fbpx

Habeenka arooska – talooyin ku anfacaya better for you

Habeenka arooska waa habeenka koowaad ee wiil iyo gabadh ay kulmaan, ayagoo isku ah say iyo xaas.

Waa habeenka ugu muhiimsan nolosha guurka, ee lamaanaha isku cusub. Waxayna bilaabayaan habeenka arooska nolol cusub.

Habeenkan maaha mid caadiya, waxaadna dareemi doontaa daganaansho la’aan. gabadhuna waxay si gaar ah u dareemi doontaa.

  • cabsi.
  • walwal.
  • iyo xishood.

Dumarku ma halmaamaan marka ugu horeysa ay la-kulmaan nin. hadii habeenka koowaad noqdo mid leh.

  • Xiiso.
  • Naxariis.
  • Dabacsanaan.
  • Farxad.
  • Iyo is-fahan

Hadii gabadhu kaa hesho intaas habeenka ugu horeeya aqal-galkiina. waxaad noqon nin ay u hayso abaal wayn, qalbigeedana kama bixi doontid waligaa.

Hadaba waa inaad la socotaa xaalada iyo dareenka xaaskaada cusub. waayo noloshan ayaa ku cusub.

Isku-day inaad dareensiiso gabadha inayna cabsanin, garabkeedana aad joogto adiga. wehel iyo lamaanana aad u tahay.

Waxyaabaha gabadha cabsida ku abuuray

Waxaa jira waxyaabo gabadha ku abuuraya baqdin iyo walwal badan, waxaa keena cabsida.

  1. Waxay arkaysaa dad badan, taas ayaana ku abuuraysa cabsi bada iyo daganaansho la’aan.
  2. Waxay ka cabsanaysaa ninkeeda, oo ayna garanaynin waxay kala kulmi doonto.
  3. Gurigi cusub ayey ku soo hoyatay, oona ahayn midkay ku soo barbaartay.
  4. Ehelkeedi iyo asxaabteedi ay taqaanay oo dhan ayey ka soo tagtay.

sidoo kale akhri:

talooyin wanaagsan oo dhisaya noloshaada
dhibaatada siigada iyo sida ugu fudud ee loo joojiyo
xijaabka dumarka waa maxay ujeedada loo xidho

Talooyin ninka caruuska ah habeenka arooska

Dhamaan talooyinka waa muhiim inaad samayso, ood dhaqan galiso. waxayna kaa caawinayaan inuu noqdo habeenka arooskaada mid xasuus wanaagsan leh.

  • Markaad gabadha la-kulmaysid ama aad kaxaysanaysid akhriso bisinka. u qosol gabadha, u dhoola-cadee oo wajiga u fur. gacanteeda qabso adigoo hadal macaan ku dhahaya. sida adigoo ku dhahaya adiga.
  • hadaan ku helay wax iga maqan majiro macaan iwm.
  • Ogow gabadha in habeenkaas u baahan tahay naxariis, xasilooni iyo jacayl. marka u fiirso hadaladaada iyo taabashadaada.
  • Markaag guriga gashaan ood noqotaan kaligiina, caruusada waxaad siisaa waxay cabto. intay wax cabaysana la-hadal oo isku day inaad ka qosliso, ama inaad hadal macaan ku dhahdo.
  • Dhuunko markaad guriga soo gashaan, una muuji inaad ku faraxsan tahay iyada. dareensii inaad adiga wehelkeeda tahay.
  • Sii fursad ay kaligeed ku labisato, oo isku-diyaariso. haku dhihin, maxaad iiga xishoon ninkaadi ayaanba ahaye.
  • Adigana xidho dharki diyaarka kuu ahaa, wax udgoona marso, cashadana soo dhig. caruusadaada soo fariisii, haday kaa diido cashadana, adiga afka ugu gur. adigoo naxariis muujinaya.
  • Qolka hurdada markaad gashaan, sii hadyad aad u sii diyaarisay, si farxadeeda u sii badato.
  • Waxaa laga yaabaa iney dareemayso gabadhu xanuun, ama iney caado leedahay. Haday kuu dan-sheegato marnaba haku qasbin gabadha inaad xoog wax uga qaadato.
  • Iska-ilaali inaad gabadha kula dagdagto xaajada iyo in waxkasta dagdag kugu siiso.
  • Inta xaajada Aydan gudan, dhuunko gabadha naxariis badana sii. Si naxariis leh u taabo, fiiri xaaladeeda oo dhagayso waxay ku dhahdo. una tur haday baqayso ama walwalsan tahay, mudnaan sii dareenkeeda.
  • Kalsooni ay cabsida kula-dagaalanto waa inaad dareensiisaa.

Talooyin gabadha

Gabadha lafteeda, xasiloonida habeenkaas waaxdeeda ayey ku leedahay, waana iney gudataa.

  • Waa inaad fahantaa iney muhiim tahay saygaada inaad la-qaybsato farxada iyo jacaylka.
  • Xasuusi ducada inuu akhristo, haduu halmaamo.

Labadooda talooyin

  • Markaad qolka jiifka wada-gashaan waa inaad isku salaantaan, salaanta islaamka, sayga ayaana bilaabay.
  • Sayga waa inuu gacantiisa midig saaraa wajiga xaaskiisa. kadibna uu ku akhriyaa ducada habeenka koowaad.

Waxyaabo dumarku sameeyaan raguna jecel yihiin

waxyaabo aad samayn karto habeenka arooska
waxyaabo ninkaada aad ku soo jiidan karto

Si-guud dumarku dadaal badan kuma bixiyaan iney cajabiyaan ninkooda.

Raguna waa noole wax ku qiimeeya aragtida, waxayna raadiyaan waxyaabo dareenkooda xiiso-galinaya.

Hadaba waxaa jira waxyaabo aad samayn karto gabadhay, ninkaadana uu aad ua heli doono.

Inaad samaysana waxay kaa caawinaysaa inuu wanaagsanaado is-fahankiina. Waa kuwan waxyaabaha aad samayn karto.

1. Dharkiisa xidho

Ragu aad ayey uga helaan markay xidhato gabadhu dharkiisa, sida funaanadiisa ama shaadhkiisa.

Waxayna ku dareemaan daganaansho iyo xasilooni, markuu arko adigoo xidhan dharkiisa qayb kamida.

2. Quruxda dabiiciga ah

Waayadan danbe dumarku way ku adag-tahay iney gurigooda ka baxaan. ayagoon marsanin kareemada lagu qurxiyo jidhka (makeup). laakin maad og-tahay in ragu aad uga helaan quruxda dabiiciga ah.

Aad ayuu kuugu riyaaqi doonaa ninkaada. markuu arko adigoo labistay oon marsanin makeup-ka. muuqaalkaadana uu yahay mid dabiici ah.

Waayo wuxuu dareemayaa qanaacada iyo kalsoonida badan eed ku qabto jidhkaada.

3. Inaad magaciisa ugu yeedho

Ninku aad ayuu u jecel yahay markay xaaskiisa ugu yeedho magaciisa. xilliyada ay joogaan guriga.

Ama inaad hoos ugu yeedho magaciisa markaad joogtaan meelaha gurigiina ka baxsan.

Arintan waxay keenaysaa inuu ninkaada, gudaha ka dareemo farxad badan.

4. Qosolka

Ninkaada dareen wanaagsan ayuu ka helayaa, markaad u qososho si togan. aad ayuuna kaaga heli doonaa.

Markaad si daacad ah u qososho, ama aad muusooto. waxay ninkaada ku dhalinaysaa dareen wanaagsan.

Siiba waxay sii jecel yihiin markaad ku qososho kaftankiisa iyo sheekooyinkiisa.

5. Inaad u bixiso naanays

habeenka arooska waxyaabaha uu gaarka la yahay
waxyaabaha uu gaarka la yahay habeenka arooska

Ninkaada inaad u bixiso naanays gaar kuu ah. waa waxyaabaha ku abuuraya xiisaha dhamaadka aan lahayn.

Naanaystuna maaha kuwa caanka ah, ee iskugu yeedhaan dadka is-jecel sida.

  • Baby.
  • Macaan.
  • Qaali iwm.

Ee waa inay noqotaa naanays gaar kuu ah oo wanaagsan. naanaystu waa iney noqotaa mid xidhiidh laleh asaga ama labadiina.

6. Dhagaysiga

Inaad dhagaysato ood fahanto aragtidiisa, waa waxyaabaha dareenkiisa wanaagsan xoojinaya.

Taas macnaheedu maaha inaad ku raacdo, wax kasta oo uu dhaho. ee waa inaad u muujisaa inaad dhagaysanayso.

Ragu aad ayey u jecel yihiin in la-maqlo oo la-dhagaysto, waana sifo wanaagsan oo ah inaad yeelato.

Ninkaada waa inaad dareensiisa inuu yahay asagu hogaamiyaha iyo masuulka aqalkiina.

7. Indhaha dareenka leh

Markaad hurdada ka toostaan. waxaad si wanaagsan oo naxariis leh u fiirisaa indhaha ninkaada.

Ragu eegmada noocan ah aad ayey uga helaan, wayna xiiso galisaa.

Qodobo dheeraad ah

Waxaa jira waxyaabo badan, oo ragu jecel yihiin, ood ku soo jiidan karto ninkaada.

Xataa waxaa jiri kara waxyaabo aadan dareensanayn ood samaysao. kuwaas oo ninkaada xiiso ku abiira.

Ninku aragtida ayuu wax ku qiimeeya. wuxuuna jecel yahay iney ishiisu qabato waxyaabo quruxsan.

Adigoon isku-mashquulinin hanashada dareenka ninkaada. ayaad samayn kartaa waxyaabahan, si aad u soo jiidato ninkaada.

  • Timihiisa gacantaada ku taataabo.
  • Mararka qaar cuntada ka xoog.
  • U baaq ama u il-jabi.
  • Xabadka ka taabo markuu hab ku siiyo.

Waxaa jira waxyaabo yaryar oo kuwan oo kale ah, kuwaas ood ku kordhin karto jacaylka uu ninkaada kuu qabo.

Sababaha uu ninku kaga tago gabadha uu jecel yahay

habeenka arooska ninku muxuu uga tagaa xaaskiisa
muhiimada is fahanka lamaanaha

Jacaylku mararka qaar wuxuu kugu kalifayaa waxyaabo la yaab badan. oo dadka kugu xeeran ku noqon kara lama filaan.

Sidoo kale waa dareen hadaad dhahdo waan sharixi maanta, aadan ka bixin Karin cabbir sax ah.

Hadaba waa maxay sababta ragu halmar uga tagaan gabadhi ay jeclaayeen. ayadoo laga yaabo inuu galiyay tabac badan xidhiidhkooda.

Mida kale maad og tahay in jaceylku si fudud uu ku gali karo gabadha. halka ay adag tahay inuu ninka jacayl dhab ah u qaado gabadha.

Waxaa jira 4 sababood oo ninku uga tago gabadhi uu jeclaa muddo badan, kuwaas oo ah.

1. Xukunka badan

Marka la dhiso qoys, waxaa soo baxa dabeecado badan oon horey loo ogeyn, oo badanka aan dhici jirin.

Waxaa laga yaabaa in gabadhu ku qanci waydo dhaqanada ninka. kadibna ay isku daydo iney ka badasho dhaqanadaas.

Taasna waxay keeni kartaa khilaaf iyo in lays fahmi waayo. waxaana macquula inuu sababtaas u burburo qoyski.

Culimada arrimaha xidhiidhka ku xeel-dheer, waxay sheegaan in gabadhu guursato. ayadoo rajaynaysa is-badal, halka ninku aaminsan yahay inuuna waxba iska badalaynin.

Ragu waxay mararka qaar la kulmaan xaalado ayna maarayn Karin. sida culays shaqsiyadee ama mid dhaqaale.

Xaaladan oo kale markuu ku jiro ninka wuxuu u baahan yahay, in gabadhiisu garab istaagto.

Waa inaad ku caawisaa talooyinka uu u baahan yahay, hadalo wanaagsan. xaaladiisa ood ula socoto si dhaw iyo wixi kale eed karto.

Dumarka qaar ayaa isku-daya iney ninka toosiyaan. ayagoo u soo maraya wadada xukunka iyo khasabka ah.

Taasna waxay ninka ku qasabtaa inuu gabadhaas ka tago ugu dambaynta. maadaama uuna qaadi Karin cadaadiska ay saarayso.

2. Cabsida guusha gabadha uu ka qabo

ninkaada habeenka arooska xaaska
guusha gabadha waa sano jir

Ragu culays badan ayey dareemaan markay xaaskooda gaadho guul midiisa ka wayn. xataa haduuna labadooda ka dhaxaynin tartan.

Raga qaar ayaa si khaldan uga fikira guusha ay gaadho xaaskooda. taas oo keenta inuu ka tago gabadhi uu jeclaa.

Waxayna dhici kartaa arrintan ayadoo xidhiidh jacayl ka dhaxeeyo. iyo ayagoo qoys noqday labada jeerba.

3. Dhibka badan iyo mahadcelin la’aanta

Mararka qaar raga dulqaadkoodu wuu badan yahay. laakin markay ku celceliso gabadhi ay jeclaayeen, waxyaabo ay dhibsanayso. waxay keeni kartaa inuu burburo xidhoodhkooda.

Nimanku waxay jecel yihiin in dadaalada ay samaynayaan iyo maaraynta qoyska looga mahadceliyo.

Haduu ogaado in cabashadaadu dhamaad lahayn. wuxuu go’aansan karaa inuu kaa tago asagoo ku jecel.

4. Is barbar dhiga

Waligaa ninkaada marnaba rag kale, hala barbar dhigin, hadaad doonayso inuuna kaa tagin.

Mid kamida waxyaabaha ragu aadka u nece yihiin waxaa kamid ah. in la dareensiiyo qayrkooda iney ka hooseeyaan.

Haday midaas dhacdo, waxaa meesha ka bixi kara danaynti iyo jacaylki uu kuu hayay.

Gaba-gabo

Habeenka arooska waa habeen ku wayn labada lamaane ee midoobay. waana habeen u baahan qorshe iyo taxadar badan.

Maadaama uu yahay habeenka arooska habeen xasuus badan ku yeelan doono noloshiina. Sidaas darteed waxaa kugula talin lahaa inaad qaadato talooyinka wanaagsan, een kula wadaagnay.

Waxaan rajeynayaa inaad wax badan ka faa’idey qoraalkan. wixii taladaada ah qaybta hoose ku reeb.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

Dhammaad.

1 thought on “Habeenka arooska – talooyin ku anfacaya better for you”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights