fbpx

Muxuu ninku u fiiriyaa dumarka wadada | better

Waxaa laga yaabaa inay qoftiisu tahay. mid aad qurux badan oo akhlaaq fiicana leh. hadana waxaad arkaysaa ninki oo fiirinaya dumarka kale.

Horta ninku inuu mar eego naagaha kale oo uu u riyaaqo quruxdooda, waa wax dabiici ah.

laakin dhibku wuxuu billowdaa, markuu ninku in-badan eeg-eego hawwenka. Asagoo waliba laga yaabo iney la-joogto xaaskiisa ama gabadha ay sheekaystaan. mana moodayo waxa uu samaynayo iney tahay wax khalad ah oo waliba dambi ah.

Hadaba ragu maxay u eegaan naagha kale.

raggu way ku adag-tahay iney ka-jeedsadaan! naagaha quruxda badan ee soo-jiidashada leh ee ay ku arkaan wadada. xataa asagoo la-socda gabadhiisa ayuu fiirinayaa dumarka. waana wax dabiici ah oo aan wax-dhib ah lahayn, haduu ninku xakamayn karo naftiisa.

Waa kuwan Sababaha keena in raggu eeg-eegaan naagaha kale

1- Waa gabadh qurux badan

Muxuu ninku u fiiriyaa dumarka wadada | better
Muxuu ninku u fiiriyaa dumarka wadada | better

Mid kamida sababta ugu wayn ee raggu u eegaan dumarka! waa quruxda dabiicigaa ee ay leedahay gabadha uu fiirinayo. sida caadigaana way adag tahay, in qofku ka jeedsado waxyaabaha quruxda badan ee uu arko. Naaguhuna waxay si fiican u yaqaanaan sida loo kasbado dareenka nimanka.

Taas macnaheedu maaha, in ninku jeclayn gabadha uu qabo, ama ay sheekaystaan! ee waa dabeecad dabiici ah oo ay leeyihiin raggu si guud.

Sidoo kale akhri :- calaamdaha naagta quruxda badan

2- In xidhiidhkiinu wax ka-khaladan yahay

Inkasta oo ay jiraan ragga qaar, oo aan iska-joojin Karin eegmada hawwenka ajaanibta ka ah. hadana waxaa jira kuwo si ula-kac ah u fiiriya. sababtoo ah xidhiidhkooda ayaa ku-jira marxalad xun oo burbur ah.

Waxaa laga yaabaa inuuna ninku ku qanacsanayn qaabka ay gabadhu ula-dhaqmayso ama xidhiidhkaba. waana hab uu ku ogaysiinayo gabadhiisa xaalada uu ku sugan yahay xidhiidhka.

3- Waa wax dabiici ah

Waa wax dabiici ah, in raggu eegaan dumarka kale. waayo markasta maskaxda ninka waa mid u diyaarsan, iney daba-orodo ama bursato haweenka.

4- Wada-sheekaysigiina ayaa cajis ah

inaan single noqdo ayaana rabaa waa maxay sababta
Muxuu ninku u fiiriyaa dumarka wadada

Waxaa laga-yaabaa in ninkaadu eego naagaha kale ee maraya wadada. waayo wuxuu ku cajisay mawduuca aad ka-hadlayso. tusaale! haweenka qaar ayaa ninkooda uga sheekeeyo laba hablood oo is-dagaalay iyo naag masartay. waana sheekooyin raggu ayna ka-helin inta badan.

Hadaba ragga qaar ayaa fiiriya dumarka kale ama meelaha kale. si uu qoftiisa u dareensiiyo inuuna ku caajisay mawduucaas. mana-jirto gabadh ogolaanayso in ninkeeda eego dumarka kale.

Sidee ninkaada uga joojin kartaa inuu fiiriyo naagaha kale?

Muxuu ninku u fiiriyaa dumarka wadada
Muxuu ninku u fiiriyaa dumarka wadada

Waxaa jira gabdho badan oo dhibsada, in ninkoodu fiiriyo naagaha kale. hadii aad kamid tahay, waxaa laga yaabaa inaad doonayso. inaad ogaato sidaad uga joojin lahayd ninkaada, fiirinta haweenka kale. waayo dumarku daganaansho kuma dareemaan eegmadaas.

Teeda kale in saygaada uu fiiriyo naagaha kale, kama dhigna inuuna ku-rabin oo uu ku nacay adiga. Waa kuwan dhawr-hab oo aad kaga joojin karto eegmada dumarka.

1- waxaad Ka caawisaa inuu is-xakameeyo

Markaad aragto wiilkaad sheekaysataan inuu eegayo dumarka kale marar badan. xaq ayaad u leedahay inaad u sheegto, kana caawiso siduu iska-joojin lahaa.

2- waa inaad Kor u qaadaa kalsoonidaada

Hadaad aragto inay ku saamaynayso, hawwenka uu eegayo xaajigaada. waa inaad ogaataa in naftaadu leedahay qiimo iyo inaad wax kaga duwan tahay qofkaas kale. intaas kadibna eegmadiisa kuma saamayn doonto. waayo waxaad ogtahay iney dunida ku nool yihiin gabdho kale oo kaa qurux badan.

3- Ha buun-buuninin

Waxa ugu fiican ee aad samayn karto markuu saygaada fiirinayo haweenka kale! waa inaad naftaada xakamaysaa.

Haku-jeesjeesin oo haku dhaqaawin! taas badalkeeda, si dagan oo kaftan ah ugu dheh! “waan ku arkaa” ama “maan kuugu yeedhaa” labadiinaba waad wada-qosli doontaan.

Gaba-gabo

gabdhuhu inta-badan waxay is-waydiiyaan raggu maxay u fiiriyaan haweenka kale. hagaag! sababtoo ah, dareenka raga ayaa u samaysan inuu ka-falceliyo oo uu u riyaaqo! gabdhaha quruxda badan ee soojiidashadana leh.

Sidaas awgeed waa inaad u aragtaa wax dabiici ah eegmada noocan ah. una sheeg xaajigaada, hadii aad u malayso iney saamaynayso xidhiidhkiina. sidoo kale nimanku waa iney bartaan sida loo-joojiyo eegmada dumarka kale.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhammaad.

2 thoughts on “Muxuu ninku u fiiriyaa dumarka wadada | better”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights