maqaalkeena maanta waxaan kugula-wadaagayaa sheekoooyin qosol badan oo xul ah. gaar ahaan kuwo gaaban, sheeko cusub iyo sheeko jaceyl ku saabsan.
qoraalkeena maanta sheeko qosol badan oo kaliya maaha. waxaa sidoo kale kamida sheekooyin xikmad badan leh.
soomaalidu aad ayey u xiiseeyaan sheekooyinka qosolka badan. sidaas darteed waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa. sheekooyin qosol badan ood ka heli doontaa.
waa kuwan 37 sheeko qosol badan oo cusub
1. sheeko qosl badan oo cusub
Maamo ree jigjiga ah ayaa xanuunsatay, kadib waxay u tagtay dhakhtarki. Waxaa lagu sheegay xanuunka beer subaga.
Dhakhtarki wuxuu u qoray dawo, wuxuuna kula-dardaarmay iney habeenki iska-dhaafto cashada.
Markay guriga tagtay, ismayna dhibine. Waxay gabadheedi ku-dhahday, markii la-gaadhay xiligi cashada, ii soo kululee qadadi maanta hooyo. Cashada dhakhtarka ayaa ii-diidaye.
2. sheeko qosol badan oo gaaban
Hada ka-hor ayaa juxa lagu dhahay, adigaa cod macaane, na-tuji salaada. Markaas ayuu ka-aqbalay juxa.
Salaadi kadib, dadki ayaa juxa aad u amaanay, ayagoo dhahaya juxow cod macaanidaa.
Markaas ayuu juxa dhahay. “hada waliba maba-wayso qabin, hadaan weyso qabi lahaa waa la-yaabi lahaa”.
3. sheeko qosol badan reer mudug
Labo nin oo reer-mudug ah, ayaa isku raacay maqaaxi, si-ay wax uga soo cunaan.
Labadi nin marki cuntadi loo keenay, ayuu mid kamida aaday meeshi farxalka. Si uu gacmaha u soo-dhaqdo.
Kii kalana, intuu saxiibkii maqnaa, ayuu saxanki sii wareejiyay. oo xagi hilibka badnayd, xagiisa ka dhigtay.
Saxiibkaa markuu soo noqday, ayuu ogaaday in la-gaaday. Kadib intuu fikiray, oo saxanki xagi hilibka badnayd soo wareejiyay, ayuu dhahay.
Bal kawaran saxiib, haduu aduunka ilaahay wareejiyo, oo sidan ka-dhigo.
Saxiibkiis oo fahmay saxda cusub, ayaa dhahay. Adigu aduunka sidiisi ku-celi saxiib, ilaahay ma-tihide.
4. sheeko qosol ah cabtooy
Hada ka-hor, sedex nin ayaa meel kuwada marqaamayay. Kadibna waxaa ka dhamaaday sigaarki.
Mid-kamida ayeyna u dirsadeen sigaar ay cabaan, inuu u soo-gado.
Wuu baxay, siduu u wareegayay ayuu u imaaday, labadi nin ee u diray sigaarka. Markaas ayuu ku dhahay, maad haysaan sigaar?
Labadii ee ninka sigaarka u diray marki hore, ayaa dhahay. MAYA mahayno, laakin iska-fadhiiso, mid ayaa inoogu maqan, oo soo gadayee.
5. ila qosol sheekoooyin qosol badan
Nin xeer-ilaaliya ah, oo lacag badan kuwato booro. Iyo gabadh aad u qurux badan, ayaa wada-raacay hal diyaarad.
Gabadhi ayaa si hoose ula-hadashay ninki sharci-yaqaanka ahaa. Waxayna ku dhahday, adigoon is-waalin lacagta aad wadato oo dhan isii. hadii kale waan dhawaaqayaa, waxaana dhahayaa, ninkan wuu I kufsaday. Waana ku ceebaynayaa, policka ayaa imaan kadibna waa lagu xidhi doonaa.
Ninki sharci-yaqaanka ahaa, qalin ayuu la soo-baxay, kadibna warqad yuu ugu qoray. Dhagaha waxba kama-maqlo, ee waxaad dhahday ii qor aan ku fahmee.
Gabadhina waxay qortay, hadalki ay dhahday oo dhan. Asagana warqadi ayuu qaatay, jeebka ayuuna gashaday.
Wuxuu ku dhahay qayli hadaad rabto, cadeyntaadi jeecka ayaan ku haystaaye.
6. sheeko qosol oo qoraal ah
waxaa la-tukanayay salaadi subax (fajar). Ayadoo la-sujuudsan yahay, ayaa waxaa la-maqlay. Nin dhahaya waxaan ahay nin waalan, seef ayaana gacanta ku-haystaa.
Qofkii madaxa kor u soo-qaadana waan ka-jari doonaa. Kadiban sujuudi ayey ku dhaaheen, cabsi awgeed.
Imaamki oo sujuudsan ayaa dhahay, war hal qof ha eego. Inuu ninki baxay iyo inuu joogo.
Kadibna mid kamida dadki tukanayaym, ayaa dhahay. Goormee la-ogolaaday, in imaamka laga hormaro. Adigu fiiri camal
7. sheekooyin qosol badan oo gaagaaban
Mid kamida ciyaal-xamarka ayey hooyadii u dirtay liin inuu soo iibiyo. Xariifka markuu liinti suuqa ka soo gaday, ayuu kufay asagoo socda. Liinti intay dhulka ku taraaraxday, ayey guri gashay.
Kulahaa “haye oo guriga maad kaseysaanba” wuu iskaga tagay. Markuu guriga tagay, ayey hooyadii waydiisay away liinti.
Kulahaa xariifki, way soo socotaa hooyo, wadada ayay ku soo-jirtaa.
8. sheekooyin xiiso iyo qosol leh
Gabadh ayaa nin dhakhtar ah waydiisay su’aal. Waxayna ku dhahday “ nin wax-bartay ayaad ahayde, maxaa kugu dhacay. waxaad guursatay 3 naag?”
Markaas ayuu ku dhahay, xaaskayga koowaad waa ina-adeertay. Waana jirkaygi iyo dhiigaygi, waxaana u guursaday qadarin. iyo ixtiraam aan u hayo aabahay.
Xaaskayga labaadna waxaa dhashay habar-yartay. waxaana u guursaday inaan u naxariisto oo aan dhaqaaleeyo. Ixtiraamka iyo naxariista aan u hayo hooyadey darteed.
Xaaskayga sedexaad, waxaan u guursaday jaceyl aan u qabay. Iyo iney aheyd dookhayga. Waayo naftayda ayaan ku ixtiraamayay oon ku qancinayay.
Waxay ku dhahday, maad jeceshahay allihi ku abuuray?
Wuxuu ku dhahay HAA.
Waxay ku dhahday iguurso, adigoo karaameynaya oo waynaynaya allihi ku abuuray. Si-aan kuugu noqdo xaaskaada afraad.
Markaas ayuu u guursaday alle dartiis.
9. sheeko qosol badan jaceyl
Gabar filimaanta hindiga aad u daawan jirtay, oo iska-dhigaysa romantic. Ayaa ninkeedi oo jiifa saqdi-dhexe toosisay.
Waxay ku dhahday, habeenki jaceylki muu seexdaa? Mise habeenka ayaa seexda jaceyl dartiis.? Mise aniga iyo habeenka jaceyl aan seexanin ayaa nagu-dhacay.?
Ninki oo hurdo meel fiican u maraysat ka soo-gacay, ayaa ku dhahay. Furiin miyaad rabtaa, mise furiinka ayaa adiga ku raba. mise adiga iyo furiinkaba labo is-raba ayaad tihiin.
Si deg-dega ayey u seexatay, ayadoo akhrinaysa yaasiin iyo qulwale.
10. sheeko qosl badan jaceyl
Gurigiisa ayuu imaaday, markii xaaskiisi cashada u keentay ayuu dhahay. Macaan waan soo casheeyay.
Waxay ku dhahday xageed ka soo cashaysay.
Wuxuu ku dhahay second wife. (xaaska labaad) asagoo ka-wadoo meherada uu ka soo casheeyay. oo magaceeda la-dhaho second wife.
Wuxuu soo miyirsaday asagoo isbitaaka jiifa oo dhaawaca, oo laga-dawaynayo saliidi lagu shubay.
11. sheekooyin qosol badan qoraal
Mid ciyaalka xaafada ah oo tabliiq raacay. ayaa lagu qoray inuu dadka wacdiyo salaada kadib. Xariifkana aqoontiisa diiniga ma-fiicnayn, laakin waa la-qasbay.
Markuu istaagay ayuu wacdigi ku bilaabay sidan.
“asxaabey diinteena inaba caadi maahan, allana naxariistiisa maba-dhamaaneyso idinkaaba yaabaysiin. Laakin waan idin tuugaa, dambiga gab aan ka-dhahno. Khayrkana aan ugu yaacno.
Asxaabey waa inaad adkaysataan, ood ka-dhacdaan raadinta xaliimooyinka. Aakhiro waxaa idinka horeeya xaliimooyin bajaqa oo shidan.
Laakin hadaad marax ku noqotiin diinta, ogaado inaad cadaab ku daadanaysaan. oo dhagxaan roob idinkaga dhigaayo. Ee waa idin-baryaa xarfaaney, caadi iska-dhiga.
Kuwii la-wacdinayay ayaa qosol la-daatay. Markaasuu intuu joojiyay wacdigi ku dhahay, asxaabey ha idiin-macaanaato janada.
Waxaan baxay asagoo leh, anagaaba dhoorayaal wakhti isaga luminay.
12. sheekooyin qosol badan oo gaaban
Naag la soo-furay ayaa suuqa aaday xili subaxa. Markaasey aragtay nin hudhey suuqa ku-dhax iibinaya. oo furaya buudhad cusub, wuxuuna ku cel-celinayay ‘ hadaa la-furay. hadaa la-furay eek a faa’ideyso”
Islaanti intay kabta siibatay ayey wajiga kaga dhufatay. ayadoo leh maxaa kaa galay, hadii laysoo furay iyo hadii kalaba. Ka bax afaraahayga garacyahow.
13. sheeko qosl badan (cabtooy)
Laba nin oo indhoole ah, ayaa maalin is-dagaalay. Waana lakala-qaban waayay. Mid sarkhaan ah oo marayay wadada dhinaceeda, ayaa arkay dad badan oo meeshi taagan. Kadib midbuu ku dhahay maxaa meesha ka dhacay. Waxay u sheegeen in laba nin oo indhoole ah. ilaa saaka is-dagaalayaan oo lakala-celin waayay.
Cabtooygi intuu aad u qoslay ayuu dhahay, aniga waxaan lajiraa midka mindida haysta.
Labadi nin way kala-boodeen, midba meel ayuu u fiigay.
14. Sheekooyin Qosol Badan Oo Aan Caadi Ahayn
Malin ayuu fuulay juxa, minbarka masaajidka. Markaasuu dhahay, war maad garanaysaan waxaan rabo inaan idin-sheego. Markaas ayey ku jawaabeen, maya.
Intuu minbarki ka dagay, ayuu dhahay. Maxaa laga faa’idayaa, hadiina garanaynin waxaan idin sheegi doono.
Maalinti dambe ayuu fuulay minbarki mar-kale. Markuu dhahay, war maad garanaysaan, waxaan rabo inaan idin sheego. Markaas ayey ku jawaabeen, HAA.
Intuu minbarki ka-dagay, ayuu dhahay. Marba hadaad og-tihiin, waxaan idin sheegi-rabo, maxay faa’ido leedahay inaan idin sheego.
Maalinti sedexaad ayey dadki go’aansadeen, haduu su’aashaas mar-kale waydiiyo. Iney qayb dhahdo HAA. Qaybta kalana dhahdo MAYA.
Maalinti kale intuu minbarka fuulay, ayuu waydiiyay. War maad garanaysaan, waxaan rabo inaan idin-sheego.
Markaas ayey dadki, qaybna dhaheen HAA. Qaybna waxay dhaheen MAYA.
Intuu minbarki ka-dagay, ayuu ku dhahay. Midkiina og midka aan ogeyn ha u-sheego.
15. sheeko qosl badan oo xikmad leh
Mar ayuu damcay juxa, inuu safar galo. Agab qaaliya oo dahab ahaa, ayuuna u-sii-dhiibtay ganacsade, isku-deegaan ahaayeen. Markuu soo laabtay, oo qanacsadihi waydiistay amaanadiisi.
Wuxuu ku jawaabay ganacsadihi, alaabti aad ii dhiibatay waxaa cunay jiir. Qaab uu u qabsado ayuuna garan waayay.
Kadib intuu dafay, wiil yar uu dhalay ganacsadihi, ayuu qariyay. Markuu ganacsadihi sikasta u raadiyay wiilkiis, oo uu waayay. Ayuu juxa waydiiyay.
Markaas ayuu juxana ugu jawaabay, waxaan arkayay wiilkaadi, oo ay qaadanayso shimbir.
Markaas ayuu qanacsadihi dhahay, sidee ayuu shimbir yar, qof nool u qaadan karaa. Markaas ayuu ugu jawaabay, sida ay biraha u cunaan jiirarka oo kale.
16. sheeko qosl badan oo qoraal
Xariif reer-xamara, oo gaari saarnaa. Ayey xaaskiisi soo wacay.
Intuu balaayo iska-dhigay, ayuu sameecada furay. Kulahaa “ qaali hada lee kaa soo tagaye, dhakhso maad ii xiistay”
Markaasa waxaa la-maqlay, cod xanaaqsan oo leh “waryaa akhlaaq malihide. maxaad caruurta uga cuntay muufada dhuuniyow”
17. sheeko qosol leh
Odey sheekaynaya ayaa dhahay. “ waagi hore guryuhu waxay ahaayeen mudullo dhoobo ka-sameysan, oo isku wada dhaw-dhaw”
Maalin ayaan xaaskeyga ku dhahay. “caawa marti ayaa ii imaaneysa ee casho u diyaari”
Waagaasa sida caadada aheyd, salaada maqrib kadib ayaa la-cashayn jirey. Waxaana u sheegay in maqribka ka-hor waxkasta diyaar ka-dhigto.
Odeygi wuxuu dhahay. “anigu suuqa ayaan aadey. si-aan alaabo yar-yar uga soo gato” markaan imaaday xiligi salaada maqrib la-aadimayay. ayaan aqalka waxaan ugu soo galay, islaanti oo iska-huruda.
Intaan ul soo-qaatay, oon isla-baaciyay inta tabarteyda ah, ayaan ku jiiday ciil dartiis. Kadibna aqalki ayaan si fiican u eegay, mise waaba gurigi dariska oon ku soo qaldamay. Qofta aan garaacayna, waa islaanti dariskayga ahayd.
Intaan gacanta afka saartay ayaan gurigi orod uga soo-baxay. Markaan gurigaygi tagayna, waxaan arkay islaantaydi oo waxkasta diyaarisay, oo isugaysa.
Wuxuu dhahay odeygi, martidi ayaa imaatay. Waana soo dhaweeyay, anigoo yaxyaxsan oo wajigayga badalan yahay. Gafki iga dhacay dartiis.
Marki martidi iga tageen kadib, 3 maalin gurigayga kama soo-bixin. Qalbiga ayaana I xanuunayay, anigoo sugaya inuu ninka dariskayga ah I dacwayn doona. Laakin ima dacwaynin.
Maalinti afraad, intaan suuqa tagay ayaa hal ad oo dahaba u soo-gaday. Kadibna intaan albaabka ku qaraacay, ayaan uga sheekeeyay ninki waxa dhacay.
Wuxuuna ku-dhahay, adigoo wakiil iga ah. Dahabkan xaaskaada raaligalin u-sii.
Ninki dariskayga ahaa wuxuu dhahay. “walaahi waxba iima sheegin islaantayda. Maalmahan waxaan ka dareemay isbadal, oo shaqada guriga xil-badan ayey iska saartaa”
Kulaha ninki dariska ahaa. Waxaaba fiicnaan lahayd isbuuciba inaad mar u imaatid ood garaacdid. Hadana dahabkaada qaado, oo wixii aad hagaajisay ha xumeynin.
Islaantu waxay moodeysaa ninka garaacay, inuu ahaa ninkeedi.
18. sheekooyin qosol badan juxa
Odeygi juxa ahaa, ayaa maalin dariskiisa ka soo-qaatay digsi. In muddo ah kadib ayuu u celiayay digsigi diriskiisi, asagoo u raaciyay digsi yar oo kale.
Ninki ayaa su’aal waydiiyay juxa, oo ku dhahay. Wa maxay digsigan yare e dheerigaa juxow.
Waxaa dhahay digsigan yar, waxaa dhalay digsigaadi waynaa, marka adigaa iska leh.
Ninkiina intuu farxay ayuu qaatay labadoodiba.
Mudo kadib ayuu kuxa mar-labaad ninki waydiistay, inuu digsigiisa mar kale amaahiyo. Ninkina wuu aqbalay, oo wuu siiyay digsigi.
Mudo kadib ayuu ninki maqlay juxa ooo guriga dhaxdiisa ka ooynayana. Intuu u tagay ayuu ninki dhahay, war juxow maxaa kugu dhacay.
Juxa ayaa dhahay, waan ka xumahay, digsigaadi ayaa saaka geeriyooday.
Ninki intuu xanaaqay, ayuu dhahay sidee ayuu digsi u dhiman karaa?
Juxa ayaa dhahay, in digsigu dhalo waad aamintay, ee maxaad u aamini la’dahay inuu dhinto.
19. sheeko qosol iyo funny ah
Nin ayaa dhahay, anigoo jooga meel supermarket ah. Ayey soo gashay gabadh waa hore aan sheekaysan jirnay. ayadoo la-socoto nin aan u moodayo inuu yahay saxiibkeed.
Markaas ayey si yasmo ah iigu dhahday. gadaashey wax gabadh ah maadan helin ayaan u maleynayaa.
Intaan dhoola-cadeeyay, oon u jeedsaday xaga ninki iibinayay supermarket-ka. Ayaan ku dhahay saxiib waxaad iga iibisaa, 4 daasadood oo caano ah. iyo kaa rtoonxafaayadi caruurta ah. Lacagtina waan bixiyay ayadoo I eegaysa.
Meeshi ayaana ka soo-baxay, ayadoo yaaban oo isoo eegaysa. Hada meel aan geeyo xayaadahan iyo caanahan ayaan raadinaa. ee yaa iga gadan asxaabeey.
20. sheeko ila qosl ah reer burco
Wiilbaa gabar u doontay odey. Markaasuu ku dhahay, adeer gabadhaada ayaan rabaa.
- Odeygi: adeer sigaar maad cabtaa.
- Wiilki: markaan qayilaayo ayaan qac ka siiyaa adeer.
- Odeygi: oo maad qayisaaba.
- Wiilki: haa adeer, markaan isbaarada joogo oo kaliya.
- Odeygi: bisinka oo isbaarana maad dhigataa.
- Wiilki: haa adeer sidaan xabsiga uga soo baxayba, wax kale ma-qabto.
- Odeygi: oo maxaa laguu xidhay adeer.
- Wiili: odey ey-ah ayaan gabadh isii dhahay, waana ii diiday. Anigana madaxa ayaan 5 xabad uga-dhuftay, wuuna dhintay. Sidaas ayaa lay-xiray.
- Odeygi: kulahaa faataxada nooakhriya, aan gabadha meherinee.
21. qoraal qosol sheeko
Gabadh wariye ah ayaa wareysi ka-qaadaysay nin beeraley ah oo leh labo dibi. Midna madawyahay midka kalana uu cad yahay.
- Wariyihi:- maxaad cunto ahaan ku quudisaa.
- Beeraleydi:- midka madaw mise midka cad.
- Wariyihi:- midka cad.
- Ninki:- caws.
- Wariyihi: midka madawna.
- Ninki:- sidoo kale caws.
- Wariyihi:- xageed ka-waraabisa.
- Ninki:- ma midka madaw mise midka cad.
- Wariyihi:- midka cad.
- Ninki:- wabiga.
- Wariyihi:- midka madawna.
- Ninki:- sidoo kale wabiga.
- Intay yaabtay gabadhi wariyaha ahayd, ayey dhahday. haday isku-cunto yihiin oo isku-meel ka cabaan. Maxaad ii leedahay midka madaw mise midka-cad.
- Ninki:- sababtoo ah midka cad anigaa leh.
- Wariyihi:- midka madawna.
- Ninki:- sidoo kale anigaa leh.
22. sheeko qosl badan gaaban
nin ayaa lagu dhahay, maxaad u kala-celin wayday ragan is-dagaalaya, adigaaba meesha taagane.
Wuxuu dhahay, hadaad ogaan lahayddeen dhibkaan ka maray isku-dirkooda. Kala-qabo miidan dhahdeen.
23. sheeko qosol qoraal ah
Xili dambe ayuu soo-qaraacay albaabki saygeedi.
Xaaski: ku noqo meeshaad ku maqnayd caawa oo dhan.
Ninki:- albaabka iga-fur ama waxaan isku-ridayaa barkada dabaasha.
Xaaski :- horey u soco oo is-dil, ma waxaad mooday inaan kala jeclahay.
Ninki wuxuu istaagay meel u dhaw albaabka irida oo mugdiya. Wuxuu sugay 2 daqiiqo, kadib wuxuu soo qaatay dhagax weyn. barkadi dabaasha ayuuna ku riday.
Xaaski ayaa maqashay dhawaaqa waxa biyaha ku dhacay. kadibna way soo carartay si ay u fiiriso barkadi.
Ninki si dhaqso ah ayuu gurigi u soo-galay, albaabka ayuuna hoosta ka-xirtay
Xaaski:- iga-fur albaabka hadii kale waan dhawaaqayaa.
Ninki:- qayli ilaa inta dariska oo dhan ka soo-kacayaan ooy halkan imaanayaan. Una sheeg meeshaad ka imaatay xiligan, adigoo qaba surwaal iyo rajabeeto basaa.
24. juxa sheeko qosl badan
Maalin ayuu juxa saabkiisi kaga lumay, deegaan uu marti ku ahaa. Markaas ayuu dadki ku-dhahay, hadii saabkayki sida ugu dhakhsaha badan ugu keenin. Waad garanaysaan waxaan samaynayo.
Maadaama uu ahaa nin kamida, dadka masuuliyiinta ah, oo lagaranayay. Dadkana ay ka xaraabeystaan. Waa la-raadiyay saabki ka lumay, waana la soo helay.
Marki loo keenay ayaa lagu dhahay, juxow hadaad waayi lahayd saabkaada. Maxaad sameyn laheyd.
Markaas ayuu ku jawaabay, saab kale ayaan sameysan lahaa.
25. sheeko qosol leh wiil iyo gabar
Gabar ayadoo kujirta suuliga. ayaa albaabka waxaa ku soo garaacay wiil ay daris yihiin. oo indhoole ahaa.
Markaas ayey dhahday war waa kuma qofka garaacaya albaabka. Wuxuuna ku jawaabay waa fahad.
Markaas ayeyna ka furtay ayadoo qaawan. Waxayna ku dhahday maxaad soo doontay dahadow.
Wuxuu dhahay bariis ayaan wadaa. Maanta anigaa lay-duceynayay maadaama indhili lay-fiiqay.
Intay naxday ayey albaabki dhakhso u xidhay, ayadoo leh fahad maxaad aragtay.
26. sheeko qosl badan qoraal
Maamulihi shirkada ayaa sheegay sheeko qosol badan. markaasaa shaqaalihi joogay xafiiska oo dhan wada-qosleen. Marka laga reebo hal nin.
Ninki maamulaha ahaa ayaa ku-dhahay, sheeko qosol badan maaha miyaa. Maxaad ugu qosli wayday.
Markaas ayuu dhahay ninki kale, shalay ayaan gudbiyay warqadaydi casilaada. Mararka qaar sheekadaada waxa loogu qoslo, maaha iney tahay fuuny. Ee waa inaad tahay maamule oo kaliya ama aad qadada bixinaysid.
27. sheeko qosol iyo murti
Mar ayaa juxa waxaa u imaaday, nin ay qaraabo ahaayeen. Oo dhib badnaa. Markaas ayuu ku dhahay, ina-adeer dadka wanaagsan magacyo fiican ayaa loo bixiyaa. Sida MUCTASIM BILAAHI. Ee adiga maxaad ii bixin lahayd.
Markaas ayuu ugu jawaabay, adiga ACUUDU BILAAHI ayaan kuu bixin lahaa.
28. sheeko cajiib ah juxa
Maruu garsoore ka ahaa maxkamad, ayuu nin ku eedeeyay dhawr qof. Iney ka xadeen kiish ay alaab ugu jirtay. Dhamaantoodna way dafireen.
Balse juxa ayaa xeelad dagay, oo dhahay. Tuugi waan ka-dhax-gartay nimankan. Oo markuu kiishka qaadanayay, ayey dun kaga-hadhay garka.
Markiba nin kamida dadki ayaa taabtay gadhkiisa. Asagoo is-dhahay dunta iska-rid. Sidaas ayaana lagu ogaaday tuugi.
29. sheeko qosol iyo murti ah
Dhakhtarka dhimirka ayaa dhahay. Bal aan tijaabino, dadka qaar iney caafimaadeen. Kadibna darbiga ayaa loogu sawiray gaadhi.
Markaas ayaa lagu dhahay fuula gaadhiga. Dadki badankooda way fuuleen, laakin hal nin ayaa ka soo hadhay dadki oo dhan. Waxaa la-mooday inuu caafimaaday.
Waxaa lagu dhahay, maxaad u raaci wayday gaadhiga?
Intuu aad u qoslay, kulahaa furihiba anigaa haysta.
30. sheekooyin qosol leh
Mar kale oo juxa maxkamada ka haa garsoore, ayaa niman badan lagu soo eedeeyay tuugnimo. Waana la-kala-garan waayay.
Kadib intuu dameerkiisi midab madaw ah mariyay. Ayuu xeradi oo mugdiya dhax istaajiyay. Markaas ayuu ku dhahay, dhamaantiin mid-mid ayaad u galaysaan xerada. Dameerkana waad soo taabanaysaan. Midka tuugaa markuu taabto dameerka, wuu ciyi doonaa.
Kadib way wada-galeen, mana ciyin dameerki. Markii ay soo wada-galeen xeradi ayuu ku dhahay, soo fidiya gacmihiina.
Nimanki oo dhan waxay leeyihiin, rinjigi madoobaa ee uu mariyay dameerka. Marka laga reebo hal nin. Sidaas ayaana lagu ogaaday tuugi.
31. sheeko ila qosol ah
Dalka shiinaya ayaa saeeyay mashiin, soo qabanaya tuugada. Kadib tijaabadi ugu horeysay, waxaa lagu sameeyay dalka taliyaaniga. 20-kii daqiiqo ee ugu horeeysay, wuxuu soo-qabtay 50 tuug. Maraykanka ayaa la-geeyay, 20-kii daqiiqo ee ugu horeeysay, wuxuu soo-qabtay 30 tuug. Africa ayaa la-keenay, 3-dii daqiiqo ee ugu horeysay, maashinki oo dhan ayaaba la-xaday.
32. ila qosol sheeko
Juxa ayaa maalin dhawaqay, kadibna ninki dariskiisa ayaa ku dhahay. maxaa kugu dhacay juxow.
Markaas ayuu dhahay qamiiskaygi ayaa dhulka ku soo-dhacay. hadaan ku jiri lahaa, anigana dhulka ayaan ku dhici lahaa, kadibna waan dhiman lahaa.
33. sheekoooyin qosol badan iyo diyaarad
Nin aad u madow oo African ah, ayaa raacay diyaarad. kadib kurisga uu faadhiyo midka ku xiga, waxaa fadhiday gabadh cadaan ah, oo kibir badan.
Gabadhuna waxay wadatay, daanyeer madaw. Daanyeerki ayaa ninki dhabtiisa ku fadhiistay. ninkina intuu cabsaday ayuu naagti cadaanka ahayd ku dhahay, iga qabo bahalka.
Intay qososhay ayey ku dhahday waa caadi. waayo hal qoys ayaa tihiin, dhaxdiinana ma galayo.
Intuu xanaaqay ayuu iska-aamusay, kadibna daanyeerki ayuu dilay. Gabadhi baa aragtay daanyeerki oo laga-takhalusay oo dhintay.
Intay qaylisay ayey dhahday, waraa maxaad ku sameysay daanjeerki.
Markaas ayuu ugu jawaabay, waa hawlo qoys ee iskaga-dhax-bax waxba kaama galine.
34. sheeko gaaban oo qosol eh
Maalin ayey aragtay gabadhiisa, juxa oo timirta lafta ku liqaya. Markaas ayey ku dhahday, maxaad lafta u liqaysaa.
Markaas ayuu ugu jawaabay. Ninki iimiisay wuu ii misaamay, oo lacagteeda igama-daynin. Anigana waxaan lacag ka-bixiyay ma-daadin karo. Ee waan cunayaa.
35. sheekooyin qosol badan reer putland
Nin reer putland ah oo madaxa loog-jiro, ayaa qabiilka hawiye cay dabada u qabtay. Asagoo leh hawiye waa sidan iyo sidan. Aad ayuu u caayay.
Nin kale oo asagana madaxa looga-jiro. oo reer gaalkacyo ah, ayaa ninki madaxa dhalo kaga huftay.
Markii lakala-celiyay, ayaa lagu dhahay midki reer gaalkacyo. war ninka maxaad dhalada ugu dhufutay.
Kulahaa 30 sano ayaan waalnaa, halmarna waligay daarood ma caayin. Asagoo hal bil waalan, siduu ku caayi karaa hawiye.
36. sheeko qosl badan juxa
Maalin ayuu nin juxa waydiiyay. Maydka ma in la-hor-socdaa wanaagsan, mise in la-daba-socdo, marka naxashka lagu wado.
Markaas ayuu ugu jawaabay, muhiimadu waa inaadan ahayn, midka naxashka saaran’un. Ee meeshi aad rabtaba soco.
37. Juxa Sheeko Gaaban oo aan caadi ahayn
Juxa oo dameerkiisa saaran, ayuu nin damcay inuu yara-yaso. Markaas ayuu ku-dhaya, war juxa. Adiga kumaba garan, ee dameerkaada ayaan gartay.
Juxana wuxuu ku jawaabay, waa caadi. Oo dameeruhu ayagaa is-yaqaana.
gaba-gabo
waxaan filayaa inaad ka-heshay sheekooyinka, ood waliba aad u qososhay. adigu sheekadee ayaad aad ugu qososhay, qaybta hoose noogu reeb.
la-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
dhamaad.
M.a waa sheko funny ah