fbpx

Talooyin wanaagsan – oo dhisaya nolosha qofka 22 better

Waxaan rabaa inaan kuula hadlo sida qof walaalkay oo kale ah. waayo dadka walaalaha ah waxay wadagaan, waxyaabo dadka kale ayna isla-wadaagin.

Waxaan kula wadaagayaa talooyin wanaagsan, oo noloshaada waxtar badan u leh. Qofna kuma siin karo talooyin ka wanaagsan kuwan.

Qodobada qoraalka

  1. Faa’iidada talooyin wanaagsan
  2. Talooyin wanaagsan maxaa kaa hor-taagan guusha?
  3. Talooyin wanaagsan sida loo noqdo qof la-jecel yahay
  4. Waxyaabaha qofka noloshiisa ku badali karo
  5. Talooyin wanaagsan oo muhiima ah
  6. Talooyin kooban
  7. talooyin wanaagsan Kobci maskaxdaada
  8. Sidee loo noqdaa qof la-ixtiraamo?
  9. 4 qodob oo nolosha qofka muhiim u ah
  10. Talooyin muhiim ah
  11. Sheeko gabadh iyo aabaheed talo wanaagsan

Faa’iidada talooyinka wanaagsan

Maxaad ka faaidaysaa hadaad akhriso ood qaadato talooyinka wanaagsan een kula wadaagi doono.

Waxaad ka faa’idaysaa waxyaabahan soo socda.

  • Inaad naftaada ku kalsoonaato.
  • Alle oo kaliya inaad ku tiirsanaato.
  • Noloshaada oo hagaagta.
  • Dadka oo si wanaagsan ula dhaqanto.
  • Inaad kasbato quluubta bulshadaada.
  • Shaqsiyaada oo fiicnaata.

Inuu qofku qaato talooyinka wanaagsan waxay muhiim u tahay asaga shaqsiyadiisa.

Talooyin wanaagsan maxaa kaa hor-taagan guusha?

Si aad u gaadho guul iyo hormar, waa inaad naftaada ka joojisaa waxyaabahan hoos ku xusan oo dhan.

  • Jooji inaad dayacdo salaada iyo cibaadada alle.
  • Iska-dhaaf inaad been u sheegto naftaada, daacad u noqo naftaada.
  • Jooji inaad wakhtigaada ku lumiso asxaabta xun-xun.
  • Jooji inaad ka cararto dhibaatada, wajah ilaa aad ka xaliso.
  • Iska-dhaaf inaad raadiso ceebaha dadka kale.
  • Iska-dhaaf inaad xasad noqoto.
  • Jooji cajiska, wahsiga iyo inaad iska fadhido.
  • Jooji ka cabsashada inaad khalad samayso.
  • Iska-dhaaf inaad farxadaada ka raadiso dadka kale. Naftaada ku qanacsanow.
  • Iska-dhaaf inaad ku noolaato xasuusta waxaad soo dhaaftay.
  • Jooji inaad ku mashquusho naftaada. Sida dabeecadahan oo kale. Maan qurux badanahay, sawir iska-qaadid badan, yaa wax iga sheegay. faan iyo istus-tus badan, dhamaan waxay dilaan kalsoonida.

sidoo kale akhriso:

maaraynta waqtiga, sida ugu fiican ee loo maareeyo waqtiga
gobolada soomaaliya maxaad ka taqaabaa?
waa maxay kalsooni iyo calaamadaha lagu garto?
saaxiibka wanaagsa iyo astaamaha uu leeyahay.

Talooyin wanaagsan sida loo noqdo qof la-jecel yahay

Waa talooyin wanaagsan oo kaa caawinaya inaad noqoto qof la-jecel yahay. oo xiiso leh bulshada dhaxdeeda.

Waa hubaal inaad noqonayso qof soo jiidasho leh, hadaad samayso talaabooyinkan.

  • Eeg indhaha qofka aad la-hadlayso, hana ka jeedsanin.
  • Dhagayso quluubta qofka, in ka-badan hadalkiisa.
  • Dhoola-cadee adigoon is-kallifaynin.
  • U muuji inaad siinayso muhiimad gaar ah, dadka markay kula hadlayaan.
  • Haduu qof su’aal ku waydiiyo, u jawaab adigoo xaalada u eegaya.
  • Dadka si dabacsan wax u waydiiso.
  • Isticmaal erayada mahadsanid mar kasta.
  • Noqon qof dhadhansada, hadalada dadka, doodaha dhaxdooda.
  • Markaad dhamaysato hadalkaada, waydii qofka fikirkiisa.
  • Si wanaagsan u gacan qaad dadka.

Waxyaabaha qofka noloshiisa ku badali karo

Waxaa jira waxyaabo yaryar ood ku badali karto noloshaada. si ay u noqoto mid ka wanaagsan sidi hore, waxaana kamid ah.

  • Wax kastoo wanaagsan inaadan xaqirin, haba yaraadee.
  • Sabarka ama dulqaad inaad yeelato
  • Waqtigaada inaad qorshaysato.
  • Isbuuc kasta inaad barato wax cusub oo faa’ido leh.
  • Dadka inaad caawiso.
  • Inuu naseexo raadiyo.
  • Masuuliyadaada inaad qaado.
  • Wax tagay inaadan u qoor-xidhnaanin.
  • Alle inaad ku xidhnaato.

Talooyin wanaagsan oo muhiima ah

Iska-ilaali inaad samayso waxyaabahan hoos ku qoran. waa talooyin wanaagsan oo ku anfacay.

  • Qof dhiban niyada haka-jabinin.
  • Haku ciyaarin qof waalan.
  • Qof kaa wayn haku af-celinin.
  • Qof kaa yarna ha-yasin waligaa.
  • Waligaa ha xasdin qof kaa sareeya.
  • Qof kaa hooseeya uf ha dhihin.
  • Iska-cafi qofki ku xumeeya.
  • Qofkaad xumaysay raali gali.
  • Qof ku aaminay ha khayaamin.
  • Qof kasta ha aaminin.
  • Qalbigaada qof kasta ha siinin.
  • Qof aan tukanin ha soo-dhawaysanin.
  • Qof ku jecel hubi oo waqti sii.
  • Ha kashifin waligaa qof kugu sir qarsaday.
  • Qof alle ku xasuusiyay u ducee.

Talooyin kooban

Waa talooyin kooban oo iftiiminaya noloshaada iyo inuu hab-dhaqanka wanaagsanaado.

  • U fikir si fog, una hadal si dagan.
  • U soco si tartiib ah, una jeclow si badan.
  • Si joogta ah u dhoola-cadee, si adagna u shaqee.
  • U bixi si qarsoon, una naxariiso si guud.
  • U niyayso alle dartiis.
  • Noqo qof akhlaaq leh, markaad noqoto madax.
  • Noqo qof aamusan, markaad xanaqsan tahay.
  • Ahow qof daacad ah, markaad saboolka tahay.
  • Ahow qof si fudud u noolaada markaad taajirka tahay.

talooyin wanaagsan Kobci maskaxdaada

  • Ka digtoonow seddex illimood
    • Illinta qofka la dulmiyay.
    • Illinta aqoonka.
    • Ilinta waalidka.
  • Dhaawac ha u gaysanin qof adiga kaa wayn, markuu hadlayana hadalka haka-jarin.
  • Hadaad aragto qof aad jeceshahay u dhoola-cadee, wuuu dareemayaa jacaylkaad u qabto.
  • Hadaad aragto hadawgaada u dhoola-cadee, wuxuu dareemi doonaa awoodaada.
  • Hadaad aragto qof kaa tagaya u dhoola-cadee, wuxuu dareemi doonaa shalayto.
  • Aadaabta barkeeda, waa inaadan galin waxaan ku khusaynin.
  • Ku kalsoonow in codka dagan, ka xoog badan yahay qaylada.
  • Ka fogow malaha xun, waayo dhib ayuu keenaa.

Sidee loo noqdaa qof la-ixtiraamo?

talooyin wanaagsan
waa maxay talooyin wanaagsan

Hadaad samayso qodobadan. waxaad noqon qof bulshada dhaxdeeda ixtiraam wayn ku leh, hadalkiisana la-maqlo.

1. Ahow qof akhyaar ah

Waa inaad noqotaa qof aamin ah.

Qofka aaminka ah waa qof laga helay waxyaabahan hoos ku xusan, waana muhiim inaad yeelato.

  • Waa inaad noqoto qof wixi loo dhiiba aan ku xad gudbin.
  • Waa in Hadalki lagugu qarsadaa aan fiifinin.
  • Amaanada waa inaad dhawrtaa.
  • Waa inaad dadka naftooda, hantidooda iyo sharaftooda dhib u gaysanin.
  • Waa in laga nabad galo gacantaada.
  • Xoolaha dadka waa inaadan ku qaadanin xatooyo iyo xoogba.

2. Waa inaad noqotaa qof daacad ah

Daacdnimadu waa inaad run ku hadashaa, runa aad ku dhaqantaa, si run ahna u fikirtaa.

Si aad u noqoto qof daacd ah waa inaa samaysaa waxyaabahan.

  • Markaad dadka wax u sheegaysid, waa inaad been u sheegin.
  • Haduu khalad kaa dhaco waa inaad runta ka sheegtaa.
  • Dambigaad gashay cid kale dusha haka saarin.
  • Waxaan wanaagsanayn dadka dhaxdooda haku faafin.
  • Ha samaynin waxaad u malaynayso iney khalad tahay.

3. Waa inaad noqotaa qof geesi ah

Geesinimadu maaha inaad gasho dagaal, ee waa inaad qiran karto haduu khalad kaa dhaco. oo aad waliba cafis waydiisan karto qofka.

Waa kuwan astaamaha wanaagsan ee geesinimada

  • Waa inaad xakamayn karto cadhadaada, marka lagaa xanaajiyo.
  • Waa inaad cafin karto qof kugu xad-gudbay, adigoo ka aar gudan kara.
  • Xaqiiqada iyo runta sheegideeda waa inaadan ka baqin.
  • Waa inaadan u kala eexanin qofka ehelkaada ah iyo qofka kale.
  • Waa inaad ka hor imaataa dulmiga iyo in dadka la-xaqiro.

4. Waa inaad noqotaa qof ixtiraam badan

Dadka waa inaad kula dhaqantaa hab-dhaqan wanaagsan oo laga dareemayo naxariis iyo qadarin. Qodobadan ayaana ugu muhiimsan han-dhaqanka wanaagsan ee dadka lagula dhaqmo.

  • Qofka waa inaad ku qadarisaa muuqaalkiisa oodan waxba ka sheegin.
  • Waa inaad ixtiraamta qofka fikirkiisa.
  • Qofka wax-qabadkiisa qadari.
  • Waa inaad tixgalisaa nidaamka qofka uu dajistay.

5. Noqo qof ilaaliya waqtiga balanta

Ogow balantu waa shay culus, diinteenana way adkaysay in balanta la ilaaliyo. Faaidada balanta oo la ilaaliyo waxaa kamid ah.

  • Qofki inaadan waqtigiisi ka luminin.
  • Waxaad ixtiraamtay qofki aad la balantay.
  • Waxaad noqon qof qawl leh.
  • Qof lagu kalsoonaan karo ayaad noqon.

6. waa inaadan noqon qof baryo badan

hadaad qofka gacantiisa mar kasta u baahato, wuxuu kuu arki doonaa qof liita, oon qiimo lahayn. Hadaba waxaa wanaagsan inaad noqoto qof wax soo saar leh.

4 qodob oo nolosha qofka muhiim u ah

Waxaa jira qodobo ay tahay inaad ilaaliso intaad noshahay. qof kastana muhiim ah, waxayna kal yihiin.

Guurka: intaad noshahay waxaa wanaagsan inaad guursatid. ood noqotid qof wehel ku haysta amba-qaadka nolosha. Qofka markuu guursado ayuu noqdaa qof isku-filan, oo wax badan qabsan kara.

Cadayga: nadaafadu waa shay ay diinteena na-farayso. wax kasta waa inaad ku dadaashaa, ilaalinta nadaafada ilkahaada. Maadaama aad markasta adeegsato afkaada.

Cadarka: catarka ama cadarka oo asagana ah, waxyaabaha lagu udgooneeyo jidhka bani’aadamka. ayaa wanaagsan inaad ku dadaasho is-carfinta iyo qaabaynta jirkaada iyo dharkaadaba.

Xishoodka: xishoodku wuxuu kamid yahay, waxyaabaha ugu muhiimsan. Hadaadan xishoonaynin bulshada dhaxdeeda qiimo kuma yeelanaysid. Markastana ku dadaal inaad dadka xushmad iyo xishood kula dhaqanto.

Talooyin muhiim ah

Kuwan waa Talooyin muhiim ah oo kaa caawinaya inaad dadka ka dhaadhiciso fikirkaada.

  1. Ku bilow inaad amaan u soo jeediso qofkaad la-hadlayso. una muuji kalsoonida aad ku qabto awoodiisa.
  2. Ku bilow waxyaabaha aad isku-raacsan tihiin, kana fogow waxyabaaha aad isku khilaafsan tihiin.
  3. Xushmee fikirka qofka aad la-hadlayso, ixtiraam u muuji. hana ku dhihin waad khaldan tahay.
  4. Hala murmin marnaba.
  5. Hadaad khaldanto ka raali gali khaladkaada.
  6. Marnaba ha u cadhoonin, isla markaana ahow mid hadl dabacsan.
  7. Haka dhax-galin hadalka qofka kale, ee dhagayso markuu hadlayo.
  8. Uga dhig hadalka sida inaad isku fikir tihiin oo kale. adigoo dareensiinaya inaad fikradiisa un u sharaxayso.
  9. Jeclaysii qofka fikradan aad la-wadaagaysid, ama shaqada aad u diraysid.
  10. Ha u soo jeedinin amaro, balse u soo bandhig aragtiyo qurux badan.
  11. Ku amaan waxyaabaha aadka u yaryar, una muuji khaladaadkiisa si qurxoon.
  12. Haku badinin hadalka, si aanu u caajisin.
  13. Kula hadal qofka intuu garaadkiisa la egyahay.
  14. La kaasho walaaladaada kaa waawayn ee khibrada leh, markaad u baahato.

Sheeko gabadh iyo aabaheed talo wanaagsan

Gabadh ayaa soo iibsatay mobile qaali ah, kadib aabaheed ayaa arkay teleefonki. markaas ayuu ku dhahay.

Aabe markaad mobileka soo iibsatay, muxuu ahaa wixi ugu horeeyay aad samaysay?

Gabadhi ayaa dhahday. waxaan soo galiya gal sare ( cover) oo telefoonka difaac u noqonaya. Kana ilaalinaya inuu jabo.

Aabihi ayaa ku dhahay, cid kugu qasabtay miyaa jirta inaad samayso sidaas?

Gabadhi, maya aabo layguma qasbin. laakin aniga ayay I anfacaysaa inaad sameeyo sidaas, si telefoonka iiga jabin.

Aabihi, may kula tahay inaad ceebaysay shirkadii soo saartay telefoonka?

Gabadhi: maya aabe shirkada ayadaaba nagula talinaysa inaan qolof sare galino. si uuna nooga  jabin.

Aabihi: waa sax laakin qolofka miyuu qiimo tirayaa telefoonka?

Gabadhi: maya aabe difaac ayuu u yahaym, inuu jabo ayuu ka ilaalinaya. waayo haduu jabo wuu qiimo beelayaa.

Aabihi: miyuu foolxumo u soo kordhiyay galkaasi telefoonka?

Gabadhi: maya qurux ayuu u soo kordhiyay.

Intuu si fiican u soo eegay ayuu ku dhahay “ aabo macaan xijaabkuna waa sidaas oo kale ee ku dhaganow had iyo jeerba”

Gaba-gabo

Qofka inuu qaato talooyinka wanaagsa iyo inuu akhristo. waxay ka caawinayaa inuu noloshiisa qiimayn guud ku sameeyo. kadibna uu hagaajiyo waxyaabaha ka khaldan.

Talada wanaagsan waa mida noloshaada wanaajinaysa, xumaanta kaa reebaysa. wanaaga ku faraysa, dadka wanaagsan kula xidhiidhinaysa. talooyinka ku hadalka dadweynaha, talooyin badbaadada gaaska dabiiciga. shirkadda gaaska dabiiciga ah ee, talooyinka badbaadinta tamarta.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

Dhamaad.

8 thoughts on “Talooyin wanaagsan – oo dhisaya nolosha qofka 22 better”

  1. obviously like your website but you need to test the spelling on quite a few of your posts Several of them are rife with spelling problems and I to find it very troublesome to inform the reality on the other hand Ill certainly come back again

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights