Waa arrin jirta, in xidhiidhadu ku billowdaan xiiso badan iyo ujeedo. laakin badankooda si-dhakhso ah ayey u burburaan, arrimo soo wajahay dartood.
Hadii aad ku dhibban tahay xidhiidhkaada ama aad ku cajistay. waxaan kula wadaagayaa, arrimaha keena iney burburaan badi xidhiidhada jacaylka bilowgaba.
Waxaan rajaynayaa inaad iska-ilaalin doonto sababahan. si uu u noqdo xidhiidhkaada mid waara oo caafimaad-qaba.
Waa kuwan 5 sababood oo keena iney burburaan xidhiidhada.
1- Aqbalaad-la’aan
Xidhiidhku maaha wax sahlan, wuxuu kaa doonayaa shaqo iyo tanaasul. waayo qof kasta wuxuu leeyahay, rabitaan iyo baahiyo gaar ah. oo uu kaga duwan yahay qofka kale ee lamaanihiisa ah.
Xilliga xidhiidhka aqbalaadu waa muhiim. waayo waxay kaa caawinaysaa inaad daganaasho ku dareento xidhiidhkaada. taas maaha inaad is-badasho. ama aad badasho waxaad aaminsan tahay, si uu kuu jeclaado qofkaad doonaysay.
Inaad aqbali waydo waxyaabaha aad ku-kala duwan tihiin lamaanahaada. waxay keeni kartaa xanaaq, taasoo burburin doonta xidhiidhkiina. Hadii aadan aqbalin.
Sidoo kale akhri :- nin-rageed ma tihid hadii aadan lahayn sifooyinkan.
2- Is aamind la’aan
In lays aamino, waxay aasaas u tahay dhammaan noocyada xidhiidhada oo dhan. laakin mararka qaar, waa layska indho-tiraa ama waa la-yaraystaa.
Si aad xidhiidh wanaagsan ula samaysato qof kale, marka hore waa inuu ku aaminaa. adigoo tusaya inaad tahay qof la-aamin karo.
Waa qaabka kaliya ee uu ku ogaan karo qofku, inaad tahay qof daacad ah iyo inaadan khayaami doonin hadhow. Amaanaduna maaha arrin hal-mar ku imaanaysa, ee waxay qaadataa wakhti dheer.
Inuu ku aamino qofku, waxay ka-dhalataa
- habka aad ula-dhaqanto,
- qaabka wada-hadalkiina,
- inaad daacad ka noqoto xidhiidhkiiina,
- arrimahaada inaad la-wadaagto ama inaadan ka qarinin sirahaada, iyo
- inaad isku-dayin inaad xukunto qofkaas,
dhammaan arrimahan waxay keenaan inuu isku-kaa halleeyo xilli-kasta qofkaas. Midna ogow Xidhiidh aan lays-aaminin, wuxuu ku danbeeya burbur.
3- Xiiso la’aan
Waxaa dhici karta, inaad ku mashquusho danahaada gaarka ah. aadna waydo firaaqo aad kula xidhiidho lamaanahaada.
Hadii aad ka shaqayn waydo hagaajinta xidhiidhkiina waliba si-joogto ah. waxaa dhici doonta iney ka dhalato xiiso la’aan dhaxdiina ah. ma fahmi doontid wuxuu rabo qofka kale ee lamaanahaada ah. waxaadna u arki doontaa sida qof ku cusub noolashaada oo kale. ama qof aan muhiim ahayn inaad ka-fikirto. Xataa waxaad nici doontaa inaad wakhti la-qaadato ruuxaas.
Iska-warhayn la’aantu waxay keenaysaa inuu yaraado is-dhaxgalkiina. taasoo keenaysa inuu burburo is-aaminaada iyo tix-galinta idinka dhaxaysay adiga iyo lamaanahaada.
4- Wada-sheekaysi la’aan
Mid kamida waxyaabaha ugu muhiimsan xilliga xidhiidhka, waa wada hadalka labada qof dhax-mara.
Muhiim maaha inaad wada-socoteen sanado badan iyo inaad hadda billowdeen shukaansiga. waxaa muhiima inaad ka wada-hadashaan arrimiihiinna si-daacadnimo ah oo cad waliba.
Inaad si-dhab ah u wada-hadashaan waxay keentaa is-aaminaad iyo is-fahan dhaxdiina ah. iyo inuu adkaado xidhiidhkiina. iyo sidoo kale inaad si wada-jir ah u xallisaan arrimaha idin soo-wajaha.
Nasiib-xumadu waa markuuna jirin wada-hadal idinka dhaxeeya adiga iyo lamaanahaada. waxaa idinku adkaan doonta inaad is-fahantaan, isku-aragti aad yeelataan. taasoo keenaysa muran iyo inuu burburo ugu-danbaynta xidhiidhkiina.
5- Lacag la’aan
Lacagtu badanaa wax ayey fududaysaa, waana wax muhiim u ah noolasha qof kasta.
Waxaa wanaagsan inaad ka wada-shaqaysaan adiga iyo lamaanahaada, arrimihiina dhaqaalaha. Sida inaad ogaataan dakhliga soo gala qof kasta iyo waxa ka baxa. Waayo hadii aadan ogayn dakhliga iyo waxa soo gala qofka kale. ama ay dhacdo inuu kaa qariyo lacagtiisa. Waxay kugu noqon doontaa hadhow dhibaato wayn.
Gaba-gabo
Shantan sababood. waa kuwa ugu badan ee keena inta badan iney burburaan xidhiidhada lamaanayaasha si-dhakhso ah.
Waxa ugu muhiimsan ee ay tahay inaad maskaxda ku hayso markasta. Hadii aad rabto inuu noqdo xidhiidhkaada mid waara oo caafimaad qaba. Waa in labada qofba ay galiyaan dadaal isku-mid ah xidhiidhka.a
Dhammaad.
2 thoughts on “Sababaha keena iney burburaan badanaa xidhiidhada jacaylka | better”
Comments are closed.