Waa muhiim qofkasta inuu akhristo hadal murti leh. oo kobcinaya fahamka noloshiisa. siiba kuwa aan idinla wadaagayno.
Waa qormo gaaban oon kugula wadaagayo hadal murti ah oo gaaban. kuwaas oo noloshaada wax badan ka badali kara.
Hadal murti leh oo gaaban cumar binu-khadaab
hadaladan dhamaan waa xikmadihi laga qoray saxaabigi waynaa, amirul muminiin, cumar binu khadaab.
halkan ayaan idinku soo aruurinay xikmado cajiib ah. oo laga qoray amiirki muslimiinta RC.
- Aqoonta: Raadi aqoonta oo dadka bar.
- Samirka: dulqaadu waa tiirka iimaanka.
- Shaqsiyada qofka: Noqo qof sharaf leh, daacad ah, o runta sheega.
- Nolosha adag: La-qabso nolosha adag, waayo raaxadu waligeed ma waarto.
- Wehelka: Cidaan wheel lahayn, xoolo malaha.
- Nafta: Naftaada ha-ilaawin intaad dadka kale wacdineysa.
- Cuntada: Waxba ha cunin ama si caqli badan wax u cuna.
- Guusha: Qofki ku guuleysta khayaano, maahan guuleyste.
- Caaqilka: Ninka ugu caqliga badan, waa ninka la-xisaabtami kara ficiladiisa.
- Wax-qabadka: Alle habarakeeyo ninka waxyar hadla, waxbadana qabta.
- Qofka wanaagsan: Dadka waxaan ugu jeclahay, kan daboola ceebahayga.
- Aaamusnaanta: inyar oo la-hadlo waa xikmad.
- Bulshada: inyar oo dadka la dhax-galo waa daganaansho.
- Daganaanshaha: Baro sharafta iyo xasiloodina.
- Dulmiga: Waxyar oo naxariisa ayaa ka fiican, wax badan oo dulmiya.
- Kartida: Ha u dib dhigin bari, shaqada aad qaban karto maanta.
- Cuntada: inyar oo lahadlo waa caafimaad.
- Salaada: Hadaad aragto qof dayacaya salaada, ogow wuu dayacaa waxkasta.
- Akhlaaqda: Sida ugu wanaagsan ee qof looga adkaan karo. wa inaad ka akhlaaq wanaagsanaato.
- Firaaqada: Haduu mashquulku yahay dadaal, firaaqaduna waa xumaato.
- Dulqaadka: waa shayga ugu caafimaadka badan nolosheena.
- Sirta: Qofka qarsada sirtiisa, asaga ayey gacanta ugu jirtaa arintiisa.
erayo murti ah
Waa erayo murti leh oo xul ah, waxay xambaarsan yihiin macno wayn. oo qofka u leh qiimo badan. waa xikmad gaaban erayo leh oo macaan.
- Maskaxda: Waxa kaliya ee ku xadida waa maskaxdaada.
- Dadka xun: Inaad kali noqoto ayaa ka fiican, inaad dhax-gasho dadka xun-xun.
- Shaqada: U wada socda sida dad walaalo ah, laakin u wada shaqeeya sida dad aan is aqaanin.
- Dalka: kama baqayo inuu dalka dhismi waayo. waxaanse ka baqaa caqligi dumiyay marki hore.
- Taariikhda: waxaad beerato maanta ayaad falan barito.
- Xiiso: Wanaag iyo xurmo, jaceyl iyo xubi aan dhamaanaynin, adigaan xubi kuu hayaa.
- Xikmad iyo murti: baroor ayaa qurmiso baruuryaal badan.
- Masayrku: wax kale maaha masayrku, waa cabsi laga qabo in lakala tago.
- Rajada: Rajadu nin faqiir ah kama dhigto taajir.
- Ka fogow: wax kasta oo hadhow u baahan kara raali galin.
- Sirta farxada: Inaad naftaada jeclaato waa sirta koowaad ee farxada.
- Daciifka: Noloshu uma naxariisato qofka daciifka ah.
- Fuleynimada: Cabsidu kamid maaha tilmaamaha geesiga.
- Cadhada: Waligaa ha jawaabin adigoo cadhaysan.
- Balanta: Balan ha qaadin waligaa, adigoo faraxsan.
- Niyad-jabka: Ha quusan, bilowgu badanaa waa waxa ugu adag.
- Qorshadaada: Qofna ha u sheegin qorshahaada, ee tus natiijooyinka aad gaadho.
- Amaanada: Ha aaminin dadka kuu sheega siraha dadka kale.
- Xikmada: Aqoontu way hadashaa, balse ximadu way dhagaysataa.
- Mustaqbalka: Mustaqbalkaada waxaa abuura, waxaad samaynayso maanta.
Hadal sarbeeb ah
macnaha erayo sarbeeb ah, waa hadal qoto-dheer oo xambaarsan macnayaal badan. hadaad fahanto hadaladan, wax badan ayaad ka faaideysaa.
- Baahida: Markay calooshu shaqaysa, maskaxda ayaa lunta.
- Wado gaaban: Majirto wado gaaban oo loo maro waxyaabaha nolosha ugu muhiimsan.
- Hogaamiye: Noqo qof marki la arko lajeclaado in lagu daydo.
- Xumaanta: Si aad u dawayso dhaawaca, waa inaad joojisaa taataabashadiisa.
- Go’aanka wfiican: Noloshu ma fiicnaato ilaa aad adigu fiicnaato.
- Barbaarinta caruurta: tarbiyada ugu wanaagsan ee ilmo qaato waa mida guriga. ee maaha waxa lagu baro goobaha waxbarashada.
- Halganka: Hadaadan u dagaalamin waxaad rabto, ha u ooyin waxaad rabto.
- Horumar: haduu alle kuu qoray waad gaari kartaa. waxaa muhiima inaadan quusan oo kaliya.
- Dhoolacadeynta: waa dareen lagu qariyo waxyaabo badan, sida niyad-jabka murugada iyo walwalka.
- Hooyo & Aabe: waa labada qof ee noloshooda kuu hibeeya, si aad u gaadho yoolkaada. Waxay u dadaalaan inaad hesho waxaad jeceshahay. waalidku waa qaali, qofka aan haysanin ayaana garan qiimahooda.
- Dhiiri gelin: waxaa tahay qof qiimo badan oo gaari kara heerka uu rabo.
- Jooji walwalka iyo cabsida: fuleynimadu waa sifo ayna lahayn geesiyada iyo dadka guuleysta.
- Saaxibka wanaagsan: waa midka kula raba wanaaga uu naftiisa la-rabo. Kuuma quudho waxa xun.
- Dhaqaaqa: Safarka kunka mayl ah, wuxuu ka bilowdaa hal talaabo.
hadal xikmad leh oo gaaban
waa hadal leh xikmad gaaban erayo cajiib ah iyo qoraal xiiso badan.
- Waa inaad mugdi ku jirtaa, ka-hor intayna cadceedu kuu soo bixin.
- Majiro qof qalbigaada dhaawici kara, hadaadan u sheegin sirahaada.
- Qofka oo naftiisa iyo qaabkiisa ku qanci waayo, waa calaamada lagu garto liidnaanta.
- Halganka aad maanta ku jirto, wuxuu hormarinayaa xooga aad bari u baahan tahay.
- Sharafta iyo karaamada waxaa loo sidiqeeyaa dhiig.
- Geesinimadu waa cabsidaada ood xoogaa xakamayso.
- Yeydu waxay ku xad-gudbaan qofkaan lahayn ey.
- Qiimaha kaliya ee lagu iibsan karo nabada waa geesinimo.
- Hadaar rabto khayrka minjo u-noqo, sharka laakin madax ha u-noqon.
- Fogaantu makala dheerayso dadka, ee aamusnaata ayaa kala fogeysa.
- Majiro qof lagula balamay inuu noolaanayo, ilaa uu waayeel ka noqdo.
- Haka baqin guuldarada, ee ka-baq inaadan samaynin wax isbadal ah.
- Waligaa ha u ooyin qof qalbigaada dhaawacay, oo kaa tagay.
