fbpx

Qiso cajiib ah- 50+ qisooyin cusub better

inaad akhriso qisooyin cajiib ah maalin kasta. waxay kor u qaadaysaa fahankaada waayaha noolasha. muhiim ayeyna qofkasta u tahay inuu akhriyo qisooyin cajiib ah. haduuba helayo.

markaad tahay qof kamida dadka akhriya qiso cajiib ah. waxaad ogaan in noolashan. waxkasta uu isbadali doono. hadaad xaalad xun ku-jirto waad ka baxi. hadaad xaalad dagan ku jirtayna kuma waaraysid.

faa’idada akhrinta qisoooyinka cajiibka ah

  • kobcinta garaadka qofka.
  • waxkasta inuu isbadalayo
  • xalinta khilaafaadka.
  • fahanka noolasha.
  • baraarug.
  • cibro qaadasho.
  • aqoon
  • caqabadaha noolasha

Waa kuwan 50+ Qiso cajiib ah oo gaaban

dhamaan waa qiso cajiib ah oo dhab ah. waxay ka kooban yihiin qisooyin jaceyl ah oo cusub. iyo noocyo badan oo qiso cajiib ah.

37+ sheeko qosol badan

Qiso cajiiba hooyo ku saabsan

Wuxuu dhahay

Markii hooyaday la-furay, ee ay naga tagtay. aabagay wuxuu nagu qabay inaana booqan hooyo.

Sidaas ayey maalmuhu nagu qasbeen, inaan iska-ilowno. Lana qabsanao islaan arxan-daran, oo aabe guursaday.

Walaalkay iga waynaa guriga ayuu ka maqnaan jirey habeeno, oo dibada ayuu ku soo dhixi jirey. Dan kamuuna lahayn, ciqaabta sugeysa markuu imaado. Laad iyo dharbaaxo sida loola dhacayo ayuu qof suuxay iska-dhigi jirey. Sidaas ayuuna uga badbaadi jirey, inuu sheego halkuu ku maqnaa.

Waxaan ahaa saxiibka kaliya, ee uu lahaa walaalkay. Sidaas oo ay tahay, hadana meeshuu ku maqan yahay iima sheegi jirin. Laga yaaba inuu ahaa, fulay hooskiisa ka-baqa.

Maalin ayaan xasuustaa, uu walaalkay ka-maqnaa guriga sedex cisho. Aabana sidii islaantiisu been ugu sheegaysay, ayuu ciil bastiis la-ahaa. Wuxuuna go’aansaday, inuu wiilka geeri qarka u saaro.

Kalkii uu soo laabtay, saacado gudahood. Dhiigiisa ayuu dhax gal-galnayay. Daqiiqadaas ayaana ogaadey inaan waayi doono walaalkay, kalinimaduna ay ilowsiin doonto.

Habeen aad u qabow, ayaan barkinta hoosteeda ka-helay warqad ay ku qornayd erayadan.

“hooyadeen booqashadeeda joogtee, way indho la’dahaye. Codkeenana kala garan-mayso. Walaal si kastoo laguu jir-dilo, marnaba ha-joojinin inaad daryeesho. Hana dareensiin, inuu midkeen dunida ka tagay.”

QISO cajiiba oo KU XASUUSIN Doonta nimcada RABI.

nin ayaa xanuusnaa in mudo ah,oo bil ama labo bilood ah. wuxuuna dhakhtarki u qoray, in lagu xidho oksijiin. maadaama ayada la’aanteed uuna noolaan karin.

lacagta dhakhtarkana wuxuu u bixiyaa si isbuucle ah.

markii la gaadhay isbuuci uu bixin lahaa lacagta, ayuu dhakhtarki u imaaday. oo ku dhahay wxaa lagaa rabaa lacag 5kun oo dollor ah.

ninki xanuusanaa ayaa aad u ooyay. dhakhtarki ayaana ku dhahay. lacagta miyaa kugu badan walaal aan kaa dhimee?

maya walaal waan iska bixin karaa lacagta. balse waxaan la ilmeeyay ayaa ah. anigu waxaan jiraa 78 sano. bal kawaran allihii iigu deeqday 70 sano inaan si bilaash ah u neefsado. maantana isbuuci ayaa lacagtaas ku dhiibayaa.

QISOOYIN CAJIIB AH!

habeen qabow badan, ayuu nin maalqabeen ah. banaanka kula kulmay oday sabool ah. wuxuuna waydiiya.

miyaadan qabow dareemaynin. adigoo banaanka jooga oo waliba jaackad xidhnayn.?

Odaygii ayaa ugu jawaabay ninki taajirkaa ah.

ma haysto waana la-qabsaday xaaladan.

maalqabeenki ayaa ugu jawaabay. waxyar i sug, gurigayga ayaan hada kaaga soo qaadayaa jaakad.

ninki maskiinka ahaa oo aad u farxay ayaa dhahay, haye waan ku sugi.

taajirki ayaa galay, kadibna wuu mashquulay. sidaas ayuuna ku ilaaway balanti uu u qaaday ninki maskiinka ahaa.

subaxdi ayuu soo xasuustay arrinti. banaanka ayuuna u soo baxay, si uu u raadiyo odeygi. balse wuu arkay odeygi oo dhaxan darteed u dhintay xalay.

qoraalkan ayuuna u reebay.

marki hore waxaan lahaa awood aan kula dagaalamo qabowga. waayo waan la qabsaday. laakin markaad ii balan qaaday inaad i caawinayso. waxaan aaminay balantaadi, taasna waxay baabi’isay awoodaydi gudaha. ee aan iskaga caabinayay qabawga daran.

ujeedada qisan.

waligaa balan aadan fulinaynin ha qaadin.

Qiso jaceyl oo dhab ah

gabadh soomaaliyeed oo wax ka-barata dalka turkiga. ayaa xiriir la-yeelatay macalinkeeda jaamacada u dhigayay. ilaa ay si aada isku jeclaadeen. kadib macalinki wuxuu aaday dalka maraykanka.

asagoona gabadha u sheegay, inuu diyaar u yahay inuu guursado ayada. waxayna u sheegtay qoyskeedi. ayadoo aad u faraxsan.

maadaama ninku ahaa, nin turkiya. waxay gabadha reerkoodi ku dhaheen imow muqdisho. ninka waan kugu dari doonaaye. markay imaatay magaaladeedi, waalidiinteedi waxay u sheegeen. ineyna dib u noqon doonin. iskan ilowdo ninka turkigaa guurkiisa.

ayadana waxay ahayd gabadh madax-adag. waxayna ku adkaysatay iney rabto ninki turkiga ahaa. intaas kadibna reerkoodi ayaa tashaday. waxay go’aansadeen in lagu daro wiil reerahooda ah. sidaas ayaana loogu aqal geeyay si dhaqso ah.

intaas kadib gabadhi waxay gashay xaalad adag. cunto ma cunto. maalinkasta way fikiraysaa. ilaa ugu dambayn loo cabsaday xaaladeedi caafimaad. waxaana wiilki laga codsaday inuu gabadha furo. si loo dabiibo.

inkastoo gabadha xaaladeedi wali ayna fiicnaanin. laakin sidi hore way ka fiican tahay. sideedaba gabadha ninkay rabto in lagu daro ayaa fiican. haduuba muslim yahay. waa in lagu hal shuruud oo ah, inuu si wanaagsan u dhaqanayo oo kaliya.

gabadhi wali ninki turkiga ahaa, ee ay jeclaatay maysan helin. gabdhahana waxaa u fiican qofka ay la yeelanayaan xiriirka inuu noqdo qof u dhaw oo ay gaari karto. qof kaa fog hadaad jeclaato way adag tahay inaad dib ula kulanto.

Qiso cajiiba hooyo oo Runtii Qalbigaaga Taabaneysa

AQRISO qiso cajiib ah hadaad hooyadaa jeceshahy.

wuxuu ahaa wiil dhain-yaro ah oo 18 sano jir ah. hooyadiis ayuu ku dhahay, markaan gaadho 20 sano. maxaad hadyad ii siin doontaa?

hooyadii ayaana ku dhahday. wiilkaygiow xiligaas ma-dhawo. ee allahaa na gaadhsiiyo sanadkaas.

wiilki markuu gaadhay 19 sano, wuu xanuunsaday. waliba xaalad daran ayuu galay, ilaa la dhigay isbitaalka. dhakhtarki isbitaalkana wuxuu dhahay, wiilkaada waxaa hayo xanuun daran. wadnaha ayaana laga hayaa, ayuu ku dhahay.

hooyadii waxay dhakhtarki ku dhahday, khayr ayey noqon doontaa. waxay ku noqotay qolki wiilkeeda jiifay.

markuu arkay hooyadii oo murugaysan, wuxuu hooyadii waydiiyay. wuxuu dhakhtarki dhahay. wuu dhimanayaa miyuu dhahay. hooyo xanuunkan dawo maleh miyaana?

laakin hooyadi wiilkeeda wax jawaab ah maysan siin. waana ka soo baxday qolkii uu wiilkeeda jiifay. mudo kadibna wiilki wuu caafimaaday. waana laga soo saaray isbitaalki asagoo 20 jir ah.

waxaa la keenay gurigi ay daganaayeen asaga iyo hooyadiis. heeraraha guriga ayyna eegay, si uu hooyadii u arko. laakin wuu waayay. warqad ayuuna ka helay sariirta hoosteeda.

waakan qoraalki ku qornaa warqadaas.

wiilkaygiyow 2 sano ka-hor, maanta oo kale ayaad igu dhahday, hooyo markaan gaadho 20 sano. maxaad hadyad ahaan ii siin doontaa.

anigana maanta waxaan hadyad ahaan kuu siiyay noolashayda. waxaan hadyad kuu siiyay wadnahayga. ee hooyo ii xafid.

tan waa hadyadi ugu qaalisanayd ee qof bani’adam ah siiyo qof kale. cid kale oo bixin karo majirto, oon ka ahayn waalidkaada.

walaalkayow waalidkaada baari u noqo. hadaad rabto inaad guuleysato aakhiro iyo aduunba.

qiso jaceyl murugo badan

waligaa qof qalbiga ka dhaawacan, agtaada muu soo fadhiistay. oo dareenkiisa inuu kaa qariyo muu damcay. laakin muu kaa qarin waayay.

waatan sheekada oo dhamaystiran.

waxay is-jeclaayeen mudo 4 sano ah. anigu waan aqaanaa wiilka iyo gabadha, labadoodaba waan is naqaanaa. jaceeylkooda iyo waayaha ay isla soo mareen waan aqaanaa. mudadi ay wada socdeen, waxaan markhaati ka ahay, inuuna gabar kale waligii eegin. ayadase anigu ma ogi.

waxkastoo uu qabanayo wuu u sheegi jirey, oo uu ogeysiin jirey. aad ayuu u jeclaa gabadha. naftiisa in ka badan ayuu jeclaa. haduu malaayin qof dhax fadhiyo, oo ay soo wacdo. wuxuu ku dhahaa xabiibi noolashaydi iiwaran.

kalsoonida uu jaceylkiisa ku qabo. ayaa keentay inuu dadka badankooda kala xishoonin. inuu gacalisadiisa u muujiyo dareen jaceyl.

ayada xageeda waxaan ka ogahay oo kaliya. iney danayn jirtay. badankana ay wakhti la-qaadan jirtay, balse maan hubin iney kaligii ku kooban tahay. xaqeeda ma qarinayo, laakin waa intaan ka ogahay.

hadalka yuuna dheeraanine. jaceylkii mudada badan soo socday. ee dhib iyo rafaadba laga dhawrayay. xagee ayuu ku dambeeyay. aan idinla wadaago.

wuxuu iigu imaaday goob yar oo aan badanka fadhiisto. oo layga waayin. salaan iyo bariido kadib. waxaan ku dhahay, kawaran dumaashiday. wuxuuna igu dhahay way wacan tahay. jawaabtiisana waxaan ka dareemay, inuuna gacanba ku haynin. waxaan ku dhahay, ma wax dhibaa jira.

wuxuu dhahay

gabadhii aan noolashayda u huray. gabadhi aan sida dhabtaa u jeclaaday. gabadhi darteed, dumar oo dhan uga fogaaday. shalay ayuu meherkeedi dhacay. waxay xaas u noqotay nin kale. wuxuu hadalka raaciyay. aabaheed ayaa ku daray nin qurbaha ka imaaday.

wuxuuna dhahay asagoo niyad jab dareemaya. qadarka alle ayaa sidan noqday. laga yaabaa inuu alle qof ka wanaagsan ii qoray.

+++++++++++++++ +++++++++++++++

  • Jaceylkii caruurnimo
  • Lagu-dhisay kalsonida
  • Ee dhumucda waynaa
  • Hadda wuu is dhalan rogay.!!
  • Marka laba is dhaarsaday
  • Isu qubay xinjiro dhiig
  • Midba dhinac la gaystoo
  • La dhan taalo caashaqa
  • dhadhan maleh adduunyadu.!!
  • Inkastoo qoraal dhacay
  • Dhudi uu ninkale helay
  • Wali maan is dhiibine
  • Jawaab baan dhursugaya
  • Aan ka helo dhamaystii
  • Na dhexmaray axdiga adag.
  • kollay dhuuni raac iyo
  • Ma ahayn dhalaal jecel
  • Imana sii sateen dhoof
  • Ama dhulal shisheeyee
  • Dhib ka wayn ayaa jira.!!
  • Waddnahay ku dhararrayd
  • Qalbigana dhexdiisay
  • Daganayd dhawaanahan
  • Sida dhibicda roob kay
  • U dhex taallay naxariis.!!!
  • Wali dhaawac baan ahay
  • Mana dhiman ma nooliye
  • Hay dhaydee fariimahan
  • Dhagta maad u saartaan.!!

Qiso cajiiba oo gaaban

Qisdaan waxay shegeysaa in layska. Ilaaliya khiyaanada. khaasahaan Dumarka..

….dhibna ha,u Arkine Taas

Wan Arkay Aniga shakhsiyad badan

Oo sidaas Ah lkn ma,Aqaani

SAbab????

wuxuu dhahay cinwaan facebook ah, oo kale ayaan samaystay. xaaskayga ayaana ku soo darsaday. kadibna qoraal ayaan u diray. aan ku dhahayo xaas miyaa mise.

waxayna iigu jawaabtay maya. hada waxaan ahay garoob. ninkaygina wuxuu dhintay 10 bilood ka hor. intaas kadibna ninki oohin ayuu qabsaday, asagoo ka xun beenta. iyo khayaanada ay ku la-dhaqmayso xaaskiisa.

Qisoooyin cajiib ah oo qoraal ah

Xaaskaada waligaa u dulqaado

nin odey ah oo asaga iyo caruurtiisa oo wada qadaynayaa. ayey halmar xaaskiisa ku xanaaqday. kadib intay caaagad caano ah, soo qaatay ayey madaxa uga shubtay.

caruurtina intay naxeen, ayey halmar shib dhaheen. aabahoodna wuxuu ahaa nin kulul.

odeygina inti caanaha lagu shubayay, ayuu fikiray oo caqli keenay. 3 arrimood ayuuna go’aansaday oo kala ah.

  1. inuu isxakameeyo, oo xaaskiisa u dulqaato.
  2. caruurtiisa inuu wax ka-baro xaaladan.
  3. xaaskiisa inuu cashir cajiib ah u dhigo.

kadib wuxuu go’aansaday inuu caruurtiisa wax baro. wuxuuna dhahay waxaa maanta lay caleemo saaray. inaan noqdo boqorka guri.

Qiso jaceyl oo qoraal ah

Qisadan oo ah qiso jaceyl oo dhab ah. oo ku dhacday mid kamida wiilasha soomaaliyeed. ee ku nool dalka uganda. ayaa waxaa ku dhacday qiso jacayl oo layaab leh. wuxuuna sheekadiisi ku bilaabay.

gabadhan waxaa jeclaa mudo 3 sano ah. intaas oo dhan waxaan moodayay. in gabadhan aniga oo kaliya calfan doono. oo cidkale ayna iga raaci doonin. waxaan naftayda u sheegi jirey. inaan gabadhan hanan doono. markaan dhameeyo waxbarashada. xiligaas dalka soomaaliya ayaan wada joognay.

laakin gacalisadaydi waxay soo aaday dalka keenya. anigana somaliya ayaan ku hadhay. mudadaas aan kala maqnayn. sidii ayaan u jeclaa, markasta waan soo xasuusan jiray. waan wici jiray markaan joogay soomaaliya. mudadaas waxay ahayd hal sano.

intaas kadibna waxaan aaday dalka kenya. waana kulanay gacalisadaydi. oo sheekaysanin. waxaana u sheegay inaan diyaar u ahay. inaan midowno oon aqal galno. waxayna igu xidhay inaan ka doonto qoyskeeda.

anigu dalka keenya waxaan u aaday waxbarasho. laakin ayada darteed ayaan iskaga dhaafay. kadib qoyskaygi ayaa la kulmay ehelkeedi. halkaas ayaana lagu sheekaystay. sidaas ayaana laygu siiyay gabadhi. laakin wax meher ah ma dhicin.

laakin qoftaan jeclaa een noolashayda oo dhan. inaan u horo aan rabay. ay i khayaanaysay. waxay hoosta kala socotay nin kale. oo dhaqaale ahaan iga buuran. ninki ayaa qoyskeeda gabadhi ka doontay. ayagana way siiyeen. maadaama uu iga dhaqaale badnaa. wax ixtiraama nooma muujin. aniga iyo qoyskaygiba. sidaas ayey noola dhaqmeen.

QISO CIBRO QAADASHO MUDAN, XIKMADNA LEH:

11 sanno ka dib guurkooda, waxaa u dhashay ilmahoodii u horeeyay. wiil ayuuna ahaa, iyaguna waxay ahaayeen lamaane is jecel. wiilkuna wuxuu u ahaa nuurkii indhahooda.

Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah. ayaa Aabihii wiilka dhalay arkay Dhallo sharoobo ah oo furan. isla wakhtigaas wuxuuna ka daahsanaa shaqada.

wuxuuna u sheegay xaaskiisa inay Furka ku Xidho, armaajadana ay saarto. Wiilkooduna da ahaan waxa uu ahaa wakhtigaas 2 jir. kuna beegmayso inta ay wada joogeen ama is qabeen 14 sanno iyo bilo.

Intaas ka dib, Hooyadii oo jikada aad ugu mashquulsanayd darteed. way ilowday hadalkii xaajigeeda.

Wiilkiina waxa uu arkay dhaladii, wuuna qabsaday, wuuna wada cabbay. waxay ahayd sharoobo dadka waaweyn loogu talagalay, carruurtana khatar ku ah. Goortii ilmihi dhacay, Hooyadii ayaa kula carartay Cusbitaalka. halkaas oo uu ku geeriyooday wiilkii yaraa.

Hooyadii Qaracan & Argagax ayaa isugu darsamay. waxay ka sii naxsanayd sida ay saygeedii u wajihi doonto. maadaama ay Arrintan Sahlatay.

Intaa ka dib Aabihii oo Walbahaarsan ayaa yimi Cusbitaalkii. wuxuuna arkay Maydka ilmihiisii uu Sannadaha badan Sugaayey. wuxuu eegay Xaaskiisii oo ilmo ay Wajigeeda qarisay, wuxuu ku yidhi Labo Eray, oo kala ahaa:-

gacaliso waan ku jeclahay markasta. iyo samir iyo iimaan alle hanaga siiyo.

Ficil celinta ninka ee filan waaga ah waa dabeecad ku dhisan garasho Qadarta Eebbe ah. Samir, deganaan & fahan Nolosha ah.

Inkastoo ay xanuun badnayd sida wax u dhaceen hadana Ilmihi waa Dhintay.

Marnaba dib looma soo celin karo. Wax natiijo ka dhalanneyso inuu Cillad & khalad u yeelo Hooyada.

Jaceylka dhabta ahi waa ka ku dhisan is jaceylka Alle dartiis. iyo dareenka nololeed ee aanay noloshu ka maarmi karin oo ah jaceyl.

Samir qaadashada ku sallaysan in ay waxwalba qadar. iyo qoraal ku socdaan waxay ka turjumeysaa waaciqa noloshu. in ay tahay mid xeelado badan ku imaan karta.

Waxaana muhiim ah in samir iyo niyad wanaag lagaga hortago. waayaha culayskeeda ee ay noloshu kula kulmiso.

Ugu Danbeyntii: Fahanka noloshu waa furaha jaceylka. NOLOSHA MACAANKEEEDU WAA NAXARIISTA

Qiso jaceyl oo macaan

wiilkii jacaylka dartii uga go’ay cuntada. isla markaana dhiigiisi xaashi qoraal jaceyl ku qoray. ( qisadan waa qiso jaceyl oo dhaba oo ka dhacday magaalada hargeysa.)

maxamuud waa wiil reer hargeysa ah. waxaa ku dhacay jacayl uu u qaaday gabadh la-dhaho ifraax. balse jacaylkoodi muuna guulaysan. waana tan sheekadoo dhamaystiran.

markii horaba labadooda mayna midoobin. waayo ifraax waa laqabaa. asagana si uu ugu muujiyo jacaylka uu u qabo. jidhkiisa ayuu makiinad ku jeexay. laakin gabadhan maadaama la qabay. waxba uma qaban karin.

maxanuud mudo waxa uu ka go’ay. dhamaan cuntooyinkii kala duwaanaa. waxaana naftiisa wehel u noqday oohin fakar. walbahaar uu ku reebay jacaylkaas uu ku guul daraystay

Maxamuud Sucuudiga Ayuu tagay inta uu tahriib adag galay. waxaana ku kalifay jacayl u qabay ifraax oo uu wayay. isla markaana laga guursaday. joogi taanka hargeisa waa uu dhibsan jiray. ugu danbayntii waatagay sucuudiga waxaanu ku guursaday marwo kale hase yeeshee.

jacaylkii iyo xasuusihii saamayntii jacayl. ee uu ifraax u qabay marnaba qalbigiisa kamay bixin

maxamuud sida uu sheegay way kala tageen gabadha ay isku guursadee sucuudiga. sidoo kale mudo ka dib waxa kala tagay ifraax iyo sayigeedii

waxaana dib u bilowday noolal cusub oo rajo leh. lamaanihi waagi hore nasiibku kala kaxeeyay. ayaa dib u kulmay. waxay noolal adag maraanba. ugu dambayn waxay ugu tagtay dalka sacuudiga. wayna is-hanteen mar kale.

hada hargeysa ayey lamaanahan dagan yihiin. waxayna isku dhaleen laba caruura. adiga maad aaminsan tahay waxa la dhaho jacaylka dhabta ah?. walise jacayl jirkaada maad u jarjartay. wiilkan miyuu saxnaa markuu jidhkiisa u dilaainayay gabadhan darteed. si uu u tuso dareenkiisa.?

Qisooyin cajiib ah

Marwo la qabo ayaa ninkeeda ugu qortay warqad. “Guriga waan kaaga tagay mana soo laabanayo lasoco” . kadibna sariirta hoosteeda ayey gashay oo waxay rabtay. in ay ogaato waxa uu sameynayo qoraalkeeda markuu aqriyo. warqadana waxay dul saartay sariirta.

Ninki wuu soo galay kadibna warqaddi buu aqriyay!!

Kadibna qalin buu soo baxsaday wuxuuna dhanka kale ku qoray. qoraal jawaab u ah qoraalki xaaskiisa.

Dharki buu iska badalay asagoo heesaya oo aysan ka qasneeyn.

Taleefanki ayuu soo qabsaday oo wuu hadlay:

Haye xayaati hadda ayaan dhar xeranayaa waana soo baxayaa. alx islaanteydi maanta guriga waalidkeed ayey aadday. mana soo laabaneyso alle naguma soo celiyo!!

Noolasha aan midan la noolahay, waanba nacay. fiicnaan lahaydaa inaan adiga ku barto, intaana la kulmin ayada.

Nus saac kadib aktaada ayaan joogaa bay xayaati.

Guriga ayuuna ka baxay.

Xaaskiisi intey sariirta hoosteeda ku jirtay oo ay warkiisa maqleysay naxdin. iyo ciil bey meel ay isgeyso waysay.

Sariirti hoosteeda bey ka soo baxday ayadoo ciil iyo caro ay u dhinneyn. waxayna bilawday in ay dharkeeda aruursato ayada oo oyneysa oo murugeysan.

waxay aragtay waraaqdi ay u qortay oo wali saaran sariirta dusheeda. wayna soo qaaday, si ay u fiiraso. waxa dhinaca kale kaga qoran.

Xbbti lugtaada wey muuqataa oo waan u jeedaa inaa sariirta hoosteeda ku jirto

Waan baxay oo waxaan inoo doonay qado waayo wan baahanahay adna waxba noomaad karin

Aan kuu soo laabto adiga oo indhahaaga oohinta ka dhaqay waan ogahay inaa xanaaqdaye

Hadduu ka nixin lahaa oo uu dhihi lahaa naa soo bax waan kuu jeedaaye. wuu ka xishoodsiin lahaa xaaskiisa. oo howlgalka ay ku sameyneyso wuu ka halaabi lahaa.

intuu iska dhaafay si ay hawlaheeda u wadato. ayuu u jilay sheeko been ah oo uu ka farxiyay. warqad ayuuna u qoray jacayl ah. kadibna qadadi ayuu doonay.

sidiisaba masayrku waa jacayl. qof aan kuu masayraynin hadaad aragto. kuma jecla.

Dulqaadka iyo naxariistana waa jaceyl oo qofkaanan qaladaadkaaga u dul qaadan Karin

Qiso xanuun badan oo jacayl ah

maalin maalmaha kamida wiil ayaan is baranay. runtii wiilkaas waxa uu ahaa wiil fcn aadna aan isku fahanay. sxp ayaan noqonay KaftaN iyo sheeko badan kadib xidhiidh ayuu iso ban dhigtay.

anigu xidhiidh wan ka niyad jabay waayo ruux hore loso dhawacay ayaan ahaa. ano 3sanno xidhiidh yeelan ayaan wiilkas xidhiidh la yeeshay. wanan usheegay sabab walba oon xidhidh unacay. waxa uu balan iiga qaday in aanu marnaba idhaawici doonin.

Anigu wan iska qalbi jilicsanahay wax walbana wan aaminay. mudo ayaan xidhidh lahayn faraxad iyo qosol badan kadib.

Wiilkii waxan ka dareemay gaabsi iyo leexleexad runtii waxa ila so dariistay. murugo badan habeenkii wan ooyaa inta ay dadku hurddan. waan waydiiyay waxa bedalay balse wax iimuu sheegin. waxba jiraan ayuu igu jawaba oo ii dhahay.

Maalin maalmaha kamida murugadiisa dartii ayaan la xanuusaday. dhakhtar ayaa la idhigay telephone ka guriga ayaan kaga tagay. walaashay ayaa wiilka la hadashay oo ku tidhi cawo dhakhtaraka ayaay ku jirta sas ku ogow.

Mudo sadex casho ah ayaan dhakhtarka ku jiray. markii dambe telephone ka waa la ii keenay wanan wada hadalnay. maalinkan dhakhtarka ka so baxay waxa uu isoo qoray qoraal dheer. kaas uu qorayay mudadii aan dhakhtarka ku jirayba.

waxana uu iDhahay wll ruux wanaagsan ayaad tahay Ana ruux aan masuliyad qaadi karayn. ayaan ahay marka walal fasax ayaad iga tahay. madama aan xanuunkagana ka war hayn wayay.

Runtii maalinkas waxay noqotay maalinkii iigu xanuunka badnayd. dib ayaan hadana dhakhtarkii ugalay markii dambe waxan ku idhi wll manad nin ragga ahayn. maxad udhahaysa masuliyadada ma qaadi karo. kolba hadal ayuu iyidhaa ugu danbayn waxaa uu igu yidhi ma qaadi karo masuliyad.

Runtii xanuun walba oo isoo gadhay telephone kaygii wan xidhay

Magalo kale ayaan tagay si aan usoo ilaabo.

Wax walba wu isoo raadiyay wilkii wuu ila so hadlay. waxa uu idhahay wll qalad ayaan kaa galay wanan saxayaa wax walba iga raali noqo. anigu qof wax jecel ayaan ahay waan aqbalay markaan xooga wada soconay.

waxa uu idhahay gabadh aan bari hore wada socon jirnay. ayaa doonaysa inaanu dib iskugu so laabano. markaa gabadha miyaad rabtaa adigu ayaan ku dhahay? Maya ayuu idhahay qof aan hore uga tagay dib uguma labanayo.

Wiilkii wuxu sidii ahadaba anaga oo wada socona ayay gabadhii isku soo laabteen. wuu aqbalay runtii xanuun ka si ilaabo magaladi dib ayaan uga noqday. dhawr bilood markan ka so maqna ayaan dib ugu labtay magaldii.

hadaana aan isku soo labano ayuu dhahay nabsigaga ayaa ihelay. wax walba wan dareemaya wan diiday Ana jacaylkaba waan iska dayay. waligay ruux dambe aamini mayo.

Qof idhawaca mooye Qof idhaya maan helin

F.G: walasheen Alx hada waay ka bogsatay jacaylka iyo rafaadkiisa. alle inta dhiban ee jacaylka la il daran alle haka saaro. inta ku faraxsana alle inta haystana alle Ha ubarakeeyo.

sheeko qiso dhab ah

  • Hadal iyo sheeko jacayl oo dhaxmartay labo qof oo isjecel.
  • Hello xabiibi, maxaa kugu dhacay maad ila hadashid.
  • Waan kuu xanaaqsanahay aniga. Mana kula hadlayo.
  • Maxaa dhacay macaan, wax ii sheeg ha I urjinin.
  • Waxyar ka-hor ayaan ku soo wacay. Oo telfoonkada busy ayuu ahaa. Yaad la hadlaysay.
  • Waxaan la hadlayay qoloda shaqada
  • Qoloda shaqada way I wareeriyeen aniga. Fiiri nambar gooniya u samayso ayaga. Waayo hal number nagama dhaxayn karo.
  • Waa yahay dhib maleh sidaad jeceshahay ayaa la samaynayaa. Ee hada maad faraxsan tahay macaan.
  • Hmmmm. Haa waliba saa’id.

Qiso layaab badan

Jaceylku aad ayuu u xanuun badan yahay. Waxaana dareemi kara oo kaliya. Qof soo maray xiriir jacayl oo dhaba.

Bilowgi 2018-di ayaan isbaranay wiil. kadibna waxaa na-dhax-maray xiriir jaceyl oo adag. 2019 ki anagoo telefoon ku sheekaysanayna. Ayaan hadal isku-khilaafnay. Waan muranay waana kala jaranay telefoonki.

Ciilki habeenkaas waan ilmaynayay. Asagana ilaa habeenki ku xigay, waxba muuna cunin. Kadibna waan heshiinay, ileen dad is-jecel ayaan nahay. Oo intaas oo dhan Makala maqnaan karno.

Waxaan jawi dagan ku jirnaba. waxaa soo galay wiilki safar waxbarasho. Aad ayaana u murugooday anigana, subaxdi uu safrayay.

Hadana asagoo maqan ayaan isku dhacnay. Inkastoo sababta khilaafka anigu lahaa markan. Waayo waan masayray, waxaana ku dhahay. Anigu ma rabo xiriirkan inuu sii socdo.

Wuu I baryay inbadan waana ka diiday. Xiligaasna subax ayey ahayd, ilaa galabti ayaana ooyayay.

Isla habeenki ayuu isoo wacay, asagoo ooyaya. wuxuuna dhahay macaan ha I cidlaynin. Kadibna waan heshiinay, anigoo ilmaynaya.

Intaas kadib wadanki waan ka soo tagay. Oo waxbarasho dalka dibadiisa ah ayaan bilaabay. Asagana wuu ii imaaday. Oo halkan ayaan wax ka baranaa.

qiso jacayl dhab ah: Sheeko jacayl wiil iyo gabadh

Waxay isbarashadaanada iyo sheekadaanada bilaanabantay. Habeen jimco ah 2015 ki.

Waan isbaranay waan kaftanay. Sidoo u soday wada-hadalkaanadi waan isjeclaanay. Waxaan maqli jirey jacaylku waa aragtida koowaad.

Asaga ayaa marka hore jaceylka ii sheegtay. Anigana waan ka aqbalay. Wuxuuna ahaa jacaylkaygi ugu horeeyay.

Runti anigana waan jeclaaday. wada sheekaysi badan kadib oo socday 3 sano. Wuxuu ii soo bandhigtay guur iyo inaan dhisno reer.

Asagu wuxuu ahaa wiil shaqaysta, laakin anigu waxbarasho ayaan waday. Waxaana ku dhahay intaan ka dhamaynayo waxbarashada, I sug.

Markaas waxbarashada waxaa iiga dhinaa 2 sano. asagana wuu iga ogolaaday, asagoo leh. noolashayda inta ka dhiman ayaanba ku sugi karaa.

Mudo 1 sano ah kadib. Markale ayuu iga codsaday guur. Anigana waan meer-meeriyay xoogaa bilooyin ah. Laakin ugu dambayn waan ka aqbalay, waxaana la hadashiiyay qoyskaygi.

Laakin maxaa dhacay intaas kadib.

Waalidkaygi wiilki way ii diideen, maadaama qabiil kale uu ahaa. Anigana anigoo garanaya qabiilkiisa ayaan jeclaa asaga.

Xaafadaanadina waxay igu dhaheen wiilkan kala-dhamaada. Isma-gaysaan oo waa wiil qabiilkaas ah. Sidaas ayuuna ku istaagay xiriirkaanadi, culays qoys dartiis.

Mudo kadib ayuu iga soo-wacay telefoon kale. runtiina waan u dulqaadan waayay, waxaan ku samaynayo wiilkan. Waana la-hadlay oo waan raali galiyay.

Ugu dambayn waa heshiinay. Waxaana hada rajaynayaa inaan bilooyin kadib isguursano. Qoyskaygana aan u sheego inaan ka maarmin wiilkan.

Haday ii diidaan xataa, asaga ayaan isla-baxsanaynaa. waayo aad ayuu ii jecel yahay. Anigana waan jeclahay.

Jacayl dhab ah haduu jiro, waa midka labadaanada nagu dhacay.

Qiso jacayl oo murugo leh

Fadeexad iyo uurkutaalo xanuun badan.

Waa qiso jacayl oo ka dhacday magaalada xamar.

waa gabar yar. oo isku darsatay qurux iyo qaayo dumar. waa gabar edeb badan oo aad looga jecel yahay xaafada ay magaalada ka dagan tahay. wanaag iyo dabeecad wanaag ayuu alle ugu deeqay. waxay ka soo jeedaa qoys ladan dhaqaale ahaan. magacna ku leh goobtaas ay dagan yihiin.

waxay dhigan jirtay school ku yaala xaafadooda. aad ayeyna ugu fiicnayd waxbarashada. oo ay badanka aad ugu dadaali jirtay. gabadhan markay dhiganaysay dugsiga dhexe. waxay jaceyl u qaaday wiil la dhaho cabdiqani. oo iskuulka isla dhiganayeen.

in badan ayey ka cabsanaysay iney u sheegto dareenka ay u hayso. uti iney u soo bandhigto jaceylkeeda wiilkan. balse marki dambe waxay ugu sheegtay hab qoraal ah. warqad ayeyna ugu qiratay waxay dareemayso wiilkaas.

nasiib wanaag wuu soo dhaweeyay cabdiqani gabadha. waxay noqdeen labo qof oo aad iskugu kalsoon. oo dadka kale iskaga dhaw. markay kulmayaan waa wakhti xadidan. waa xiliga fasax yar ee waxbarashada iyo marka laga soo dareero iskuulka.

wuxuu xiriirkooda sidaas u socdaba. wuxuu cabdiqani gabadhi ku casuumay gurigooda. ayadana way soo dhawaysay arinkaas. wayna ka ogolaatay. maalinta jamcaha iney ku kulmaan gurigooda ayeyna ku heshiiyeen.

cabdiqani arintan fursad ayuu u arkay. wuxuuna balansaday wiilal kale oo ay saxiibo yihiin. oo daganaa guri cidlo ah. kana codsaday maalinta jimcaha iney u baneeyaan. ayagana way ka ogolaadeen. maalinti balanta ayaa la-gaaray. cabdiqanina aad ayuu isku diyaariyay.

wuxuu sii diyaariyay cunti iyo cabitaan uu ka soo gatay maqaaxida. gabadha laftirkeeda aad ayey isku soo qurxisay. oo way soo labisatay. waxayna imaatay halki lagu balamay. aad ayuuna u soo dhaweeyay. asagoo faraxsan. kaftan iyo sheeko yar kadib. waa lawada qadeeyay. waxayna bilaabeen iney sheekaystaan gabadhi iyo wiilki.

laakin xoogaa sheeko ah kadib. wiilki cabdiqani ahaa. gabadhi wuxuu ka codsaday iney siiso jirkeeda. arintaas oo gabadhi ku noqotay layaab iyo filan waa. wuxuuna u sheegay inuu rabo. inuu arintooda soo dhameeyo mardhaw, yacni inuu guursan rabo.

baryo badan iyo sasabasho kadib. cabdiqani wuxuu ku guulaystay inuu gabadhi ka caqli badiyo. wayna ka ogolaatay maadaama uu ku dhahay waan ku guursan rabaa. halkaasna waxaa ku burburtay gabarnimadi gabadhaas.

mudo kadib gabadhi waxaa ku dhacay oo ay dareentay. xanuuno kala duwan. oo la garan waayay halka laga haysto. ilaa waxbarashadi iska dhaafto. kadib waxaa loo sii qaaday isbitaalka. si baadhitaan loogu sameeyo xanuunkeeda.

halkaas waxaa ka bilowday buug iyo wareer. qoyskeedi ayaa yaabay oo naxay. aad ayeyna uga xumaadeen. waxay gabadhooda samaysay. canaan iyo gacan-qaad kadib. gabadhi waxaa lagu dhahay keenso ninkaas. waan kugu daraynaa, si sharaftaada loo eego.

intaas kadibna gabadhi waxay soo aaday wiilki cabdiqani ahaa. arinti ayeyna u sheegtay iyo waxa dhacay. ayadoona ka codsatay inuu dhameeyo hawsha. laakin cabdiqani wuu cudur-daartay. asagoo leh anigu hada diyaar umaahi guur iyo waxaas. ee iga qallee walaashay.

gabadhina mar qura ayey ilmaysay. waxay samayso ayey garan wayday. way isku-dayday iney wax fahansiiso. xaga dhaqaalahana ay ka caawin doonto. laakin wuu iskaga dhaqaaqay cabdiqani gabadhi. asagoo xataa ku inkiray inuu leeyahay uurkaas asagu.

ayadoo quusatay ayey ku soo laabatay gurigooda. arinti ay kala kulantay wiilki ayeyna u sheegtay hooyadeed. waxaana go’aan lagu gaaray in ilmaha laga soo xaaqo gabadha. maadaama xaafadu ahaayeen dad magac ku leh deegaankaas.

gabadhina waxay gashay nolol mugdi ah oo khadhaadh. waxay ka quusatay hamigi ay noolasha ka-lahayd. waxbarashadina halkaas ayey ku joojisay. sidaas ayeyna ku baaba’day noolashi gabadhaas.

Qiso cajiiba xanuun badan

Ma saamixi doono naftaada. Waa tan qisayda.

Waxaan is-baranay wiil, aad ayuuna ii soo dhaweeyay. Wuxuu ahaa wiil wanaagsan. Aad ayaana uga helay, oo waan jeclaaday.

Waxaan ku qabay kalsooni aad u badan, waana ku faani jirey runti. Waliba waxaan u sheegi jirey, inaan helay qof wanaagsan oo ii qalma.

Waxaan baray dhamaan qoyskaygi, waana qofki ugu horeeyay een baro familkayga. dadki aan la soo sameeyay xidhiidhada.

Waxaasna waa jaceyl aan u qabo awgiis. Xataa meel kasta waan isku-raaci jirnay. Marka kasta wuu iga faxin jirey, oo banaanka ayuu ii wadi jirey. Waxaan u baahdo wuu ii sameyn jirey.

Ugu dambeynti, waxaan go’aan ku gaadhnay guur iyo inaan midowno. Wuxuuna igu dhahay, familkaada u sheeg inaan ku soo doonayo. Anigana hooyo ayaan  sheegay warki, wayna iga aqbashay. Hooyana aabe ayey warki gaarsiisay.

Kadib arinti oo halkaas marayso, ayuu wiilki aan ku balanay guurka is-badalay. Oo waji cusub ayuuba la soo-baxay, oon horey ugu aqaanin.

Sidii hore iima daneeyo. Ilama soo hadlayo, markaan dhaho maxaa kugu dhacay. Waxa kaliya een afkiisa ka maqlo, waxaa weeyo waan mashquulsanaa. Walaahi waan aamini waayay. qofki aan sidaas oo dhan ugu kalsoonaa inuu sidaas iila-dhaqmo.

Mudo labo isbuuc ah ayaan ahaa qof seexan Karin, waxbana aan cuni Karin. 24 saac waan ooyayay.

Waxaan sameeyo ayaan garan waayay. Sidaan xaaladaas ugu jirey, marki dambe waan adkaysan waayay. Kadibna gabdho aan saxiibo nahay ayaan xaaladeydi uga sheekeeyay.

Kadib way wacaan, wuxuuna ku dhahay waan mashquulsanahay. Maba aha qofkii balanta iga qaaday, een aadka ugu kalsoonaa. Wuxuu gaaray heer uu i-bahdilo.

Wax kastuu sameeyo waan u adkeystay. Anigaba waan awooday inaan ka tashado, laakin waxaan diiday in la-dhaho adigaa qaldanaa.

Sidey xaaladu sidaas u ahayd, waxaa ka soo wareegatay 2 bilood. Maalinba maalinta ka-dambeysa xanuunku wuu ku siyaadayay.

Waana aamini waayay, waxa igu dhacaya iney run tahay iyo iney khayaali tahay. Hadaan Waco iga qaban mayo taleefonka. Hadaan qoraal u qoro, si iican iilama hadlayo.

Ugu dambeyn maalin jimco ah, ayaan isla-hadalnay. Erayadiisi ugu dambeeyayna waxay noqdeen aad ayaan kuu jeclahay, waana kuu xiisey.

Maalintaas wixii ka dambeeyay wuxuu isaaray block. Aaway qofki aan ku balanay guurka. Ilaa hada waan aamini la’ahay.

Haduu dhibku kaligay igu dhacayo, wayba fiicnaan lahayd. laakin naftayda waxaaba iiga daran. qoyskaygi aan warka u sheegay, maxaan hada ku dhahaa.

Waxaa la-waydiiyay sababta uu block-ta ii saaray. Wuxuuna ku jawaabay waan ka xiiso dhacay.

Waan aamini la’ahay inuu wixiisa ahaa xiiso, anigana aan si dhaba u jeclaaday.

Qiso jacayl oo xanuun badan

2007 ayaan u safray boorama. Jaamaca camuud ayaana isku-baranay sanadki ugu horeeyay. Wiil lagu magacaabo maxamad naasir maxamad. Oo ahaa reer boorame.

Xiriir qurux badan ayaa na-dhax-maray. Asagu wuxuu dhiganayay kuliyada deegaanka iyo baraha. Markuu sanadki labaad ku-jiray ayuu helay waxbarasho dibada ah, oo dalka maraykanka ah.

Markuu tagay, ima goynin oo wuu I jeclaa. Jaamacadi ayuuna dhameeyay. Anigana sidoo kale waan dhameeyay waxbarashada jaamacada.

Wuxuuna ii sheegay, inuu waxbarashada sii wadan doono. Oo uu rabo inuu ka shaqaysto halkaas. Kadib wuxuu qaatay shahaada labaad ee marterta.

Intaas kadib wuxuu igu dhahay, hadana waxaan helay 3 sano oo waxbarasho phd ah. Laakin aniga waan ka diiday, waana u sheegay inaan gabadh ahay. Oo wakhtiga igu socdo.

Su’aal aan u waayay jawaab ayuuna I waydiiyay maalintaas. Markaan doodnay kadib. Waxayna ahayd su’aasha.

Maa anigaad I rabtaa mise ubad?

Anigana waxaan ku dhahay, waxaan rabaa ubad. Kadibna wuu ooyay, wuxuuna igu dhahay guurso walaashay. Telefoonkina wuu badashay.

2 sano kadib ayuu imaaday magaalada hargeysa. Gurigi hooyaday ayuuna toos u imaaday, oo I waydiiyay. Waxaana lagu dhahay, halkaas ayaa lagu qabaa oo ay dagan tahay.

Maalintaas waxay ahayd jumco. Wuxuuna hooyaday ku dhahay, lacagtan sii ayada. Waligay qof koob shaaha ima siinin, waana yaabay maalintaas. Lacagtuna waxay ahayd $4000.

Kadib hooyo waxay ii sheegtay iney lacagtaas ii hayso. Markaan waydiiyay qofkana, waxay dhahday. wuxuu ahaa qof ay ku adag tahay ku hadalka soomaaliga.

Waana gartay markiiba. Hooyo ayaana uga sheekeeyay hawshi oo dhan iyo xiriirki na dhax-maray wiilkaas.

Mudo kadib ayuu helay telefoonkayga, wuuna isoo wacay. Asagoona igu dhahay waan ku jeclahay wali aniga. Hadana waan baxayaa, waxaan u socdaa dalka siiriya. Halkana waxaan ugu soo noqday inaan kuu sheego intaas.

Wuu baxay, wuxuu aaday dalka suuriya. 2 sano ayuu halkaas ka shaqaynayay. Asagoona ii soo diri jiray hadyado badan oo qaaliya.

Ninkaygi markuu ogaaday sheekada ninkan, aad ayuu u masayray. ugu dambayna waan kal-tagnay. Oo halkaas ayuu ku burburay qoyskaygi.

Laakin alx. Hada waxaan daganahay dalka sacuudiga. Oo waxaan marwo u oqday, ninkaan jeclaa. Shaqadi adkayd ee UNkana wuu ka tagay.

Qisooyin cajiib ah qoraal

Waa isbarasho iyo kulan ka billawday Feysbuug. muuqaal ahaan la-isma arkin, aqoon kalana iskuma laha. marka laga reebo sawirada shaashada facebook-ga u saaran. sheeko si gaaban ku bilaabantay, ayaa aad ula-fogaatay. ilaa midba midka kale u muujiyay dareen jaceyl. iyo soo dhawayn balaadha.

mudo kadib gabadhi ayaa si lama-filaana u joojisay, iney wiilki la sheekaysato. ugana jawaabto qoraalada uu u soo diro. asagana mudo badan ayuu sugay, bal inuu jawaab ka helo xageeda.

mudu badan kadib. wiilki aad ayuu uga walwalay xaalada gabadha. naftiisana wuxuu u sheegay, in gabadhi la-kulantay dhibaato. waana niyad jabay, oo maalin-kastana wuu ilmeeyaa. markuu seexanayo, wuxuu dib u akhriyaa. fariimihii jaceylka, ee ay isku diri jireen.

dhawr sano kadib ayuu wiilki bilaabay jaamacad. gabadhaas inay ka-maqnaydna wax dumar ah lama hadlin. oo lama sheekaysanin. asagoona ka fogaan jirey, wax damacana kama gali jirin.

laakin markii dambe gabadh ayaa aad u soo jiidatay. waxay ahayd gabadh qurux badan. inkastoo ay ka diiday, wax wada-sheekaysi ah inuu dhaxmaro.

waa kuwan hadaladi dhaxmaray labadooda.

wiilka: iga raali noqo walaal, hadaan kugu xad-gudbay.

gabadha: khaladkaada maaha, ee anigaa qof horey u jeclaaday.

wiilka: ma xiriir ayaad leedahay walaal.

gabadha: haa runti waxaan jeclaaday wiil halkan dagan, sedex sano ka-hor. laakin duruufo i soo wajahay awgood, waan joojiyay xiriirkaas. laakin hada sidan u raali galin lahaa ma-garanayo. waxaana halkan waxbarashada ugu soo badashay, inaan asaga raadiyo. oon raali galiyo waliba.

wiilka: waw runtii sheekadaada mid lamida ayaa i soo martay anigana.

gabadha: walle oo gabadhaas magaceed.

wiilka: Alisha.

gabadha: waa aniga qoftaas.

kadib labadoodaba way isla-ilmeeyeen, ayagoo ka-xun iney is-waayeen mudadaas badan. wiilki ayaana way diiyay.

maxaa intaas oo dhan iiga maqnayd?

gabadha; waxaan galay shil gaari. hal sano ayaan isbitaalka ku jiray naafo anigoo ah. waxaana soo bogsaday lix bilood ka-hor. qof kasta wuxuu moodayay inaan dhiman doono. laakin aniga waxaan ku fikirayay inaan ku arko malin un.

qorshahaygu wuxuu ahaa inaan kuugu imaado si kadisa. waxaadna horey iigu sheegtay inaad waxbarasho ka bilaabi doonto jaamacadan. anigana sidaas darteed ayaan ku soo codsaday jamacadan. laakin waxaan ka baqayay inaad naag kale guursato.

wiilka: maya macaan adiga ayaan intaas oo sano ku sugayay. ee ku soo dhawow noolal kali kuu ah. waa Nasiib iyo calaf.

Dardaarankii ugu cajiibsanaa

Waa dardaarankii ugu cajiibsanaa, ee laga qoro qof marxuum ah, intuusan dhiman.

Waxay dhahday

Anigu geeridayda kama walwalsani. Iyo siduu jidhkayga u baaliyoobi doono.

Muslimiinta sidii lagu samayn jirey, markuu qof dhinto ayaa laygu sameyn doonaa.

Dharka ayey iga bixin doonaan, way i dhaqi doonaan, wayna I kanfi doonaan. Kadibna waxay iga soo-saari doonaan gurigaygi aduunka. Ayagoo I keeni doona gureyga cusub ee qabriga.

Dad badan ayaa tacsidayda imaan doona. Ayagoo qaarkood balamihi iyo shaqooyinki ay lahaayeen baajinayan. Si ay maydkayga u soo raacaan, oo duugistayda uga qayb-qaataan.

Dadka sidaas u tirade badan, markaan noolaa halmar ima siinin, wax nasteexo ah. Oo markaan geeriyooda I anfici doonta. Khayr imaysan fari jirin, oo alle ima xasuusin jirin.

Waxyaabaha intaan saaranahay sariirta maydka, laga takhalusi doono. Waxaa kamida.

  • Furaha qolkayga.
  • Buugaagtaydi.
  • Boorsooyinkaygi.
  • Kabahaygi.
  • Mobilekaygi qaaliga ahaa.
  • Dharkaygi.

Dhamaan alaabtaas oo dhan, intaana qabriga galin ayaaba la-qaybsaday.

Xataa hadey ii sadaqayn lahaayeen, wax ayey i-tari lahaayeen. Oo camalka wanaagsan ayaan ku kaban lahaa.

Xoolahayga aan intaas oo sano, soo tabcayay. Waxaa lagu dhaxlay maalmo gudahood. Ha badnaadaan ama ha yaraadaan, xisaabtoodana anigay I sugaysaa.

Markaan dhintay, waxa ugu horeeyo ee igu dhacaya. Dadkuna dhakhso u badalayaan, waxaa weeyo magacayga.

Qolka anigoo ku-jira ayey dadku dhihi doonaan, waa maydkii. Waan maqlayaa, laakin ma dhihi karo waan idin maqlaa. Lagama yaabo magacaygi saxdaa, ee saacado ka-hor laygu wacay, iney iigu wacaan.

Markay rabaan iney igu tukadaan salaadi janaasadi, waxay dhihi doonaan away maydki. Markay luxudka I dhigayaan, waxay dhihi doonaan maydka wajiga u fayda. Marnaba magacayga iiguma yeedhi doonaan.

Sidaa darteed, maaha inaan ku sirmo, nasabki aan ku faani jirey iyo qabiilkaygi. Maanta magacaygi saxdaa, xataa iney iigu yeedhaan iima quudhaan.

“intaas waa tusaale, laakin maalin ayaad si dhaba u arki doontaa”

Qofka maanta noolow, ogow murugada ku sugaysa waxay u qabsami doontaa. Ilaa sedex qaybood oo kala ah.

1- dadkii kuu aqoonsanaa, inaad ahayd nin rageed. Xoog iyo karti badan. waxay ku dhihi doonaan yaa maskiin.

2- saxiibadaa waxay kuu murugoon doonaan. Saacado, maalmo, xataa isbuuc iska-dheh. Kadibna way ku halmaami doonaan, qosolkooda ayaana bilaaban doona.

3- murug aad u daran oo laga dareemi doono, guriga aad ka baxday. Iyo ehelkaadi maalmo, isbuucyo, bilo ama sanado kadib. Waa lagu halmaami doonaa. Waxaad kamid noqonaysaa, dadka mar-mar la-xasuusto.

Xisaabtaadi aduunka halkaas ayey ku dhamaatay. Waxaa bilaabanaysa xisaabtaadi aakharo aad ku lahayd.

Xoolo ma-lihid, quruxdi way kaa dhamaatay. Owlaad iyo caruur ma lihid. Caafimaad haba sheegin. Waxaad ka tagtay daarihi dhaadheeraa, eed dhisatay. xaaskaadi nin kale ayaa qaba. Ama ninkaadi naag kale ayuu qabaa.

Kaliya waxaad maanta haysataa camalkaadi wanaagsanaa. Su’aasha hada taagan waxay tahay, maad haysataa maanta camal bari ku anfici doona?.

Maad ku dadaashaa salaadaha waajibkaa. Sunooyinka. Sadaqada qarsoon. Salaadaha habeenki. Mise maya.?

Qofku markuu dhinto, muxuu ugu calaacalaa. rabiyo iyo hadaad aduunka dib uugu celiso wax badan ayaan soo sadaqaysan lahaa.

Muxuu u dhihi waayay, waan soo soomayaa. Waan soo xajinayaa. Waan soo tukan lahaa salaadaha.

Culimadu waxay dhaheen, wuxuu sidaa u dhahay, wuxuu ogaaday sadaqada waynankeeda. Iyo ajarka laga helayo, oo tiro badan.

War walaal ka faa’ideyso, oo wax bixi.

Qiso gaaban

Jacayl kii ugu yaabka badnaa ..

Usbuucii lasoo dhaafey waxaa Dalka Hindiya ka dhacay qiso aad loola yaabey.

gabadh u dhalatay dalka india, ayaa maxkamad la soo taagay. kadib markii ay isku-dhaceen wiilki ay sheekaysanayeen. ayadoona u dirtay 10 kun oo fariimo qoraal ah. 2 kun oo fariimo cod ah. sidoo kale fariimo badan oo ay ugu dirtay email ahaa. dhamaan fariimahan waxay ahaayen, fariimo jaceyl iyo kuwo lamida.

fariimahan badan dartood, wiilka waxay ka dhigeen inuuna waxba cunin 71 saacadood. sidoo kale waxay ka mashquuliyeen shaqooyinkiisi, iyo hawlihiisi gaarka ahaa. ilaa uu gaaray heer uu qoortiisa kor u qaadi waayo. isha midiktaana uu beelo. sidoo kalana gabadha waxaa soo gaadhay xanuuno xaga maskaxda ah iyo indho xanuun.

wiilka ayaa loola-cararay isbitaalka dawlada. asagoona xaaladiisu gaadhay, meel halis ah.

bal aan su’aal ku-waydiiyee, fariimihi ugu badnaa eed u dirto jacaylkaada. meeqa fariimo ayey ahaayeen.

qiso jacayl ah

QAREEN JACAYL

waligaa maad maqashay qof kasta qareen rabaaniya. ayaa ku lamaan. waa qiso jaceyl ah islam-markaana noqotay. midii iigu layaabka badnayd waayahan.

meeshu waa bandarka qardho. dugsiguna waa dugsiga sare ee qardho. wxaana wada dhigan jiray wiil iyo gabadh. dookhooda caashaqu uu mideeyay.

xiriirkoodana wuxuu noqday mid waara inti lagu jiray iskuulkaas. waxaana xiriirkooda ogaaday. laba qoys ee lamaanahaas is caashaqay. ayagoona soo dhaweeyay.

waxayna go’aansadeen iney midoobaan. mar haday dhameeyaan waxbarashada.

Waxay labadii ruux waa wiilkii iyo gabadhiiye hishiis ku gaadheen. in markay dugsiga sare afmeeraan ay riyadooda ka midho. dhamiyaan isla markaasna ay nkqdaan qoys ka mid ah qoysaska soomaaliyeed. la iskuna raac hawraarsan iyo gudddoon la is dhaafsay.

Haddiiba ay dhameeyeen dugsigii lana joogo xilli ballamoodkoodiii.

Ayaa taliye siyaad barre amarku bixiyay in 12 arday. oo ah kuwa sannadka aqalka afraad kabaxay loo diro burco si loogu soo tababaro. xirfadda caafimaadka dagdaga ah “first aid” muddo saddex sanno ah. Wiilkii wuxuu noqday qofkii koobaad ee looxusho in halkaas loodiro sidaas ayaanu. uga mid noqday 12 wiil ee burco loodiray.

Waa amar dawladeed isla markaasna xukun bir ah dalka. kuhaysay malaha mana taqaan bogga naxariista. Wiilka arrinkiisu wax gorortan ah iyo arrinbaan leeyahay iyo ma awoodo midna. kama shaqaynaayo isna waa og yahay oo kuma tahabaabinba. sidii ayaanu aqbaltu aan qulun qulshaha dhaafsiisanayn kaga yimi.

Haddiba warkaas naxariista iyo farxadduba kadheeryihiin. soo gadhay wiilkii isna markiiba wuxuu lawadaagay lammaantii jacaylka, si kurbada loola wadaago. Hore looyidhi talo ma dhamaateee talo lagaadh.

Go’aan lagu gaadh in xilligan samir iyo dulqaad lagaga gudbo. la isla qaaday laguna wada qanac in samir sadkii galo. Waxase la isla meel dhigay in lixdii biloodba mar waraaqo lakala helo hayeh. iyo hawraarsan lagu soo gunaanad, la isna soo maca salaameee.

Haddiiba waagii beryay ayaa wiilkii lagu wargaliyay. inuu diyaar garoobo oo uu caawaba xerada kacaanka kusoo xaroodo. berrina looga jarmaadi doono burco. Waxan maqli jiray gabbal baas kuu dhac illeen waatanoo kale. Sidio tawradda “taliska xerada” ku taliyay ayaa xeradii.

lagu soo wada hoyday isla subixiina. laga jarmaaday aala saygii horeba. Siduu ballanku ahaa iyo saddex sanno ayaa afka laqabsaday ku darsoo. fasax majiro marka saddexdaas sanno laga soo laaco ayuunbaa qardho. laga degayaa waliba ninkii maxsuulkiisa darajo wanaagsanaado.

Malahayga wuxu qaadayaa wiilkani meerisyadii kujiray. heestii hadraawi ee Xasan Adan ku luuqaynaayay ee “Beledwayn”

  • saw taliye baasoo
  • ba’anoo warmoogi
  • taydiima beenayn
  • sow badiba kooxdii
  • goortay badhaadheen
  • baabuurkii fuuleen
  • anna baal kamaan korin
  • birtu may xumaatoo
  • baadroolka daadshoo
  • kawadaa bukoodoo
  • bogsan waayo maan odhan”.

Magaaladii burco la soogal siidii ballanku ahaana taliskii safarka ardayda hoggaaminaayay. ku wareeji maamulkii xarunta barashada caafimaadka degdega ardaydii. Gaadhigii laabay wiilkiina gaadhigii siday ayuu guuxiisii sii dhawrayaa burco. iyo isagii loo kala tag.

Halkaas waxa ka bilaabmanaysa noloshii cusbayd ee wiilka. iyo waraaqihii lagu ballamay in 6 biloodba mar lakala helo. Haddiiba lixdii bilood ee hore dhammaadeen wiilkii si hal haleel ah xiiso gaar. ahina ku ladhan yahay farshaxannimana ku dheehan tahay warqadii uqor intaanu waaguba beryin.

Markuu waagii beryay ee nin iyo geed lakala gartay ayuu xagaas. iyo istaankii gawaadhida qardho kabixi jirtay u jarmaaday. Nasiib wanaag gaadhi taagan ayuu kula kulmay istaankii kaba siiwanaagsane. wuxu indho gartay kirishboogii gaadhiga, warqadii dhiib sigaarana ugu sii ballami indhihii. ay is aqionsadeen waa kirishboogiiye gaadhigu caawaba waa joogaa bandar waynihii qardho.

Haddiiba guuxa gaadhiga waddadii burco kasoo galay jabaqdiisii soo gaadhay. inantii oo heegan ku jirta hadh iyo habeen gaadiidka burco. kasoogala dhawraysa gaadhna kahaysa ayaa si hal haleel ah jidkii. tuulada usoo boobtay oo aan sidaas uga fogayn hoygooda.

Bal adba! Ma uurkubaale ayay ahayd oo warqadda ayay sii ogayd mise taar gooniya ayaa u xidhnaaa. Ani malahayga waa qalbiyada xaruurta isu ah ee daacad nimada. iyo jacaylka bislaaday awgii ayuunbaa wadnaha garaaciisa. ku xidhan, qalbiyo is og uun kusoo dhaaf.

Gaadhigii soo gal magaaladii waliba ku darsoo gaadhigu habeenimo ayuu soogalay. gabadhii dhibanaha u u ahayd amarkii madaxwayne siyaad lakulantay. gaadhigii wiilka kirishbooga ahaa ee warqadda siday oo aqoon hore. ulahaa gabadha fahankayga wiil bandarka kusoo koray ahaaye markiiba hore uuga dhiib. waraaqdii inanta una sheeg cidda ay uga timi goddon. iyo hawraarsan iyo xillimaad noqonaysaa. aan kuu siidhiibo jawaabtayda e inantii intaas hal haleel isu raacisay.

wiilkii kirishbooga “darawal caawiye” ahaana 4 cisho kadib waanu laabanaynaa ugu jawaab. Intaas haddii la isdhaafsaday inantii degdeg ugu laabatay. hoygeedii halkaasna dhambaalkii kudaalacatay una diyaar. garowday inay farriintii jawaab celinteeda dhambaalkeeda. xambaarsanayd kaga warranto sidiina Alle kuguulee dhambaalkeediina. u dhiibtay wiilkii kirishbooga aha sidii dhigeeda oo kale iyana lasii ballantay.

Haddii muddo laba sanno ah waraaqaha sidaas. la isu waydaarsanaaayay oo midiba dhiniciisa waadaanta jacayl ee taliye. Siyaad kala dhantaalay murugada laliitay lagu soo dhamaysay.

Markii sannadkii udambeeyay lagaadhay 6 bilood. ee u horreeya warqadii uu diray wiilku wax jawaab ah kama helin.

Talow maxaa dhacay?

Kollay suaalo aan tiro lahayn ayaa maskadiisa ka guuxaaya e.

Haddana 6 bilood ee kale ayaa lagaadhay sidii si la mid ah wax jawaab ah kama helin. war war iyo wal bahaar udhammaaa naf wax jeceli waa musiibee.

Wakhtigii sidaas ku dhammaa waxaana la soogaadhay. xilligii wiilkj ku noqon lahaa magaaladii qardho. Saddex sanno oo halas ah ka soo laac, se markan jawigu uu filanaayay. waa kaduwan yahay oo farxadna uma ah. oo waa kii wax war iyo jawaab celin ah ka helin dhambaaldadii u dambeeeyay. murugana umaha ah oo wuxu isku qanciyay mar haddaad bandarka tagto wax war ah oo samir ama sad ah ayaad helin. Inuu caawaba kolonyaysto u kaba xidhay oo uu guuro gal kaga baxo magaalada.

Gaawaadhida gaarka looleeyahayna raaco oo wuxuu sugi kari la’ahay. gaadhigii dawladda oo caawa qardho kasoo baxaaya berrina burco kaqaadaaya. waa siduu warbixinta taliskii xerada dhega dhegayn uga helay.

Safarkiisii ayuu halkiisii kasiiwatay isagoo magaaladii burco guuro gal kaga bax.

Wuxuu kafool habeenkii oodhan usii jeedaba goor ay tahay. hadh-sokorkii ayuu magaaladii qardho cagta dhigay. gaadhigiina ka deg isla goobtii uu gaadhiga. kaga degay ayuu dacalka waddada isha baal dacal kaga eegay. waa amar Allee wuxuuba isha ku dhuftay inantii.

naftiisa ku lammaanayd oo geeska kale kataagan waddada. Shaki nafsiyana ayaa galay miyaad riyoonaysaa mise. waa iyadii ayuu naftiisa ugu sheekaynayaa xageeda isoo dhaqaaq aqoonsay. inay iyadii tahay iyana aqoonsatay inuu wiilkii ku kadhnaa yahay.

Uqaadan waa iyo fajaciso ayay ku noqotay. hadiiba la is helay muddo intaas leegna lakala maqnaa kuna darsoo. dhambaaladii u dambeeyayna aan kala helin xiisaha la isu qabaa. mid qoraal lagu koobi karo maahee aynu ku dhaafno. xabbadkoo la is galiyiyo lahanshada wiyileed.

La israac goob laga cunteeyo la tag sharaab. iyo cuntaba wixii la isku maaweelin lahaa laga calfay. La isiiraac xarun sawirqaade leh latag sawirro xusuureeb ah lawada gal. Labadii ruux ee saaka is helay la isku gabal dhacsay. oo midini hoygoodii matagin oo xiisaha la isu hayo ayaaba ka wayn.

Amin dambe oo saqbadh kudhaw la is xasuusi in lakala hoydo oo guryihii lakala aado hayeh. iyo hawraarsan, funaanad uu wiilku sitay oo uu dhaxantii habeenimo uga xidhay. inanta uga tag ii xidhnaw iyo wanaagsan lagu kala teg.

laguna ballan in berri markuu waagu beryo wiilku guriga inanta yimaado. si ay wakhti kale oo farxadeed halkaas ugu qaataan. Wiilkii inantii soo dhawee hoygeedii keen haddiiba. ay albaabkii garaacday se aan wali laga furin wiilkii ka dhaqaaaq. La taagnoo lahaydaa inta laga furaayo!!!. Isna hoygoodii qabay.

Haddii waagii beryay ayaa sidii ballanku ahaa wiilkii u kicitimay jihadii inanta reerkooda. Bariidin iyo soo dhawayn wacan lakulan. cambaar haddii lajoogay wiilkii lammaantiisii jacaylka arki waayay.

waanu yara xishooday inuu waydiiyo reerka, markiiba wuxuu isku qanciyay waa gabadh. iyo gaddeede alaab ayaa loo diray kol ay ahaaato adeegii xaafaddana. Wiilkii hadduu xooga joogay ayuu baxay isagaan wali inantii arag. balse xaafaddii ku wargaliyay inuu galabta usoo laabnaayo hayeh. iyo idam Alle lagu kala baqool.

Galabnimadii haddii lagaadhay siduu ballanku ahaa wiilkii soo laabay. oo hoygii inanta yimi wali xaalku waa sidii oo wali lammaantii jacaylka mahayo. Se markan waa is hayn kari waayay oo hablihii ay walaalaha ahaayeen.

ee xaafadda joogay waydii ” walal heblaaayi meesay” waa hadalkii wiilka e. Fajac iyo amakaag ayay ku noqotay hablihii suaashii wiilku waydiiyay. la is eeg jawaab celin loowaa.

Mid kamida hablihii ayaa goor dambe sidii wax koronto ka fuqday oo kale. ugu jawaabtay walal hebelaw miyaad soo khafiiftay mise waad nagu dheel dheelaysaaa. Wiilkii xishood iska aamus lahaydaa ayuu isku ciil kaambiyay. hee walal maxaa dhacay ee aad dhibsateen.

Dadku kala il-dheer-garadsane markiiba gabadh hablihii ka mid ah ayaa fahantay. in wiilku war mooge yahay. Isla markaasna jawaabtii fallaadha waranka ku noqotay siisay. Hebelaw walal walashay sannad ka hor ayay dhimatay ee sidee iminka noo waydiisaaa!!!.

Cajab hadalkaasi ka dagi waa wiilkii oo xalayto ayaabu la joogay. oo la cashaynaayay sawir wada galeen kudarsoo gurigooda ayaabu keenay. Mid walba qumanihiisa ayaa qoorta usudhane la isku mariwaa. way dhimatay iyo way nooshahay ee anigaad iga qarinaysaan.

La isku mari waa wiilkii isasoo taag xalay ayaanu wada joognay waliba sawir. ayaanu siiwada galnay funaanad aan leeyahayna. waan uga tagay iyadoo xidhan waliba guriga. ayaan keenay iyadoo albaabka garaacaysa ayaan ka tagay.

sidee iidhahdaan way dhimatay sannad ka hor. xaafaddii iyo qofkii maqlaaba wiilkii nin waalan ayaa loqoray. Cajab iyo waxnala tus!!.

Sawirkii natus layidhi iyo ina keena xaruntii aanu ku galnay. ayuu yaallaaye ninkaasina waa ii markhaatiye.

La isla yimi xaruntii ninkii sawir qaadaha ahaa lawaydiii jawaabtisii. waxay noqotay haaa waan sawiray sawirkuna habeen dambe. ayuu soo baxayaaa laftarkaygu waa sawirlihiiye inantu inay dhimatay moodaayay. lakin xalay waan arkay”hadalba gam” reerkii uqaadan. waaye labadii ninba waali ayay qoreen.

Dadkii amakaag iyo yaaab ayaa kala qabsaday. waxaana lagu kala tagay in sawirka lasugo bal warba markaa suuu dambeeyaaye. sawirkii soo bax wiilkii iyo reerkiina goobtii kusoo xaadire.

Sawirkii dhawr xabbo laga sameee qofkastana gacanta loo gali. la arag lana ogaa in wiilku run law yahay. Qaraabadii marxuumaddu wax xanuunsada wax halkay joogeen. wadnuhu ku istaago iyo wsx yaacay ayay noqdeeen.

Isla markiiba marxuumadda.” lammaantii jacaylka ayaa imink marxuumad noqotay” reerkoodu. waxay isku qanciyeeen in ay gabadhooda gaf ka galeeen oo ay aaseen. iyadoo nool kadibna ay soo baxday cadho ay u qabto. awgeedna ay magaalada dhinac ka gashay muddadaas. sannadka ahna ay magaalada dhinac kaga jirtay. Bal adba!.

Arrintii meel looqaado lagaran waaa wiilkii wuxuu taagan yahay jacaylkaygii. ayaa iga qarinaysaaan halkay reerkii inantuna falalaw ayaad tahay wiilaw ayay taagan yihiin. Cajaaib!!!.

Arrinkii ooda goosay qofkastoo maqlana dhabannahays ayay ku noqotay.

Dadka ilaahay kala caqlibadane gabadh hablihii marxuumadda. ay walaalaha ahaaayeen ka mid ah ayaa soo jeedisay arrinkani in mucjiso. rabbaaniya uu yahay isla markaasna sheeekh loogeeyo si uu fasiraad uga bixiyo. la isla qaaday in la aado sheekh.

si haddaba qolo waliba u shaki baxdo la isugu warran in wiilka dhibanaha. u ah marxuumadda iyo qoyska musiibadu haysataaba si wadar ah loogu tago sheeekha.

Lagu ballan in berri markuu waagu beryo sheekh arrimahan. caanku ahaa hal haleel loogu tago.

Sheekhii lootag waxa laga war dhawraaba waa fasiraadda sheekha. iyo dhagaysagi warbixinaha duulalka yaabku dhabanaaniyay. Siday wax i dhaceeen looga warran sheekhii. Alle ku halhuumee kuna astur sheekhiii inuu fasiraad ka bixiyo.

Fasiraadii sheekha: sheekhii labadii afkaaroodba wuxu ku qanciyay. inay saxan yihiin oo qof qaldani aanu jirin. Inantu sannad ka hor ayay dhimatay se wiilku waa lakulmay waana runtiisa. sawirkanina waa keediii, funaanadiisii waa siiayay waana runtii. Se arrinka meeshayaalaa waxa weeye wiilku wuxu la kulmay wuxu ahaa qareenkii inanta.

Sheekhii wuxu usheegay in si arrintani ugu caddaato ay tagaan xabaashii. inanta isla markaasba waxad arki doontaan funaanaddii wiilka. oo xabaasha taala ayuu u raaciyay. Sidii ayaana la sameeyay xabaashii la aad waxaaba loogu tagay. funaanaddii wiilka oo waliba xabaasha halkii inanta madaxeeda ku beegnayd qotonta.

Waxa la iisheegay in iminka wiilkii nool yahay guurna. ay kala dheeraadeeen oo waab waali ah oo kale ku nool yahay se maryihii xidhan yahay

Fasiraadii sheekuna waxay noqotay wiilka wixii la tusay wuxu ahaa “qareenkii inanta”

Waxaan maqli jiray qareenku kulama dhasho kulamana god galo.

Adi akhriste waligaa ma maqashay qofkaas qareenba la socda oo ku lammaan?.

Gabo-gabo

aan bal kuwaydiiyee miyaad akhrisay dhamaan qiso cajiib ah. nala wadaag qisooyinka cajiibka ah ee aadka kuu soo jiidatay.

waligaa adigu maad la kulantay arrin cajiib ah. nala wadaag. ama muu jiraa qof aad garanayso oo la kulmay dhacdo cajiib ah. noogu reeb qaybta fariimaha hadaad hayso wax cajiib ah.

la-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

dhamaad.

1 thought on “Qiso cajiib ah- 50+ qisooyin cusub better”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights