Hadaad fahanto dabeecadaha bani’adamka, uma baahnid inaad isku-mashquuliso. sidaad gabadh jacayl ugu abuuri lahayd. Waxaad u baahan tahay oo kaliya, inaad ogato meelaha ay ka jilicsan tahay.
Markaan leenahay meelaha ay ka-jilcan tahay kama wadno inaad samayso wax-xun. Waxaan ka hadlayno waa waxyaabaha muhiimkaa ee dumarku u hayaan dareenka xooga badan.
Waxaa kamida waxyaabahan, ballanata dhabtaa ee taabanaysa qalbiga gabadha.
Hadaba waxaa laga yaabaa inaad ka-fikirayso “ maxay tahay sababta aan u ogaanayo waxan”
Hagaag, inaad fahanato habka uu u shaqeeyo dareenka dumarka. Waxay kaa caawin doontaa, inaad samayso xidhiidh iyo fahan qoto-dheer! oo idin dhax-mara adiga iyo qofkaas.
Halkaad iska-dhigi lahayd, qof aadan ahayn, ama aad isticmaali lahayd xeelado xun. Waxaad noqon kartaa qof caaqila oo dagan. kaasoo xidhiidh toosan oo dhaba la-samayn kara gacalisadiisa. hadaad u samayso waxyaabahan.
Maad rabtaa inaad ogaato hababka aad ku hanan karto gabadhaada?
Haday jawaabtaadu HAA tahay, waa kuwan ee akhriso.
Waa kuwan 7 wax oo khubaradu sheegeen, oo hadii aad u samayso gabadha ay ku-jeclaan doonto.
sidoo kale akhri:- maxay raga qaar ugu dhaqmaan sida caruurta.
1- Fahanka luuqadeeda jidhka
Dadku jacaylka waxay u sheegtaan ama u muujistaan, afar hab oo kala duwan
· Inuu sheegto,asxaan inuu u sameeyo, hadyad inuu siiyo iyo wakhti fiican inuu la-qaato.
Inaad ogaato gabadha, luuqadeeda jacaylka, waxay kaa caawin inaad hantido qalbigeeda. Waatana sababta
Kaba soo-qaad, hadey jeceshahay in la-caawiyo. Inaad ka caawiso shaqada guriga ama inaad u samayso qureecda. Waa hab aad ku hanan karto qalbigeeda.
hadaad u sheegato jacaylka. Wuxuu hadalkaada u noqon mid macaan oo qaboojiya qalbigeeda.
Inaad fahanto luuqadeeda jacaylka, waxay keenaysaa, inaad jacaylkaada u tusto qaabkay u fahmayso. Waa hab ay ku dareemayso qadarin iyo ixtiraam inaad u hayso.
2- Dareenka dhabta ah
Baahida caalamigaa ee bani’aadamka oo dhan jecel yihiin! waa rabitaanka in la-arko oo la-maqlo.
Badanaa gabadha inay dareento in abaal loo hayo, iyo iney qiimo leedahay. Waxay u leedahay muhiimad gaara, siiba xilliga xidhiidhka.
Inaad dhagaysato oo kaliya maaha! sidoo kale waxaa muhiima inaad si fiican u fahanto dareenkeeda iyo aragtideeda.
Markay kula-hadlayso, intaad mobileka iska-dhigto soo jeedso. Indhaheeda fiiro, oo dareenkaada oo dhan sii.
Inaad qofka si wanaagsan u dhagaysato, waa xirfad u baahan barasho. Iney sahlan tahay ha-moodin. Bal dhagayso markay kuu sheegayso waxaadan ku qanacsanayn.
Markay dhamaysato hadalkeeda, adigana aad si fiican u dhagaysto. Waxay aaminaysaa in aragtideeda iyo dareenkeeda aad qiimaynayso.
Dareenka noocan ahna! wuxuu keenayaa iney si qoto-dheer kuu aaminto iyo inaad is dhax-gashaan. Waxayna kuu noqon difaac adag.
Xasuusnow:- mihiimadu maaha inaad markasta raadiso xal iyo inaad siiso tala-bixin. Mararka qaar inaad ag-joogto, oo aad dhagaysato, ayaa ah waxa ugu muhiimsan.
3- Samee ficiladan yar-yar
Markuu qofku wax-wayn kuu qabto shaki la’aan waad xasuusnaan. Laakin ficilada yar-yar waa kuwa qofka ku reeba saamaynta.
Dabcan ma dhib-badana inaad warqad yar, ugu qorto qoraal amaana, oo aad uga tagto. Ama inaad galaas biyo ah, markay daalan tahay.
Ficilada noocan ah, si kastoy u yar yihiin. Waxay gudbinayaan jacayl iyo fikir wanaagsan.
Uma baahnid inaad qorshayso ficiladan, ama inaad ku bixiso dhaqaale. Hadana waxay iftiiminayaan maalinteeda, waxayna tusaysaa inaad ka-fikirayso ayada.
Wakhti kadib, ficiladan waxay noqonayaan, xusuus ay qadariso iyo sheeko ay ka sheekayso.
4- Firaaqo sii
Waa muhiim in xidhiidhka qof kasta dhinaciisa ka hagaajiyo. Wayna fiican tahay inaad agteeda joogto.
Laakin waxaa sidoo kale muhiima. inaad mararka gabadha siiso firaaqo, ay ku kobciso. ama ku hormariso shaqsiyadeeda, rabitaanadeeda iyo danaheeda gaarka ah.
Inaad xoogaa firaaqo ah siiso, kama dhigna inaad kala fogaanaysaan. Ee waa inaad labadiinaba aad heshaan khibrad, kadibna aad isla-wadaagtaan.
Arrintan waxay ku soo kordhinaysaa xidhiidhkiina, waayo-aragnimo qoto-dheer.
Inaad isla-qaadataan fikradan, waxay ka dhigan tahay inaad isla-fahanteen, iney caadi tahay. Inuu qof-walba sameeyo wuxuu xiiseeyo. Asxaabtiisana uu wakhti la-qaato.
Waa xilliga aad samayn lahayd, waxyaabahaad danayso shaqsi ahaan. Taasii xiise qiimo badan u yeelaysa, wakhtigaad isla-qaadateen.
5- Ixtiraam
Tix-gali markay kula wadaagto fikirkeeda, ama ay qaadato go’aan. Xataa hadii aadan ku raacsanayn, waa inaad hadana soo-dhawayso xaaladaas, adigoo xurmaynaya.
Isku soo-duub, muhiimadu maaha inaad markasta waxay dhahdaa ku waafaqdo. Laakin waa inaad labadiinaba istix-galisaan, oo aad firaaqo isa-siisaan.
Inuu qof-kasta xuduud yeesho, waa mid iyaduna muhiima. ha-noqoto xuduudada gaarkaa ama wakhtiga asxaabtada la-qaadanayso. Inaad ilaaliso ood sharafto xuduudahan, waa asaasi.
Waayo waxay tusaysaa, inaad qiimaynayso madax-banaanideeda iyo shaqsiyadeeda.
Ixtiraamku waa inaad ula-dhaqanto qofka, sidaad rabto inuu kuula-dhaqmo.
6- Si run ah u amaan
Qof-kasta wuu jecel yahay in la-amaano. Laakin waxa amaanta ka-dhigaya mid saamayn leh, waa iney run tahay.
Amaantu maaha inaad dhahdo ereyo wanaagsan. Ee waa inaad sheegto waxa runta ah eed dareemayso iyo waxaad aragtay.
Laga-yaabo inaad garanayso siday u iftiimayaan indhaheeda, maray aragto waxay xiisayso. Ama markay si fiican wax u nadiifiso. Inaad ka run-sheegto, waxay ku-abuuraysaa farxad badan.
Amaanta noocan ah, waxay iftiiminaysaa oo ay taabanaysaa shaqsiyadeeda.
Xeeladu waa inaad sheegto xaqiiqada. Amaanta ka imaatay qalbiga, xataa hadii ay fududahay. waxay miisaan culus ku leedahay qalbigeeda.
Hadii qof waligaa si run ah kuu amaanay, waa xaqiiqo inaad qofkaas xoogaa ka yara-fikirtay.
Amaanta qalbiga ka imaata, waxay ku tusaysaa tayada shaqsiyadaada iyo kartidaada.
Hadaba markaad aragto in gabadhu samaysay, waxaad u riyaaqday, ha aamusin ee ku amaan.
Amaanta runta ah way awood badan tahay. waxayna keenaysaa iney dareento iney tahay qof khaas kuu ah. Way ku-jeclaan doontaa intaas kadib.
7- Wax soo-jiidasho leh hadaad u samayso
Markaan leenahay samee wax soo-jiidasho leh. lagama wado inaad u samayso ama u soo-gado hadyad qaaliya ama wax kaloo wayn. Ee waxaad u samaysaa casho-sharaf ama hadii aad qabto kula-ciyaar qoka fadhiga.
Ficilada noocan ah, raggu way yaraystaan. Laakin waxay kobciyaan jacaylkay kuu qabto.
Waa inaad samaysataan xasuus iyo wakhti, markaad hadhow dib usoo-eegtaan, aad wada qososhaan. Waxay labadiinaba idin soo-xasuusin xilliyadi gaarka ahaa eed isla-soo qaadateen.
Gaba-gabo
Xasuusnow, inaad fahanto gabadha kama-dhigna inaad xeeladayso. Ee waa inaad ogaato marka-hore, waxyaabaha dhabtaa ee taabanaya qalbigeeda. Way ku-jeclaan doontaa intaas kadib hadaad u samayso waxaas.
Dumarka oo dhan way rabaan in la-ixtiraamo, la-jeclaado oo la-fahmo.
Inaad ogaato waxyaabaha dareenka dumarka saamaynta ku-leh. waxay keenayaan inuu idin-dhaxmaro xidhiidh dhab ah, oo qoto-dheer.
Markasta u dhaqan si daacadnimo ah.
1 thought on “Way ku-jeclaan hadaad sidan u samayso | very great”
Comments are closed.