fbpx

Quruxda dumarka calaamadaha lagu garto better

Markaad ka fikirayso gabadha quruxda badan. waxaa maskaxdaada ku soo dhacaysa, jidhkeeda, qurxda wajigeeda.

Laakin waxaa jirta noocyo badan oo quruxda kamida oo ishu qabanin. oo quruxda dumarka lagu garto.

Si guud, Quruxdu waa sadex wax oo laysku-daray

  • quruxda jidhka
  • shaqsiyada qofka
  • dareenka

Hadaba quruxda dhabta ah, waa mida gudaha. Sida qaabka shaqsiyadaada ay tahay. Sidaad ula dhaqanto dadka kale. Iyo sidaad u maarayso noolashaada markaad duruufaysan tahay.

Quruxda waxaa lagu macneeyaa shaqsiyada aad leedahaya, qiimahaada iyo dabeecadaada.

Gabadh kastana waxay leedahay quruxdeeda gaarka ah. taasoo ka dhigaysa mid ka duwan oo ka soocan haweenka kale.

4 calaamadood oo lagu garto quruxda dumarka

1- Kalsoonida gudaha

Quruxdu maaha sifo jidhka oo kaliya ku kooban. Mid kamida calaamadaha quruxda badan ee gabadhu leedahay waa kalsoonida gudaha.

Kalsooniduna maaha inaad madaxaada kor u qaado. markaad soconayso ama inaad hadalkaada kor u qaado markaad hadlayso. Ee kalsoonidu waa inaad ku qanacsan tahay shaqsiyadaada iyo jidhkaada.

Gabadhu markay isku-kalsoon tahay, dhaliilaha dadka waxba uma dhimaan.

Sideed ku garan kartaa sifadan quruxda badan iney leedahay gabadhu?

Kalsoonidu waxay ka muuqataa luuqada jidhkeeda

  • Fiiri siday ula dhaqanto dadka kale iyo sidey u xakamayso nafteeda
  • Kama cabsato iney sheegto fikirkeeda
  • Way dhagaysataa markuu qofku hadlayo
  • Dadka way ixtiraamtaa.

Mida ugu muhiimsan waxaa weeyo, kalsoonidu waxay iftiimisaa kalsoonid jidhka ee qofka.

sidoo kale akhri:- sabaha keena iney burburaan xidhiidhada jacaylka

2- Naxariista

Mid kamida calaamadaha quruxda badan ee gabadhu yeelan karto, waa naxariista.

Gabadha qalbigeedu naxariista badan yahay waxaa lagu gartaa!

  • Dhiiranaanteeda iyo jacaylka
  • quruxda ka muuqata indhaheeda, markay ku soo fiirinayso.
  • dadka iney gacan-qabato
  • hadal wanaagsan iney ku hadasho
  • Iney dadka caawiso marka loo baahdo.
  • Ma faan badna, markay hadlayso.
  • Waa qof dabacsan oo dagan.

Gabadha naxariista badan, waxay tixgalisaa dadka, hadalkeeda iyo ficilkeedu waa kuwo naxariis badan.

3- Caqliga badan

Yaa dhahay quruxda iyo caqligu isma-raacaan?

Bal kawaran markad kala hadlayso gabadha. arrimo ku saabsan horumarka noolasha, sayniska iyo mawduucyo kale. Hadii ay si dagan kuu dhagaysanayso. si dagan su’aalo kuu waydiiso, fikirkeedana ay sheeganayso.

Caqli badnaanta laguu sheegayaba waa intaas, waana sifo kor u qaadaysa quruxda gabadha.

Gabadha quruxda badan waxay qiimaysaa aqoonta. waxay si-joogta ah u kobcisaa garaadkeeda iyo iney fahanto noolasha aduunka.

Waana astaamaha ragga ku qasbaya, iney ka ag-dhawaadaan dumarka caqliga badan.

Waa xaqiiqo in quruxda jidhka ku soo-jiidanayso marka hore. laakin waxa kugu qasbaya inaad wakhti badan la-joogto qofkaas waa caqliga.

4- Ixtiraamka

Gabadha ixtiraamka taqaana waxay og-tahay sharafta iyo qiimaha qof kasta oo ay la-kulanto. Ayadoona u eegaynin heerka noolashiisa, dhaqaalihiisa iyo wuxuu aaminsa yahay.

Ixtiraamku waa inaad dadka ula dhaqanataa, sidaad doonayso iney kuula dhaqmaan.

Gabadha ixtiraamka badan way xurmaysaa dareenka qofka kale, way dhagaystaa hadalka qofka. Wayna qiimaysaa aragtida qofka.

Macnaha inaad dadka ixtiraamto waxaa weeyo. waxaad garanaysaa qiimahaada, iyo qiimaha qofka bani’aadamka ah.

Calaamadaha jidhka quruxda dumarka

Markaan ka-hadlayno quruxda jidhka ee dumarka. waa inaan ogaana quruxdu iney tahay aragti lagu kala duwan yahay.

Bulshooyinka qaar waxay ku qiimeeyaan quruxda jidhka ee gabadha, dhuubnida jidhkeeda. halka kuwo qaarna ay ku qiimeeyaan cayilka.

Si kastaba ha-ahaatee, waxaa jira calaamado gaara oo dadku isku-waafaqsan yihiin. Sida muuqaalka wanaagsan iyo jidhka caafimaadka qabo.

Muuqaalka wanaagsan wuxuu quseeyaa, kalsoonida iyo bilicda qofka. jidhka caafimaadka qabana wuxuu quseeyaa firfircoonida iyo ilaalinta jidhka.

Xasuusnow, sifada ugu soo-jiidashada badanee gabadha quruxda badan leedahay. waa daganaansha iyo qanaacada jidhkeeda ay ku qabto.

Waxaa kale oo kamida quruxda jidhka ee gabadha, codkeeda, sinaanta jidhkeeda iyo qaab-socodkeeda.

Si kastaba ha-ahaatee dhamaan qodobadan waa aragti, ee maaha heerka lagu qiimeeyo quruxda.

Gabadh kasta jidhkeeda wuu qurux badan yahay. muhiimadu waa inaad mudnaanta siisaa caafimaad-qabka jidhka, halkaad ku mashquuli lahayd aaraada quruxda.

Calaamadaha wajiga quruxda badan ee dumarka.

Quruxda wajiga waa mid si-wayn loogu kala duwan yahay, dhaqan ahaan iyo shaqis ahaanba.

Laakin daraasado badan ayaa soojeediyay. wajiga toosan ee isku dheeli-tiran inuu yahay midka ugu soo-jiidashada badan. taas macnaheedu waxaa weeyo in sanka, indhaha iyo afku yihiin kuwo is-waafaqsan.

Wajiga nadiifta ah iyo maqaarka caafimaadka qaba. waxay kamid yihiin astaamaha quruxda ee wajiga. Waxay ka turjumayaan caafimaad wanaagsan iyo daryeel.

Gaba-gabo

Wajiga quruxda badan ee dumarka waxaa saamayn ku leh. dhoola-cadaynta, qosolka iyo qaabka gabadha wax u fiiriso. Waxyaabahan waxay ka qayb-qaataan quruxda wajigeeda. afar waa inay, naagta quruxda badan.

La-wadagaag asxaabtaada, mahadsanid.

dhamaad

quruxda dumarka maxaa lagu gartaa naagta ugu quruxda badan aduunka

1 thought on “Quruxda dumarka calaamadaha lagu garto better”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights