Maad ogtahay hormarka aad gaadhayso. wuxuu la eg-yahay hadba sidaad u qorshayso wakhtigaada iyo sidaad uga faa’ideysato.
maaraynta waqtiga ayaa asaas u ah, hormarka aad doonayso inaad gaadho. iyo inaad rumayso hadafka nolosha aad leedahay.
Sidaas darteed maqaalkan waxaan kugu baraynaa….
- Sida loo maareeyo waqtiga.
- Muhiimada maaraynta waqtiga.
- Faaiidada maaraynta waqtiga.
- dhibaatooyinka maarayn la’aanta waqtiga.
Waktigu waa khayraadka ugu muhiisan eed haysato. Hadaadan si wanaagsan uga faaiideysanin waligaa heer ma gaadhaysid. qof kastana wuxuu haystaa 24 saac, ayadoodn loo eegaynin inaad tahay
- Lab.
- Dhadig.
- Maqaarka jirkaada.
- Iyo dhalashadaadaba.
Hadaba dadka qaar nolosha waxay ka gaadhaan heer sare, halka kuwo kalan ku fashilmaan. qaar naftooda, diintooda iyo bulshadooda ayey anfacaan. ayagoo ku soo kordhinaya waxyaabo qiimo badan. Halka kuwa qaarna ay hurdaan.
Labadaas qof farqiga kaliya ee u dhaxeeya. waa habka uu midkasta u maareeyay wakhtigiisa.
Qaybaha qoraalka
- Waa maxay Maaraynta waqtiga
- Muhiimada maaraynta waqtiga
- Sidee loo maareeyaa waqtiga?
- Faa’iidada maaraynta waqtiga
- Dhibaatooyinka maarayn la’aanta wakhtiga
sidoo kale akhri:
Waa maxay Maaraynta waqtiga
Maaraynraynta waqtigu waa habaynta iyo qorshaynta hawlahaada. Adigoo cadaynaya waqtiga aad qabanayso hawl kasta iyo waqtiga ay ku dhamaanayso.
Waa hanaan asaasi ah oo kaa caawinaya inaad qiimayso waqtigaada. adigoona kor u qaadaya tayada waqtigaada intaad noshahay.
Sidaas darteed hadba sidaad u maarayso waqtigaada, ayuu wax-soo-saarkaaduna la ekaanayaa.
Markaad maaraynayso wakhtigaada, si uu u noqdo mid tayo sare leh. Waxaad u baahan tahay
- Tababar.
- Xirfad inaad u yeelato.
- La-qabsasho.
- Agab.
- qaab shaqadaada oo isku-xiran.
- Inaad taxdo hawlahaada.
- Inaad u kala hormariso siday u kala horeeyaan.
- Qiyaas waqtiga ay ku dhamaynayso mashruucaas.
- Samee qorshe cad oo faahfaahsan
- Fuli waxaad qorshaysay.
Muhiimada maaraynta wakhtiga
Inaad wakhtigaada maarayso, ahmiyad aad u wayn ayey kuu leedahay. waxayna kaa caawinaysaa.
- Inuu wakhti badan kaa khasaarin.
- In hawlahaada noqdaan kuwo midho dhal ah.
- In dadaalkaada noqdo mid guuleysta.
- Noloshaada oo hagaagaysa.
- Inaad habayso hawlaada maalinlaha ah.
- waxaad ogaan waxa muhiimka kuu ah.
- Tamartaada inaad ka faaidaysato.
- Hal-abuur inaad yeelato.
- Inaad qaadato go’aano wanaagsan.
- Inaad diirada saarto waxyaabaha ahmiyada kuu leh.
- Caado wanaagsan ood yeelato.
- waxaad ka faa’ideysan xirafaada iyo kartidaada.
Hadaad maarayso waqtigaada, waxaad noqonaysaa qof leh wax-soo-saar. waa hubaal inaad gaadhayso heer sare.
Sidee loo maareeyaa waqtiga?
Haduu qofku noqdo mid waqtigiisu qorshaysnayn. waa sida qof ku socda wado uuna garanaynin meesha ay ku dhamaanayso.
Waxaan kula wadaagayaa 10 qodob oo kaa caawinaya. inaad si sahlan wakhtigaada u qorshayso.
1. Qor hawlahaad rabto inaad qabato
Khaladaadka ugu weyn ee dadku sameeyaan waxaa kamida. inaad isku halayso xasuustaada, adigoo macluumaad badan ku kaydinaya.
Taasna waxaa ka dhalata inaad ilowdo hawlo badan, ood doonaysay inaad qabsato.
Sidaas darteed inaad qorto waxkasta, waxay kaa caawinaysaa inaad fuliso hawshaas.
2. U kala hormari siday u kala mudan yihiin
Soomaalida waxay ku maahmaahdaa, canjeero siday u kala koreyso ayaa loo qaadaa.
Hadaba waa muhiim inaad hawlahaada u taxdo, siday u kala mudan yihiin qabashadooda. Adigoo xooga saaraya wakhtiga aad fulinayso hawshaas.
3. Qorshee todobaadkaada
Isbuuc kasta bilowgiisa, waa inaad xoogaa wakhti ah siisaa qorshaynta todobaadkaas.
Inaad isbuuc kasta qorshayso, waxay kor u qaadaysaa wax soo-saarkaada iyo fulinta hawlahaada.
4. Wehel ka dhigo notebook-gaada
Waxaa laga yaabaa iney kugu soo dhacdo. qorshe qiimo leh ama fikrad wanaagsan oo noloshaada anfacaysa.
Sidaas awgeed waa inaad markasta wadataa buugaada yar. si aad ugu qoroto fikrada wanaagsan ee kugu soo dhici karo. Waayo waxaa dhici karta inaad ilowdo, laakin markaad qorto waad kaydisay fikirkaas.
Waxaad kaloo isticmaali kartaa aaladaha digitalka ah, sida tablet ama mobilekaada.
Xasuusin:- iska ilaali inaad samayso khaladka ay sameeyaan dadka badankooda. oo ah inaad isku halayso xasuustaada.
5. Baro inaad dhahdo maya
Wakhtiyada qaar waxaan danaheena iyo qorshayaasheena u baajinaa. inaan ku mashquulno waxyaabo aan daruuri inoo ahayn.
Taasna waxay keenaysaa inuu fashilmo ama dib u-dha ku imaado qorshaadi. Hadaba waa inaad MAYA dhadaa, waxaan daruuri kuu ahayn. Si aad wakhti ugu hesho hawlaada.
6. Ka fiirso intaadan falin
Meeqa jeer ayaad ka qoomamaysay waxaad balan qaaday? Meeqa mashruuc ayaad kaa fashilmay hada ka hor?
Hadaba intaadan bilaabin mashruuc cusub. marka hore waa inaad si qoto-dheer u qiimaysaa wakhtiga uu kaaga baahan yahay.
Qiimaynta iyo ka fiirsashada. waxay joojinaysaa hawlo badan ood awood u lahayn qabashadooda hada.
7. Joogtee kobcinta aqoontaada
Jadwalkaada waa inaad ku darsataa wakhti gaar ah. ood ku baran karto wax cusub, si aad u hormariso awoodahaada dabiiciga ah ee alle ku siisay. Sida
- Shaqsiyaada.
- Kalsoonidaada.
- Kartidaada.
- garaadkaada
Aqoontu ma-dhamaato heer kasta ood gaadhana waa muhiim inaad kobciso aqoontaada. si aad u noqoto qof awooda qabashada hawlo badan.
8. Dib u qiimee jadwalkaada
Inaad joogtayso qiimaynta jadwalkaada iyo wax-qabadkaada, waa muhiim. Waxayna kaa caawinaysaa inuu wakhtigaada noqdo mid wax-soo-saar leh.
Waxaad sixid ku samayn kartaa waxyaabihi kaa khaldamay. iyo inaad hawlahaada u qabato si ka sahlan sidii hore.
9. Ogow caadooyinkaada liita
Waxaad qortaa dhamaan waxyaabaha iyo caadooyinkaada xun ee curyaamiya hormarkaada.
Markaad ogaato caadooyinkaas, waa inaad qorshaysaa sidaad u badali lahayd caadooyinkaada liita.
Waxaadna ogaataa habka ugu wanaagsan, eed ku badali karto caadooyinkaada xun. waa inaad meeshooda ku badashaa caadooyin kale oo wanaagsan.
10. Yeelo hadaf aad rabto inaad gaadho
Si qorshahaada u noqdo mid guulaysta. waa inaad samaysataa hadaf iyo yool aad doonayso inaad gaadho mustaqbalka.
Hadaadan lahayn hadaf, marnaba kuuma suurogalayso inaad u dulqaadato daalka qorshayaashaada. Waayo magaranaysid halkaad ku socoto.
Hadaba qoro hadaf cad ood rabto inaad xaqiijiso. intaas kadibna ku dadaal sidaad ku gaadhi lahayd yoolkaas.
Ahmiyada qodobadan
Qodobadan hadaad joogtayso. waxaa hubaal ah inaad wakhtigaada sida ugu wanaagsan uga faa’ideysan doonto.
Fadlan markasta xasuusnow, in wakhtigu yahay waxa ugu qaalisan eed haysato intaad noshahay. Halki daqiiqo ee ku dhaaftana ma soo noqonayso. Waana qayb kamida cimrigaada oo tagtay.
Waxaad maanta qaban karto, marnaba bari ha u dhigin.
Faa’iidada maaraynta waqtiga
Inaad wakhtigaada maarayso, waxaad ka helaysaa faaidooyin badan. waxaana ugu muhiimsan kuwan hoos ku xusan.
- Wax-soo-saarkaada oo bata.
- Qorshahaada ood fuliso.
- Noloshaada oo hormarta.
- Kalsoondiaada oo korodha.
- Walwalkaada oo yaraada.
- Xaqiijinta yoolkaada.
- Inaad guulaysato.
- Inaad noloshaada ka faaideysato.Isbadal muuqda ayaad samayn doontaa.
- Waxaad awoodi doontaa inaad xakamayso ood maamusho naftaada.
Dhibaatooyinka maarayn la’aanta wakhtiga
dhibaatooyin badan ayaa laga dhaxlaa, maarayn la’aanta wakhtiga. waxaana kamid ah qodobadan hoos ku qoran.
- Walaac iyo walwal badan
- Niyad-jab joogta ah.
- Qaadashada go’aano qaldan.
- Kalsooni la’aan.
- Caadooyin xun inaad yeelato.
- dib u dhac nolaleed.
Hadaadan qorshaynin sidaad uga faaideysan lahayd wakhtigaada, waxaad ka dhaxli doontaa caadooyin xun-xun. Sida inaad dib u dhigto shaqooyinkaada. iyo inaad ku fashilanto dhamaan yoolashaada oo dhan.
Gaba-gabo
Waxaan ku xasuusinayaa mar kale, waxa ugu qaalisan eed haysato maanta waa wakhtiga. Aakhirana su’aalaha lagu waydiin doono waxaa kamida meeshaad ku bixisay wakhtigaada.
Sidaas darteed isku-day inaad wax wanaagsan ku maalgashato wakhtigaada. Maqaalkan ayaana kaa caawinaya inaad samaysato jadwalk maalinle ah. oo kugu haga yoolkaada inaad gaadho.
silsiladda xalka maaraynta qulqulka qashinka, maaraynta waqtiga soo bandhigida maaraynta wakhtiga ee. waxaad raadinaysaa qalab kaqaybgal shaqada, ma waxaad raadinaysaa qalab kaqaybgal.
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid
Fadlan asxaabtaada baraha bulshada gaadhsii, hadaad maqaalkan ka heshay wax ku anfaca. Anagana midaas waxay noo tahay dhiiri galin.
Dhamaad.
hiI like your writing so much share we be in contact more approximately your article on AOL I need a specialist in this area to resolve my problem Maybe that is you Looking ahead to see you
welcome brother