fbpx

Isbuuca koowaad ee uurka iyo astaamaha lagu garto better

Gabadh kasta farxadeeda waxay bilaabantaa. marka loo sheego iney leedahay uur, laakin maxaad ku ogaan kartaa.

Waxaa jira calaamado lagu ogaan karo, isbuuca koowaad ee uurka. Hadaad isku aragto calaamadahan uur ayaad leedahay

Uurku wuxuu dhashaa markay kulmaan, biyaha raga ka imaada. iyo ukxanta haweenka ka imaata.

Waxaana jira astaamo iyo calaamado lagu garto inay uur qaaday haweenayda. Waxaana kamid ah calaamadahaas.

sidoo kale akhriso:

u diri hooyo macaan fariimahan!
sheekh mustafe – sheekha ugu saamaynta badan soomaalida.

Calaamadaha lagu garto isbuuca koowaad ee uurka

calaamadaha uurka cusub lagu garto way badan yihiin. waxayna iskugu jiraan kuwo yar-yar iyo kuwo waawaynba. hadaba uurka cusub maxaa lagu gartaa?

Calaamadaha yar-yar waxaa kamid ah

  • Madax xanuunka.
  • Dabeecada gabadha oo isbadasha. Sida xanaaq badan oo kale.
  • Daal badan oo cajis iyo hurdo badan leh.
  • Lab jeex.
  • Wareer badan.
  • Hurdada oo xumaata
  • Kaadi badan
  • Heerkulka jidhka oo isbadala
  • Tamar la’aan iyo daal
  • Xanuunka naasha
  • Daganaansho la’aan maskaxiyan ah.

Calaamadaha waawayn waxaa kamid ah

Calaamadahan oo dhan waxaa keena, isbadalka hormoneska eek u dhacaya jidhka gabadha. Waana xaalad culus oo hooyo kasta marto.

Calaamadaha waawayn waa kuwo la dareemo bilo kadib, waxaana kamid ah.

1. Caadada oo istaagta

In caadada kaa istaagto, waa calaamada ugu caansan ee lagu garto uurka bilowga ah .

2. Mataga subaxdii

Hadaad isku aragto hunqaaco ama mantag subaxdi ah. waa calaamada labaad ee lagu ogaan karo, inaad uur qaaday.

Hadaad yeelato matag badan. waa inaad tagtaa sida ugu dhaqsaha badan xarumaha caafimaadka, si laguu siiyo caawimo. Si aad uga badbaado fuuq-bax.

3. Ilma-galeenka oo ballaadha 

Markasta uur-jiifka sii waynaado, waxaa balaadhanaysa ilma-galeenkaada. Waxaana ogaan kara dhakhtarka, asagoo isticmaalaya qalabkiisa.

Adigu ma ogaan kartid in ilma-galeenkaada uu waynaanayo, siiba markuu uurka cusub yahay. Waana astaan kale ood ku ogaan karto inaad uur qaaday.

4. Ibaha naasaha oo midabbaysta 

Bilaha dambe ee uurka, ibtaada naasku waxay yeelanaysaa midab madaw ah. Waxaana sidoo kale samaysma khadka dhaxe ee isku-xidha bisiqleyda iyo xudunta.

Khadkan wuxuu baaba’aa markaad umusho ama aad dhasho.

5. Caloosha oo buurata 

Markaad gaadho 5 bilood, waxaa buurata calooshaada. waxa calooshaada ka soo muuqanaya ilma-galeenka oo waynaaday.

Dumarka qaada uurka marka ugu horeysa. waxay u maleeyaan in isbuuca ugu horeeyaba caloosha buurnaato. sidaas sax maaha, ilmaha caloosha lagama aqoonsan karo, ilaa laga gaadho 5 bilood.

6. Dhaqdhaqaaqa uurjiifka:- 

Ilmaha wuxuu sameeyaa dhaqdhaqaaq sida raha oo kale ah. markuu gaadho 21 isbuuc iyo wixii ka dambeeya.

7. Wallaca iyo degganaan la’aanta 

Isbadalada ku dhacaya jidhkaada, waxay keenayaan daganaansho laa’aan maskaxeed iyo nafsi ahba. Waana astaan aad ku ogaan karto uurka bilowga ah.

Waxaa kale oo kugu dhaca wallac. marxaladan oo kale gabadha waxay ku wallacdaa waxyaabo badan. sida noocyada cuntada oo kale. iyo Siday ula dhaqanto ninkeeda.

8. Cuntooyinka qaar ood aad u nacdo.

Waxaad dhibsan doontaa cuntooyinka qaar urkooda, dhadhankooda iyo aragoodaba. Cuntooyinka qaarna aad ayaad u jiclaan kartaa, adigoona ka cunaya xadi fara badan.

9. Dhabar xanuun

Xanuunkan waxaa keenaya xajmiga makaanka oo koraya. waayo wuxuu u diyaar garoobayaa inuu xambaaro ilmo gaadhaya ilaa 4 kg oo culays ah.

Garaacan waa inuuna noqon mid aad u xanuun badan iyo mid dhinac kaliya ku eg. Labadan midkood haduu noqdo waa inaad la xidhiidhaa. sida ugu dhaqsaha badan dhakharka gaarka u ah arimaha dumarka.

Maxaa dili kara ilmaha uurjiifka ah?

isbuuca koowaad ee uurka
isbuuca koowaad ee uurka toddobaad oo uur ah dareenka

Waa dhibaato kamida waxyaabaha ay wajahdo hooyada xilliga uurka. taas oo keenta iney dhiig baxdo oo cunuga burburo, si aan kutalagal ahayn.

Hadaba maxaa sababa in ilmaha uu burburo ama dhinto. xilliga uurka, daawose muu leeyahay?

Ilmaha inuu burbro waxaa sababo 10 waxyaabood. Inta badana wuxuu dhacaa sedexda bil ee ugu horeysa.

10-ka waxyaabood ugu waawayn ee sababa burburka ilmaha waxaa weeyo.

  • Hidasidayaasha ku-jira ceelka oo si qaldan u samaysma.
  • Caabuqyada.
  • Dheecaamadi ilmaha korinayay oo caqabad la-kulma.
  • Shucaaca raajada xilliga uurka cusub yahay
  • Isticmaalka daroogada iyo daawooyinka ilmaha soo rida.
  • Difaaca jidhka oo si qaldan u shaqeeya.
  • Kilya-xanuunka saa’iddka ah qaba.
  • Dadka qaba cudurka sonkorta, hadayna qaadan dawada sonkorta.
  • Daawooyinka qaar oo ay tahay ineyna isticmaalin hooyooyinka.
  • Nafaqo-daro saa’id ah.

Calaamdaha lagu garto in ilmaha dhiman rabo

Waxaa jira calaamado lagu garan karo in ilmaha dhiman rabo ama uu burburi rabo. waxaana ugu caansan 3 calaamadood oo kala ah.

  • Xanuun badan ood ka dareento caloosha.
  • Dhabarka qaybta hoose ood ka dareento xanuun badan.
  • Dhiig-bax badan.

Hadaad calaamadahan isku-aragto xiliga uurka, waa inaad si dhaqso ah isbitaalka u aado. Si xaaladaada loo hubiyo.

Sidee lagu ogaadaa xanuunkan?

Xanuunkan waxaa lagu ogaadaa, inaad tagto isbitaalka oo dhakhtarku ku baadho. asagoo kugu samaynaya wax ladhaho bulk examination.

Hooyadan uur kale may qaadi kartaa?

Hadii hooyada ilmihi ka dhintay maa laga yaabaa iney mar kale uur qaado? Jawaabta oo kooban waa haa.

87% hooyooyinka ilmaha ka burburo, si caadiya ayey u dhalaan, wax dhibaatana malahan. Laakin hadaad isku aragto 3 jeer wax ka badan in ilmaha kaa burburo, dhalmada joojiso.

Kadibna dhakhtarka ku laabo, baadhitaan dheeraad ahna mar. adigoo iska baaraya 10-ka calaamadood een kor ku soo xusnay.

Cuntooyinka u fiican hooyada uurka leh

calaa,adaha isbuuca koowaad ee uurka
uurka cusub maxaa lagu gartaa? week ee uurka hooyada

Waxaa jira cuntooyin kuu fiican inaad isticmaasho. markuu uurkaada cusub yahay, eed ku jirto 3-da bilood ee ugu horeysa. Waxaana kamid ah.

  • Cunitaanka kalluunka, gaar ahaan midka loo yaqaano salamon.
  • Cabitaanka caanaha.
  • Cunitaanka ukunta.
  • Caanaha la-fadhiisiiyo.
  • Mooska.
  • Liin macaanta.
  • Cunitaanka toonta, (xadi kooban)
  • Lawska.
  • Digirta.
  • Cunno isku-dheeli-tiran.

Cuntooyinka halista ku ah hooyada uurka leh

Waxaa jira waxyaabo ay tahay inaad isticmaalin markaad uurka qaado. si aad uga fogaato inuu ilmaha kaa burburo.

Waxaana kamid ah cuntooyinka uurka soo rida sida.

  • Inaadan isticmaalin wax dawo ah, ilaa uu dhakhtarka kuu qoro moogiye.
  • Cabista bunka, siiba markuu dhiigaadu yaryahay.
  • Ukunta cayriinka ah
  • Hilibka aan sida wanaagsan loo karinin
  • Qudaarta aan sida fiican loo dhaqin
  • Daawoyinka fitimiinada ay ku badan yihiin Fitamiin .

Calaamado digniin ah

Calaamdahan hadaad isku aragto xiliga uurka. sida ugu dhaqsaha badan u aad dhakhtarka, si xaaladaada loo hubiyo.

  • Midabka jidhkaada oo isku-badalo cadaan.
  • Dhiig sida dhiiga caadada oo kale ah.
  • Barar lama filaan ah.
  • Qandho siyaad ah.
  • Wareer badan.
  • Dhaqdhaqaaqa uurjiifka oodan dareemin.
  • Qoyaan badan oo hoosta ka imaada.
  • Hadaad u kufto dhinaca caloosha.

Talooyin caafimaad hooyada uurka leh

Talooyinkan waxay kaa caawinayaan inaad dhasho ubad caafimaad qaba. way badan yihiin talooyinka, laakin waxaan kula wadaagi doonaa kuwa ugu muhiimsan.

  • Isku-day inaad cabto 10 koob oo cabitaanka fruitska ah.
  • Iska ilaali shiishada iyo sigaarka, iyo xataa meelaha lagu cabo.
  • Qaadista waxyaabo culays badan.
  • Qaado talaalka caafimaadka ah.

Jiifka u wanaagsan hooyada uurka leh

astaamaha isbuuca koowaad ee uurka
visit the post for isbuuca koowaad ee uurka

Waxaa jira habab wanaagsan ay tahay in hooyadu u seexato. si ay u hesho hurdo fiican oo caafimaad leh, waxaana kamid ah hababkaas.

  • Inay u seexato dhinaca bidix.
  • Dhinaca midig.
  • Ha fidinin lugaha markaad jiifto.
  • Dhinacyada barkin iska-gali.

Xasuusin:- hooyada siday jeceshahay way u seexan kartaa 3-da bile e ugu horeysa uurka. laakin wixi ka dambeeya 3-da bil, waxaa muhiima iney muujiso taxadar dheeriya.

Jiifka halista ku ah hooyada uurka leh

Waxaa jira habab ayna wanaagsanayn iney hooyada uurka leh u seexato, waxaana kamid ah.

  • Ha u seexanin dhabar-dhabr.
  • Calool-calool.

Gaba-gabo

Gabadha markay uurka qaado waxay martaa marxalado kala duwan. kuwo culus iyo kuwo iska-fududba.

Hadaba hadaad noqonayso hooyo marki ugu horeysay. waa inaad wacyigaada uurka aad kor u qaado. si aad uga badbaado halisaha badan ay wajahaan hooyooyinka soomaalida.

Maqaalkan wuxuu kaa caawinayaa wax badan oo ku saabsan. waxyaabaha u fiican hooyada uurka leh iyo waxyaabaha halista ku ah.

Hadaad akhrisatay waxaan rajaynayaa inaad wax badan ka faa’iday. casharo badana aad ka baratay.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

Dhamaad.

Verified by MonsterInsights