Markasta, samaynta khayaanada waxay saamayn-xun oo qoto-dheer ku yeelataa, noolasha lamaanaha.
Khayaanada badanaa, waa ficil raga ku badan. laakin xaqiiqadu waxaa weeyo, in dumarka laftooda. ay noqon karaan kuwo aan daacad ahayn.
Waxay dareemayso iyo kalsooni laa’aanta, ay ku qabto ninkeeda darteed. waxaa jira dhawr-sababood oo keeni kara, in gabadhu samayso khayaanada.
Inkastoo lagu kala duwanaan karo, waxyaabaha keenaya khayaanada. hadana waxaa jira arrimo laga siman yahay markasta. oo dumarka ku dhiirigaliya iney sameeyaan khayaanada.
Waxaan halkan kugula wadaagayaa, sidaad u fahmi lahayd calaamadahaas. Iyo sababaha keena, iney dumarku khayaanaan saygooda.
Hadaad ka shakido xaaskaada, oodan ku kalsoonayn lamaanahaada. Eeg oo baadhitaan samee, adigoo qaadanaya qodobadan.
Waa kuwan calaamadaha xaqiiqada, ee kugu hagaya, inaad ogaato. In lamaanahaada ku khayaamayo iyo in kale.
14 sababood oo keena in dumarku khayaamaan ninkooda
1- Qanaaco la’aanta
Arrintan, waa mid kamida sababaha ugu waawayn, ee dumarku u khayaamaan saygooda.
Door wayn ayuu ku leeyahay xidhiidhka, in gabadhu dareen ahaan u qanacdo.
Markay gabadhu dareento, ineyna ku qanacsanayn lamaanaheeda. Waxay halis ugu jirtaa, iney samayso khayaanada.
Arrintan waxay dhici kartaa, markuu ninka gabadha ula-joogin dareen ahaan. Ama uu diido xallinta baahiyaheeda, ama ay ka heli waydo rabitaankeeda, iyo inuu fahmo.
Waxaana dhacda, iney qanaacadeeda ka raadiso meel kale. Dumarku waxay jecel yihiin, in la-fahmo, la-daneeyo oo xidhiidhkooda ka helaan jamashadooda.
sidoo kale akhri:- amaan dumar | 103 eray ood ku dhihi karto gabadhaada.
2- Rabitaanka wax cusub ama raaxada
Damaca iyo xiisaha badan, waxay dumarka ku abuuri karaan. iney raadiso raaxo ka baxsan mida lamaanaheeda.
Rabitaanka ay u hayso, samaynta wax cusub ama ka duwan wixi hore. Ayaa ku dhiirigalinaya iney samayso khayaanada.
Dumarku waxay gogol-dhaafka u sameeyaan, si ay u dareento faxrad iyo daganaansho. Waana arrin khalad ah.
Rabitaanka iyo xamaasada badan, eey ka helayso kulankan kale. ayaa keenaya iney ku dhiirato saygeeda iney khayaanto.
3- Xiiso la’aan
Markay dumarku ka-waayaan lamaanahooda xiise, danayn iyo isdhax-gal la’aan. Waxay raadiyaan qof kale, ooy ka heli karaan danahooda iyo jamashadooda.
Rabitaankeeda ah, in la-qiimeeyo, la-damco oo la-qadariyo. Ayaa ku dhiirigalin kara, iney ka raadiso qof aan ahayn lamaanaheeda.
4- Xaalada xidhiidhkiina
Markay jirto khilaaf iyo is-fahan la’aan ka-jirta xaga xidhiidhkiina. Dumarka qaar ayaa billaaba, iney meel kale ka doonaan rabitaankooda iyo damacooda.
Xidhiidhku kuma koobna oo kaliya midka jidhka. ee waxaa kamida in lays-aamino, laysku nuglaado. oo dareen ahaan laysku dhawaado, oo waliba layska war-hayo.
Hadii qodobadan xidhiidhkiina ka maqan yihiin, ama ay jirto arrin iidan xallin. Waxay caqabad ku tahay bad-qabka xidhiidhkiina.
Xaaladan oo kale, dumarka qaar waa kuwo halis ugu jira, iney sameeyaan khayaanada.
5- Shaqsiyada qofka
Sababta dumarka qaar u sameeyaan khayaanada ayaa ah. ineyna ku koobnayn lamaanahooda oo kaliya marki horaba.
Dabcan waxaa jiri kara, arrimo u gaara gabadha, ooyna wali xalinin. Sida arrimo ku saabsan, hadey soo martay xidhiidh hore. Ama dhibaato hore oo soo gaadhay. Ayaa sababi kara, iney samayso khayaanada.
Mushkilada shaqsigaa, waxay keeni kartaa is-fahan la’aan iyo kala fogaansho dhax-mara lamaanaha. Taasoo keenaysa iney meel kale ka raadsato daganaansho. Ama iney rabto iney ka baxsato gacmaha qofkaas.
Samaynta sinada ama gogol-dhaafka, marnaba lagama helo raaxo iyo daganaansho.
6- Jacaylki oo dhamaaday
Markuu yaraado dareenki iyo jacaylki badnaa, ay lamaanahooda ka heli-jireen. Dumarka qaar ayaa billaaba, iney sameeyaan xidhiidh qarsoodiya.
Waxay raadiyaan siday ku heli lahaayeen farxadi iyo dareenki ay heli jireen mar.
Jacaylka oo dhamaada, waxaa ka dhalan-kara, iney gabadha samayso sino ama gogol-dhaaf.
Dumarku waxay sidan u sameeyaan, iney helaan dareenki iyo xidhiidhki romaantiga ahaa. Ooy aaminsan yihiin, inuu ka maqan yahay xidhiidhkooda hadda. Waana sababta keenaysa iney sameeyaan khayaanada.
7- Ballan ka-baxa
Hadey dareento inaan lagu kalsoonaan Karin ninka, uuna danaynaynin. Ama xidhiidhkooda uuna maalgashanaynin. Waxaa macquula iney raadiso badal kale, oo u buuxiya baahideeda.
Ballan la’aanta iyo kalsooni la’aanta xidhiidhkiina, ayaa gabadha ku dhiirigalin kara. Waana sababta koowaad ee dumarku u sameeyaan khayaanada.
8- Farxad la’aan
Si guud, farxad la’aanta iyo qanaaco la’aanta. Ayadana waa sabab kale, oo keenaysa in dumarku sameeyaan khayaanda.
Farxad la’aanta waxaa keeni kara arrimo kala duwan. Sida khilaafka joogtadaa.
Hadaba xidhiidhkiina markuu noqdo, mid farxad la’aana. Dumarka qaar ayaa billaaba, iney meel kale ka raadiyaan farxada. Ayagoo filaya iney habkan sinadaa, ku helayaan qanaaco iyo farxada ay rabaan.
9- Wada-hadal la’aan
Markuuna jirin wada-sheekaysi, is-dhagaysi iyo wada-hadal dhaba oon ka dhaxaynin lamaanaha. Waxaa sahlan in dumarku dareemaan, inaan la-maqlaynin, la fahmaynin ama aan la-xidhiidhinaynin.
Wada-hadal la’aantan, waxay keeni kartaa jahwareer, xanaaq iyo kala-fogaansho dareen.
Xaaladan oo kale dumarku waxay noqdaan, kuwo aan daacad u ahayn ninkooda.
Inaad yeelato xirfad wada-hadal oo adag. Iyo inaad la-samayso wada-hadal furan oo daacada, ayaa yarayn kara. khatarta khayaanada ay sameeyaan dumarka.
10- Aar gudasho
Mararka qaar khayaanada iyo iimaan la’aanta. Waxay ka dhalataa, markay gabadhu rabto iney ka aarsato lamaanaheeda.
Markay dumarku dareemaan, dhaawac gudaha ah. Ama inuu khayaamay ninkooda, waxay kuwa qaar billaabaan iney sameeyaan khayaanda. Si ay uga aarsadaan ninkooda. Si uu ula dareemo xanuunka khayaanada.
Waa tallaabo aan haboonayn, ooy rabto iney ku tusto awoodeeda iyo qiimaheeda.
11- Kala duwanaansho
Hadaad ku kala duwan tihiin xiisihiina, yoolkiina, aragtidiina iyo hab-noolaleedkiina. Waxaa ka dhalan karta qanaaco la’aan dhaxdiina ah. Waa sabab keeni karta iney gabadha ku dhiirto, iney khayaanto ninkeeda.
Iney dareento, inaadan is-fahmaynin, xaasaska qaar. Waxay billaabaan iney raadiyaan, qof kale ooy is-fahmi karaan. Kaasoo u dabooli kara baahiyaheeda iyo rabitaankeeda gaarkaa.
12- Ixtiraam la’aan
Ixtiraanku wuxuu tiir adag u yahay xidhiidh kastoo wanaagsan. Markuuna jirina, waxaa xumaada dareenki wanaagsanaa, ee labada qof. Kaasoo keenaya farxad la’aan khadhaadh.
Hadii gabadha fikirkeeda la-diido markasta, la ixtiraami waayo. Ama aad u riyaaqi waydo qiimaheeda. Waxay ku dhiiran kartaa iney samayso sino. Ayadoona filaysa, iney heli doonto qof u mahad-celiya.
13- Dayaca
Gabadha iney samayso khayaanada, waxaa keeni kara, inuu dayaco ninkeeda.
Markuu lamaanaheeda siin waayo wakhti. Ama uu ilaawo dumarnimadeeda. Waxay noqon kartaa awood ku dhiirisa, iney samayso khayaanada.
Rabitaanka ay rabto in la-dareemo, la-qiimeeyo. Iyo in mudnaan gaara la-siiyo. Ayaa gabadha ku dhiirigalin karta, iney ninkeeda khayaanto.
Inaad la-wadaagto dareenkaada, ood ka warhayso, ayaa yarayn kara, iney dareento dayaca. Iyo iney samayso khayaanada.
14- Mahad-celin la’aan
Hadii dadaalka, kaalmada iyo qiimaha gabadhu noqdo, midaan la-arkaynin. Ama uuna lamaanaheeda uga mahad-celinaynin. Waxay keeni kartaa iney qof kale ka raadiso.
Qofku inuu janto in loo mahad-celiyo iyo in la-qiimeeyo. Waxay baahi asaasiya u tahay xidhiidh kasta.
Marka baahidan aan loo daboolin dumarka. Kuwa qaar ayaa isku-daya, iney ka helaan meel kale.
Waa muhiim inaad u mahad-celisaa lamaanahaada. Si aad u tusto, inaad qiimaynayso ood ixtiraamayso dadaalkooda. Iyo inaad yarayso fursada iimaan la’aanta.
Dumarka oo dhan miyey sameeyaan khayaanada
Maya, dumarka oo dhan ma-sameeyaan khayaanada. Iimaan laaanta noocan ah, waa dhaqan dad gaara leeyihiin. Waana muhiim inaadan ku xukumin. dhaqankan liita, eey sameeyaan haween yar, dumarka oo dhan.
Raga iyo dumarka, jinsiyada khayaanada badan, way adag tahay in la-ogaado. Wayna sameeyaan raga iyo dumarka.
Khayaanada waxaa keena sababaha aan soo xusnay, iyo kuwo kale oo badan. Oo kala duwan. Hadaba waa muhiim inaad fahanto, ood ogaato. Sababaha keenaya khayaanada iyo iimaan la’aanta.
Intaas waxaa dheer, hadaad rabto inaad ka badbaado, haweenka khayaanada sameeya. Waa inaad adigu marka hore toosnaataa, ood aamin noqotaa. Waa inaad ilaalisaa xidhiidhkiina, adigoo la-sheekaysanaya, ixtiraamaya aragtideeda. Oo tusaya iney kugu kalsoonaato.
Calaamadaha lagu garto dumarka khayaanada sameeya
Dumarka sameeya khayaanada, waxay aad u ilaaliyaan telefoonkooda, cinwaanada barahooda bulshada. Iyo waxyaabahay gaarka u leeyihiin.
1- Way kaa fogaataa
Waxyaabaha lagu dareemo waxaa kamida, in ninkeeda ay ka fogaato dareen ahaan. Iyo jidh ahaanba. Lamana-sheekaysato badanaa.
2- Dabeecadaheeda ayey badashaa
Iney badasho dabeecadaheeda, waxay noqon kartaa calaamad cad, oo ku tusaysa. Iney samaynayso khayaano.
Hadii gabadha si-kadisa u badasho, hawlaheeda maalin lahaa. Dabeecadaheeda iyo xiisaheeda. Ayadoon si-cad waxba kuugu sheegin. Waxay ku tusaysaa inuu jiro wax-xun.
Tusaale ahaan, waxay billaabi iney banaanka u baxdo marar badan. Iney ka cudur-daarato, iney wakhti kula-qaadato. Ama iney samayso waxyaabo aadan ogayn.
3- Saacadaha maqnaanshaheeda
Iney kordhaan, wakhtiga ay ka-maqan tahay guriga. Waa calaamad xoojinaysa, iney samaynayso khayaano.
Haday badanaa maqan tahay. Ama ayna kuu sheegin sabab cad, ood ku qanacdo. Ama ay difaac gasho, markaad wax waydiiso. Waa calaamad sheegaysa iney samaynayso waxyaabo kale. Ooy rabto iney kaa qariso.
4- Kulanka gogosha oo yaraada
Waxaad arki kulanka gogoshiina, oo aad uga yaraaday, inti waagi hore. Ayadana waa calaamad sheegayso, inuu dareenkeeda meel kale ku jihaysan yahay.
5- Difaac cad-dhaafa
Difaaca xad-dhaafkaa, siiba markaad wax ka-waydiiso ficilkeeda. Iyo dabeecadaheeda is-badalay. Waxay noqo karaan calaamado macquula.
Haduu lamaanahaada noqdo mid aad isku ilaaliya. Ama uu ka jawaabi waayo su’aalahaada tooskaa. Ama uu xanaaqo markaad ka hadasho dareenkaada. Waa calaamad sheeaysa, iney wax qarinayso.
6- Daryeelka
Hadaad aragto, ayadoo badisay iney daryeesho jidhkeeda. Oo dhaqaale badan ku bixinayso muuqaalkeeda. Oo qurxinayso labiskeeda, si ka duwan inti caadiga ahayd. Ayadana waa calaamado kale oo macquula, oo sheegaya iney jiraan, waxay qarinayso.
Gaba-gabo
Si guud, khayaanadu waa wax-xun, oo saamaynaya dareenka labada qof ee lamaanaha ah.
Calaamadahana, waxay ku fahan-siinayaan, sababaha dumarku u sameeyaan khayaanada. Iyo sidaad ku ogaan karto.
Sababaha iyo calaamadaha gaarkaa, ee keenay khayaanada xidhiidhkiina, way ka duwanaan karaan kuwan. Laakin inaad fahanto waxyaabaha keenaya. Iyo inaad ogaato sababaha. Waxay kor u qaadayaan inaad fahanto cilladaha xidhiidhkiina.
Hadiiba ay dhacdo inaad ogaato, in lamaanahaada ku khayaanay. Waa muhiim, inaad xaaladan oo kale u waajahdo si-dagan.
Waxaad ogaataa markasta, inaad xidhiidhkaada galiso dadaal. Iyo wakhti. Waa habka kaliya eed ku yarayn karto, is-fahan xumada iyo khalaafkiina.
2 thoughts on “Khayaanada dumar iyo 14 calaamadood oo lagu garto | better”
Comments are closed.