Hadal soo jiidasho leh
- Dadka hakula dhaqmin hal dabeecad oo kaliya. Waayo cuduradu hal dawo oo kaliya malaha.
- Hadaad caado ka dhigato inaad ka xanaaqdo waxkastoo ku raali galin waayo. waligaa nolosha kuma xasilaysid.
- Shaqadaada kuma daryeeli karto, markaad xanuusato. Saxiibadaa iyo qoyskaada ayaa ku daryeeli ee xiriiri.
- Xaaskaada u Samir, waayo samirka ayaa dilaya. Dabku markuu waayo wuxuu cuno, asaga ayaa is-cuna.
- Waligaa ha nicin dadka kaa masayra, waayo waxay aaminsan yihiin inaad ka fiican tahay.
- Ha quusan hana is-dhiibin, maalintaada way imaan doontaa. Wakhti oo kaliya ayaa kaa xiga.
- Sirta noloshu maaha inaad samayso waxaad jeceshahay, ee waa inaad jeceshahay waxaad samaynayso.
- Noloshu way gaaban tahay ee ka faa’ideyso wakhti kasta oo ku soo mara.
- Dhibaato iyo xanuun kasta cashar ayey kuu noqdaan. cashar kastana nolosha qofka ayey badalaan.
- Maanta qabo waxay kuwo kale qabanaynin, si aad bari u noqoto waxayna qaban Karin kuwa kale.
- Waligaa been ha u sheegin qof ku aaminay, qof been kuu sheegayna ha aaminin.
- Markaad walaalkaa ka caawiso inuu gaadho heer, adigana waxaa tahay qofka labaad.
- Haduu qofku xanaaqo marka la-canaanto, waa calaamad sheegaysa inuu canaantaas mudnaa.
- La-sheekayso dadka caqliga badan, xataa haday yihiin cadawgaad. Waayo caqligu wuxuu la-hadlaa caqilaga.
- Qaraabadaada iyo qoyskaada cabitaan iyo cunto la cun, laakin waligaa shaqo hala-wadaagin.
- Aamusnaantu waa jawaabta ugu fiican eed siin karto qofka aan qiimeynin hadalkaada.
- Hadii qofka kaga hor istaago nolosha uu doonayo. wadada kaliya ee u furan waa inuu sharciga la-dagaalamaa.
Hadal qiimo leh
- Saaxibka beenta ah: haka baqin cadwgaada, laakin ka baq saaxiibka beenta ah.
- Saaxibka dhabta ah: waa midka garabka kuu noqda xiliga adag. talada wanaagsana ku siiya. Hadii lagu dulmiyana ku difaaca
- Jaceyl: waa dareen xoog badan oo isku-xira labo qof, jacaylku waa nafta oo la-dhibo.
- Qofka ku jecel: waxaad wehel u tahay noloshiisa, qof kalana kuguma badasho.
- Cishqi: waxaan u xiisaa markasta codkaada, waxaa tahay wehelkaygi nolosha. Aadiga la’aantaa noloshayda waa bilaash.
- Hadafka: qofka leh hadafka nolosha ma quusto. ilaa uu ka gaadho yoolkiisa iyo meeshuu doonaya.
- Qofka aad jeceshahay: jacaylku waa wax jira. haduu kugu dhacana waa cudur dawadiisu tahay qofka aad jaceylka u qaaday. Daryeelkiisu waa ilaalinta qalbiga qofka, geeridiisuna waa dayaca.
Gaba-gabo
Inaad akhriso hadal murti leh, runti waa wax dhisaayo noloshada. Waayo waxay kaa caawinayaan fahanka nolosha.
Dhamaan hadaladan waakuwo aan soo xulnay, oo qofka dareenkiisa dadnimo dhaqaajinaya.
Sidoo kale waad ku mahasan tahay inaad soo booqatay barteena sagaal! waxaan ku soo gudbinaa qoraal xiiso badan. oo Somali ah. oo ah hadalo gaaban erayo xikmad leh qoraal ah. bear with us this.
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad.
Waa murti cajiib ah
Runti waxad Soo gudbisaa qoraalo cajiib ah
Horey u soco