fbpx

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Maadaama ay dhahaan, way adag tahay in la-fahmo dumarka. Hadana waxaa jira waxyaabo gaara, ooyna marnaba dumarku cidna u sheegin.

Waa siro ayna marnaba fahmaynin ragu, waliba markay noqoto xidhiidh. Dumarka waxay kula-wadaagaan waxyaabo badan. Laakin marnaba sirahan kuuma sheegayaan.

Soomaalidu waxay ku maah-maahaan, sir naageed lagama sal-gaadho. Sidaas darteed raga badankooda, aqoon badan uma laha, dhaqanada dumarka.

Markaad eegto indhaheeda, iyo ficiladeeda. Waxaad ka dareemi iney waxba kaa qarinin, ooy rabto iney mustaqbal kula-wadaagto.

Waa daacad, waxaadba moodaa inaad taqaano gabadhaada 100%. Waxay kuu sheegtana waad aamintaa.

Waxaan kula-wadaagayaa, siro ayna cidna u sheegin dumarka. Iyo waxyaabo badan oodan ka ogayn.

Sirahan waxay aragti kooban kaa siinayaan. waxyaabaha qaar, oo dumarku rabin iney ogaadaan ragooda.

Inaad ogaatana, waxay kaa caawinaysaa. inaad fahan badan u yeelato dhaqanada iyo siraha dumarka.

10 sirood oo ragooda ka qariyaan dumarka

1- Inaad ka tagto

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better
Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Sirta ugu wayn ee raga ka-qariyaan dumarka, waxaa weeyo. Cabsida ay ka-qabaan inuu ninka ka-tago.

Dumarku waxay aaminsan yihiin, haday kuu muujiyaa, siday kuu rabaan. Ama baahida ninkooda u qabaan, iney u muuqanayaan daciif.

Sidaas darteed dumarka qaar, ayaa diida iney ragooda u nuglaadaan. Ayagoo ka-baqaya inuu ka-tago ama qalbiga ka-jabiyo.

Waxay aaminsan yihiin, in ragu yeelanayaan awooda sare ee xidhiidhka. Haday u muujiyaan cabsida ay ka qabaan, inuu ka tago ninkooda.

Way adag tahay in la-fahmo dumarka, marka loo eego raga, waliba xilliga xidhiidhka. Hadana is-adkaynta dumarka, raga qaar ayaa ka hela.

Hadaba markaad aragto gabadhaada, oo is-adkaynaysa badanka. Ogow ma rabto inaad ka tagto. Adigana isku-day inaad dareensiiyo kalsooni iyo ammaan.

sidoo kale akhri:- calaamadaha lagu garto jacaylka beentaa

2- Asxaabtaada iney jeclaadaan

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better
Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Ma-jirto gabadh ku dhiiran karta, iney ninkeeda u sheegto sirtan. Laakin, Dumarka qaar, waxay u labistaan iney soo-jiitaan, ninka asxaabtiisa. Maaha iney ragas dareen u hayaan, ama rabaan iney la-sameeyaan xidhiidh i.w.m

Waxay rabaan oo kaliya, in asxaabtaada u riyaaqaan ooy waliba ayadana damcaan. Sababtoo ah, waxay og-tahay ninka asxaabtiisu, iney muhiim u yihiin.

Sababta kale waxaa weeyo. Naxariista gabadha ay uu muujinayaan ninka asxaabtiisa. Ayaa saamayn ku yeelan kara go’aanadiisa. Sida haday isku-dhacaan, ama xaaladooda adkaato. Waa waxay ka faa’idayso ayada.

Tusaale ahaan, markaad isku-dhacdaan gabadhaada. Asxaabtaada adiga ayey ku canaananayaan. Ayagoo ku saaraya khaladka oo dhan, gabadhana ka dhigaya, mid khalad aan lahayn.

Sidaas darteed markasta, waxay ku dadaalaan dumarka. In ninka asxaabtiisa, aragti wanaagsan oo quruxsan, ka aaminaan ayada.

3- Xidhiidhadeedi hore

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better
Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Raga badankoodu waxay doorbidaan, iney dumarka ku doortaan shuruudo. Si xidhiidhkooda u wanaagsanaado.

Hadana si kastood iskugu daydo, marnaba kuuma sheegayso gabadha. Inta ninay soo shukaansatay. Mana ogaan kartid tirada saxdaa.

Waa laga yaaba, qaybo kamida iney kula-wadaagto, laakin tirada saxdaa marnaba ma-sheegaan haweenku.

Xataa haday soo martay, guur qarsoodiya. Sida meher-xadka oo kale. Waa sir laabteeda ku duugan. Dabcan Waxyaabo muhiim ay tahay inaad ogaato, way kuu sheegi kartaa. Laakin marnaba haka sugin, si bayaana iney wax kasta kuugu sheegto.

Sababtuna waxaa weeyo. Iney ka baqayaan lamaanahooda, inuu ku dareemi waayo daganaansho iyo kalsooni. Ugu dambayna xidhiidhkooda, uu burburo.

4- Isbadalka raga

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better
Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Ragu inta badan ma-dareemaan isbadalkay ku sameeyaan dumark. Markaad wada socotaan gabadha mudo sanado iyo dheeraada. Waxaa isbadala ninka labiskiisa, wuxuu bilaabaa inuu ka fikiro mustaqbalkiisa. Iyo inuu qurxiyo jidhkiisa iyo gurigiisaba.

Wuxuu ninka bilaabaa, inuu hagaajiyo noolashiisa, markay gabadha isbartaanba. Ayadoona ku dhihinba, waxaas hagaaji iyo isbadal samee. Ayuu hadana ninku isku-sameeyaa isbadal.

Macnuhu maaha, iney dumarka isbadal ku sameeyaan raga. Ee markaad gabadh is-barataanba. Waxaad bilaabi inaad samayso, waxyaabo wanaagsan ooy ahayd, inaad bilowdo mar hore.

Tusaale, marka mid saxiibkaaya uu bilaabo, inuu daryeelo jidhkiisa iyo muuqaalkiisa. Waxay ragu ku dhahaan, saxiibow jacayl miyaa kugu dhacay. Waayadan labiskaada wuu badan yahay.

5- Magaranayso waxay rabto

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better
Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Waxaa jira xilliyo gabadhu doonayso, inaad u go’aamiso waxay rabto. Ama waxay doonayso. Sida cuntadeeda, dharkay xidhanayso iyo hawlaha ay qaban lahayd.

Sidaa darteed, waa inaad taqaano waxyaabaha dookheeda ah. Iyo markay isbadalaan. Hala yaabin arimahan, waa dabeecadaha dumarka.

6- Hadalkooda waa sarbeeb

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Eraydeeda ha dhagaysanin, taas badalkeeda u fiirso muuqaalkeeda. Eeg wajigeeda iyo luuqadeeda jidhka.

Ama jeclow ama nac, badanaa dumarka waxay doonayaan, si toosa uma sheegaan. Balse waxay kuu sheegayaan, waxay rabaan waxa ka soo hor-jeeda. Ayadoo waliba rajaynaysa, inaad dareento ood fahanto dabinkaad.

Tusaale ahaa waxaad ku dhahaysaa. Caawa waan soo daahayaa, asxaabtayda ayaana wakhti la soo-qaadanayaa, ee ogow.

Haday kuugu jawaabto, waa caadi ee iska bax, ha dhagaysanin erayadeeda. Ee jidhkeeda iyo wajigeeda u fiirso.

Waana mid kamida siraha dumarka iyo qaabkay wax u sheegaan. Iyo sababta dumarka badankooda u dhahaan, ninkan isma-fahmayno.

Waayo ninka waxaa laga-rabaa, inuu fahmo waxa kujira, gabadha qalbigeeda. Waad yaabtay soomaha.

7- Dhaqaalaheeda

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Mid kamida siraha dumarka qaar, ragooda ka qariyaan, waxaa kamida dhaqaalaha ay haystaan.

Badi dumarka, uma sheegaan nimankooda, dhakhliga soo-gala inta uu dhan yahay. Waxay ku qabtaan, iyo daymaha lagu leeyahay.

Hadana markasta waxay kaa rajaynaysaa, inaad lacag siiso, adigoon waydiinin wax su’aala.

Wax dhiba ha u arkin, hadii gabadhaada kaa qariso xaaladeeda dhaqaale. Waxaa laga yaabaa, sababta sidan u samaynayso iney tahay. Cabsi ay ka-qabto, haday runta kuu sheegto. Inaad murantaan, ku qaylido ama aad eedayso.

8- Kalsoonida jidhkeeda ku qabto

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Maad aragtay, ayadoo labiskeeda badbadalaysa. Ama diidaysa iney ka hadasho, waxyaabaha qaar. Sababtu waxaa weeyo, waxaa jira waxyaabo ayna amaan ku dareemaynin, oyna kula-wadaagi Karin.

Tusaale ahaan, waxaa lagaya yaabaa, ineyna ku qanacsanayn jidhkeeda. Laakin kuuma sheegayso.

Dumarka qaar, waxay noqdaan kuwo naftooda, sida xun wax uga sheega. Si kastood u amaantana, waxaa jira qayb kamida jidhkeeda, ooyna ku qanacsanayn. Sida gacmaheeda, cagaheeda ama caloosheeda.

Waxyaabahan waxay u qariyaan, ma-rabaan dumarka inaad u aragto, ineyna soo-jiidasho lahayn. Ama aad u aragto ineyna kuu qalmin.

Shakiga ka saar gabadhaada oo badbaadi. Una sheeg iney qurux badan tahay, gudaha iyo dibadaba.

U noqo dhiirigaliyaheeda koowaad. Tus oo u sheeg inaad ku faanto. Xasuusi kartideeda, xirfadeeda iyo awoodeedaba.

Waxay rabtaa iney ogaato, inaad ku qanacsan tahay. Ee tus adigana, iney ka fiican tahay siday moodayso.

Haday ku waydiiso, lacalaa hadaad aragto gabadh iga quruxsan. Ama ay ka walwalsan tahay, inaad naag kale ka raacdo. Daji oo niyada u qabooji, dabcan masayr ayaa ku jira markaas oo kale.

Dareen badan u muuji, amaan oo ka caawi iney daganaasho ku dareento. Nafteeda iyo xidhiidhkiinaba.

9- Khayaanada

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Ama ninki hore ama adiga noqo. Raga qaar waxaa laga yaabaa, intay nool yihiin, ineyna waligood ogaanin khayaanada xaaskooda.

Taas macnaheedu maaha, ineyna ku rabin adiga. Gabadhu hadayna ku rabin, si cad ayey kuugu sheegi. Laakin markay rabto inuuna burburin xidhiidhkiina. Ama ay kaa murjiso adigoo faraxsan. Waxaa macquula iney kaa qariso khayaano ay kugu samaysay, hada ka hor. Khayaanadaas waxay noqon kartaa waxkasta.

10- Da’dooda

Waa waxaad la-yaabi karto, waana saxan tahay. Dumarka qaar ma-jecla iney la wadaagaan cidna, cimrigooda saxdaa. Xataa lamaanahooda. Ilaayo intay ka dhimanayaan, way qariyaan.

Hadaad tihiin, saxiibo, walaalo, ama aad shukaansato. Marnaba kuuma sheegayso da’deeda saxdaa. Waana mid kamida siraha, ay aadka u qariyaan dumarka.

4 sirood oo kale oo dheeriya

1- Inaad ka-hesho naago kale

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Waa cabsi wayn, oo badaan gudaha ka dareemaan dumarka badankooda.

Aad ayey uga baqaan, in dumarka kale soo-jiitaan ragooda. Sida kuway isla-shaqeeyaan iyo dumarka asxaabta yihiin ninka.

Dumarka wax uga xun ma-leh, in ninkooda qalbigiisa laga xado. Ama uu u bogo dumarka kale.

2- Daba-galka

Waxaadan ogayn, in dumarka qaar dabagal adag, ku sameeyaan ragooda. Waxay baadhitaan badan ku sameeyaan, cinwaanadaada baraha bulshada.

Si ay u ogaadaan, dadkaad saxiibada dhaw tihiin. Iyo waxyaabahaad daawato badanka. Waxbadan ayey kaa ogtahay gabadhaada, ood moodayso inaad ka qarisay.

3- Asxaabteeda way ku yaqaanaan

Hadaad khayaantay, ama aad shukaansatay haween kale. Dhawr jeer isku-dhacdeen iyo marxalada kastood isla soo-marteen. Dhamaan waxaas oo dhan asxaabeetu way og-yihiin.

Hadba waxay kaa sheegto ayeyna kugu baranayaan. Ama way kugu jeclaanayaan ama way kugu nacayaan. Sirtan oo kale, waxay la-wadagaan dumarkay ay aadka iskugu-dhaw yihiin.

4- La-saxiibida raga kale

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Dumarka qaar waxay leeyihiin, rag ay asxaab yihiin. Kuwaas uuna ogayn ninkooda. Waana sir dumarku qariyaan markasta. Ayagoo ka fogaanaya masayrka iyo muranka ka dhalan kara arrintan.

Hadii ay kaa qarinayso rag ay saxiib la-tahay, adigana aadan ku qanacsanayn. Si cad ugu sheeg, dareenkaada.

Maxay dumarku u qariyaan sirahan?

Waxaa laga-yaabaa, inaad is-waydiiso. Maxay dumarku u qariyaan waxyaabahan.

Jawaabta saxdaa waxaa weeyo, dumarku ma-rabaan iney naftooda dhibaateeyaan. Ayagoo kula-wadaagaya, dhibaatooyinkooda shaqsigaa.

Sidee gabadhaada sirteeda u ogaan kartaa?

Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better

Si aad uga fogaato, in gabadhaada kaa qariso waxyaabo muhiima. Kala hadal waxaad doonayso, iyo waxaad ka filayso lamaanahaada.

Si cad ugu sheeg gabadha, waxaad u dulqaadan karto. Iyo waxaadan u dulqaadan Karin.

Ogowna, hadiii gabadha kugu kalsoonaato. Wax badan ayey kuu sheegi, ooy kula-wadaagi. Marka noqo dhagayste wanaagsan, waxaad rabtana kala hadal. Inaad isku tanaasushaana waa muhiim, markay lagama maarmaan tahay.

Gaba-gabo

Dhamaan sirahan, waa kuwo dumarku ayna rabin, iney la-wadaagaan ragooda. Waxkasta ayey u sameeyaan, siday uga qarin lahaayeen ninka.

Xasuusin. Daacadnimada iyo in runta laysku sheego, wuxuu fure u yahay xidhiidhka wanaagsan.

La-wadaa asxaabtaada. Mahadsanid.
Dhamaad.

1 thought on “Dumarka iyo 10 sirood ooy raga ka qariyaan | better”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights