Raali galintu waa muhiim. waxayna fure u tahay hagaajinta xiirirka aad la leedahay bulshda oo dhan.
Waxaan kula wadaagayaa Erayo raali galin ah ood ku dhihi karto qofka aad jeceshay. hadaad khalad ka gashay.
Midna ogow, hadaad qof khalad ka gasho raali galintu waa waajib. qofkaad khaladka ka gashay wuxuu noqon karaa.
- Saaxiibkaa.
- Ehelkaada.
- Qof aad jeceshahay.
- Ruux ku yaqaana.
- Iyo qof kugu cusub.
Waa ficil yar laakin qiimo wayn u leh noloshaada iyo qofka kale dareenkiisa. waxayna raali galintu kaa caawinaysaa inaad dawayso dareenka qofki aad dhaawacday.
sidoo kale akhri:
Muhiimadda raali galinta ay leedahay
Dadka soomaalida badankooda, ma yaqaanaan raali galinta iyo muhiimadeeda.
Taasna waxay keentay in qoysas badan waxyaabo yaryar oo raali galin lagu xalin karo.
Raali galintu waa tiir kamida tiirasha jacaylka iyo nolosha ee ugu muhiimsan. waana muhiim inaad si fiican u barato.
Waxaa jira 6 qodob oo hadaad samayso qofka uu kaa aqbalayo raali galinta, waxayna kala yihiin.
- Muuji inaad ka xun tahay wixi dhacay.
- Cadee sababta khaladka u dhacay.
- Qaado khaladkaada.
- Balan-qaad Khaladkaas inaadan samaynin mar kale.
- Ku dadaal inaad saxdo khaladkaadi.
- Cafis waydiiso qofka.
Inaad dadka aad raali galiso iyo inaad cafiso, waxay keenaysaa laab-xaadhnaan. iyo in gafafku yaraadaan.
Sidee loo raali galiyaa qofka aad jeceshahay?
Runti way adag tahay inaad qofkaad jeclayd raali galiso. hadaadan garanaynin sida loo raali galiyo lamaanahaada.
Qofka markuu xanaaqo waxaa macquula in afkiisa ka soo baxaan waxyaabo aan wanaagsanayn.
Hadaba markaad samayso khaladkan oo kale, uma baahnid wax kale. kaliya waxaad u baahan tahay inaad raacdo talaabooyinkan aan kula wadaagi doono.
Erayo raali galin ah
Hadaad tahay qofka khaladka galay, waa kuwan talaabooyin kaa caawinaya. inaad ku guulaysato in khaladkaadi lagaa cafiyo.
Markaad khalad samayso, isla-markaaba ha isku-dayin inaad raali galiso lamaanahaada. aad jeceshahay, oo waxaad sii waqti.
Haday rabto ha-qaadato maalmo, laakin yeyna ka badanin labo maalmood oo kaliya.
Intaas kadib isku-day inaad lamaanahaada u qorto, erayo naxariis badan. oo markay akhriso ama uu akhriyo, qalbigiisa gilgilaya. Erayo jaceyl oo ay ka buuxaan amaan iyo erayo raali galin ah. sida kuwa hoos ku xusan oo kale.
- Qaali, nolosha iney macaan iyo kharaar tahay Makala saari karo, adiga la’aanta. Mana qiyaasi karo siday xaaladaydu tahay intaad iga aamusan tahay.
- Waxaan noqday sida guri laydhku ka maqan yahay oo mugdi ah. been kuuma sheegayo, runti ma garanayo marki ugu dambaysay een cuno cunto.
- Waxaana noqday bukaan socod, adiga dartaa. Mana lahayn jacaylkaada ayaa intaas oo dhan kaa aamusnaan kara.
- Ma ogtahay intaad iga aamusnayd. laabtayda waxay yeelatay dhaawac aad adiga oo kaliya daawayn karto.
- Qaali, macaan, qurux, noloshaydi codkaadi waan u xiisay. Hadaad naftayda rajo ka leedahay, sida ugu dhakhsaha badan igula soo xidhiidh. adigoo I cafiyay.
- Kama daali doono inaan ku dhaho iga raali noqo macaan bada, maxaa yeelay waxaa tahay qof igu wayn.
- Waana ogahay inaan wax u dhimay kalsoonidaad igu qabtay iyo dareenkaada. laakin waxaan ogahay wali, inaad si dhab ah adiga kuu jeclahay.
- Xaq ayaad u leedahay inaad ii xanaaqdo, laakin ha ilaawin inaan ka xumahay wixi dhacay. waxaadna tahay mustaqbalkaygi iyo noloshaydi.
- Wax kasto oon sameeyay eedeeda waxaa iska leh aniga. mana garanayo waxaan ku jawaabo, hadaad I waydiiso siday u dhaceen.
- Aad ayaana uga xumahay dhaawaca aan u gaystay naftaada. waxayna igu tahay murugo iyo walbahaar joogta ah.
- Laakin xasuusnow inaan markasta diyaar u ahay raali galintaada. iyo waxkast oon ku heli karo farxadaada iyo kalsoonidaada.
- Jaceylka dhabta ah een kuu qabo adiga, ma noqon doono mid halkan ku dhamaado. ee wuu sii jiri doonaa intaan nolahay.
Maray ku cafiso/cafiyo kadib
Erayadan ayaad lamaanahaada ku dhihi kartaa. markuu ku cafiyo si qalbigeeda aad uga masaxdo xanuunka.
- Macaanto ma ogtahay, saacadi yarayd eed ii xanaaqsanayd, in jirkayga oo dhan gubanayay.
- Runti xubi kaama maarmo adiga. saacad iska-daaye xataa il-biriqsi inaad dartay u murugooto ama u xanaaqsanaato ma-ogolaanayo.
- Macaan anigaa kaa khaldan ee iga raali noqo, mar dambana khaladkan oo kale ma dhici doono.
Hadaad intaas si dabacsan oo jacayl ku-jiro ku dhahdo. qofkaad jeclayd ee kaa xanaaqsanaa. waa hubaal inaad dawaynayso qalbigiisa.
Warqad raali galin
Haday kugu adag tahay inaad qofka raali galiso, adigoo la hadlaya ama hor-taagan. waxaad isticmaali kartaa qoraal iyo warqad.
Markaad qorayso warqada, waxba ha dag-dagin ee waqti qaado. si aad u qorto erayo macaan oo xambaarsan macno wayn.
Erayadan waa kuwo kamida kuwaad isticmaali karto, markaad qorayso warqada.
- Waxaan dareemayaa culayska khaladkayga, waana waajib inaan kaa raali galiyo. laga yaabaa inaan soo daahay, laakin warqadan waxa ku qoran. waa waxa aan gudaha ka dareemayo macaan.
- Runti qalbigayga wuu ololayaa, khaladkaan galay dartiisa. waxaana jeclaan lahaa inaad iska-kay cafiso, adiga ayaa ah noloshayda dhabta ah. mana kaa maarmo.
- Ma garanayo sidaan kuula dhaqmay, iyo sababta aan sidaas ugu dhaqmay. Laakin waa khalad aan ka shalaayayo maanta, mana soo laaban doono mar kale.
- Waxaana diyaar u ahay inaan qaato khaladkayga. adigana kaa raali galiyo wixii dhacay, ee macan iga raali noqo.
- Fadlan I cafi macaan, diyaar u maahi inaan ku waayo. Maxaa yeelay waxaa tahay mustaqbalkaygi, waxaa tahay midaan doortay/midkaan doortay.
- Aad ayaana kuu jeclahay, waxaadna tahay qofkaan ku tashado, waxaa tahay garabkaygi midig. Adiga la’aantaa waxba maahi qaali.
- Waxaan dareemayaa murugo iyo cidlo. waxaana warqadan kuugu soo qoray inaan kuu cadeeyo qalbigayga waxa ku jira. Fadlan I cafi, waxaa tahay qof igu wayn.
Markaad jacaylkaada raali galinayso, waa inaad isticmaashaa farsamooyin. iyo xeelado qofku kugu cafin karo, sida inaad u qorto erayo qalbiga dajinaya oo kale.
Goorma ayey raali galintu sax tahay?
Markasta ood lamaanahaada khalad ka gasho waa asaasi inad waydiisato cafis.
Waa inaad u muujisa inaad ka xun tahay, khaladka aad samaysay iyo ficilkaas.
Sidoo kale waa inaad u cadaysaa inaadan mar dambe samayn doonin khaladkan oo kale.
Faa’iidada raali galinta
Maxaa dhacaya maraa raali galiso qofka oo uu kaa aqbalo raali galintaada? waxaad ka helaysaa faa’idooyinkan hoos ku xusan
- Waxaa meesha ka baxaya khilaafkiinin.
- Waxaa bogsanaya dhaawici hore.
- Inaad dareento daganaansho.
- Xanaaqi oo baa’bay.
- Kalsoonidiina oo hagaagta.
- Xiriirkiina oo fiicnaada.
Raali galintu waa astaan muujinaysa inaad tahay qof isku kalsoon oo bisayl ah. waxayna kuu horseedaysaa in lagu jeclaado oo lagu cafiyo.
Talooyin ku saabsan raali galinta
Markaad qofka raali galinayso iska ilaali qodobadan hoos ku xusan.
- Inaad la muranto qofka.
- Khaladkaada inaad aqbali waydo.
- Khaladkaada inaad qaadan waydo.
- Inaad khaladkaada ku eedayso qofka.
- Mar kale inaad samayso khaladki hore oo kale.
- Inaad muujin waydo inaad ka xun tahay khaladkaada.
Gaba-gabo
Raali galintu waxay door weyn ka qaadataa wada-noolaansha bulshada. waana sifo ay tahay inaad yeelato, si aad u noqoto
- Qof la ixtiraamo.
- Wanaagsan.
- La-qadariyo.
- Edebna leh.
Waa inad hadal iyo ficilba aad qofka ku raali galisaa, hadaad khaladan tahay. Hadii lagaa khaldan yahayna sidoo kale. raaligalinta ma siiyaan xaqeeda.
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad.
1 thought on “Erayo raali galin ah qof aad jeceshahay better”
Comments are closed.