Markaan u fiirsano dadka nagu xeeran. waxaan ka filaynaa kuwa qan-aadhka ah, iney u dhaqmaan
- sida qof wayn
- oo wanaasan
- shaqaysta.
- masuuliyad qaadi kara iyo
- inuu culaysyada iyo dhibaatooyinka soo waajaha uu u xallin karo si wanaagsan.
Laakin waxaa dhacda mararka qaar. raga qaar ineyna u dhaqmin sida qof qan-gaadha. taas badalkeeda waxay u dhaqmayaan, qaab ku xasuusinaya caruurnimadaadi
Arrintan waxay kugu keenaysaa mararka qaar yaab iyo amakaak.
Hadaba maxay raga qaar ugu dhaqmaan sida caruurta
Marka hore waxaa muhiima, inaad ogaato in qof kasta mararka qaar u dhaqmo sida ciyaalka. ayadoon loo eegaynin jinjiyadooda.
Laakin marku noqdo hab-dhaqankan mid joogto ah. waxaad is-waydiinaysaa, muxuu qofkan sidan ugu dhaqmayaa?
- Maa dhibaato ayaa haysta
- Mise masuuliyad saran ayuu kaga baxsanayaa
- Mise waa dabeecadiisa
Waa kuwan sababha keena in raga qaar u dhaqmaan sida caruurta
1- Jidh ahaan ayuu u wayn yahay, aakin caqli ahaan ma korin
Arrinta xiisaha badan ee ah inaad ogaato ayaa ah. korriinka jidhka qofka wuxuu ku xidhan yahay wakhtiga. halka korriinka caqliga qofka uu ku xidhan yahay
- Goobtaad ku korto
- Khibradaada noolasha
- Baadhitaanada iyo
- Dadaalkaad ku bixiso fahanka naftaada iyo dadka kale
Mararka qaar waxaad arkaysaa nin wayn oo leh gadh, oo markuu hadlayo caruurta ku caqli ah.
Waayo raga qaar wax khibrada uma laha noolasha, taasoo kobcin lahayd garaadkooda.
Waxaa laga yaabaa inayna la-kulmin duruufaha adag ee noolasha. taasoo ka caawin lahayd inuu balaadho fahankooda noolasha iyo caqligoodaba.
Sidoo kale akhri:- calaamadaha naagta quruxda badan
2- Deegaanka jilicsa
Raaxadu waa wax macaan, laakin joogtada ah waa seef laba-af leh
Raga qaar waxay ku soo koreen deegaan raaxo oo qabow
Waxkasta oo ay rabaan gacantooda ayey ugu jiraan, culaysyo badan lama kulmaan. waana dhif iyo naadir in cawaaqib xun iyo ciqaab kala kulmaan ficiladooda khaldan.
Hada ma ceebaynayno qaabka qofku usoo koray. laakin deegaankan oo kale wuxuu saamayn ku yeeshaa. qaabka uu qofku u dhaqmo markuu waynaado.
Ninku haduuna waajihin caqabadaha noolasha. hadhow xirfad uma yeelanayo xallinta caqabadaha iyo inuu qaado masuuliyada ficiladiisa.
Waxaa ku adkaanaya inuu la-qabsado adayga noolasha.
Tan kama dhigna inaan eedaynayno qaabka waalidka caruurta u koriyaan. laakin waa muhiim in ninku bartaa marxaladaha noolasha ee soo wajihi doona.
Waalid kasta awlaadiisa wuxuu la-rabaa sida ugu fiican iney u noolaadaan.
Laakin mararka qaar. in ilmaha laga ilaaliyo inuu waajaho noolasha. waxay keenaysaa inuuna baranin xirfadaha lagu xilliyo culaysyada noolasha ee soo wajahaya markuu waynaado.
Waa sida adiga oo raba inad barato baaskiil sida loo kaxeeyo. haduu markasta qof kuu hayo markaad wadayso. markuu kuu sii daayo waxaa kugu adkaanaysa inaad isku-dheelitirto baaskiilka.
Sidaas oo kale raga ku jira badanaa deegaanka jicilsan ee raaxada. waxaa ku adkaata iney waajahaan culaysyada qan-gaadhnimada. taas badalkeeda waxay doortaan iney u dhaqmaan sida caruurta.
Sidoo kale akhri:- nin rageed ma tihid hadii aadan lahayn sifooyinkan
3- Masuuliyad nacayb
Qan-gaadhnimadu way adag tahay, wax lagu bari karana maaha goobaha waxbarashada.
Waxaana lagaa rabaa inaad isku-filnaato ood bixiso biilkaada. inaad daryeesho dhamaan xidhiidhadaada iyo inaad fahanto adduun wada-masuuliyad ah.
Raga qaar waxay dareemaan masuuliayd badan.
Xaaladan oo kale nimanka qaar, waxay iska-dhigaan caruur. si ay uga baxsadaan masuuliyada qan-gaadhnimada.
Waana farsamo ay isticmaalaan dadka qayb kamida. waxay iska-dhigaan sida qof jilicsan oon awoodin inuu wax qabsado.
Wuxuu rabaa in la-hago, asagoo raba inuu ka fogaado ama uu ka dhuunto, masuuliyada saran.
Taasna waxay keenaysaa inuu qaado qof ehelkiisa ah masuuliyadiisa.
Sidoo kale akhri :- muxuu ninku u fiiriyaa dumarka wadada
4- Raadinta daryeel iyo jacayl
Qof kasta wuu rabaa inuu helo daryeel iyo jacayl.
Waa laba wax oon helno markaan caruurta nahay, waliba si shuruud la’aan ah oo xadidnayn.
Markuu qofku koro. waxaa adkaata inuu helo daryeeli iyo jacaylki uu dadka ka-heli jiray markuu yaraa.
Raga qayb kamida waxaa ku adkaata, iney la-qabsadaan isbadalkan ku imaaday noolashooda. waxayna bilaabaan iney sida ciyaalka u dhaqmaan. Si loola dhaqmo sidi hore. iyo Iney helaan jacaylki iyo daryeeli aan xadidnayn ee ay u barteen marki hore.
Waxaa sidoo kale laga yaabaa, markuu ninku sidan u dhaqmayo, inuu rabo in la-caawiyo. Waayo waxaa laga yaabaa iney jiraan arrimo qarsoon oo gudaha ah.
Sidoo kale akhri :- inaan single noqdo ayaan rabaa waa maxay sababta?
5- Dhaqanka
Bulshooyinka qaar, ragga waxay ula dhaqmaan sida caruurta oo kale.
Warbaahinta ayaa sidoo kale ku-leh door wayn. ruwaayadaha iyo showga tv-yada waxaa lagu soo bandhigaa. sawiro niman sida caruurta u dhaqmaya. hadana wali la-jecel yahay, noolashana ku guulaystay, oo helay gacalisadiisa noolasha.
Muuqaalada noocan ah waxay xoojiyaan inay caadi tahay. inuu ninku u dhaqmo sida ciyaalka, iyo inuu qofku yeelan karo dhaqankan oo kale.
Bulshada arrintan kuma baraarugsanaya, waxayna rabaan inuu ninku noqdo mid adag oon jilicsanayn.
Riwaaydan is-caruuraynta, waxay indho-shareer u noqotay rag badan. waa hab ay kaga dhuumanayaan filishada bulshada. ayagoo qarinaya dareenkooda dhabta ah, iyo awoodahooda.
Sidoo kale akhri :-
6- Barashada raaxada
Waxaa jira caadooyinka qaar. kuwaas ooy barteen raggu caruurnimadoodi, oo ay wali ku dhagan yihiin.
Ragga qaar, hab-dhaqankoodan caruurnimada ah, waa natiijada caadooyinka ayna wali ka waynaanin.
Waa dhaqamo ama caadooyin samaysmay mar hore, oo xasuus, dareen iyo saamayn ku leh qofkaas.
Dadku markay u arkaan inuu ninkan u dhaqmayo sida caruurnimada. asagu waxay u tahay wax yaraantiisi uu soo bartay.
Gaba-gabo
Qof kasta sabab gaara ayaa jirta, oo keenaysa inuu u dhaqmo sida caruurta.
Inkastooy tahay wax lala-yaabo ama lagu wareerayo. marka nin wayn uu u dhaqmayo sida caruurta. hadana Waxaad xasuusnaataa iney jirto inta-badan. sheeko qoto-dheer oo ka dambaysa ficilkan uu sameeyay.
In qofkaas la-fahmo oo loo danqado. waxay keenaysaa in lagala hadlo oo laga waaniyo dhaqankaas.
Isku soo-duuboo in lays-fahmo. waa talaabada ugu muhiimsan ee qof lagula dhisi karo xidhiidh fayow. dadka nagu xeeran.
1 thought on “Maxay ragga qaar ugu dhaqmaan sida caruurta | better”
Comments are closed.