Dadka badankooda waxay leeyihiin hadafyo. Ay rabaan iney xaqiijiyaan. Iyo waxay rabaan iney noqdaan mustaqbalka.
Hadaba mararka qaar, way adkaan kartaa. Inaad samaysato hadafka nolosha, aad doonayso inaad gaadho. Waxaad garan waayi kartaa, meeshaad ka bilaabi lahayd. Iyo sidaad ku dooran lahayd hadafka nolosha, aad rabto inaad xaqiijiso.
Laakin hadaad si fiican u akhriso qormadan, waad samaysan kartaa hadafka nooloshaada. Waadna yeelan kartaa yool, aad rumayso mustaqbal.
Waa maxay hadafka nolosha?
Macnaha hadafka nolasha, waxaa weeyo. Inaad yeelato ujeedo cad. inaad yeelato yool cad oo la-fahmi karo. Kaas ood gaadhi karto mustaqbalka.
Hadafka nolasha, wuxuu kaaga baahan yahay. Inaad yeelato.
- Qorshe tafatiran.
- Dhiiranaan.
- Akhlaaq.
- Iyo ka go’naansho.
Sidee loo ogaadaa Hadafka noolosha aad rabto?
1- Ka-fikir waxaad rabto.
Si-aad u ogaato, hadafkaada nolosha aad ka leedahay. Waa inaad
- Naftaada waydiisaa, waxaad dooneyso.
- Qortaa waxa muhiimka u ah noloshaada.
- Liisto samaysaa.
2- Naftaada qeex
Inaad naftaada qeexdo, waxay kaa caawinaysaa. Inaad fahanto waxa muhiimka u ah, hadafka aad leedahay.
- Waa noocee shaqsiyadaada.
- Maxaad xiiseysaa.
- Wakhtigaada ugu badan maxaad qabataa.
- Maxaad daganaansho ku dareentaa.
- Waa maxay waxyaabaha aad rabto inaad hagaajiso.
- Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaato.
Su’aalaha noocan ayaa kaa caawin kara. Ayaa kaa caawin kara, inaad ogaato waxyaabaha muhiimka u ah, noloshaada.
3- Qiyaas mustaqbalkaada
Isku-day inaad mala-awaal ku samaysid mustaqbalkaada sida uu noqon karo. Adigoo is-waydiinaya.
- Sidee buu u ekaan karaa mustaqbalka.
- Magaaladee rabtaa inaad ku nolaato.
- Qoys inaad samayso maad rabtaa.
- Meeqa lacaga ayaad rabtaa inaas samayso sanadki.
Jawaabaha su’aalahan, waxay kuu iftiiminayaan. Inaad qiyaas ku samayn karto. Hadafka nolasha aad ka leedahay.
4- Xadid hadafkaada
Hada waxyaabaha muhiimka kuu ah, waad garanaysaa. Laakin waa inaad xadidaa, waxyaabaha sida gaarka ah, aad u rabto.
Tusaale ahaan, waxaad go’aansatay inaad barato. Cilmiga engineering. Hada waa inaad cadaysaa, qaybta aad rabto inaad ka-barato. Sida
- Ma waxaad rabtaa qaybta dhismaha.
- Mise qaybta korontada iyo dabka.
- Mise qaybta makaanikada.
- Jaacadeed ka baran cilmigan.
- Meeqa sano ayaad rabtaa inaad ku barato.
Markan waa inaad sidaas u cadaysaa hadafka nolasha, aad doonayso inaad gaadho.
5- Sababta aad u rabto
Naftaada waa inaad waydiisaa, sababta aad u rabto inaad gaadho hadafkan. Waa inaad is-waydiisaa.
- Maxaan u rabaa inaan sameeyo waxan.
Tusaale ahaan, waxaad go’aansatay. Inaad barato qaybta dhismaha, ee engineering. Sababtoo ah lacag fiican ayaa laga sameeyaa. Dadkuna qof ay ixtiraamaan ayaad noqon. Waa sababo macquul ah.
Sidee loo qorsheeyaa gaaritaanka hadafka nolashaada.
1- Tax hadafyadaada.
Hada waxaad heshay, xoogaa hadafyo macquula ood rabto inaad gaadho. Waa markaad si-dhaba u wajihi lahayd, intaad u samayso qorshe.
Talaabada ugu horeysa waa inaad mudnaan kala-siisaa. Ood go’aansataa, adigoo is-waydiinaya.
- Hadafkee ugu muhiimsan.
- Midkeen qaban karaa hada.
Inaad kala qorshayso hadafyada noloshaada, waxay kuu sahlaysaa inaad xaqiijiso mustaqbalka.
2- Daraasad samee
Mar hadaad goaansatay, waxaad sida gaarkaa u doonayso. Samee baadhitaan ku saabsan sidaad u gaari lahayd waxaas. Adigoo is-waydiinaya su’aalahan soo socda.
- Xirfad nooceeya ayaad u baahan tahay inaad barato.
- Waa maxay waxyaabaha aad u baahan doonto.
- Wakhti intee dhan ayaad ugu tala-gashay.
3- Samayso hadafyo yar-yar
Inaad gaadho hadafkaad dooneyso. Waa hawl adag oo u baahan, wakhti badan. Sidaas darteed, waxaa haboon inaad samaysato hadafyo yar-yar.
Waayo waxay kaa caawinayaan, inaad ka cajisin gaaritaanka hadafkaada way nee noolasha.
4- Jadwal yeelo
Markaad samayso baaritaan iyo qorshihi aad ku gaadhi lahayd. Hadafkaada nolosha aad dooneyso. Waa inaad sidoo kale samaysataa jawdalkaadi shaqada, sida.
- Wakhtigeed bilaabaysaa.
- Goormuu dhamaanayaa hadafkan.
Su’aashan iyo kuwa lamidka ah, waxay kaa caawinayaan. Inaad naftaada la-xisaabtanto iyo inaad dhiiranaato.
5- Ka-fikir caqabadaha jira
Ugu dambeyn, qiyaas caqabadaha aad wajii karto. Intaad ku jirto xaqiijinta hadafka aad doonayso.
Inaad ka-sii-fikirto caqabadaas. Waxay keenaysaa inaad qiyaasto.
- Sidaad u wajihi lahayd caqabadahaas.
- Qaabkaad u xalin lahayd.
- Iyo sidaad uga guuleysan lahayd.
Sidee loo xaqiijiyaa hadafka nolasha
1- Same jawi ku haboon
Nooc kasta oo uu yahay hadafkaada. Waxa jira jawi ku haboon, oo kaa caawinayana inaad xaqiijiso.
Tusaale ahaan, waxaad rabtaa inaad barato engineering. Wuxuuna kaaga baahan yahay wakhti iyo dadaal badan.
Hadaad la-nooshahay asxaab xafladaha iyo suuqa ku badan. Waxay markasta kugu dhirigalinayaan, inaad raacdo.
Sidaas darteed, si aad u gaadho yoolkaada. Waa inaad badashaa deegaanka noocan ah. Waa inaad asxaab la-noqotaa dadka aad tihiin, isku yoolka.
2-Â Bilow xaqiijinta hadafkaada nolasha
Go’aanso wakhtigaad bilaabi lahayd, hadafka nolasha aad dooneyso. Kadibna makhuuro.
Hadaad garan-waydo, talaabada ugu horeysa eed qaadi lahayd. Baadhitaan dheeriya samee. Kadibna qaybo yar-yar ka dhig hadafkaada.
3- Si joogto ah uga shaqee
Mar hadaad bilowday xaqiijinta hadafka nolasha aad dooneyso. Waa inaad joogtaysaa, waayo furaha guushu waa joogtayn.
Talaabadan, waa meesha dadka badankooda ku fashilmaan. Midna xasuusnow, hadaad rabto inaad yool gaadho. Waxa ugu muhiimsan, ee lagu maalgaliyo. Waa wakhti iyo dadaal.
4- Dhiiranow markasta
Maadaama joogteyntu muhiim tahay, waxaa sidoo kale daruuriya inaad dhiiranaato markasta. Ood mooraal u hayso waxaas.
Si-aad u ahaato qof dhiiran markasta, raac talaabooyinkan.
- Abaal-mari naftaada, markay gaadho qayb kamida yoolashaada.
- Fikradaha taban iska-ilaali.
- Dadka aad isku-hadafka tihiin la-saaxiib.
