Wax ka wanaagsan, oo ka qurux badan ma-jirto, jacaylka iyo xidhiidhka wanaagsan. Ee dhabtaa, ee u-dhaxeeya labada qof ee lamaanahaa.
Laakin lamaanaha oo dhan, jacaylka iyo xidhiidhka ka-dhaxeeyo, maaha mid dhaba.
Dadka qaar xidhiidhkoodu waa been, waxaad moodaa inuu jacaylka dhab ka-yahay. Laakin markaad u-fiirsato, waa mid beena.
Hadaba sideed ku ogaan kartaa, inaad ku-jirto xidhiidh beena. Iyo in-kale.
Waa kuwan 7 calaamadood ood ku garan karto, jacaylka beentaa.
1- Waxba kuuma huro/hurto
Horta waxaad ogaataa, ineyna jirin lamaane dhamaystiran. Labada qofna ma-noqon karaan, kuwo isku-waafaqa waxkasta.
Sida dabiicigaa, qofkasta wuxuu leeyahay, waxyaabo u gaara. oo uu kaga duwan yahay qofka lamaanihiisa ah.
Waana sababta jacaylka iyo xidhiidhka la-rabo, inuu guulaysto. Ugu baahan yahay, in wax laysku-huro.
Waa inaad noqotaa. qof dabacsan oo tanaasuli karo, adigoo og ineyna ahayn, in lagaa guulaystay. Ee waa hab, qofka lamaanahaada ah, uga farxinayso. Xataa haday tahay, waxaadan ku qanacsanayn.
Laakin marka qofka lamaanahaada ah, waxba uuna kuu huraynin, ama kuu tanaasulaynin. Midiisa oo kaliya ayaa u cad, oo wuxuu rabo ayuu sameeyaa.
Waa calaamad muujinaysa, inuuna xidhiidhka dhab ka-ahayn, ama wuxuu kula jilayo jacayl beena.
Markasta, qofka noocan ah wuxuu rabaa, inaad ku waafaqdo, wuxuu rabo.
Ikhtiyaar aad wax ku doorato, kuma siinayo. waayo dookhaadaba, wuxuu ku xidhan yahay, asaga wuxuu rabo oo kaliya.
sidoo kale akhri:- khayaanada iyo calaamadaha lagu garto
2- Inuu ku badalo ayuu rabaa/rabtaa
Intaana kuu sheegin wax-kale, marka hore waxaa haboon, inaad ogaato. Isbadalku inuu muhiim u yahay xidhiidh kasta.
Lamaanaha wanaagsan, waxay iska-caawiyaan, siday u hagaajin lahaayeen shaqsiyadooda markasta. Waana sababta ay muhiimka u tahay, inaad hesho lamaane ku daryeela oo ku jecel.
Laakin marka jacaylka qofku, uu kuu qabo yahay mid beena. Isbadalka uu rabo inuu kugu sameeyo, maaha mid waxtar leh, oo kobcinaya noolashaada. Ee wuxuu kula rabaa, isbadal u sahalaya siduu kuu maamuli lahaa.
Waxaa laga yaabaa, iney kaa codsadaan, inaad badasho hibadaada. Waxaad xiisayso, shaqsiyadaada iyo sidaad waxyaabaha qaar u xalliso.
Hadaad diidana waxaad arki, ayagoo kula-dagaalaya ama kaa tagaya. Shqasiyadaadana ma ixtiraamayo, oo wuxuu rabaa inaad u yeesho, wuxuu doonayo.
3- Si fudud ayey ballanka uga baxaan
Markaad ballan la-gasho qofkaad jeceshahay. waxkasta ayaad u samayn, si aad u ilaaliso ballantaas.
Intaas kadib, markasta fursad uma-helaysid, inaad shukaansato qofkaad jeceshahay. Waadna ixtiraamtaa jadwalkooda iyo filashooyinkooda.
Laakin markuu xidhiidh kaala-dhaxeeyo, qofka kuu kahyo jacayl beena. Waxaad markiiba arki, siday ula-fududahay qofkaas, inuu baajiyo ballantiina iyo kulankiina.
Aad ayey ugu fududahay, iney kugu dhahaan waan mashquulsanahay. Ee aan kulano isbuuca dambe ama maalin kale.
Ama waxaa intaas ka-sii xun. Intay kaa baajiyaan hawlahaada oo dhan, ayey kaa codsanayaan inaad u raacdo aqalkiisa. asagoo ujeedo kale leh.
Wax mugid ah kuma jiro, in qofkaas kuu arkin lamaanihiisa. Ee waxay kuu arkaan inaad tahay, qof si fudud gacanta loogu dhigi karo.
4- Kuma farxo, markaad ka-hadlayso mustaqbalkiina
Inaad qorshaysaan midnimada mustaqbalkiina, waa arrin farxad leh. Laakin qofkasta kuma farxo samaynta mustaqbalka.
Dadka qaar, waxay dareemaan walaac iyo walwal, markay sheekadu gaadho mustaqbal.
Waana calaamad muujinaysa, inuuna ku qanacsanayn xaalada uu ku sugan yahay. Ama uuna rabin inuu kula midoobo mustaqbalka. Ama waa qof aan aaminsanayn, inuu karti u leeyahay inuu samaysto mustaqbal.
Laakin farqi ayaa u dhaxeeya, qofka diidan inuu sameeyo mustaqbalka. Sababo gaara awgood. Iyo qofka aanba rabin ama xiisaynaynin mustaqbalka.
Haduuna qofka lamaanahaada ah, wax xiiso ah u haynin inaad qorshaysaan mustaqbalkiina. Ama ha-noqoto wax wayn, sida inaad guri gadataan 10-ka sano ee soo-socda. Ama wax-yar, sida dalxiis gaaban.
Waa calaamad ku tusaysa, inuuna si niyada kuu-jeclayn. Waxaa tahay qof jira’un, oo mushkilad ku ah.
5- Wuu ku dhaawacaa
Si kastoo lamaanuhu u wanaagsan yihiin. dagaal wuu dhax-mari laba qof, waana wax dabiiciya.
Laakin farqi ayaa u dhaxeeya, dagaal dhaxmara labo qof oo si-dhaba isku-jecel. Iyo dagaalka u dhaxeeya labo qof oon si dhaba isku-jeclayn.
Jacaylka dhabtaa, markasta waxaa jirta xuduud aadan dhaafaynin. Sababtoo ah, si kastood u xanaaqsan tahay xilligaas. Hadana waad jeceshahay qofkan aad la-dagaalayso. Marnaba ma samaynaysid, waxyaabo kaa fogaynaya qofkaas.
Laakin markaadan jeclayn qofka. waxaad ku faraxsan tahay inaad xanuujiso, adigoo habkasta u maraya, oo xanuujiyo.
6- Mataqaanid
Naftaada waydii, maxaad ka taqaanaa lamaanahaada.
Dabcan waad taqaanaa cuntaday xiiseeyaan, iyo filimaanta ay daawadaan. Laakin maxaa kale ood ka og-tahay.
Hadii lagu dhaho labo bog ka-qor, waxaad ka taqaano lamaanahaada. Maad buuxin lahayd.
Jacaylka beentaa ama lamaanaha beentaa, ma-rabo inaad wax badan ka-ogaato noolashooda. Sababtoo ah, marka horaba xidhiidhkan maaha mid dhaba.
Markaad qofka jeclaato, waxaad xiisaynaysaa inaad la-wadaagto. Ama aad noolashaada uga sheegto intaad karto. Sababtoo ah waad jeceshahay, waadna ku qanacsan tahay xidhiidhkaas.
Laakin markaadan jeclayn qofka, wuxuu kuula muuqdaa wax iska-caadiya. Iyo qof kuu daboolaya baahiyahaada gaarkaa. Waxkasta ayey noqon kartaa baahidaas, sida dhaqaale, gogol ama wax kale.
7- Sino ayuu kaa dalbadaa
Wakhti badan ayey dadka qaar, ku maalgashadaan xidhiidhadooda jacaylka. Si uu u noqdo mid waxtar leh. Waxaadse la-yaabi sababta dadka qaar, lamaanahooda ula-sameeyaan xidhiidh, ayagoona jeclayn.
Maxaan horta dhibaato ugu qabnaa, jacaylka beentaa xillia xidhiidhka? Sababtu ugu wayn waa galmada ama sinada.
Dadka qaar, waxay raadiyaanba waa gogol xaaraana. Markuu helo qof u daboolayo baahidaasna, ayagoona waxbaba horin. Waxaa u fudud inuu jilo jacayl beena.
Tanna waa calaamada muujinaysa jacaylka beentaa. Waayo markuu qofki kula sameeyo sinada. waxaa markiiba meesha ka baxaya xiisihi uu kuu-qabay. Waana dhibaatooyinka uu leeyahay jacaylka beentaa.
Dumarka waxaan si gaara u xasuusinaya, markaad samayso galmada xaaraantaa. Sino oo kaliya maadan galine, waxaad sidoo kale waayaysaa. ixtiraamki iyo sharafti aad lahayd.
Sidaas darteed, hadii ninka aad jeceshahay kaa codsado sino. ogow inuuna si-dhaba kuu jeclayn.
Waana mid kamida calaamadaha ugu waawayn ee lagu garto, jacaylka beentaa.
7 astaamood oo dheerada oo lagu garto jacaylka beentaa
1- Beenta badan
Waxaa laga yaabaa inuu erayo macaan kugu amaano, kugula hadlo. Laakin markaad aragto siduu kuula dhaqmayo, wuxuu kugu noqonayaa qof kale.
Sababtuna waxaa weeyo, qofka beenaalaha ah, waa laba-wajiile. Wuxuu dhahayo iyo wuxuu samaynayo, way kala duwan yihiin.
Qofka beenta badan laguma kalsoonaan karo. waana sifo aad ku garan karto jacaylka beentaa.
2- Ehelkiisa kuma barayo
Hab kale ood ku ogaan karto jacaylka beentaa waxaa weeyo. inuuna marnaba kuu ogolayn lamaanahaada, inuu ku baro ehelkiisa. Iyo dadka muhiimka u ah.
3- Ma-daneeyo hadalkaada
Mid kale ood ku garan karto jacaylka beentaa. waa inuuna qofku marnaba danaynin, waxaad u sheegayso.
4- Sheekaysi la’aan
Qofku markuu kula-jilayo jacaylka beentaa, wax dadaala kuma bixinayo inuu kula sheekaysto.
Hadaad aragto inuu dhibsanayo la-sheekaysigaada, ama wakhti badan kaa qaadanayso, inaad la-hadasho. Waa qof jacaylkiisu been yahay.
5- Iska-indho-tirid
Badanaa markuu qofku ku jeclayn, oo xidhiidhkiisu yahay mid beena, wuu iska-indho-tiraa dhibaatooyinkaada.
Markaad wajahayso maalmaha iyo xaaladaha adag. qofka aana ku jeclayn marnaba kama helaysid, wehelki iyo taageeradi aad uga baahnayd.
6- Halmaanka badan
Way dhacdaa inuu qofku wax halmaamo mararka qaar. laakin haday badato, ama ay dhacdo markasta. Sida inuu ku soo wici waayo, waa sifo sheegaysa jacaylka beentaa.
Maskaxdeenu way halmaantaa waxyaabaha aan siino dareenka yar. sidaas darteed markaadan u haynin qofka dareen badan. Waxaa fudud inaad ilowdo xidhiidhintiisa iyo inaad ka warhayso.
7- Inuu ka sheekeeyo xidhiidhkiisi hore
Haduu qofka lamaanahaada ah, badanaa sheeg-sheego xidhiidhkiisi hore. Ayadana waa calaamad xun.
Waxaase ka-sii xun, haduu kula tartansiiyo qofki hore ama ex-kiisi. Waxaa kuu wanaagsan xilligaas oo kale, inaad ka cararto qofkaas. Waayo dareenkiisi waxaa wali maamula qof kale.
Sidee loo-joojiyaa jacaylka beentaa
Way cadahay, in jacaylka beentaa yahay, midaan lahayn wax qiimo ah. Hadaba hadaad arato inaad kamid tahay, dadka lala-jilayo jacaylka beentaa. Ma jirto sabab aad u sii-wado xidhiidhkaas.
Waa xilligaad garan lahayd jilliinka beenta ee lamaanahaada kuu jilayo. Si uu kaaga helo baahidiisa gaarkaa, ee uu kaa rabo.
Markaad aragto inuu jacayl beena kula-jilayo, raac tallaabooyinkan. Si aad uga takhalusto jacaylka beentaa.
1- Fadhiiso oo naftaada la-sheekayso xoogaa
Markaad aragto in lamaanahaada kula-jilayo jacayl beena. Waxaa muhiima inaad la-fadhiisato lamaanahaada, ood kala hadasho dareenkaada.
Si toosa ugu sheeg. habkaad rabto xidhiidhkiina inuu noqdo, iyo inuu joojiyo matalaada beentaa.
Haduu diido inuu is-badalo, waad haysataa jawaabtaadi. Mana jirto sabab aad u siiso fursad kale, xidhiidhka noocan ah ma mudna in la-badbaadiyo.
2- Yuuna ku sirin
Si uuna u waayin waxyaabaha uu kaa helayo, wuxuu isku-dayi, inuu iska-dhigo qof ku jecel.
Wuxuu markasta ku xasuusin, waxyaabo hore oo uu kuu sameeyay. si uu kuu dareensiiyo, inuu wali ku jecel yahay. Adigana waxaad haysataa sabab cad ood ku soo gaba-gabayso xidhiidhkan.
Marnaba ha ogolaanin inuu ku siro, ood ku dhacdo dabinkaas.
3- Saxiib hala noqonin
Qaado xoogaa wakhti ah, ood ku ilowdo qalbi-jabkaas. Iyo inaad naftaada nasiinyo siiso.
Laakin hadaad ku sii jirto qayb kamida noolashooda. waxay kuu qaadanayaa sida deeqda oo kale.
Iska ilow qofkaas, oo go’aankaada ku adkayso, waad ka qiimo badan tahay intaas.
Waxay markasta isku-dayayaan iney ku qanciyaan. si ayna u waayin waxyaabaha ay kaa helayaan. Laakin adigay kuu taalla, inaad meel iska-saarto danaystayaashaas, ood ilaaliso moraalkaada iyo qiimahaada.
4- Kalsoonidaada kor u qaad
Inaad garato inaadan u qalmin, in sidaas laguula dhaqmo. waa tallaabada koowaad ee safarkaada isbadalka.
Waxaana ka dhalanaysa inaad ogaato shaqsiyadaada, kumaa tahay iyo waxaad u qalanto.
Qalbi-jabkaas waa inuu kuu noqdaa, midaad uga faa’idaysato. inaad ku dhisto shaqsiyadaada iyo kalsoonidaada.
Markaad dhisto naftaada, way adkaanaysa in lagugu dago markale, jacaylka beentaa.
5- Wakhtigaada qaado
Hadaad waydo waxaadan haysanin marki horaba, maaha khasaaro wayn ood la kulan tahay.
Waaba guul wayn. maadaama aadan rabin inaad kulumiso wakhti kale. iyo tamar kale oo dheeraada, qofaan kuu qalmin.
Xorriyadaada ilaasho oo wakhtigaada qaado. waxaad heli doontaa qof wanaagsan. oo si fiican u maalashada xidhiidhkiina, kulana wadaagaya jacayl dhaba.
Hada maadaama aad garanayso, sida loo ogaado jacaylka beentaa. Iyo sida loo xalliyo xaaladaha noocan ah. Marnaba lamaanahaada beenta ha u ogolaanin, inaad u sii xidhnaato beentiisa. iyo danihiisa gaarkaa. Iyo inuu xukumo noolashaada.
Cashar ahaan u qaado wakhtigaas murugada leh, ee ku soo maray, kadibna ka soco.
Hadaad ku dhiban tahay, la-dagaalanka dareenada jacaylka beentaa. Iyo inaad dareento, iney adag tahay helitaanka qof la’aamino. Kaligaa matihid, waxaa jira dad sidaada oo kale soo rafaaday, oo raba xidhiidh dhaba.
Gaba-gabo
Jacaylka beentaa xilliga xidhiidhka waa wax-xun. Inaad qof u muujiso jacayl beena, si aadan cidlo u dareemin, ama danahaada gaarkaa u gaadho, waa khalad.
Waxaadna ka dhaxli doontaa inaad dareeto, walaac iyo walwal badan. Ogow marnaba faa’ido kama helaysid jacaylka beentaa.
Markaad ogaato in qofka lamaanahaada ah, xidhiidhkiisu yahay been. Ood ku aragto calaamadaha aan kor ku soo xusnay. Waxaa kuu haboon, intaad dhabarka ujeediso, inaad ka cararto.
M.a
Waa arimo jira oo somalida xidhiidhkoodu ku badanyahay