fbpx

Telefoonka markay ka-qaban waydo gabadha Maxay ragu ku fikiraan | better

Inta badan way dhacdaa arintan oo kale. waxaa laga yaabaa telefoonkaada oo dhacaya inaadan qabanin. Sababo jira awgood.

Waxaa laga yaabaa inaad shir ku-jirto, suuli ku-jirto. ama aadan rabin inaad la-hadasho qofkaas. Laakin muxuu dareemayaa qofki kale. Siiba ragu maxay ku fikiraan, markay gabadha ka qaban waydo telefoonka.

Waa dabeecada basharka, inuu qofku yaabo ama wax iska-qiyaasto. Iyo inuu mararka qaar malaha qofka uu noqdo mid amakaak badan.

Xidhiidh cusub ha-ahaado ama mid xoogaa socday, ama qof asxaabtaada ah ha-ahaado. Wicitaanka aad ka-jawaabi wayday, marark qaar wuxuu keenaa fikir iyo malo xun.

Sidaas awgeed waxaan kula-wadaagayaa 7 wax uu ku-fikiro ninka. Markaad wicitaankisa ka-jawaabi waydo. Laakin marka hore aan kula wadaago sababaha keenaya inuu sidan u fikiro.

Waa kuwan 4 wax oo go’aamiya habka uu u-fikiro ninka, Markaad telefoonka ka qaban waydo.

1- Muhiimada xidhiidhka

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka
Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Haduu xidhiidhkiina cusub yahay, oo wali wajiyadiinu is-baranayaan. Inuu ninku dhib u arkin ayaa laga yaabaa.

Laakin hadaad tihiin saxiibo isku-dhaw, ama xidhiidh xoogaa socday idinka dhaxeeyay. Wuxuu dareemi walwal

Dabeecada qofka iyo muhiimada xidhiidhkiina, ayaa door-wayn ka-qaata siduu uga falceliyo.

2- Kalsoonida qofka

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka
Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Kalsoonida uu ku qabo naftiisa ayaa qayb ka-qaadata siduu uga falceinayo. wicitaanka aadan ka-qabanin.

Ninka kalsoonida badan ku-qaba naftiisa, wuxuu isku-qanciyaa. Inaad mashquulsan tahay, kadibna hawlihiisa maalinllahaa ayuu qabsadaa. Asagoon ku soo wacaynin marar badan.

Wuxuu garanayaa inaad dano gaara leedahay. Waxaana jira sababo aan yarayn oo keenaya inaad qaban waydo taleefonka.

Si kastaba ha-ahaatee, Waa caadi inuu walwal dareemo, markaad ka qaban waydo wicitaanka. haduu dhib ku qabo amaanka naftiisa ama kalsoonidiisa.

3- Xaalada xilligaas aad ku-jirtaan

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka
Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Xaalada xilligaa ayaa saamayn ku leh wicitaanka. Waxaa dhici karta inaad isku-dhacsan tihiin ama aad ka doodeen arrin adag.

Hadayba xaaladiinu ahayn mid fiican xilligaas, telefoonka aad ka-qaban wayday. Waxay kor u qaadaysaa walwalkiisa.

Markan oo kale kama walwalayo wicitaanka aad ka-qaban wayday. laakin sawirka guud ee xidhiidhkiina ayaa keenaya walwalka.

Taas badalkeeda, hadii xaaladiinu ahayd mid caadiya, ood hadana ka-qaban waydo wicitaanka. Ayadana wuu dareemi karaa walwal

Laakin dhinaca kale aan ka eegno. Haduu rabay inuu kula-wadaago arrin farxad leh ama uu dareemayo xaalada xun. Markan oo kale inaad wicitaankiisa ka-jawaabi waydo, waxay keenaysaa inuu dareemo walwal badan.

sidoo kale akhri:- 6-da nooc ee loo-qaybiyo raga

4- Qaabka wada-hadalkiina

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Lamaane kasta waxay lee-yihiin qaab ugaara oo ay u sheekaystaan. Dadka qaar dhawr-jeer ayey isla-hadlaan maalinti, halka kuwo qaarna ay isla-hadlaan marmar.

Inaad fahanto ood ilaalisaan xeerkan waa muhiim. Haday qorshaysteen iney is-wacaan markasta. kadibna mid ka-mida la-waayo, waxay keeni kartaa daganaansho la’aan.

Laakin hadii wicitaankiinu badnayn, marmarka qaarna telefoonka iska-qabanin. Markaas oo kale macno maleh telefoonka aadan qabanin.

Muhiimadu waxaa weeyo, markastood fahansan tihiin qaabkaad u wada-xidhiidhaan. Waxaa yaraanaya walwalka iyo inuu dareenkiina xumaado.

Muxuu ninku ku fikiraa markaad ka-qaban waydo telefoonka?

1- Wuxuu ka-fikiraa caafimaad-qabkaada

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Dabcan waxaa dhici karta, inuu ka walwalo xaaladaada iyo caafimaad-qabkaada.