5- Wada xisaabtan
Mid kamida habka ugu wanaagsan, eed u ahaan karto qof dhiiran. Waa inaad dib u eegis ku samayso, waxyaabihi aad soo qabatay.
Arintan waxay keenaysaa inaad ogaato.
- Waxaad xaqiijisay iyo waxa kuu dhiman.
- Khaladaadkaadi iyo sidaad u xalin-lahayd.
Muhiimada hadafka nolasha
Markaad yeelato ama aad qeexdo, hadafka nolasha aad ka-dooneyso.
Waxaad ogaan, ood maamuli.
- Jihaadaad u socoto.
- Noloshaada siday noqonayso.
- Yoolashaad rabto inaad gaadho.
- Wakhtigaada iyo waxaad ku bixiso.
Faa’iidada hadafka nolasha
Qofka faa’idooyin badan ayuu ka helayaa. Haduu yeesho yool iyo hadaf uu rabo, inuu xaqiijiyo. Waxaana kamida.
- Wada-xisaabtan.
- Go’aan-qaadasho wanaagsan.
- Jihaynta noloshiisa.
- Yool cad inuu yeesho.
- Qof waxsoosaar leh inuu noqdo.
- Dhiiranaan.
- Xoriyad.
- Inaad horumarto.
- Fursadaha oo uu ka faa’ideysto.
- Kalsooni.
- Qanaaco.
- Noloshiisa oo uu xukumo.
- Wakhtiga ayaad ka faaidaysan.
- Noloshiisa oo muhiim noqoto.
Inaad yeelato hadaf aad xaqiijiso. Waxay saameyn wanaagsan, ku yeelanaysaa hab-dhaqankaada. Iyo waxsoosaarkaada.
Kuwan kor ku-xusan ayaana kamida, faa’idooyinka laga helo. Hadaad samaysato hadaf aad rumayso, intaad nooshahay.
Noocyada hadafka nolosha
Waxaa jira noocyo badan oo kamida, hadafyada dadku samaystaan. Waa kuwan 7-da qaybood, ee ugu muhiimsan.
1- Hadaf gaaban
Waa midka sida dhakhsada ah, loo gaaro. Ee qaata maalmo ilaa bilooyin.
2- Hadaf dheer
Waa hadafka qaata bilooyin ilaa sanado badan.
3- Hadaf gaara
Waa midka gaarka ah, ee la-xidhiidha caafimaadka, xiriirka IWM.
4- Hadafka xirfada
Waa hadaf ku kooban hagaajinta iyo hormarinta xirfadaada.
5- Hadafka dhaqaalaha
Waa midka la-xiriira dhaqaalaha. Sida inaad bixiso dayn lagugu leeyahay ama guri iibsato.
6- Hadafka waxbarashada
Waa hadafka waxbarashada. Sida inaad barato degree, xirfad cusub IWM.
7- Hadafka dadwaynaha
Sida inaad hesho asxaab cusub. Iyo dhaxgalka bulshada.
Hadafyo ay tahay inaad gaadho, intaad nooshahay.
Wakhti intee dhan ayaad ku bixisaa. Inaad qorshayso noloshaada?
Dadka badankooda, waxay wakhti badan ku bixiyaan. Qorshaynta xaflada dhalashadooda ama baashaalkooda.
Hadaba xageed ku dambeyn, hadaadan qorshaynin noloshaada. Maxaad mustaqbalkaada u dayacaysa. Ayadoo noloshu gaaban tahay.
Waa kuwan hadafyo ay muhiim tahay inaad xaqiijiso intaad noshahay.
- Xajka inaad tagto.
- Waalidkaada inaad geyso xajka
- Dalxiis inaad aado, ood aduunka soo aragto.
- Gurigaadi mustaqbalka inaad dhisato.
- Qoys caafimaad-qaba inaad yeelato.
- Ganacsi kuu gaar ah, inaad bilowdo.
- Xirfado cusub inaad barato.
- Gaarigaadi riyada, ood gadato.
- Caruurtaada ood u diyaariso mustaqbal wanaagsan.
- 50 buug inaad akhriso sanadkasta.
- Qiimahaada shaqsiyada ood kor u qaado.
- Inaad samayso maalgashi.
- Luuqad cusub baro.
- Dakhligaada ood kordhiso.
- Qof maskiin ah ood badasho noloshiisa.
- Sida loo dagaalamo inaad barato.
Dadku waxay u qaybsamaan 6 qeybood
marka la-wajahayo hadafka nolasha, dadku waxay u qaybsamaan 6-nooc. adigu midkee tahay
1. Qof aan lahayn wax hadaf ah.
Qofka noocan ah, malaha wax hadaf ah, oo uu ku dadaalo. Siduu u gaadhi lagaa. Hadaad waydiiso, waa maxay hadafka nolasha aad ka leedahay. Wuxuu ku jawaabi, magranayo. Wuxuu ku qanacsan yahay, inuu nool yahay oo kaliya.
2. Qof aan garanaynin hadafkiisa.
Qofkan inuu yeesho hadaf, ayuu rabaa. Laakin ma-garanayo qaabki uu ku gaadhi lahaa yoolkiisa. Qofka noocan ah, wuxuu u baahan yahay. Inuu sameeyo baadhitaan badan. qofkan waxaa ka fiican midka aan wax hadaf ah, lahayn.
3. Qof garanaya hadafkiisa.
Qofkan wuu garanayaa hadafkiisa iyo wuxuu rabo. Qorshihi iyo habki uu ku gaadhi lahaana wuu garanayaa. Laakin kalsooni kuma qabo shaqsiyadiisa. Qofka noocan ah, wuu ka murug badan yahay labadi hore.
4. Qof garanaya hadafkiisa oo isku kalsoon.
Qofkan wuu garanayaa wuxuu rabo, iyo siduu ku gaadhi lahaa. Wuuna isku kalsoon yahay. Laakin waxaa saamyn ku yeesha, hadalada dadka kale.
Asagoo hawshiisa ku jira, haduu qof talo iyo wado ka duwan midiisa u sheego, wuu maqlaa. Qorshihi uu ku socday ayuuna badalaa. Qofka noocan ah, wuu ka liitaa 3-di nooc ee hore. Waana midka dadku u badan yihiin maanta.
5. Qof dadku saamayn ku-lahayn.
Wuxuu garanayaa qofkan, wuxuu doonayo. Iyo wadadi uu u mari lahaa. Dadkana saamayn kuma laha qorshayaashiisa. Oo waxba kama badali karaan.
Laakin guul kasta oo uu gaadho, asaga ayaa dib u burburiya. Tusaale, haduu dhaqaale badan yeesho, wuxuu galiyaa meel aan ku habooneyn. Wuu is-cajabiyaa, kadibna wuu fashilmaa.
6. Qof hadal leh oo hogaamiye ah
Waa qof garanaya wuxuu rabo iyo siduu ku xaqiijin lahaa. Wuu isku kalsoon yahay. Dadka waanadooda wuu qaataa. Alle ayuu talo-saartaa.
Dadka hadalkooda caqabad kumaaha.
- Isma-cajabiyo.
- Ma faano mana kibir bada.
- U nool si fudud.
Midna ogow guul-darro kasta, waxaa ka dambaysa guul. Sidaas darteed, waligaa ha quusan. Hadafka nolasha aad ka leedahay, waa gaadhi doontaaye.
Xeeladaha dejinta hadafka iyo sida loo gaaro guusha
Bani’aadamku waxay u nool yihiin, ujeedo. Haduu garan waayo ujeedadaasna wuu fakadaa.
Inuu qofku yeesho hadaf, labo sababood darteed ayey muhiim u tahay.
- Inaad maamusho noloshaada.
- Inaad nidaamiso waxsoosaarkaada.
Labadan ariimood, waxa suuragal ka-dhigi kara. waa inaad yeelato qorshe iyo hadaf ku hagaya.
Halsita ugu way nee qofka noloshiisa soo-wajihi karta, waxaa weeyo. Inuuna yeelan wax hadafa.
Hadafku nolasha qofka ayuu qaabeeyaa. Wuxuu ka dhigaa shay muhiima, oo jiho leh. Sidaas darteed, ayuu hadafka nolasha qofkasta muhiim ugu yahay.
Habka loo samaysto Hadafyada
Habka ugu haboon, ee loo samaysan karo hadafka nolasha. Waa inuu noqdaa, mid cayiman. La-cabiri karo. La-gaari karo. Wakhti ku xidhan, oo macquul ah.
Gaaridda yoolasha:
Markaad rabto inaad gaadho hadafkaada nolosha. Waa inaad raacdaa talaabooyinkan hoose.
- Samayso qorshe ku haga.
- Qaybo yar-yar ka-dhig hadafkaada.
- Maalinkasta samee wax yoolkaada kuu dhawaynaya.
- Qor hadafkaada, si aad u xasuusnaato.
- Hadafka ha-badalin, laakin wadada waad bad-badali kartaa.
- Naftaada la-xisaabtan.
Waa maxay hadafka nolasha aad ka leedahay
Noloshu waa safar u baahan qorshe ku haga, iyo hadaf ay hiigsato. Dadka nolosha ku guulaystay, iyo dadka magaca uga tagay aduunka. Dhamaantood waxay lahaayeen, hadafyo iyo qorshayaal ay raacayeen, iney nolaayeen.
Caqabada kaa hortaagan inaad yeelato hadaf.
Waxyaabaha dadka badankooda ka-hor taagan, iney yeeshaan yool. Way badan yihiin, laakin kuwa ugu badan, ee dadka soo-wajaha waxaa kamida.
- Cabsida ay ka-qabaan fashilka iyo guuldarada.
- Kalsooni la’aanta naftooda ku qabaan.
- Ineyna fahamsanayn muhiimada hadafka nolosha.
- Cabsida ay ka-qabaan bulshada ku xeeran.
Waa muhiim qofku inuu u cad yahay hadafka nolasha uu ka leeyahay. Iyo sideuu ku gaadhi lahaa.
Hadafka Nolosha: Baro Sida Loo Gaaro Guusha
Markaad rabto inaad gaadho, hadafka nolasha aad ka leedahay. Waxaa jira 4 arrimood oo muhiim ah, inaad qorshaha ku darsato.
4 wax oo kugu dhiiro gelinayo gaarida hadafka nolasha
Talaabooyinkan waxay kugu dhiirigalinayaan, inaad ka miro-dhaliso hadafkaada.
1. Yeelo hadaf
Marka hore, waa inaad cadaysaa yoolkaada iyo hamiga nolosha aad rabto. Adigoo raacaya talaabooyinka aan kula soo-wadaagnay.
Kadib waa inaad samaysaa, diyaargarow biixa. Taas macnaheedu maaha, inaad sugto wakhtiga munaasabka ah. Ee waa inaad samaysaa qorshe cad, oo sahlaya inaad gaadho yoolkaada.
2. Nasiinyo qaado
Inaad wakhti nasasho u samayso jirkaada, waxay kaa caawinaysaa. Inaad hesho daganaasho iyo inaadan dareemin niyad-jab.
3. Hamiga badan iska ilaali
Inaad yeelato hami, iyo waxaad dooneyso, waa muhiim. Laakin inaad waxyaabo badan, hal-mar aad dhahdo, waan xaqiijin. Waxay keenaysaa, inaad hal talaabo horey u qaadi waydo. Sidaas darteed hal wax xooga saar marka hore. Kadibna mid kale.
4. Go’aan adag qaado
Inaad qaadato go’aan adag, waxay kaa dhigaysaa qof adag. Oo fulin kara wuxuu ka ballan-qaaday naftiisa.
Hadafka nolasha waxaa lagu xaqiijin karaa go’aano adag, ood qaadato.
Gabagabo
Hadaad rabto inaad gaadho hamiga nolosha aad ka leedahay. Waxaa muhiima inaad yeelato, dulqaad iyo adkaysi. Inaad yeelato qorsho cad. Waayo qorshuhu, waa wadada aad ku gaadhayso hamigaada nolosha.
Waxaan rajaynayaa, hadaad raacdo talaabooyinka aan kula-wadaagnay. Inaad garanayso sida loo samaysto yool. Hadaad samaysato yoolna, noloshaada oo dhan ayaa isbadalaysa.
Waxaad noqon qog guuleystay, oo saameyn ku leh dadka ku xeeran. Iyo nolosha dad badan. maanta bulshadeenu, waxay u baahan tahay dad badan oo guuleysta.
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad.
5 thoughts on “Hadafka Nolosha- 15+ Baro Sirta Guusha Nolosha better”
Comments are closed.