fbpx

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Xidhiidhka waxaa lagu dhisaa is-aaminaad. Xataa wax-yar ayaa burburin kara, kalsoonida lamaanahaada. Taasoo keeni karta, in wakhti badan ay kaa qaadato. Dib u soo-dhiska kalsoonida xidhiidhkiina, haday burburto.

Dadka qaar waxay moodaan, iney caadi tahay, lamaanahaada been yar inaad u sheegi karto. Si ay farxooda u ilaaliyaan.

Laakin, waxay ogayn waxaa weeyo. Halkay moodayaan iney wax hagaajinayaan, wax ayeyba sii xumaynayaan.

Hadii qofki lamaanahaada ahaa uu ogaado mar’un. inaad been u sheegtay, ood wax ka qarisay. Waxaa burburaysa kalsoonidi uu kugu qabay.

Xilligaas laga bilaabana, waxkastood u sheegto. Iyo waxkastood samayso, wuu ka shakisnaan. Daganaanshihi iyo kalsoonidaba way burburayaan.

Hadaad doonayso xidhiidh dhaba, waa inaad ka fogaataa inaad lamaanahaada wax ka-qariso. Wax-yar iyo wax-waynba waa isku-mid.

Bal qiyaas, markaad meel kale ka-soo ogaato. Wax uu kaa qariyay lamaanahaada. Waa xanuun soomaaha?. Sidaas darteed, waxaan soo-jeedinaynaa in laysku-daah-furnaado, xilliga xidhiidhka.

8-dan wax marnaba lamaanahaada haka-qarinin.

1- Caafimaadkaada

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better
Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Hadaad ku-jirto xidhiidh dhaba, marnaba lamaanahaada haka-qarinin xaaladaada caafimaad.

Xataa hadaad la-nooshahay xanuun wayn. Ama lagaa dawaynayo xanuun yar oo iska-caadiya, u sheeg.

Lamaanahaada xaq ayuu u leeyahay, inuu ogaado xanuun kasta. Xaaladad kastood ku sugan tahay.

Inaad ka qariso caafimaadkaada, marnaba waxba kama-faa’idaysid. Ama umaadan samaynin, wax asxaan ah.

sidoo kale akhri:- 10 sirood oo dumarku ka qariyaan ragooda

2- Riyooyinkaada

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better
Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Waa muhiim, in lamaanahaada aad u sheegto riyooyinkaada noolasha. Iyo waxaad doonayso inaad xaqiijiso mustaqbalka.

La-wadaag ahdaaftaada lamaanahaada. Arrintan kaama caawinayso inaad is-fahantaan oo kaliya. Ee waxaa laga-yaabaa, inuuba qofkaas noqdo. Mid kaa caawiya sidaad u rumayn lahayd riyadaada.

Hadaad hesho, lamaane ku taageeraya. Tallaabo-tallaabo ayuu kuula socon, ilaayo intaad ka gaadhayso hadafkaada.

Riyooyinkaada waxay noqon karaa. Shaqadaada, qoyskaada ama waxbarashadaada. Marka waxba haka-qarinin, ee la-wadaa riyooyinkaada.

Arrintan waxay kaa caawin, inuu kobco xidhiidhkiina. Waxaad kalood ogaan, waxyaabahaada ka siman tihiin. Iyo waxyaabahaad ku kala-duwan tihiin.

Arrimahan waa muhiim, inaad ka wada-xaajootaan. Si aad u-qiimayso lamaanahaada, inuu yahay qofki saxdaa ee kugu haboonaa.

3- Jidhkaada

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better
Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Maaha inaad ka xishooto muuqaalkaada dabiicigaa. Marnaba ha iska-dhigin qof aadan ahayn, si-aad lamaanahaada u soo-jiidato.

Waa caadi inaad labisato, si aad naftaada iyo muuqaada u qurxiso. Laakin hadaad isticmaasho makeup. Ama aad xidhato waxyaabahan laysku qurxiyo, ee artifishaalka ah. Si aad u qurxiso meelahaad leedahay, waad ka foolxun tahay. Ma fiicna, waa inaad joojisaa samaynta waxaad.

Lamaanahaada sidaa tahay ayuu kugu aqbalayaa, haduu dhab kuu jecel yahay. Hadaba marnaba ha-qarinin muuqaalkaada saxdaa. Sidaa tahay ayuuna kugu jeclaan doonaa.

4- Nooca cuntadaada

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better
Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Markaad u baxdaan shukaansiga, ama aad joogtaan maqaaxida. Miyaad dalbataa saxan yar, oo cuntooyinka caafimaadka qaba ah. Haday ‘HAA’ tahay. Waa inaad joojisaa.

Marnaba lamaanahaada haka-qarinin nooca cuntooyinkaada. Waa inaad la-wadaagtaa cuntooyinka aad ka hesho. Kuwaadan jeclayn iyo intaad cuntada.

Lamaanahaada marnaba lama yaabayo, cuntadaad cunto intay dhan tahay. Miyaad jeceshahay shukulaatada ama hambeearka, la-wadaag. Waa muhiim inaad runta isku-sheegtaan.

5- Tagtadaada la-wadaag

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Markaan leenahay tagtadaadi la-wadaag, kama wadno inaad sheegto, wax-kasta. Ee waa inaad u sheegtaa, waxyaabaha daruurigaa ama muhiimkaa, inuu ogaado.

Arrintan waxay noqon kartaa, wax ku saabsan xidhiidhkaadi hore. Caruurnimadaadi, noolashaadi jaamacada, shaqadaada ama wax kal.

Haduu jiro wax saamayn kara mustaqbalkiina, hadaad midawdaan. Waa muhiim inaadan marnaba ka qarinin.

Markasta inaad daacad ahaato waa wax wanaagsan. Sababtoo ah, haday hadhaw wax soo baxaa, wax cusub ma-noqonayo. Kamana dhalanayso falcelin xun.

6- Cadee filashooyinkaada

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Intaada billaabin xidhiidhka, isku-day inaad sheegto waxaad filanayso. Waa inaad la-wadaagtaa lamaanahaada, waxaad ka filayso xidhiidhkan. Iyo sidaad u aragto.

Hadaad ka doonayso mustaqbal. Ama shukaansi iyo is-barasho kaliya. U sheeg. Waayo hadhaw ma-rabtid, wareer iyo dhibaato. Soomaaha?.

Sidoo kale markaad sheegayso, waxyaabahaad qofka ku dooranayso. Waa inaad u hadashaa hab aadaab leh. Adigoon erayo-xun isticmaalin, danahaada ka-hadal.

7- Waxaad rumaysan-tahay iyo mabaadidaada

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Muhiim maaha, hadaad si waaliya u jeceshahay lamaanahaada. Muhiim maaha hadii adiga iyo lamaanahada, isku-wax ka-heshaan. Iyo hadaad isku-wax neceb tihiin.

Waxa muhiimkaa waxaa weeyo, inaad kawada-hadashaan adiga jacaylkaada. Mabaadidaada noolasha. Waxay noqon karaan siyaasada ama caqiidadaada.

Tusaale ahaan. Bal kawaran haduu lamaanahaada shiici yahay, Adigana aad tahay sunni?. Soo dhibaato maaha?.

Hadaba marnaba yeyna dhicin, inaad mabaadidaada u badasho lamaanahaada.

Markaad midawdaan, ayaad ogaanaysaan muhiimada ay leeyihiin waxyaabahan. Marka ha-yaraysanin. Sidaas darteed, marnaba ha-qarinin waxaad rumaysan tahay, mabaadidaada iyo fikradahaadaba.

8- Dhaqaalaha

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Markaan leenahay dhaqaalihiina kawada-hadla, kama-wadno inaad xaalufiso lamaanahaada.

Ujeedada aan rabno, inaan halkan ku cadayno waxaa weeyo. Inaad kawada hadashaan dakhligiina, kaydkiina, iyo daymihiina haday jiraan.

Waa inaad ogaataa, hadaad rabto guur. Lacagtu door wayn ayey ku leedahay. Sidaas darteed cadeeya dakhligiina iyo yoolashiina dhaqaalaha.

Sideed lamaanahaada ugu sheegi kartaa waxaad ka qarisay?

Badi lamaanayaasha oo dhan way jiraan, waxyaabo ay ka qariyaan lamaanahooda.

Haday jiraan waxaad ka qarisay qofkaada, waa inaad u sheegtaa. Noqo lamaane daacad ah.

Way fududahay in la-dhaho u sheeg, laakin way adag tahay ficil ahaan. Waxaan kula wadaagayaa tallaabooyin macquula. oo kaa caawin kara inaad u sheegto waxaad ka qarisay qokaada.

1- Runlow noqo

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Markaad saxiibkaa/saxiibtaa u sheegayso waxaad ka qarisay, daacad noqo. Hadaa u sheegto xoogaa, ood daacad ka ahayn inaad wada-sheegto, waxba ma-tarayso.

Runta ha u badalin, si-aad u ilaaliso dareenka lamaanahaada. Ama inaad naftaada ka dhigto mid nadiifa.

Qof toosan aha oo sheeg waxa jira. Hadaadan sheegin, xaqiiqada way soo-bixi doontaa hadhaw. Ayadoona burburin doonta kalsooni kasta, oo lamaanahaada kugu qabay. Ma fiicna inaad runta qariso, kaamana dhigayso qof fiican.

2- Go’aami natiijada

Xoogaa wakhtiya qaado, oo ka ffikir sidaad doonayso, iney noqoto xaalada. Go’aami waxaad doonayso iney dhacaan. Laakin markasta naftaada u diyaari, xaaladkasta oo xun, oo dhici karta.

Hadaad garanayso waxaad rabto, si fiican ayaad u fahmi kartaa. Sidaad u xallin lahayd xaalada.

Laakin hadaadan garanaynin waxaad rabto, markaad naftaada la-sheekaysatay kadib. Ama aad qiyaasi kari waydo, siduu qofka uga falcelin karo, waxaad u sheegayso. Isku-diyaari labada xaaladoodba.

Waxaa intaas dheer, samee ficil aad ku xaqiijin karto, waxaad doonayso. Lamaanahaada wuxuu ogaanayaa, sidaad u rabto waxaas. Iskuna-day inuu uga falceliyo, sidaad rabto.

Tusaale ahaan, xanuun xun ayaa kugu dhacay. Sida TB ama cagaarshaw oo kale. Markaad la-wadaagayso qofkaada, u sheeg. Ama u muuji inaad ka xun tahay, inaad ka qarisay arrinta. Mar-kalana aysan dhacaynin tan oo kale.

3- Dooro xilli ku haboon

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Goobta iyo xilligaba wax ayey badali karaan. Markaad rabto inaad qofka u sheegto, waxaad ka qarisay. Waa muhiim inaad la-sugto goob iyo wakhti munaasaba.

Wakhti badan ha sugin, sida isbuucyo ama bil. Si-aad ugu sheegto. La-sug intaad dareenka laamanahaada ka-helayso. Kadibna la-wadaag.

Markaad dooranayso goota, ka fogow meelaha fagaaraha ah. Waayo ma-garanaysid siduu uga falcelin doono warkaada qofka. Lamaanahaadana ma dhagaysanayo hadalkaada, asagoo dadku fiirinayaan.

4- Qorshee sidaad u xallin lahayd

Cadee waxaad dhahayso ama xilligaad u sheegayso. Hadii waxaad u sheegayso lamaanahaada yahay, wax burburin kara xidhiidhkiina. Diyaari xalka intaadan u sheegin warka. Inaad xal keento, waxay yaraynaysaa saamaynta waxaas.

Hadii waxaad u sheegayso yahay, waxaan dhibaataynaynin xidhiidhkiina. Ka fiirso waxaad dhahayso, sidaad uga jawaabi lahayd falcelintiisa.

5- Is-daji

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Ha-cabsanin, markaad lamaanahaada u sheegayso warka. Xoogaa firaaqo ah qaado, intaadan bilaabin sheekada. Hadii kale lamaanahaada waxaa samayn cabsidaada, kadibna inaad xalliso ayaa adkaan.

6- Qaad masuuliyada

Markaad samayso khalad, inaad qaado masuuliyada khaladkaas waa asaasi. Waana muhiim qofku inuu qirto khaladkiisa, markuu rabo inuu sameeyo is-badal noolaleed.

Markaad qaado masuuliyada khaladkaada, lamaanahaada wuu maqli karaa hadalkaada. Kadibna waxaad billaabi inaad xaalada dajiso.

maxay daacadnimadu muhiim u tahay xilliga xidhiidhka

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

ayadoo qofkasta sirtiisa qarsanaya mararka qaar. ayuu hadana labada qof xidhiidhkooda noqon karaa mid caafimaad-qaba.

Daacadnimadu waa habka ugu fiican, ee xidhiidhka lagu adkayn karo. Sidaas darteed haka laba-labaynin inaad noqoto daacad.

1- Xidhiidh caafimaad-qaba

Daraasaduhu waxay sheegeen, in daacadnimadu xoojiso xidhiidhka. Inaad runta si-dabacsan iskugu sheegtaan, waxay kaa caawin. Inaad sees adag u samaysaan xidhiidhkiina.

2- Wada-sheekaysi wanaagsan

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Markastood lamaanahaada, wax ka-qarsato. Waxay saamaynaysaa qaab-hadalkiina xilliga xidhiidhka.

Waayo waxaad ka fikiri, waxaad sheegayso. Si-aad banaanka u keenin sirta aad qarinaysay.

Wada-sheekaysiga fiican wuxuu kaa caawin, inaad sheegto. Wixi maskaxdaada ku soo-dhaca, adigoon shaandhaynaynin.

3- Daganaansho

Daacadnimada waxaa leedahay dareen daganaansho. Iyo iney ammaan dareemaan labada qof ee lamaanahaa.

Daraasadu waxay sheegtay, marka labada qofkaba dareemaan daganaansho. Waxaa kordha jacaylkooda, iyo caafimaadka maskaxdooda.

Kama wal-walaysid wuxuu samaynayo lamaanahaada. Waxaadna dareemi kalsooni iyo inuuna waligaa kaa tagaynin.

4- Ixtiraamka

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better
Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Inaad daacad u noqoto qofkaada, waxay muujinaysaa inaad ixtiraamayso. Ayagana way ku ixtiraami doonaan.

U muuji hab-dhaqan wanaagsan. Waayo markuu qofka dareemo inaad ixtiraamayso. Daganaansho gudaha ah ayey dareemayaan.

5- Inaad is-aqbashaan

Inkastoo lamaanayaashu waxyaabo badan ka-siman yihiin. Hadana waxaa jira waxyaabaha qaar, ood isku-khilaafi kartaan.

Inaad daacad isku-noqotaan, waxay keenaysaa. Inuu midba midka kale aqbalo. Iyo inaad fahantaan, iney caadi tahay in lakala duwanaado.

6- Xorriyada

Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better

Markaad daacad isku-tihiin labadiinaba, waxaad helaysaa xorriyada. Kamana baqaysid inaad qarsato waxyaabahaada.

Gaba-gabo

Khubaradu waxay sheegeen. Wada-hadal-la’aanta ayaa keenta farxad la’aanta. iyo in lakala-tago xilliga xidhiidhka.

Xalka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka xidhiidhkiina, waa wada-hadal dhab ah. “ ka-hor-taga waa tallaalka ugu wanaagsan”.

Wada-hadalkana waa furaha ka-hor-taga dhibaatooyinka, xilliga xidhiidhka.

Diyaarso wakhti aad kuwada xaajootaan lamaanahaada. Xataa waxaad kawada-hadlaysaan haduu yahay, wax aadan daganaansho ku dareemaynin. Waa inaad dhagaysataa.

Inaad yeelataan wada-hadal furan, waxaa ka dhalanaya jacayl. Isdhaxgal iyo in midba midka kale ixtiraamo.

Dhinaca kale, hadaad qarsato sirtaada. Waxay adkaynaysaa wada-hadalkiina. Waxayna burburinaysaa kalsoonida idinka-dhaxaysa.

Way jiraan kuwo kale oo badan, ooy tahay inaadan ka qarinin marnaba lamaanahaada. Hadaba hadaad raacdo tilmaamahan, xidhiidhkiina wuxuu noqonayaa. Mid wakhti badan waara.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
dhammaad

1 thought on “Lamaanahaada 8-dan wax waligaa haka qarinin | better”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights