fbpx

143 xikmado cajiib ah- xikmad gaaban better

Mararka qaar noloshaada waxaa saamayn karta. Ama badali karta, hal xikmad oo fahantay.

Waayo ximkad kasta waa jumlo yar, oo soo koobayso waayaha uu noolaa qofkaas. Inaad akhrisato xikmado cajiib ah waxay kaa-caawinaysaa. inaad ka badbaado khaladaadka ay sameeyeen dadkaas.

143 xikmado cajiib ah.

maqaalkeena maanta, waxaan idin soo-xulnay 143 xikmadood oo cajiib ah

Hadalo xikmad leh

  1. Hadaad waxba badalin, waxba isma-badalin.
  2. Dulqaadku waa furaha janada.
  3. Dhirtu dadka la’aantood way jiri kartaa, laakin dadku dhirta la’aantood ma-jiri karaan.
  4. Hanti ka-wanaagsan aduunka ma-jirto, maskaxda dagan.
  5. Maalinkasta waa fursad cusub, ood isku-hormarin karto. Hadayicin.
  6. Mustaqbalkaada waxaa abuura, waxaad qabanayso maanta, bari maaha.
  7. Wadooyinka duugaa, ma furaan albaab cusub.
  8. Noqo nooca qofkaad rabto, inaad la-kulanto.
  9. Ha isdhiibin waligaa, waxyaabaha waawayn wakhti ayey qaataan.
  10. Samee waxa saxdaa, maaha waxa fudud.
  11. Cabsidaada yeyna go’aaminin mustaqbalkaada.
  12. Dhagayso hadaad rabto, in lagu dhagaysto.
  13. Hadaad dhisi waydo mustaqbalkaada, qof kale mustaqbalkiisa ayaad dhisi.
  14. Guusha isku-mid u maaha dadka.
  15. Inaad fashilanto waa shil, inaad ku sii-jirtana waa doorasho.

sidoo kale akhri erayo jaceyl oo macaa

Xikmad noolasha qoraal

  1. Badal hab-fikirkaada, waxaa isbadali aduunkaada.
  2. Noolashu waa isku-day, ama iska-fadhi.
  3. Markasta waxay u muuqataa, waxaan macquul ahayn, ilaa aad ka-qabato.
  4. Muhiimadu waa maskaxda, waxaad ka fikirto ayaad noqon.
  5. Awoodaada ugu wayn waa maskaxda, ee isticmaal.
  6. Ma-jiro waxaan macquul ahayn, hadaad toosto ood qabato.
  7. Fikir intaadan hadlin ka-hor, akhri intaadan fikirin ka-hor.

Erayo xikmad leh

  1. Bara dhagaysiga, waxaad noqon mid xikmad iyo caqli badan.
  2. Xikmadu dagdag laguma helo, wakhtigeeda ayey imaataa.
  3. Xikmadu waxay ku-jirtaa kuwa aamusan, ee wax dhagaysta.

Xikmad gaaban.

  1. Xikmada runtaa, waa inaad garanayso inaad waxba garanaynin.
  2. Muhiimadu maaha waxa kugu dhacay, ee waa sidaad uga falceliso.
  3. Hadaad garanaynin halkaad u socoto, wado kasta ayaad qaadi kartaa.
  4. Tagtadaada waxba kama-badali kartid.
  5. Qofkasta wadadiisa safarka waa gaar.
  6. Markay baahidaada yaraato, ayaad wax heli.
  7. Guulaystaha isma-dhiibo.
  8. Qof kale farxadiisa, sabab u noqo.
  9. Waan karaa, waana samayn.
  10. Dadaalka ayaa ka fiican hadalka.
  11. Aamusnaantu waa kalsooni.
  12. Cadhadu guul ma-keento.
  13. Aamusnaatu, waa dayrka xikmada.

Xikmad qiimo badan

  1. Hadayna jirin meel aad kusocoto, waligaa ma-gaadhaysid.
  2. Hadaad rabto iney boogta ku bogsato, taabashada ka-daa.
  3. Galaydhku ma ugaadhsado dakhsiga.
  4. Ninka caqliga badan ma-yaqaan waxkasta, doqonka ayaa yaqaan.
  5. Inaad noqoto qof wanaagsan, waa wax aad samayso, maaha wax aad tahay.
  6. Qofna haka ogolaanin, inuu wakhtigaada kaa-lumiyo labo jeer.
  7. Xasuusnow sababtaad u bilowday.
  8. Qofna haka ogolaan in laba-jeer ku dhaho kuma-rabo.
  9. Aqoontaadu way yaraataa, markay xikmadaadu balaadhato.
  10. Haka shalaayin wax tagay, ee wax ka-baro.
  11. Aamusnaatu waa jawaabta ugu wanaagsan mararka qaar.
  12. Qofkasta wuu kujecel yahay, ilaa aad kala-tartamayso.
  13. Noqo qofkaad jeclaan lahayd inaad noqoto.
  14. Qof murugada u qalmo ma-jiro.
  15. Khatarta u badheedh, ama furasada haku-dhaafto.

Xikmad jaceyl

  1. Xikmad kasta dhamaadkeeda waa jaceyl.
  2. Sidaad naftaada u jeclaato ayey dadka kale kuu jeclaanayaan.
  3. Jaceylku waxaad dareemayso oo kaliya maaha, ee waxaad samsyso sidoo kale.
  4. Dawada jaceylku waa in lagu jeclaado.
  5. Ninku wuxuu rabaa inuu noqdo jaceylka ugu horeeya ee gabadha. Gabadhuna waxay rabtaa iney noqoto, jaceylka ugu dambeeya ee ninka.
  6. Jaceylku waa furaha farxada.
  7. Jaceyl, jaceyl la’aana waa sida geed caleen la’aana.
  8. Qofkasta wuu dhihi karaa waan ku jeclahay, laakin inyar ayaa ka-dhabaysa.
  9. Hadaad qof jeceshahay hubi iney ogyihiin. Hadii kale qof kale ayaa samayn.
  10. Qof dhamaystiran ma-jiro, sidaas darteed ayey muhiim u tahay, in lays-fahmo.
  11. Macquul maaha inaad wax jeclaato, caqligana uu shaqeeyo.
  12. Jaceylku maaha sabab aad ugu dulqaadanayso ixtiraam la’aanta.
  13. Ku faafi jaceylka meelkastood tagto.

Xikmad iyo murti

  1. ma-xakamayn katid jihada dabayshu u socoto, laakin waad adkayn kartaa shiraaca doontaada.
  2. Waligaa isku-qaldin aqoonta iyo xikmada. Mid waxay kaa caawisaa inaad noolaato. Minda waxay kaa caawisaa inaad samayso noolal.
  3. Khibrad, waa magaca aan u bixino khaladaadkeena.
  4. Mararka qaar, khalad aad samaysay ayaa noqon kara, go’aanku ugu wanaagsanaa ee qaadato.
  5. Caqabaduhu waxay banaanka keenaan, awoodahaada qarsoon, eedan ogayn inaad leedahay.
  6. Qofka xariifkaa wuxuu garan wuxuu dhihi lahaa. qofka caaqilkaana wuu garan iney haboon tahay, inuu aamuso iyo inuu hadlo.
  7. Casharada noolasha way soo noq-noqdaan ilaa wax laga barto.
  8. Aqoontu waa dahab, laakin xikmadu waa dhayman.
  9. Maalintaada noolow, bari maaha.
  10. Fikirka badan wuxuu dilaa farxadaada.
  11. Marnaba gadaal ha-fiirinin, wax kaa dambeeyo maleh.
  12. Guul-daradu waa markaad waxba isku-dayin.
  13. Erayadu waa awood, si xikmadaysan u isticmaal.
  14. Dadka caawi, naftaadana ha hilmaamin.
  15. Ha-qasin cadawgaada, markay khalad samaynayaan.

Ximad cajiiba

  1. Waligay ma qasaarin, ama waan guulaystaa ama waxbaan ka-bartaa.
  2. Aamin oo u dadaal, sida adigoo guulaysanaya.
  3. Wakhti kaa dayacmay, dib uma helaysid.
  4. Wakhtiga adag ma-waaro, laakin qofka adag wuu waaraa.
  5. Safarka dheer eed gasho, wuxuu ka bilowdaa hal talaabo.
  6. Waxaa jira sedex wax oo joogto ah noolasha… isbadalka, doorashada, iyo mabda’a.
  7. Aargudashada ugu wayn waa guul wayn.
  8. Markasta dadaal, waxaad beerato hada ayaad hadhow falan.
  9. Mustaqbalkaada, marnaba kuma qorshayn kartid tagtadaada.
  10. Noolashu maaha dhibaato la-xalinayo, ee waa xaqiiq la-dareemayo.
  11. Qofka ka-baqa iney dhibaato soo-gaadho, wuuba dhiban yahay. Waayo wuu baqayaa.
  12. Hadaad shay jeclaysan waydo badal, hadaad badali Karin. Badal habkaad uga fikirayso.
  13. Halgamaaga caqliga badan, khaladkiisa ayuu wax ka bartaa.
  14. Ninka ugu caqliga badan, wuxuu maraa jidkiisa gaarkaa.
  15. Burso wuxuu qalbigaada qabto, maaha waxay indhahaadu qabtaan.

Xikmad yaab leh

  1. Qofkasta inuu aduunka isbadalo ayuu raba, laakin qof raba inuu isbadalo ma-jiro.
  2. Caqliga waxaa lagu cabiraa, khibradaad u leedahay isbadalka.
  3. Farxadu lama-filaan maaha, ee waa doorasho.
  4. Haduuna jirin halgan, horusocod majiro.
  5. Qof kaa cabsiin kara ma-jir, hadaadan u ogolaanin adiga.
  6. Hadayna kula-saxnayn, wakhtigaada haku-luminin.
  7. Qofna yuuna hoos kuu dhigin, si-aad u nacdo.
  8. Qofka carabkiisa ayaa kuu sheegi kara, nooca qalbigiisa.
  9. Farxada waxaa leh, nafta isku-filan.
  10. Markaan fahmay khaladkaygi, waa koray.
  11. Hadaad isku-daydo, inaad guul-daraysato ayaa laga yaabaa. Laakin hadaad isku-dayin, waa hubaal inaad guul-daraysanayso.
  12. Qof dagan oo dadka ixtiraamo noqo, laakin haduu qof gacantiisa ku saaro, aakhiro u dir.
  13. Xakamee fikirkaada, markaad kaligaa tahay. Xakamee carabkaada marka lagula joogo.
  14. Fursadaha waxaa dhasha barashada.

