Way sahlan tahay inaad wiil jaceyl ku abuurto. Laakin su’aashu waxaa weeyo, sidee iyo qaabkee ayaa wiil jaceyl loogu abuuraa.
Muhiim maaha inaad badasho shaqsiyadaada, si-aad wiil jaceyl ugu abuurto. Waxaad u baahan tahay oo kaliya, inaad fahanto. Habka loola-macaamilo wiilasha, iyo sidaad u isticmaali lahayd xeeladahan.
Runtu waxaa weeyo, ragu waa noole sahlan. Umana baahna dadaal badan, hadaad rabto inaad ku abuurto jaceyl.
Marka laga hadlayo arimaha jaceylka, wiilashu waa isku-mid. Furuhuna waa fahanka.
Waxaa laga yaabaa inaad jidhkaada siiso. adigoo rajeynaya, inuu kugu jeclaan doono waxaad u samaysay. Laakin arimahan oo kale, waxay noqon karaan sababo uuna kugu jeclaan doonin.
Hadaba markaad rabto, inaad ogaato sida wiil jaceyl loogu abuuro. Waa inaad ogaataa, sida uu u-fikiro.
sidoo kale akhri : xikmado macaan
Sideed ku ogaan kartaa inuu ku-jecel yahay wiilka?
Intaadan isku-dayin, inaad wiilka jaceyl ku abuurto. Waa muhiim inaad ogaato, inuuba mar hore kaa helay iyo in-kale.
Raga qaar, marka ugu horreysaba inuu kaa-helo ayaa laga-yaab, dumarkuna ma ogaan arintan. Sababtuna waxaa weeyo, ragu ma-muujiyaan dareenkooda bilowgaba.
Waxay door bidaan, iney uurka ku-haystaan dareenkooda. Laakin markasta, waxaa jirta habab ay ku-muujiyaan waxay gudaha ka-dareemayaan. Waxaa kamida.
- Miyuu kaala hadlaa mustaqbalka.
- Fikirkaada muu ixtiraamaa, xiliga shaqada.
- Waxyaabaha uu jecel yahay, miyuu kula-wadaagaa.
Runti waxaa jira habab badan, ood ku ogaan karto dareenka uu kuu hayo wiilka. Sida, markaad xanuunsan tahay, u fiirso siduu kuula-dhaqmo. Iyo dadaalkiisa.
- Miyuu kula soo-xidhiidhaa.
- Miyuu ku daryeelaa.
Hadaad ku aragto astaamahan, wuu ku jecel yahay.
Hadaba markaad rabto, inaad hanato qalbiga wiilka. Waxaa jira laba arimood, oo u baahan inaad ka-taxadarto.
a. Waxaa muhiima, inaad fahanto, sababta indhaha wiilashu u soo-jiitaan dumarka. Iyo waxa wiilasha ku abuura, jaceylka.
b. Waa inaad barataa, sida wiilka jaceyl loogu abuuro. Iyo sidaad u noqon lahayd, miduu ka doortay dumarka ku nool dunida oo dhan.
Hadaba aan gudaha u galno mawduuceena . Oon kula-wadaago, sida wiil jaceyl waaliya loogu abuuro.
Sababaha wiil jaceyl ugu qaado gabadh.
Intaada baranin ka-hor, sida wiil jaceyl loogu abuuro. Waa inaad xoogaa fahan ah, ka-haystaa, sida maskaxda labka u shaqayso.
Daraasado badan ayaa sheegay, waxyaabo yar-yar oo raga jaceyl ku abuura. Waxaana kamida waxyaabahaas.
1- hab-dhaqanka gabadha
Marka hab-dhaqanka gabadhu yahay, badanka mid fudud oo la-hogaamin karo. Wuxuu wiilka ku dhalinayaa, dareen iyo jaceyl.
Waxaa ka fududaanaya, inuu ka walwalo hab-dhaqanka gabadha.
2- naxariisteeda.
Gabadha danaheeda ka hormarisa, mida dadka kale. Waxay wiilka ku abuuraysaa jaceyl.
Wuxuu dareemayaa, ineyna danaynaynin nafteeda oo kaliya. Laakin tiisa iyo mida dadka kale, ay sidoo kale mudnaan siinayso.
3- furfurnaanta
Iney gabadhu furfurnaato si-guud, waxay wiilka ku keeni kartaa, inuu dareen u qaado.
Sida ineyna la-yaabin, markuu sheego fikirkiisa. Si kastooy u qaab daran yihiin.
4- is-fahanka qoyskiisa.
Markaan leenahay qoyskiisa, waxaan ka-wadnaa hooyadiis. Hadaad wiilka hooyadii, si-fiican isku-fahantaan. Waa hab kale ood ku hanan karto, qalbiga wiilka.
5- Habkaad ula-dhaqanto asxaabtiisa.
- Caraftaadaa.
- Ka warhaynta maalintiisa.
- Sidaad u fahanto xaaladihiisa.
- Sidaad u dhiirigaliso.
- Sidaad iskugu qurxiso.
- Inaad xukumin.
Dhamaan waxyaabahan, waa siraha keena, in raga badankooda gabadha jaceyl u qaadaan.
Sideed wiil jaceyl ugu abuuri kartaa?
Hada waad ogaatay, waxay wiilashu rabaan. Hadaba waa kuwan, habab aad isticmaali karto, si-aad wiil jaceyl waaliya ugu abuurto. Umana baahnid, inaad naftaada ku samayso is-badal.
1. Labis soo-jiidasho leh
Ragu aragtida ayey wax ku-qiimeeyaan. Dumarkuna aad aye u yaqaanaan arintaas.
Markaad la-kulmayso wiilkaad ka-heshay, sida ugu wanaagsan u labiso.
Hadaad aragto asagoo aad kuu eegaya, oo ku fiiranaya xoogaa markuu joogaba. Waad hanatay
Laakin inaad si qurux badan u labisato oo kaliya, ma-keenayso inuu ku daneeyo. Haduu arko ayadoo rag kale, kuu riyaaqayaan. Waxay ku sii abuuraysaa rabitaanka uu kuu hayo.
Ragu aad ayey isku-muujiyaan, markay ku tartamayaan hanashada gabadh. Hadaba isku-day, inaad ku guulaysato dareenka raga kale, ee agtiisa jooga.
Intaas kadibna, wiilkaad ka heshay waxaa ku balaadhanaya, dareenka uu kuu hayay. Sidoo kale wuxuu dareemi doonaa, siduu u nasiib badan yahay. Haduuba adiga ku helay.
2. Ha is-kibrinin
Ragu gabi ahaanba ma-jecla dumarka kibirka badan. dabcan ragu way jecel yihiin, dumarka isku-kalsoon. Laakin hadey noqoto, mid muujinaysa kibir. iyo is-qaad-qaad badan, wuu ka fogaadaa inuu jeclaado.
3. Si caqliyaysan ula-hadal
Marka ugu horeysa, wada-sheekaysiga labada qof, wuu macaan yahay. Laakin xoogaa kadib, shukaansiga wuxuu noqdaa, mid cajis ah.
Sidaas darteed, markaad kulantaan ama aad wada-hadlaysaan. Isku-day inaad ula-hadasho, qaab caqliyaysan.
- Kala-hadal ahdaaftiisa shaqada.
- Mustaqbalka wuxu rabo inuu xaqiijiyo.
- Waxyaabaha uu jecel yahay iyo.
- Ujeedada xidhiidhkiina.
Waxaad tustaa, inuu kula-yeesho wada-hadal macno leh.
4. Eegmada romantiga ah
Waxay daraasadu sheegtay, in eegada romantiga ah keento, in labada qof jaceyl isku-qaadaan.
Markaad wada-sheekaysanaynsaan, indhihiisa si romantic ah u fiiri. Xataa markay indhihiina is-qabtaan, isku-day inaad sii eegto, xataa hadiina hadlaynin.
Waxay keenaysaa aragtiga romantic ah, in qalbiga wiilka walaaqmo. Waana mid kamida xeeladaha waawayn, ee qalbiga wiilasha lagu hanto.
5. Ha noqon qof si-fudud lagu heli karo
Xeeladan waa mid kamida qaababka wiilasha jaceylka loogu abuuro.
Markaad qof jeclaato, waxaad xiisayn inaad agtiisa joogto badanka, ood wakhti la-qaadato. Laakin markastoo aragtida qofkaad ka-heshay kugu yaraato. Waxaad bilaabi, inaad aad u xiisayso.
Markaad ogaato, inuu wiilku kaa-helay. Isku-day mararka qaar inaad ka-baaqato kulankiina.
Inkastoo muhiim tahay, inaad isla-qaadataan wakhti badan. waxaa sidoo kale muhiima, inaad mar-mar siiso firaaqo. Si uu u dareemo, siduu kuugu baahan yahay.
6. Tus xirfadaada
Hadaad rabto inaad wiil jaceyl ku abuurto. waxaa muhiima inaad taqaano, qaabkaad ugu muujin lahayd katidaada.
Laga yaabaa inuu kugu jeclaado shaqsiyadaada. Laakin si uu kuugu sii-jeclaado saa-id, waa inaad tustaa inaad tahay qof cajiiba. oo u baahan inuu wax badan ka sii-ogaado.
Muuji kartidaada, oo tus waxaad qaban karto. Tusaale ahaan, hadaad kawada shaqaysaan hal-meel. Isku-day inaad xaliso wax kamida caqabadaha ka-jira halkaas.
Taas waxay keenaysaa inaad fursad u siiso, inuu arko kartidaada. Iyo inuu u riyaaqo shaqsiyadaada cajiibkaa.
7. Markasta ha-waafaqin
Tartanka, waa wax lagama-maar-maan u ah farxada xidhiidhka. Sidaas darteed, waa inaad markasta aqbalin wuxuu dhaho. Ama uu rabo inuu sameeyo.
Mararka qaar khilaafkaas, wuxuu ku dhalin karaa xanaaq. Laakin waxay keenaysaa inuu ixtiraamo fikirkaada in-badan.
Xasuusnow, ragu waxay jecel yihiin iney shukaansadaa. Gabadh madadaalo badan. sidoo kalana wada-hadal dhaba la-yeelan karta, oo caqli badan.
Tus labada dhinac ee dunida. Waxaad arki doontaa, inuu si waaliya kuu-jeclaado.
8. Ha-dareensiin inaad jeclaatay
Ragu waxay jecel yihiin, iney bursadaan dumarka. Wakhti ayeyna ku qaadataa, inuu jaceyl dhaba ku-dhaco. Laakin markuu ku dhaco, si waaliya ayuu u jeclaadaa.
Si-aad u fahanto, sida jaceyl loogu abuuro raga. Waxaa muhiima inaad ogaato, darajada jaceyla ee ninka.
Dareensii inaad ka-heshay wiilka, laakin marnaba ha-dareensiinin, inaad si-waaliya u jeclaatay.
Markasta tus, inaad tahay qof aan lagu ciyaari Karin. Si uu talaabo ugu qaado, siduu xidhiidhkiina dhab u noqon lahaa.
Markastoo in-badan ku bursado waa markastuu kusii-jeclaado. Markuu ka-daalo inuu ku bursado, adigu u soo-dhawow.
Waa inaad si xeeladaysan ula-macaamishaa.
9. Isku-kalsoonow
Hadaad rabto inaad wiil jaceyl ku-abuurto. Waxay ka-bilaabantaa kalsoonida. Hadaad naftaada aaminsanayn, sideebuu kuu-jeclaan asago.
Waa inaad tustaa, inaad tahay qof isku-kalsoon. I aamin, waad soo-jiidan doontaa, dadka kugu xeeran iyo sagaba.
10. U-riyaaq
Waxaa sidoo kale muhiima inaad u riyaaqdo, ood u sheegto waxyaabaha uu ku wanaagsan yahay. Taas waxay keenaysaa inuu dareemo, inaad ka-fikirto.
Wiilki niyadaada waxa kujira, iyo waxaad dareemayso ma ogaan karo. Hadaba u sheeg inaad u riyaaqday.
Kalsoonidaas waxay keenaysaa, inuu ku dhiirado, adigana inuu kuu boqo.
11. Waydiiso tala-bixin
Waxaa laga yaabaa, iney kuula muuqato wax iska-fudud. Iyo ineyna lahayn wax saamayn ah. Laakin way leedahay, hadaad rabto inaad wiil jaceyl ku abuurto.
Raga badankooda, aad ayey u jecel yihiin iney wax caawiyaan. Waxay jecel yihiin, iney dareemaan in loo-baahan yahay.
Markastood dareensiiso inaad u baahan tahay, waa markastoo uu rabo inuu kula-joogo. Halkaasna waxaa ka-dhalan karta, inuu jaceyl kuu qaado.
12. Daryeel
Markaad aragto inuuna fiicnayn dareenkiisa, daryeel u muuji. Sida inaad garabka ka-taabato ama koob biyo ah siiso.
U muuji daryeel, markay cimiladiisu wanaagsanayn. Ee uu rabo caawimaad.
Waa inaad noqotaan isku-koox, xaga noolasha. Si midkiin markuuna fiicnayn, midka kale u garab istaago.
Muhiimadu waa siduu kaaga fikiro
Arintan waa muhiim, waad shukaansan kartaa, waad la-kulmi kartaa. Laakin waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan, inaad ogaato sida uu kaaga fikiro adiga. Ama sida uu kuu arko.
Waxaad ku ogaan kartaa, sida uu kaaga mahadceliyo shaqsiyadaada. Laakin marnaba haka-been sheegin shaqsiyadaada. Ama inaad u dhaqanto, sida qof kale oo uu daneeyo. Si-aad qalbigiisa u hanato.
Gaba-gabo
Dhamaan talooyinkan waxay kaa caawin doonaan, inaad wiil jaceyl ku abuurto. Sidaas darteed isku-day inaad u isticmaasho wiil aad si-dhaba uga heshay oo kaliya.
Wow m.a
Amazing