Bal ka-waran haduu ogaa inaad meel aaday. kadibna xilligi uu filayay inaad guriga tagto, uu ku soo-waco, oo uu ku waayo.

Xaaldan oo kale hadaad ka-jawaabi waydo wicitaankiisa. markaas oo kale maskaxdiisa, waxay ka fikiraysaa xaalada aad ku sugan tahay. iyo inaad nabad-qabto.

Waa qof dareen badan kuu haya, markuu xaaladan oo kale kaa walwalo.

Dabcan way jiri karaan xaalado kale oo keenaya inaad qaban waydo telefoonka. Sida

  • Haduu telefoonka kaa damo ama
  • Uu silent kaaga jiro oodan arkaynin

Laakin xaalada shakiga, badanaa caqligu ma-shaqeeyo. Waxyaabo badan ayuuna ka-fikiri karaa. Hadaadan dib u soo wicin ama uuna ogaanin xaalada aad ku sugan tahay.

2- Wuxuu dareemi inuuna muhiim kuu ahayn

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Dhamaanteen waan doonaynaa in nala-ixtiraamo, siiba dadkaan aadka u danayno.

Hadaba waa dabiici! marka telefoonka laga qaban waayo dadka qaar, iney dareemaan inaan la-rabin. ama ayna muhiim u ahayn qofkaas.

Waan ognahay dhamaanteen, inuu qofku ku mashquuli karo danihiisa gaarkaa. Sida shaqadiisa qoyskiisa, asxaabtiisa, iyo hawlaha gurigiisa. Mayara waxa qofka mashquulin kara.

Xataa asagoo fahmaya waxyaabahan, ayuu dareemi karaa inuuna muhiim kuu ahayn. Hadana dareenka noocan ah, qoffka si dhakhso ah ugama baaba’o, siiba markuu jiro khilaaf.

3- Dib u-eegis ayuu ku sameeyaa ficiladiisa

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Telefoonka aad ka qaban-waydo ninka, wuxuu mararka qaar keenaa inuu dib isku-qiimeeyo. Asagoo is-waydiinaya.

  • Ma wax khaldan ayaan kula hadlay
  • Maxaan ku sameeyay

Mararka qaar, qiimayntan uu isku-sameeyay waxay keentaa baraarug iyo inuu is-badal sameeyo. Haduu moodo inuu kaa xanaajiyayna, wuxuu dareemi doonaa walwal.

4- Xiiso iyo yaab

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Mararka qaar, hadii wax sidi caadiga ahayd iska-badalo, waxaa ka dhasha xiise.

Hadaad ahayd qof telefoonka qabta markuu soo Waco, ama markaaba ku celiya. Laakin si lama-filaana uu kuu waayo. Wuu yaabi doonaa. Asagoo is-waydiinaya

  • Maxay samaynaysaa taow
  • Maxaa soo kordhay

Arrintan maaha wax sidaas u sii xiiso-badan, laakin waa siday u fikiraan raga, mararka qaar. Laga yaabaa inuu mooda, inaad u qorshaynayso arrin lama-filaana.

Laakin haday sii badato telefoonka aadan qabanaynin. waxaa imaan doonta inuu yaabo, oo kaa walwalo.

5- Wuxu dareemi karaa inuu tartan kula-jiro qof kale

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Waxaa dhacda mararka qaar, telefoonka aad ka-qaban wayday, iney ka-dhalato malo xun. Asagoo is-waydiinaya

  • Miyaa layla-shukaansadaa gabadha
  • Ima rabto miyaa
  • Miyey igu dan-gaadhaysaa

Waydiimo noocan ayaa ku dhalan kara, taasoo keenaysa inuu moodo, in tartan lagula-jiro.

Waana waxyaabo ay dareemaan dadka xidhiidku ka dhaxeeyo mararka qaar. Sidaas darted, haka daahin. Wakhti badan ma-qaadanayso inaad xidhiidhiso qof ku-jecel.

6- Inuu naftiisa dib uga-fikiro

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Raga qaar, markaad ka-jawaabi waydo wicitaankiisa, waliba si aan caadi ahayn. Wuxuu bilaabaa inuu canaanto naftiisa. Asagoo is-waydiinaya

  • Qofkan la’aantiisa soo ma-noolaan karo
  • Soo kama-maarmi karo
  • Waa inaan samaystaa xuduud

Wakhtigaas yar ee aad telefoonka ka-qabanin. ayaa u noqon karta muraayad uu shaqsiyadiisa ka arko. Iyo inuu sameeyo is-badal.

Wuxuu ka-fikiraa, inuu firaaqo ku siiyo. Iyo inuu naftiisa xooga saaro, oo uu hagaajiyo waxyaabaha ka-xun.

7- Niyad-jab

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Dhamaanteen waan la-kulanaa xaaladan oo kale. Waliba marka waxaad qorshaysay uuna u hirgalin sidaad rabtay. Waxaana dareenaa niyad-jab.

Waxaa laga yaabaa! inuu rabo inaad kala taliso arrimo muhiima oo ku saabsan qorshayaasiisa. Ama uu rabo inuu kula wadaago xaalad adag oo uu la-kulmay.