Xikmado odhaahyo jaceyl ah

  1. Qofka kuma jeclaanaysid maadaama uu fiican yahay. Waxaad ku jeclaan xaqiiqada waxay yihiin.
  2. Waliga ha-jeclaan qof kuula-dhaqmayo, sida qof caadiya.
  3. Markasta sharafta ka-dooro fdarxadaada.
  4. Haduu jiro jaceyl, noolal ayaa jirta.
  5. Mugdiga kaama saari karo mugdi. Iftiinka oo kaliya ayaa kaa saari kara. Nacaybkuna kaama saari karo naceyb. Jaceyl oo kaliya ayaa kaa saari kara.
  6. Hadaad dumar ka-qoslin karto. Waxaad rabto ayey kuu samayn kartaa.
  7. Waxaan aqbalnaa jaceylkaan u malayno, inuu noo qalmo.
  8. Qalbi-jabku macnahiisu waxaa weeyo. Wax ayaad isku-dayday.
  9. Waxaa fiican in lagugu naco, waxaad tahay. Inti lagugu jeclaan lahaa, waxaad ahayn.
  10. Gabadh iyo wiil saxiibo way noqon karaa, laakin si un ayey isku-jeclaan doonaan. Laga yaabaa si ku meel-gaadha, xili khaldan ama xili dambe.
  11. Markuu qof ku jeclaado, habkay kaaga hadlayaan waa hab cajiiba. Waxaad dareemi kalsooni, daganaansho iyo amaan.
  12. In lagu jeclaado oo lagaa tago ayaa ka fiican, inaan waligaa lagu jeclaanin.
  13. Qofkaad jeceshahay iyo qofka ku jecel, waligood hal-qof ma noqdaa.
  14. Jaceylku waa shuruud farxadaadu ku xidhan tahay, farxada qof kale.
  15. Markaan wax jeclaano, markasta waxaan ku dadaalnaa, inaan ka fiicnaano sidii hore.
  16. Waan kuu dhiman karaa, laakin adiga kuuma noolaan karo.
  17. Waxa kaliya ka-xun wiil ku neceb, waa wiil ku-jecel.
  18. Labo qof oo is-jecel, kaligood ka soocan aduunka. Waa noolal qurux badan.
  19. Si dhamaystiran u jeclow, waxyar aamin, qofna haku khaldamin.
  20. Asaasiga ugu muhiimsan ee jaceylka, waa shaki la’aanta.
  21. Jaceylku wuu gaaban yahay, inaad halmaantana way dheer-tahay.
  22. Qalbiga u qalma inaad jeclaato, waa midkaad fahanto xataa markuu aamusan yahay.
  23. Jaceylka dhabtaa, waa in lamaanahaada noqdo saxiibkaada dhabtaa.
  24. Shalay waan ku jeclaa, walina waan ku jeclahay, waligayna waan ku jeclaan.
  25. Dumarka waxaa loogu tala-galay in la-jeclaado, maaha in la-fahmo.
  26. Inaad wax-jeclaato, waa inaad gubataa sida adigoo dab saaran.
  27. Jaceylku waa cabsi iyo daryeel wada-socda.
  28. Waxaad ugu yeedhaa waalli. Laakin anigu waxaan ugu yeedhaa jaceyl.
  29. Waxaan jaceylka ku baran karnaa, inaan wax jeclaano.
  30. Naf jaceyl ku nool, waligeed ma-cajisto.
  31. Jaceylka dhabtaa waligii ma-dhamaado.
  32. Jaceylku wuxuu ka muuqdaa ficilka, ee erayada maaha.
  33. Jaceylku wax bilaash ah maaha.
  34. ii-sheeg qofkaad jeceshahay, anigana waxaan kuu sheegi qofkaad tahay.

xikmado cajiib ah oo gaaban

  • inaad boqol jeer maqasho waxaa ka fiican inaad hal mar aragto.
  • Kaftan kasta waxaa ku lamaan miro run ah.
  • Waxaan ka cararay dawaco, oo waxaan u galay yey halis ah.
  • Faqiirku markasta wuxuu eedeeyaa qalabka uu ku shaqaynayo.
  • Dumarku booskoodu waa guri.
  • Xumaani majirto haduuna wanaag jirin.
  • Duruufaha adag waxay mideeyaan dad aad ukala duwan.
  • Hadalku maaha sida shimbirta, mar haduu duulo ma-qaban kartid.
  • Ku celcelintu waa hooyada waxbarashada.
  • Doqon iyo lacagtiisu mar dhaw ayey kala tagayaan.
  • Kii aan shaqayn isna waxba ma cuno.
  • Hadaadan isku dayin waligaa ma ogaan kartid.
  • Bilowga wanaagsan wuxuu keenaa dhamaad wanaagsan.
  • Kuwa aan khatarta qaadan ma dabaal dagaan.
  • Cabir todobo jeer, ka hor inta aadan goynin.
  • Alle ayaa bixiya, alle ayaana dib u qaata.
  • Lacagta la kaydiyay waa lacag lakasbaday.
  • Bakhaylku laba jeer ayuu wax bixiyaa.
  • Nacasku kama baqo inuu lumiyo maankiisa.
  • Hadaad kaamilnimo raadinayso waligaa ma qancaysid.
  • Maqnaanshuhu wuxuu keenaa in qalbiga wax jeclaado.
  • Ciid baad ka-timid, ciidna waad ku noqon doontaa.
  • Weerarku waa habka ugu wanaagsan ee laysku difaaco.
  • Sidaad u beerato ayaad u goosan doontaa.

xikmado cajiib ah qoraal

  • Waxa kaliya ee nafta lagu sasabi karo waa rajada.
  • Qofna waligaa ha quursan, waayo ma ogid awooda u qarsoon.
  • Farqiga u dhaxeeya midka guuleysta iyo fashilma, waa dadaalka iyo rajada.
  • Markaad nolosha hadaf ka lahayn, aduunka dheeraad ayaad ku tahay.
  • Majirto wax kaa hor istaagi kara himilaadaada, hadaadan quusan.
  • Majiro qof guul gaarsiin kara, qofki aan waxba qabsanaynin.
  • Maskaxda shaqaysa waxay ka fikirtaa, siday nafteeda ku hormarin lahayd.
  • Rajo gali qofkasta ood saxiibo noqotaan, waayo waxay xiriirisaa qalbiyada.
  • Guushu waxay raadsataa kuwa dadaala.
  • Ha aaminin inaad wax kasta nasiib ku helaysid.
  • Qofkii quudkiisa xaga allhe ahaaday, waxba yuuna ka baqin.

murti iyo xikmado cajiib

  • Hantida ugu wayn waa inaad ku noolaan karto waxyar, ood ku qanacsan tahay.
  • Qofka waxaa lagu qiimeeyaa wuxuu sameeyo, markuu awooda leeyahay.
  • Majiro wax laga neceb yahay qofka runta sheega.
  • Baahidu waa hooyada hal-abuurka.
  • Fikirku waa lahadalka nafta laftirkeeda.
  • Guusha koowaad ee ugu wayn, waa inaad naftaada ka guuleysato.
  • Aqoontu waxay noqotaa wax xun, hadaana ujeedo wanaagsan laga lahayn.
  • Aragtidu waa waxa u dhaxeeya aqoonta iyo jahliga.
  • Kaliya kuwi dhintay ayaa arkay dagaalka dhamaadkiisa.
  • Bilowgu waa qaybta ugu muhiimsan ee shaqada.
  • Geesinimadu waa garashada waxa aan laga baqin.
  • Geeridu maaha waxa ugu xun ee qofka ku dhaca.
  • Ficilada wanaagsan waxay dhiirigaliyaan nafteena.
  • Dadka qaar waxay kula hadlaan xiliyada ay firaaqada leeyihiin. kuwa qaarna waxay firaaqo ka dhigaan shaqada, si ay kuula hadlaan.
  • Macquul maaha, waa erey laga helo qaamuuska doqomada.
  • Ku hareeree naftaada, kuwa kugu dhiiri galiya inaad wanaagsanaatid.
  • Casharada ugu muhiimsan nolosha, waxay ka bilowdaan khaladaadkaada.
  • Rajadu waa muhiim, laakin inaad wax badashid waxay u baahan tahay ficil.
  • Wakhtigu wuxuu ku barayaa inaad nolaatid, qofkaad ugu jeceshahay la’aantii.
  • Waxaad saaran tahay wadadi guusha, markaadan ka fikiraynin inaad gadaal fiiriso.
  • Sidaad doonto u ekow, laakin naxariisto waxay kaa dhigaysaa qofka ugu quruxsan dunida.
  • Naftaada adiga malihid, hadaadba ka fikirayso waxay dadka kale kaa aaminsan yihiin,
  • Hadaadan haysan saxibo daacad ah, adigu u noqo naftaada saaxiib wanaagsan.
  • Ku xukun qofka su’aalaha uu kuwaydiinayo, halkaad ku xukumi lahayd jawaabihiisa.
  • Cadawgaada wuu ku dili karaa, laakin saaxiibkaa oo kaliya ayaa ku dhaawici karo.
  • Noloshu waxay dhadhan yeelataa, markaad isbadal samayso.
  • In boqol aragtiyood la-keeno, waxaa ka-haboon in hal aragti la fuliyo.

oraahyo xikmado cajiib ah

  • Ninka doqonka ah waxaa lagu gartaa hadalkiisa. Ninka caqliga badana waxaa lagu gartaa aamusnaantiisa.
  • Waxaan joognaa xili kii wanaagsanaa iyo kii xumaa ay isku mid yihiin.
  • Ha uga tagin qof kugu wayn, khalad yar oo uu galay.
  • Saxiibkaada dhabta ah, waa midka kugula xisaabtamaya khaladyadaada.
  • Ka fogow dadka kaa hor istaagayo yoolkaada.
  • Hadaadan ehelkaada iyo dadkaada ku faraxsanayn, dad kalana kuma farxaysid.
  • Duruufaha ma xukumi kartid, laakin afkaartaada adigaa xukuma.
  • Hadaad wax cafinayso, wada cafi. Ama iska wada daa.
  • Alle kaalmayso, oo ha-caajisin marnaba.
  • Si kastoy xaaladuhu noqdaanba, filishadaada wanaagu ha sarayso.
  • Hogaamintu waa hindisaha go’aan qaadashada.

su aalo iyo jawaabo xikmad ah

Waa maxay xikmad?

waxay kamid tahay, waxyaabaha ay adag tahay in la-qeexo. lakin dadku ay gartaan markay la-kulmaan.

Cilmi nafsigu wuxuu sheegaa, in xikmadu tahay. Isku-darida aqoonta, khibrada iyo fahan qoto-dheer. Iyo sidoo kale inaad ku-samri karto duruufaha noolasha. waa qormooyin cajiib ah kobci garaadkaada.

Waa maxay faa’idada akhrinta xikmadaha

Inaad dadka kale wax ka-barato, waxay kaa dhigaysaa fariid. Iyo inaad ka-fogaato galitaanka, khaladaadka caadigaa.

Xikmadahan cajiibkaa waxay kaa caawinayaan.

  • Inaad dhiirato.
  • Hamigaada oo kordha.
  • Fahanka sida loo xaliyo caqabadaha.

Xikmaduhu door muhiima ayey ku leeyihiin. Inaad baraarujiso ama aad garato awoodahaada qarsoon.

Waa maxay farqiga u dhaxeeya xikmada iyo maskaxda

Aqoontu iyo maskaxdu waa labo kamida qaybaha xikmada. Laakin xikmadu waa inaad si qoro-dheer u fahanto xaqiiqooyinka iyo dhacdooyinka noolasha.

Muhiimada akhrinta xikmadaha

Inaad akhriso xikmadaha laga qoray dadka waaya-aragaa. waxay kaa caawinayaan inaad noolashaada ka ilaaliso. Khaladaadki ay horey ugu soo-dhaceen ayaga.

Gaba-gabo

Waxaan rajeyn inaad mid’un ama dhamaantood aad ka-heshay. adiguse midee ku soo-jiidatay xikmadahan. waa xikmado qoraal ah oo macaan. photos and more on facebook. bear with us this.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

Dhamaad.

1 thought on “143 xikmado cajiib ah- xikmad gaaban better”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights