jira qamadiga. iyo badara kale ee qolofta leh sida galayda iyo masagada.

Markuu raashinka noocan ah ku adkaado dheef-shiidka. waxay caloosha soo saartaa aashito gaas ah, oo ka tiro badan xadigi loo baahnaa.

Sidee loo daweeyaa?

Daawaynta cudurkan waxaan u kala qaadaynaa labo qaybood oo kala ah.

Hab-nololeedka: waa qofka oo wax ka-badala qaabka uu u nool yahay, sida inaad joojiso.

  • Cabista sigaarka, hadaad cabi jirtay.
  • Inaad miisaanka iska yareeyo, hadaad culus tahay.
  • Cunooyinka shiilan inaad iska yareeyo.

Ugu dambayna waa inaad fogaataa cunista cunto aad u badan. markaad seexan rabto wakhtiga u dhaw.

Markaad seexanaysana waa inaad isticmaashaa labo barkin. si jirkaada qaybta sare aad kor ugu yara qaado.

Drug therapy: oo ah inaad qaadato daawooyinka yareeya aashitada caloosha. sidaad u qaadanayso dawadana waa inuu kuu soo qaraa dhakhtarka.

Gaba-gabo

Gaasku waa xanuun dhib badan, waxaana la nool dad badan oo soomaali ah. waxaana rajaynayaa qoraalkan inuu kaa caawin doono wax badan. gaaska awgeed daawooyinka guriga ee.

Xasuusin: markasta ogow habka ugu fiican eed gaaska iska dawayn karto. iney tahay inaad raacdo talada dhakhtarkaada. waxaana rajaynayaa inaad wax badan ka ogaatay calaamadaha gaaska iyo sida loo daweeyo.

La-wadaag asxaabtaada mahadsanid.

Dhamaad.

madax xanuunka gaaska uu leeyahay

1 thought on “Calaamadaha gaaska lagu garto iyo daawadiisa better”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights