Inaad yeelato xidhiidh wanaagsan. oo hagaajinaya qiimahaada noolasha, waa wuxuu doonayo inuu helo qof kasta. Laakin, xidhiidhku mararka-qaar wuxuu noqon karaa. mid suna oo khatar ku ah, hormarkaada noolasha.
Maaha waxaan ku-talinayno askaabulanimada. Laakin waayahan-dambe, waxaa kordhaya, dadka raba iney askaabulo noqdaan. Ama ineyna guursanin, ayagoo dad’doodu yar tahay.
Xaqiiqada waxaa weeyo, markaa tahay askaabulo, waxaad baran naftaada, waadna baashaali. Waxaa kuu sahlan, inaad gaadho yoolkaada. iyo inaad aduunka saamayn muuqata aad kaga tagto.
Shukaansiga iyo xidhiidhkaba, waxay noolashaada ka qaadanayaan wax badan. sidaas darteed, ayey dadku u-jecel yihiin, iney noqdaan askaabulo. Noolasha askaabulanimadana u soo-jiidataa.
Qofku markuu askaabulo yahay. wuxuu haystaa fursado badan, oo ayna haysanin dadka lamaanaha ah.
Laga-yaabo inaad maskaxdaada ka dhahayso, askaabulanimadu waa uf. Laakin runta waatan.
Askaabulanimada waxaad ka-helaysaa, fursad aad yoolkaada ku gaadho, adigoon dareemaynin walwal badan.
Waxaa jira faa’idooyin badan oo la-yaab leh, oo laga helo askaabulanimada.
Intaadan makhuuranin noolasha lamaanaha iyo shukaansiga. waa inaad iska soo-xallisaa dhamaan fursadaha kuu banana, markaad tahay askaabulo. Farxada dhabtaana waxaa laga helaa askaabulanimada
Dadku iney noqdaan lamaane wada noolaada wakhti-badan, waa wax caadiya. Laakin cilmi-baadhis la-sameeyay, ayaa lagu sheegay, in dadka cimrigooda u dhaxeeyo 18-34 sano. Iney askaabulanimada jecel yihiin.
Waa kuwan 8 sababood ooy u fiican tahay askaabulanimada.
1- Xaqiijinta hadafkaada iyo rabitaankaada
Ugu horreyn. markaad tahay askaabulo waxaad maskaxdaada ka-dareemi xorriyad. taasoo keenaysa inaad ka-fikirto sidaad u gaadhi lahayd yoolkaada. iyo waxyaabaha aad rabto inaad xaqiijiso.
Dadka lamaanahaa way dagaalaan wayna murmaan, badanaa waxay ku mashquulan xallinta khilaafyadooda.
Laakin markaad tahay askaabulo, dhibkaas oo kale kuma haysto. waxaana kuu sahlan inaad bursato noolashaada si nafis ah.
Yoolashaadu waxay noqonayaan kuwo kuu cad. adigana waxaad awoodaa inaad ka shaqayso sidaad ku gaadhi lahayd.
sidoo kale akhri:- ninka qiimaha badan
2- Farxadaada adigaa masuul ka-ah
Inaad lamaanahaada niyad-sami u dareento, waxay ka dhigan tahay. inaad qof kale ku tiiirsanaato, si aadan u dareemin walwal.
Sidaas darteed inaad askaabulo ahaato waxay ka dhigan tahay. inaad adigu qasrigaada boqor ka ahaato markasta. Adigaana masuul ka-ah badqabkaada.
Mana-jiro xidhiidh ku siin-kara farxada aad adigu siiso naftaada. Qofna kuma tiirsanaanaysid si uu kuu siiyo farxad. ama aad u dareento inaad tahay qofkaas u tahay khaas.
Inaad ahato askaabulo, waxaad ka heli farxad. Waxaadna ogaan inaad adigu masuul ka tahay farxadaada. Qof kale maya.
3- Guurka kuma xidhna farxadu
Waxay sheegaan dadku, inuu qofku guurka ka-helo, farxad, caafimaad iyo inuu bulshada dhaxgalo. Waana waxyaabo muhiim u ah noolasheena.
Sidaas darteed markaad yartahayba, bulshadu waxay kaa rajaynaysaa iaad qoys dhisto, markaad waynaato. Si-aad farxad ugu noolaato.
Laakin bal-kawaran qofkaan helin calafkiisa, maa wax lala-yaabaa? bulshooyinka qaar ayaa u arka qofkaas. inuu yahay qof la-nacay, guul-daraystay, masuuliyadna aan qaadi Karin.
Shaki la’aan dadka qaar, ayaa aamina iney yihiin dad la-nacay. siiba dadka raba iney yeeshaan lamaane laakin aan helin calafkoodi.
Hadaba daraasad la-sameeyay ayaa lagu sheegay, guurku inuuna keenin farxad waarta. Waa laga yaabaa inuu qofku farxad badan dareemo. Laakin sanadba sanadka ka-danbeeya, farxadaas way yaraataa. Sidaas darteed, maaha khasab inaad guursato, si aad farxad-badan u hesho.
4- Xorriyad
Mid kamida faa’idooyinka askaabulanimada waxaa weeyo. inaad adigu u madax-banaan tahay wakhtigaada iyo jadwalkaada.
Way adag-tahay inaad samayso waxaad rabto, markaad guursato. Waayo kaligaa go’aan kama gaadhi kartid wax-kasta. Mana helaysid firaaqo aad kaga fikirto hawlahaada gaarkaa. Laakin markaad tahay askaabulo, waxaad haystaa wakhti badan oo kugu filan. oo aad kaga fikirto qabashada waxaad rabto.
Waxaad awoodaa inaad go’aan ka gaadho. daqiiqad kasta oo kamida wakhtigaada, adigoon qof kale ka-walwalin.
Sidaas oo kale, meeshaad rabto ayaad wakhtigaada ku soo qaadan kartaa. Mana jiro qof kaa qaadi kara madax-banaanidaada.
Ma-jiro qof kugu canaanan kara, maxaad xilli dambe u socota, iyo maxaad u dhafartaa. Markaad tahay nafar askaabula ah, waxaad si dagan ugu raaxaysan noolashaada.
Taas macnaheeda maaha in dadka lamaanayaasha, ayna gaadhi Karin yoolashooda. Laakin qofka caadigaa way ku adag-tahay, inuu isu-wado. Arrimaha qoyskiisa iyo arrimihiisa gaarkaa.
Sidaas awgeed. Nafar askaabulo ah markaad tahay, si fudud ayaad u gaadhi kartaa go’aanadaada. wakhtigaad rabto ayaad dheelman kartaa, waana fursad-xorriyadeed ooyna helaynin dadka lamaanaha ah.
5- Firaaqada
Waxaad wakhti iyo firaqo u helaysaa askaaxtaada, qoyskaada iyo ehelkaada kale.
Markaad tahay lamaane, aduunkaada wuxuu ku kooban yahay oo kaliya, agagaarka lamaanahaada. Waxaadna halmaamaysaa qoyskaadi iyo asxaabtaadi.
Nasiib wanaag. askaabulanimadu waxay fursad kuu siinaysaa, inaad la-samaysato xidhiidh wanaagsan qoyskaada iyo ehelkaada kale.
Waayo jacaylka asxaabta iyo qoyska. uma baahno inaad dadaal iyo wakhti badan ku bixiso, kasbashadooda.
6- Waad nidaamsanaan
Daraasadu waxay sheegtay. dadka askaabulada ah iney nidaamsan yihiin, jidh ahaan ooy firfircoon yihiin.
Xidhiidhku culayskiisa ayuu wataa. waayo qofki waa la ilaaliyaa, wuxuu ka baaqan gymka, si uu guriga u tago xilli hore. markuu firaaqo yahayna guriga kama soo baxo.
Taas badalkeeda, qofka askaabulada ah. wuxuu haystaa firaaqo iyo tamar uu ku hagaajiyo jidhkiisa.
Waxaad billaabi inaad daryeesho naftaada. Sidaas oo kale waxaad masuul ka noqon naftaada, kalsoonidaadana way kordhaysaa.
7- Dhaqaalaha
Shukaansigu maaha wax raqiisa, waana xaqiiqo aan la-dafiri Karin.
Markaad xidhiidh ku jirto, waxaad jeceshahay inaad muujiso shaqsiyadaada iyo muhiimadaada. Adigoo gadaya hadyado iyo waxyaabo qaaliya.
Laakin markaad tahay askaabulo. waxaa kuu fudud inaad kaydsato lacag badan oo kaa bixi lahayd. Iyo inaad ka-badbaado daymo aad gali lahayd.
Ma jiraan wax xafalado iyo lamafilaana ood kasii fikirayso. Taas badalkeeda waxaad ahaan qof xor u ah inuu iibsado wuxuu rab. dalxiis aadi kara oo maalgashada mastaqbalkiisa.
8- Buuq la’aan
Markaad askaabulo tahay. waxaad ka raysan ruwaayado badan oo buuq ku furi lahaa noolashaada.
Waxaad ka-nasan dagaalka iyo wadna-xanuunka, Majiro qofaad ka walwalsho, ama aad ka shakido. Waxaad ka nasan ereyada ah “kuguma kalsooni”
Waana sababta askaabulanimadu u noqotay waayadan danbe, janada koonka. Iyo inaad ka nasato buuqa iyo xallinta ruwaayadaha khayaaliga, eey jilaan lamaanayaasha.
Hadaba inaad ahaato askaabulo miyey fiican tahay?
Faa’idooyinka ay leedahay askaabulanimada
Hadba xaalada iyo waayaha aad ku-jirto ayey xidhan tahay. laakin anagu marnaba dadka ma-nacsiinayno iney guursadaan ama iney sameeyaan xidhiidh-jacayl. Kaliya waxaan kuugu soo gudbinaynaa, inaad ogaato. Sababaha ay xilliyada-qaar, u fiican tahay askaabulanimada.
Hadaad jeceshahay inaad noqoto askaabulo, hadana aad ka fikirayso iney tahay wax caadiya. Waxaad ogaataa inaad xidhiidh samayso maaha wax shuruuda ama tartan oo lagaa rabo.
Hadaad xiisaynayso askaabulanimada, wax kaa khaldan ma-jiraan. Muhiimadu waa inaad naftaada waydiiso, inaad rabto xidhiidh. ama inaad ku faraxsan tahay askaabulanimada.
Hadaad danaynayso askaabulanima, oodan rabin xidhiidh. Ha ogolaanin, iney dadka kale kugu khasbaan inaad samayso waxaadan rabin.
Xilligaad ku jirto askaabulanimada, waa markay tahay inaad naftaada xooga saarto. Ood isku diyaariso xidhiidh wanaagsan.
Sidoo kale hadaad rabto inaad samayso xidhiidh, haka-baqin marnaba. Laakin marka hore waa inaad taqaanaa sida askaabulo loo noqdo.
Gabo-gabo
Anagu marnaba ma difaacayno mana amaanayno askaabulanimada. laakin mararka qaar, Askaabulanimadu waa muhiim. Waayo waa goorta aad naftaada baranayso, adigoon ku tiirsanayn qofna.
Waxaad helaysaa fursad aad si qoto-dheer ugu ogaato. waxyaabo badan oo ku saabsan noolashaada. Hadafkaada si-aad u gaadho, waxaa muhiima inaad ahaato qof askaabulo ah, mararka qaar.
Waxaa jira sababo badan, oo keenaya inaad askaabulo ahaato xilliyada qar. laakin kuwan waa inta ugu muhiimsan.
Hadda maadaama aad ogaatay, faa’idooyinka askaabulanimada, waxaad ka jawaabi kartaa. Waa maxay sababta ay askaabulanimad muhiimka u tahay?
Xidhiidhku wuxuu fiican yahay inaad samayso, markaad naftaada ku filnaato.
M.a