Dhamaanteen waan ognahay, inuu qofkasta ka-duwan yahay qofka kale.
Culimada cilmi-nafsigu, waxay sheegeen iney jiraan waxyaabo aynan ka-sinayn. Waxaa kamida sidaan u dhaqano iyo waxyaabahaan ku kala-duwanahay.
Waxyaabahan oo aan ugu yeedhno“noocyada shaqsiyada”. siday u kala-duwan yihiin dharka aan xidhano! sida surwaalka, shaadhka, iyo funaanadaha. Sidaas oo kale ayey shaqsiyada raga u kala-duwan tahay.
Waa hab fudud oon ku fahmi karno shaqsiyadeena iyo midda dadka kale.
Qoraalkeena maanta wuxuu ku saabsan yahay!
- 6-da nooc ee loo-qaybiyo ragga
- Sideed ku ogaan kartaa nooca raga aad tahay?
- Noocee ayaa ugu xoog badan?
- Qof kasta hal shaqsiyad miyuu leeyahay?
- Gaba-gabo
Waa kuwan 6-da nooc ee loo-qaybiyo shaqsiyada raga.
1- Nooca raga alpha
Nimanka alphaaga ah waa hogaamiyaal. meel kasta ooy joogaana ayagaa ka muuqda, waana qaabka ay yihiin.
Way isku-kalsoon yihiin, waana sifada soo-jiidashada u yeelayso shaqsiyadan. Waxay aqoon u lee-yihiin sida wax loo-maamulo. Dadkuna inta badan way ku kalsoon yihiin.
Waxay karti u leeyihiin nooca nimanka alphaaga ah, fulinta waajibaadka iyo masuuliyada saran.
Waa rag go’aan adag oon badalin ahdaaftooda. Inta badan way guulaystaan nooca raga alphaaga ah, maadaama ay isku-kalsoon yihiin.
Waa raga khataraha u badheedha. waa kuwa badanaa waajaha qabashada hawalaha cusub iyo xallinta dhibaatooyinka adag.
Raga noocan ah, waa kuwo xifaaltan badan. Noolashana waxay u arkaan iney tahay tartan adag.
Midda xaqiiqada ah! ninka alphaaga ah, meel-kasta uu joogo wuxuu ku leeyahay saamayn xoog badan.
sidoo kale akhri:- way ku jeclaan hadaad sidan u samayso
2- Nooca raga sigma
Wali maad aragtay qof bulshadiisa ka duwan, hadan u muuqda mid ku qanacsan naftiisa. Ninkaas waa nooca raga sigmaaga ah.
Nimanka noocana lama-fahmo, waa kali inta badan. Waxay daganaansho ku dareemaan cidlada. Waxay door bidaan iney xaalad kasta qiimeeyaan.
Inta badan Dhaqanada bulshdooda iyo caadooyinkooda, way khilaafsan yihiin.
Maaha iney ka-soo horjeedaan bulshadooda. ee waa rag si gaara u qiimeeya xaaladaha adduunka.
Waa kuwo la-qabsan kara xaaladaha noolasha, ku qanacsan jidhkooda oo isku-kalsoon.
Taas macnaheedu waxaa weeyo, iney wajihi karaan xaalad-kasta oo ay la-kulmaan noolashooda.
Ninka sigamaaa ah, noolasha uma arko tartan uu kala-jiro dadka kale. Ee waxay u tahay safar uu ku-baranayo naftiisa, oo uu ku hormarinayo noolashiisa.
Taas waxay keentaa in ninka sigmaaa ah, uu u fahmo naftiisa si qoto-dheer iyo xaaladaha ku xeeran.
Arrintan waxay ka helaan awood qarsoon oo ay ku akhrin karaan dadka kale! iyo iney xaaladaha u fahmaan si qoto-dheer.
Laakin waxaad ogaataa raga noocan ah, way adag tahay in la-badalo.
3- Nooca raga Zeta
Noocan shaqsiyadooda waxaa lagu-qeexaa, nooc falaago ah oon caadi ahayn.
Markasta way ka-soo horjeedaan aragtida bulshadooda. Caadooyinka iyo dhaqanada bulshadooda ma ixtiraamaan. Taas badalkeeda ayaga ayaa samaysta caadooyin u gaara.
Ninka ZETA-ga wuxuu mudnaanta ugu badan siiyaa, sinaanta bulshada. Ma daneeyo qaabka bulshadiisu wax u qiimayso. Xataa ma-jecla inuu wax hogaamiyo. Kaliya wuxuu qiimeeyaa in lays-ixtiraamo oo la-sinaado.
