fbpx

Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better

Inkastoo lagu kala duwan yahay shaqsiyan, sifooyinka wax lagu doorto. Hadana waxaa jira waxyaabo gaara, ooy raga badankoodu ka siman yihiin. Waxaa kamida dumarka gaaban, waa maxay sababta?.

Wali maad is-waydiisay sababta raga qaar, u jecel yihiin dumarka gaa-gaaban.

Qof-kasta dookhiisa gaarkaa ayuu leeyahay. Marka laga hadlayo waxyaabaha na soo-jiita. Hadana laakin ragga badankooda ayaa xiiseeya, iney shukaansadaan dumarka ka gaaban joog ahaan.

Cilmi-baadhis, 2015-ki la-sameeyay ayaa lagu sheegay. in ragu daneeyaan gabdhaha gaa-gaaban, aadna u soo-jiitaan.

Maqaalkeena maanta waxaan kugula wadaagayaa. Sababaha nimanka u jecel yihiin shukaansiga haweenka gaa-gaaban.

Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaa-gaaban

1- Inuu gaaban yahay asagu

Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better
Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better

Mid kamida sababta ragu u jecel yihiin. Iney shukaansadaan dumarka gaa-gaaban ayaa ah, inuu gaaban yahay asagu. Waxayna nimanku jecel yihiin, iney u muuqdaan, iney ka dheeraadan. Qofka uu kala dhaxeeyo xidhiidhka.

Sidoo kale. nimanku aad ayey uga baqaan, iney shukaansadaan gabadh ka dheer. dumarkuna ma xiiseeyaan, iney la-haasaawaan nin ay ka dheer tahay. waxayna u aragtaa, inuu yahay nin daciifa. oo aan ilaalin Karin, baahiyaheeda aan buuxin Karin. Oo qaadi Karin masuulida qoyskeeda. Dumarka dhaa-dher kumana dareemaan qanaaco ninka ka-gaaban joog ahaan ayaga.

Intaas waxaa dheer. hadii uu ninku gaaban yahay xataa, wuxuu u muuqan doonaa mid dheer. marka uu la-joogo ama uu la socdo gabadh ka gaaban.

Waxaana lagu cadeeyay daraasada, in nimanku dareemaan farxad. markay u muuqdaan, kuwo ka dheer gabadha ay wada socdaan.

Sidoo kale akhri:- lamaanahada waxyaabahan haka qarinin waigaa.

2- Inuu muujiyo awoodiisa iyo raganimadiisa

Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better
Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better

Sababta kale ee ay ragu u shukaansadaan ayaa ah. inuu muujiyo raganimadiisa, waayo waxaa lagu sheegay daraasada. in dumarka dhaadheer ay inta badan yihiin, kuwo isku-filan xaga noolasha. isku kalsoon, oo xor ah, sidaas darteed, ragu waxay jecel yihiin, in loo muujiyo in loo baahan yahay.

Maadaama gabadha ka dheer aysan u muujinaynin baahi. wuxuu doortaa mida gaaban, si uu u muujiyo. inuu ka dheer yahay, ka awood badan yahay, xaga dhaqaalaha iyo jidhkaba. si gabadha uu u dareensiiyo, inuu yahay nin awooda, inuu ilaaliyo. ama difaaco, maadaama muuqaal ahaan uu ka dheer yahay, jidh ahaana uu ka wayn yahay.

Maaha ragu iney dumarka gaa-gaaban, u arkaan kuwo daciifa. Ama aan waxba qabsanaynin. Ee waa wax caado ah, bulshda dhaxdeeda, inuu ninku noqdo mid dheer.

Ujeedada kale ee ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban ayaa ah. iney u fudud tahay ninka, hadii uu rabo inuu xambaaro xaaskiisa ama uu dhuunkado.

Haduu shukaansado gabadh dheer, dabcan ma dareemayo awooda uu dareemayo. Markuu la-joog gabadha gaaban.

3- Hooyo fiican

Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better
Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better

Sababta kale ee ragu u doortaan dumarka gaaban, waxaa weeyo. Ragu waxay aaminsan yihiin. in dumarka gaa-gaaban aad uga fiican yihiin. kuwa dhaadheer, xagga guriga, iyo daryeelka caruurta. dumarka gaa-gaaban waa kuwo aad u ixtiraama nimankooda, badanaana qoyskooda ma burburo.

Halka ragu aaminsan yihiin. in dumarka dhaa-dheer ay yhiin kuwo kibir badan, oo muran badan. maadaama ay isku arkaan iney yihiin, kuwo qurux badan oo soo-jiidasho leh.

Raguna waxay jecel yihiin qofka lamaanahooda ah iney ka helaan. daryeel, ammaan, xushmad iyo daganaasho. waana mid ay ku wanaagsan tahay gabadha gaaban.

4- Fur-furnaata iyo kaftanka

Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better
Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better

Inkastoo lagu sheegay daraasada, in gabdhaha dhaa-dheer ka caqli badan yihiin kuwa gaa-gaaban. hadana raga badankood waxay aad u xiiseeyaan oo ay aaminsan yihiin. in gabdhaha gaa-gaaban, ay yihiin, kuwo furfuran oo kaftan badan. agtoodana laga helo, farxad iyo jawi dagan.

5-Soo-jiidasho ayey leedahay

Raga qaar ayaa xiiseeya dumarka gaa-gaaban, sababta oo ahm way soo-jiitaan. Jidhkooda yar, ayaa u muuqda mid qurxoon, oo xiiso leh.

6- Wuxuu u muuqdaa nin-dheer

Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better

Sababta raga qaar, u jecel yihiin gabdhaha gaa-gaaban. Waxaa weeyo, iney u muuqanayaan kuwo dhaadheer.

Xataa ninka gaaban, uma muuqanyo mid gaaban. Markuu la-joogo gabadha gaaban. Wuxuu u ekaanayaa nin-dheer.

Raga la-dhiban gaabnida, een ku qanacsanayn joogooda. Markay helaan lamaane ay ka-dheer yihiin, waxay dareemanaa kalsooni dheeriya.

Raga dheerna, waxaaba soo-jiidasho ku abuuuraya. Farqiga u dhaxeeya, dherarkooda.

7- Kalsoonida

Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better

Sababta kale ee raga badankooda u doortaan, gabadha gaaban waxaa weeyo. Iney kalsoonidooda kobcayso.

Raga qaar, malahaan dhererkay rabaan. Sidaas darteed, iney helaan gabadh gaaban oo qurxoon. Waxay kobcinaysaa qabkooda.

Sababta kale ee raga uga helaan, dumarka gaa-gaaban waxaa weeyo. Iney dareemaan iney ka roon yihiin. Taasoo awoodiisa xoojinaysa.

Faa’idooyinka ay leedahay shukaansiga dumarka gaa-gaaban

  • Waxaad u muuqan nin-dheer.
  • Waxaa kuu fudud inaad xambaarto.
  • Soo-jiidasho ayey leeyihiin.
  • Waxay ku fiican tahay hooyanimada.
  • Markasta way kuu baahan tahay.
  • Shaqsiyad wanaagsan ayey leeyihiin
  • Waxay markasta u muuqan, gabadh ka-yar da’deeda.
  • Ma dhib-badna.
  • Way kugu kalsoon tahay, markasta.
  • Caafimaad-qabkeeda wuu fiican yahay.

Jacaylku miyuu ku xidhan yahay dhererka qofka

Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better

Inkastoo sahlan tahay, inaan qiyaasno sababta raga u doortaan, dumarka qaar. Hadana malahaas aan iska-dhigno xagaas.

Lagayaabaa lamaanaha aad aragto, qaarkood iney isku-dooranin muuqaalka jidhka. Waxaa laga yaabaa, iney gabadhu tahay mid aad u dagan. Oo uuna ninku waligii la-kulmin ayadoo kale hada ka-hor. Dhinaca kalana ay gaaban tahay.

Maadaama dhamaanteen sida dabiicigaa, aan ku kala duwanahay. Marka laga hadlayo muuqaalka, ama waxa lagu doorto qofka. Hadana mararka qaar, jooga muhiim maaha gabi-ahaanba.

Mararka qaar qofka leh, sifooyinka muuqalka aan rabnay. Waxaan ka dooranaa, qof aan is-fahmayno.

Macno ma-leh, iney dheer tahay gabadha ama ay gaaban tahay. Waxay noqon kartaa, qofki ugu quruxsanaa, eed aragto noolashaada.s

Ragu miyey qiimeeyaan jooga dumarka?

Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better

Marka laga hadlayo, waxa raga iyo dumarku ku doortaan lamaanahooda. Maaha wax qarsoon.

Cilmi-baadhistu waxay cadaysay, in ragu xiiseeyaan wax-yar ka-gaaban. Halka dumarkuna jecel yihiin, raga wax-yar ka-dheer.

Waa imisa dhererka dumarka ee ugu fiican?

Raga badankooda waxay xiiseeyaan, dumarka dhererkooda uu yahay. 1 mitir iyo 50 centmeter. (1.5m).

Si guud ragu waxay jecel yihiin, in gabadha ay shukaansadaan, xoogaa ka gaaban tahay.s

Gabo-gabo

Sababta raga qaar u jecel yihiin, dumarka gaa-gaaban. Waa arrin adag oo wajiyo badan.

Qalbiga wadadiisa ayuu qaadaa. Inta badan waxaa haga dareenka, xulashada iyo arrimo kale.

Waana wax wanaagsan, iney jiraan rag jecel dumarka gaaban. Siday u jiraan, rag jecel dumarka dhaa-dheer, ama kuwa joogoodu dhax-dhaxaadka yahay.

Waana dabeecada dadka, in qofkasta uu jiro, qof xiiseeya. Raga qaar dhererka uma tixgaliyaan, waxyaabaha qofka kale ku xishaan.

Mawduucyada kale ee la-xidhiidha

10 sirood oy raga ka qariyaan dumarka.

Calaamadaha lagu garto jacaylka beentaa.

Noocyada loo-qaybiyo raga.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhammaad

2 thoughts on “Waa maxay sababta ragu u xiiseeyaan dumarka gaaban | better”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights