Adduunka maanta, waxaa ku nool balaayin raga, kuwo qaar waxay haystaan lacago badan. Iyo gawaadhida xawaaraha badan ku-orda.
Laakin ninka qiimaha badan, laguma qiimeeyo dhaqaalaha soo-gala inta uu dhan yahay. Iyo suudhka uu xidhan yahay. Ee waxaa lagu qiimeeya, wuxuu ku soo kordhiyay aduunka iyo noolasha bani’adamka.
In laguu qiro raganimadaada, waxay ka dhalataa shaqsiyadaada, tamartaada iyo kartidaada.
Dabcan raga qiimaha sare leh, badanaa waa taajiriiin. laakin shaqsiyadooda ayaa ka wayn hantidooda.
Waa kuwan 5 astaamood ood ku garan karto, ninka qiimaha badan leh.
1- Ma kibir-badna
Ninka moodaya inuu garanayo waxkasta. aad ayuu uga fogyahay inuu yeesho sifooyinka ninka qiimaha leh. Badanaa wuxuu la-meeraystaa naftiisa oo kaliya.
Ninka qiimaha sare leh ma kibir-badna, wuxuuna sidoo kale ogyahay, inuuna aqaanin waxkasta. Kuma faano wuxuu haysto, iyo wuxuu yaqaano.
Hadii aqoontaada kaa-dhigto mid faan badan, wali waxba maadan baranin.
Waa kuwo soo kordhiya aragtiyo cusub. Waxay diyaar u yihiin markasta iney bartaan xirfado cusub.
Kama-baqo inuu dareemo culays, xaaladaha qaar. Wuxuuna marwalba harumariyaa noolashiisa. Waana waxa qiimaha badan, ee ka-dhigaya nin-rageed.
Sidoo kale akhri:- nin-rageed ma-tihid, hadaadan lahayn calaamadahan.
2- Kalsooni dabiiciya
Waatan sababta sharaftu ay u tahay, wax wayn. Dhamaanteen waxaa nalagu soo koriyay anshax iyo akhlaaq toosan. Oo qeexaysa shasiyadeeda siday tahay.
Dadka qaar ma-laha awood ay ku ilaaliyaan anshaxooda. waxayna sameeyaan waxyaabo ay-garanayaan, iney haboonayd ineyna sameeynin. Ama ay ka shallaayi doonaan.
Hawlahooda muhiimkaa ayey baajiyaan, naftoodana way khayaamaan markasta. Waana astaamaha lagu-garto ninka liita, een ku kalsoonayn naftiisa.
Waayo karti uu ku-mideeyo anshaxiisa iyo yoolashiisa malaha. Waana sababta keentay inuu noqdo, qof kalsooni la’aan ah oo walaacsan. iyo inuu markasta niyad-jabo.
Dhinaca kale ninka qiimaha iyo sharafta leh. Waa midka ilaaliya qiimihiisa, ee dhawra anshaxiisa, inkastoy adag tahay. Waa nin sharaf leh oo aaminsan naftiisa, dadkana aamini kara.
Ninka-raga ah, waa nin si dabiiciya iskugu-kalsoon. Sababtoo ah wuxuu ku nool-yahay, noolal uu ku faani karo.
Waa nin furfuran, kamaaha inuu kalsoonidiisa kor u qaadayo. ee wuxuu og-yahay ineyna jirin, wuxuu qarsado. Ninka leh sharafta, waa nin qiimo sare leh, sababtoo ah kalsoonidiisa darted.
Inkastoy fududayn. hadana wuxuu leeyahay qiimo iyo anshax uu ilaaliyo, xataa haduu yahay kaligii. Waxa saxdaa ayuuna sameeyaa, xataa hadayna suuragal ahayn xilligaas.
sidoo kale akhri:- maxay gabadha ugu cel-celisaa magacaada in-badan
3- Waa nin qan-gaadha
Qofkasta jidh ahaan wuu u koraa, waxaad xakamayn kartana maaha. Laakin qofka naftiisa yaqaana ayaa awooda inuu kobciyo garaadkiisa.
Ninka-caqliga badan, waa nin qiimo sare leh. waana calaamad ku sheegaysa, inuu ninkan maskax-ahaan koray. Iyo inuu yaqaano naftiisa.
Meel-kasta oo uu tago, wuxuu leeyahay soo-jiidasho. Sida qaabkuu u fadhiisto, siduu u hadlayo, habkuu u soconayo, dulqaadkiisa, dadnimadiisa. Iyo aragtida guud ee qofka lagu qiimeeyo, ayaa qeexaysa shaqsiyadiisa.
Ninka-ragaa ee qiimaha badan, maaha nin caadifad badan. waayo wuxuu garanayaa waxyaabaha ku dhacaya, inuuna xakamayn Karin asaga.
Wuxuu og-yahay, inuu xakamayn karo fal-celintiisa. Sidaas darted wuxuu awoodaa inuu naftiisa dajiyo, markay xaaladuhu adag yihiin.
Shaqsiga qiimaha leh, ma xanaaqo, markuu qof ku raaci-waayo fikirkiisa. Waayo wuxuu garanayaa in qofkasta leeyahay aragti iyo shaqsiyad gooniya. Waana wax dabiicya.
Inaad noqoto nin wax-fahmaya, waxay kaa-dhigaysaa. saxiib wanaagsan, lamaane fiican iyo qof wanaagsan, si guud.
4- Naftiisa ayuu daryeelaa
Qofku qiimo ma-yeesho haduuna daryeelin naftiisa. Waayo inaad ilaaliso ama aad daryeesho naftaada. waxaa ka-dhasha kalsoonida dabiicigaa iyo tamar wanaagsan.
Waxaadna ogaataa, daryeelka naftu kuma koobna oo kaliya jidhka. Ee waa daryeelka ruuxdaada iyo jidhkaada. Labaduba waa inaad kobcisaa.
Qofka-jecel inuu ilaaliyo naftiisa, waa qof daneeya noolashiisa. Wuxuu leeyahay dareen ku dhiiri-galinaya, inuu sameeyo waxkastuu ku wanaajin-karo naftiisa. si uu u-gaadho hadafkiisa. Waana sababtay u-tahay sifo aasaasi u ah, ninka raga ee leh qiimaha sare.
Hadaad tahay qof daryeela naftiisa, waxaad dadka tusaysaa wax-badan oo ku saabsan shaqsiyadaada.
Marka ugu-horreysa, waxaad si-dadban u leedahay. Wax iiga-qiimo badan ma-jiraan, inaan ilaaliyo bad-qabka naftayda. Iyo waxtarkeeda intaan noolahay een awoodo.
Hadaad u-malaynayso inaad tahay nin-qiimo sare leh, inaad naftaada daryeesho, waxay kuu-noqon dabiici.
Ugu-dambayntina, hadaad markasta naftaada khayaanto, waxaad noqon qof noolashiisa iyo kalsoonadiisuba ay-liidato. Dadkuna sidaas ayey kuu arkayaan.
Daryeel jidhkaada, same jimicsi, dhagayso barnaamijyada lagu-hormariyo shaqsiyadaada, sidoo kalana akhri buugaagta.
Raga qiimaha leh, waxay qaadaan tallaabo kastoo muhiima, oo suurogal ka-dhigaysa, waxay doonayaan.
5- Shaqsiyada
Mid kamida waxyaabaha ugu muhiimsan, ee ku saabsan raga qiimaha sare leh, waxaa weeyo. Way garanayaan shaqsiyadooda iyo waxay doonayaan.
Dadka uma faanaan, ismana-tus-tusaan. wayna og-yihiin ineyna dadka uga baahnayn. iney ansixiyaan ficiladooda iney yihiin sax iyo in-kale.
Taas badalkeeda, ayaga ayaa u madax-banaan ficilkooda iyo go’aanadooda. Sababtoo ah waxay garanayaan, waxay doonayaan.
Xataa haduuna qofkasta u arkin wax caadiya. way samaynayaan waxay u-maleeyaan, iney tahay munaasab. Cidna kuma raalli-galiyaan ficiladooda.
Sababta ugu wayn ee runtu u tahay, wax soo-jiidasho leh. Iyo raga qiimaha-sare leh, waxaa weeyo. Waxay u baahan-yihiin dhiiranaan.
Siiba bulshada maanta joogta. Goob qofkasta uu ku-cabudhin, markaad khilaafto. Markaad aragto qof runlow ah, waxaad dareemi firfircooni.
Markaad si-geesinimo leh, u muujiso waxaad doonayso. waxaad ku dhiiri-galinaysaa dadka kalana iney u istaagaan naftooda. iyo iney muujiyaan shaqsiyadooda dhabtaa.
Waana sababta aad u soo-jiidato si dabiiciya. dadka saxdaa ee kugu jecel shaqsiyadaada noocay tahay.
Ugu-dambaynti kuwa xanaaqa, wareersan ee buuqaya. Waa kuwa shaqsiyadooda ku-qariya hooska, ee ka-baqaya iney u istaagaan naftooda. Iyo iney muujiyaan shaqsiyadooda dhabtaa.
Gaba-gabo
Inaad noqoto nin-rageed qiimo sare, waa wax ku-xidhan nacfigaada iyo qofnimadaada. Ee kuma xidhna dhaqaalahaada iyo jeebkaada wax kujira.
Sababta raga qiimaha sare leh u guulaystaan, waxaa weeyo. Marka-hore, waxay is-badal ku sameeyaan, wadada ay u maraan guusha.
Marka-labaadna, sababta guulo-badan u gaadhaan, waxaa weeyo. iney dadka kalana qiimo ku-soo kordhiyaan noolashooda.
M.a