Raga noocan ah guushooda waxaa weeyo iney helaan farxad. iney helaan daganaansho iyo nabad-galyo. Guushoodu waxay ku kooban tahay ashyaada.
Waa rag ku qanacsan shaqsiyadooda, oon ka xishoonin iney muujiyaan dareenkooda. Waxayna doorbidaan iney u noolaadan siday rabaan iyagu.
4- Nooca raga Beta
Nimanka noocan ah waa kuwo dabacsan oo naxariis badan! oo ilaaliya caadooyinka iyo dhaqamada bulshadooda.
Waa nooca aaminsan wada-jirka dadka, een xiisaynin xifaaltanka. Taasna waxay ka dhigtaa nimanka noocan ah, kuwo bulshaawi ah.
Waa rag calool-jilicsan oo xasiloon. Ninka Beta-ga ah, baahidiisa wuxuu ka hormariyaa baahida dadka kale.
Naxariistooda badan, waxaa la-mooda iney jilicsan yihiin. Laakin ninka beta-gaa waa rag dareen ahaan caqli badan, oo leh fahan qoto-dheer. Runtiina waa sifo mudan in la-amaano.
Waxay qiimeeyaan xidhiidhka iyo wada-noolaanshadaha. Taasoo keenaysa iney yeeshaan asxaab badan.
Nimanka noocan ah, ma-noqdaan hogaamiyaal. Ee waa dadka ka-shaqeeya daaha gadaashiisa.
Badanaa lama-arko ragan, laakin kaalmadooda waa mid muhiima oon la-diidi Karin.
Inkastoy awoodin raga noocan ah, iney wajahaan xaaladaha adag. Hadana waa kuwo dagan oo aamina.
Waa qofka isku-haya dadka kooxdaa, ee abuura deegaan lagu wada-noolaan karo.
5- Nooca raga Gamma
waa nooca raga jecel nabada, waa rag af-gaaban oon hadal badnayn.
Badanaa way fikir badan yihiin, waana sababta ay ugu fiican yihiin xallinta dhibaatooyinka. iyo iney soo bandhigaan fikrado wanaasgan.
Badanaa waa kuwo cajiiba oo daneeya iney wax bartaan! si joogta ahna u raadiya iney sameeyaan is-badal iyo horumar.
Maaha nooca raga aadka u xiiseeya haybada iyo awooda. Laakin waxay jecel yihiin waxbarashada iyo fahanka xaaladaha.
Hibadoodu waa iney sameeyaan cilmi-baadhisyo. waana raga inta badan caalamka ku soo kordhiyo waxyaabo cusub.
Maaha rag faana, laakin shaqadoosa iyo wax-qabadkooda ayaa laga arkaa kartida shaqsiyadooda.
Maaha iney jecel in la-buunbuuniyo, laakin waxay ka helaan iney xalliyaan xaaladaha adag.
Inkastoy jecel yihiin kalinimada, hadana way qiimeeyaan xidhiidhada dhabtaa. Waxaa laga yaabaa iney dad yar heshiis la-noqdaan oo xidhiidh fiican la-sameeyaan.
Dadka badan waxay ka-jecel yihiin dad yar oo tayo leh. Xataa xidhiidhada jacaylka ay sameeyaan waa sidaas. Ma badna dumarka ay shukaansada.
6- Nooca raga delta
Hadaad tahay nin qiimeeya xasiloonida iyo inuu noqdo qof la-fahmi karo. Waxaa tahay nooca raga la-dhaho delta.
Waa nooca raga doorbida iney ku noolaadaan xaqiiqada iyo waaqaca dhabtaa. Waa rag xor ah oo u shaqaysta si-qabow, mana jecla iney u badheedhaan khataraha.
Nooca raga delta-ga ah waa kuwo madaxooda hoos u dhiga, oo shaqooda qabsada ayagoo aamusan.
Waxaa laga yaabaa ineyna ahayn rag soo-jiidasho leh, laakin waa daacad. Waa rag laysku hallayn karo oo kula-jiraya xaalad kasta.
Waa rag qunyar socoda oo jecel iney hadafkooda ku gaadhaan si-tartiiba.
Ragan waxay jecel yihiin in noolashooda isku dheeli-tirnaato! iyo inuu noqdo waxooda oo dhan mid sugan. Sida shaqadooda, xidhiidhadooda noolasha iyo hormarkooda.
Inta badan xidhiidhada jacaylka ay sameeyaan raga noocan ah! waa mid sugan oo waara wakhti badan.
Sideed ku ogaan kartaa nooca raga aad tahay?
Hadaad rabto inaad ogaato nooca raga aad tahay. waa inaad baadhitaan iyo daba-gal aad ku samaysaa dhab-dhaqankaada iyo xaaladahaada noolasha.
Bilow inaad u fiirsato sidaad uga falceliso xaaladaha iyo dhaqanada. Adigoo ku eegayo qaabab kala-duwan.
- Ma waxaad doorbidaa inaad hogaamiso kooxdaada, mise inaad gadaal u fadhiisato?
- Maad jeceshahay dhax-galka bulshada mise cidlada?
- Sided u xalisaa culaysyada ku soo-wajaho?
Inaad is-waydiiso su’aalaha noocan ah, waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato nooca shaqsiyadaada.
Qaabka kale eed shaqsiyadaada ku ogaan karto waxaa weeyo! inaad marto tijaabooyinka online-ka ah. Inkastoy sheegaynin shaqsiyadaada dhabta ah! hadana waxaad ka helaysaa tilmaan fiican iyo inaad fahanto naftaada.
Noocee ayaa ugu xoog badan?
Marka hore waxaad ogaataa shaqsiyad kasta iney leedahay awoodaheeda gaarkaa iyo dhaliilaheeda.
Sidaas oy tahay, hadana nooca Alpha-ga ayaa la-dhahaa, waa kuwa ugu awooda badan. Maadaama ay xirfad hogaamineed leeyihiin iyo kalsooni badan ooy ku qabaan naftooda.
Sidoo kale nooca raga sigmaaga ah, ayagana way awood badan yihiin. Maadaama ay yihiin rag isku-filan, oon cidna ku tiirsanayn.
Ujeedadu waa inaad ogaataa, awoodu ineyna ahayn mid ku kooban xukunka iyo xifaaltanka. Sidoo kale caqliga, damqashada, fahanka iyo adkaysiga waa calaamadaha awooda.
Hadaba intaad ku mashquuli lahayd, nooca shaqsiyada raga ee awooda badan. Waxaa kaaga fiican inaad barato, shaqsiyad kasta waxay ku fiican tahay. Iyo qaabkay uga qayb-qaadan karto guusha iyo horumarka dadka.
Qof kasta hal shaqsiyad miyuu leeyahay?
Waa fahan-xumo inaad u malayso, in qof kasta ku kooban yahay hal nooc kamida shaqsiyada. Xaqiiqadu waxaa weeyo, shaqsiyada qofka waa mid isku-dhafan! macquulna maaha inuu qofku ku koobnaado hal nooc.
Nimankaa qaar waxay yeelan karaan sifooyin badan oo kamida noocyada shaqsiyada.
Tusaale ahaan, qofku wuxuu noqon karaa, nooca nimanka beta. Qof dadka caawiya oo naxariis badan. Laakin meelo kalana wuxuu u muuqan karaa nooca Alphaaga.
Shaqsiyadu maaha wax ma-guuraana. Way is-badashaa, waxaana saameeya arrimo kala-duwan. Sida
- duruufaha noolasha.
- barbaarinta iyo.
- dadka nagu xeeran.
Gaba-gabo
Shaqsiyadu waxay noqon kartaa mid is-badasha iyo midaan is-badalaynin.
Tusaale dhacdooyinka noolasha, sida xirfadaada oo kale, waxay badali karaan shaqsiyadaada. Xataa dhacdooyinka caalamka ayaa saamayn kara shaqsiyadeena.
Waxaa sidoo kale muhiima inaad ogaato! korriinka iyo hormarinta nafta, iney badali karaan sifooyinka shaqsiyadaada.
Markastood wax-barato ood hormariso naftaada, waxaa sidoo kale yeelanaysaa caadooyin cusub. iyo hab-fikir cusub oo saamaynaya shaqsiyaada.
Sikastaba ha-ahaatee, is-badalka noocan ah, maaha kuwo ku dhaca si dagdaga. waxay qaataan wakhti-dheer.
Waxaa sidoo kale macquula, in shaqsiyadaada guud waxba iska-badalin. Laakin qaabkaad u wajahayso xaaladaha, ay is-badalaan wakhti ka-dib.
M a