Hadaba markuu ku soo-waco hadaad ka-qaban waydo, wuxuu dareemi karaa xanaaq ama niyad-jab. Waana wax dabiiciya iney dadku sidaas ua falceliyaan xaaladahan oo kale.

Dabcan waxa niyad-jabka keenaya! maaha inaad ka qaban-wayday, ee waa xaaladaha ku xeeran markaas.

Laga yaabaa iney maalintiisa adkayd, oo uu rabay inuu hadalkaada ku nafiso.

Su’aalaha la-xidhiidha mawduucan

Miyaan u jawaabaa markasta oo uu isoo-waco?

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Daruuri maaha inaad markasta ka-qabato telefoonka. ee waxaa muhiima inaad isku-dheelitirto danahaada gaarka ah. iyo inaad noqoto qof la-heli karo.

Qof-kasta waxaa jirta xilli uu mashquul yahay, uuna rabin inuu hadlo. Sidaas darted waxaa iyadana muhiima inaad naftaada mudnaanta siiso. iyo inaad yeelato xuduud aan la-soo dhaafi Karin.

Inaad is-fahantaan macnaheedu waxaa weeyo, inaas is-xurmaysaan, ood iska-warhaysaan. Maaha inaad markasta isla-hadashaan.

Waa noocma ninka dareemo walwalka, markaad ka qaban-waydo telefoonka?

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Ninka dareema walwalka, markaad ka qaban-waydo telefoonka. wuxuu noqon karaa qof jecel, in isla-markiiba laga-qabto. Ama wuxuu noqon karaa qof dareemayo cabsi iyo kalsooni-darro.

Walwalkan waxaa keena kara, arrimo hore oo idinka-dhaxeeyay. Iyo xaalada xidhiidhkiinu ku sugan yahay.

Dabcan walwalka waxaa keeni kara sababo dhawr ah oo kala-duwan.

Wicitaankiisa ma-arkaynin, dib miyaan u wacaa?

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Si-guud waa dhaqan wanaagsan, inaad ku celiso qofki ku-soo wacay. Siiba markuu yahay qofaad danaynayso.

Inaad dib u wacdo waxay tusaysaa, inaad danaynayso xidhiidhkiina. iyo inaad uga mahad-celinayso wicitaankiisa.

Sidoo kale waa caadi, inaad wakhtigaada isk-qaadato. siiba hadaad hawl hayso, ama xaaladaadu ayna ku sugnayn jawi caadiya.

Sideen ugu sharrixi karaa sababta aan uga qaban waayay?

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Runti sida ugu wanaagsan waxaa weeyo. hadaad mashquul ahayd, ama aadan dabaysanin mobilekada, ama aad rabtay xoogaa firaaqo ah. Inaad u sheegto runta.

Waxaa fiican inaad u sheeto sababta, halkaad ka aamusi lahayd. Mararka qaar hadal yar, ayaa xallin-kara is-fahan la’aanta idin-dhaxaysay.

Markasta inaan ka qabto telefoonka ayuu rabaa, maxaan sameeyaa?

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Hadii ninkaad sheekaysataan uu rabo markasta inaad ka-qabato wicitaanka. Waxaa haboon inaad kala-hadasho arrintaas. Iyo inaad u sheegto inaad u baahan tahay firaaqo, aad ku qabsato hawlahaada gaarkaa.

U sheeg inaad jeceshahay oo aad xiisayso la-hadalkiisa. laakin ayna suura-gal ahayn markasta inaad wada-hadashaan.

Xidhiidhka caafimaadka qaba, wuxuu ku kobcaa, is-aaminida iyo is-fahanka. Marka waa muhiim in labada qof, mid-kasta uu helo madax-banaani. Si uu xidhiidhkiina u noqdo mid xoog badan.

Ma calaamad xun baa, haduu xanaaqo markaan qaban waayo wicitaankiisa?

Maxay ragu ku fikiraan markay gabadha ka-qaban waydo telefoonka

Haduu markasta ka xanaaqayo wicitaanka aadan ka-qabanin! waxay tilmaamaysaa inuu rabo wakhtigaada oo dhan. Ama uu rabo inuu ku maamulo.

Labada qof waa iney fahmaan, iney jirto xilliyo wicitaanka aan la-qabanin. sababo jira awgood.

Gaba-gabo

Adigoo dagan! Kala-hadal oo u sheeg inaad markasta wicitaankiisa uga jawaabi Karin, si dhakhso ah. Waayo qofku wuxuu leeyahay baahiyo gaara, iyo masuuliyad saaran. Mashquulku waa wax kamida noolal-maalmeedka qof kasta.

Waxaa fiican in labada qof samaystaan jadwal iyo nidaam. Sida markaad mashquulsan tahay, inaad farriin u dirto. Intaas kadib wuxuu ogaan inaad soo wici-doonto.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad

2 thoughts on “Telefoonka markay ka-qaban waydo gabadha Maxay ragu ku fikiraan | better”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights