Dadku noocyo badan ayey u cabiraan jacaylka. Hadaad tahay dadka jecel murtida iyo suugaanta. waxaan kuu soo xulnay maansooyin jacayl oo macaan.
Haduu jacaylkaada xiiseeyo suugaanta, waxaad u diri kartaa maanso jacayl oo macaan. Waa hab fudud ood qofka ugucabiri karto jacaylkaada.
Waa maxay maanso?
Maansadu waa nooc kamida suugaanta soomaalida. Waxaana maansada kasii farcama, noocyada murtida. Sida
- Gabayga jiiftada.
- Buraanburka.
- Heesaha.
- Heelada.
- Geeraarka.
- Iyo heeso hawleedka oo dhan.
Dhamaan noocyadan murtida ee kor ku xusan, ayaa laysku dhahaa maanso.
sidoo akhri
maanso jacayl oo macaan
Waxaa curisay maansadan macaan, abwaanada sacdiyo abwaan maxamuud garcade. Waa maanso ka-hadlaysaa dulqaadka dareenka jaceylka.
Waa maanso ku saabsan qof jacayl lagu cidleeyay oo ku guulaystay in lala wadaago.
- Jacaylkaan guyaal badan.
- Guudkayga saartoo.
- La-gucleeyay kaligay.
- Gad-gadoonka jiifkiyo.
- Uga go’ay hurdada badi.
- Gacal kaan u moodiyo.
- Geesigaan jeclaadana.
- Asagoon garab isiinaynin.
- La-guhaaday kaligay.
- Mudi waxaan gooho.
- Ilmo goomahaygiyo.
- Gaadadeyda qoysaa.
- Iga goba’ tiraahdaba.
- Tiiraanyo gubaysaa.
- Kali aan la guuxaba.
- Garashiyo garawgaa.
- Gacal iyo walaalnimo.
- Lagu kala gudboon yahay.
- Galad eebe weeyaan.
- Waa guule mahadii.
- Hadaan caawa soo galay.
- Gogol raaxo taaliyo.
- Gurigi nagaadiga.
- Galad eebe weeyaan.
- Gaawihii marnaa iyo.
- Hashii iga gurnayde.
- Aan maalay gaaxdi.
- Galad eebe weeyaan.
- Geesigaan jeclaadoon.
- Uga go’ay ragoo idil.
- Haduu uu garwaaqsaday.
- Inuu gacan isiiyiyo.
- Gaaf iyo aroosiyo.
- Aan guri yagleelno.
- Adna geesigaygiyow.
- Walaalow garaadkiyo.
- Garashiyo dadnimadaad.
- Asagaa ku gudubtoo.
- Aan kugu gacloodaye.
- Amaan gaara iga hoo.
- Adaa ii gurmadayoo.
- Dhibaatadi I gaartiyo.
- Jacaylkii I gaasiray.
- Aan la gabi-dhacleeyaayoo.
- La guluubtay kaligay.
- Iga siiyay garabkee.
- Gooni ila faqayee.
- Guullaha ilaahay.
- Gooh iyo dhib dhawr.
- Guryo samo ku nolow.
- Dadku gacalo kuu noqoy.
- Kuma gooyo cadawguna.
- Geed bira hakaa dhigo.
- Farxad aanan guuraynin.
- Abidkeed guraynin hano.
Maanso jacayl ah oo gaaban
- Waxaan dhafooriyo dhabanada lahaystaa.
- Dhagaxaad arkaysiyo, dhadhaabtaa u fadhiistee.
- Iigu wacan dhibaatada, Dhayal hayga-moodine.
- Dhimbilihii jacayl baa, huuno igu dhax-yaacoo.
- Dhuunigii la-cunayiyo, biyihii la dhamayiyo.
- Iga gooyay dheeftii, hurdo inaan dhag siiyo.
- Ka dhawaajiyo khuuro, dhib yaraan ku seexdana.
- Mar horaan is-dhaafnaye, dhafar baan la liitaa.
- Hadaan dhankeedana, dhawr erey eraahdoon.
- Tafaasiil ka-dhiibana, yartu dheeman weeyoo.
- Jir dhutuca dhalaaliyo, xubnaheeda kala dhigan.
- Timahoo hal-dhaayoo. Dhuxul loo filaayiyo.
- Dhaxdoo taako moodiyo, dhoolahoo casaaniyo.
- Indhaha dheyda geeliyo, qorraxdoo dharaariyo.
- Dhexdii duhur la-moodiyo, markay ku dhugatana.
- Naxariis dhamaantood, xubnahaa dhax-qaadoo.
- Labadaada dhaayood, dhab ku hayn karaynoo.
- Naftu eegma dhugashada, dhakafaar ka qaadaa.
- Dhacadiidka joogiyo, dhib jaceyl-xun baa dilay.
- Hadaanan dhoofiyo, dhul-sare u kicinoon.
- Kala-hadaf xun nagu dhicin, geeridu dhab weeyee.
- Dhudhun labadii iilkiyo, hadaan dhinaca lau-dhigin.
- Ama waali igu dhicin, qadar aan la-dhaafaynin.
- Ii dhigayn nasiibkay, isma dhaafno inantaas.
- Guur inaan dhag-siinee. Meher aan ku dhaadeen.
- Sooryo aan ka dhiibee, aroos nalooga-dheelaa.
- Rabi baan ka dhawraaaa. jacayl gabay iyo geeraar
Maanso jaceyl oo gaaban
- Roobiyo barafka dhaxdiisa. Duufaan baan dhax socdaa.
- Had iyo jeer nasasho, iyo nabad waan ka quustay.
- Murugada aan dareemo, waxaan jeclaystaa geerida.
- Qalbigiyo laabta, waxaad moodaa iney I gubanayaan.
Maanso fajac iyo yaab ah
- Waa geedi duniduye, ninka geesi sheegtow.
- Wali gabar jaceeklkeed, adigoo gudoonsaday.
- Makaa raacday gaban kale, makuu goysay taadi.
- Iyadoon gafba u arag.
- Galbiskiyo ciyaarti, markuu galabta;un yahay.
- Barqo gaaban subaxnimo, adigoo halkii godan.
- Telefoonka gacantun, malaguu garaacoo.
- Waa guur maa lagu dhahay.
- Hal daqiiqo gudaheed, inta layska gaabsaday.
- Gaba-gaba maa lagu dhahay.
- Teelkaa iga go’aye, inoo goorta aan helo.
- Waqti iga go’aayiyo, markuu guule nagu simo.
- Adigoo gilgilanoo, wadnuhuna gig leeyahay.
- Gobo’layni dhididkuna, hadalkuna gas leeyahay.
- Sababtiisu guurkaa, guradaada ku habsaday.
- Bal gungaadh matiri taa, gurcudow haweenow.
- Iyadoo il-gibidheed, naxariisba kuu galin.
- Matidhi gar weeyaan, ma inaan gaboobaad.
- Ila gaadi wiilyahow. Wakaa gayigu badan.
- Gacaliso qof kuu ahaa, ileen lama guhaadshee.
- Gab inaad u tahayood, lagalayso iilkood.
- Ka go’ayso aadmiga, goobtii makaga tidhi.
- Intay gees istaagtoy, kuu guuxday dheeldheel.
- Qosol-gaws dambeedka ah, maka galalac siisoo.
- Kala garo makaa tiri, islaantiyo gashaantida.
- Ubadkani gurguurtiyo, gabdhahani is-ruxayab.
- Markay go’aan tahay, isku garasho weeyaan.
- Inkastoo guyaal badan, la-gorfayso sheekada.
- Inkastoo guduud iyo giriin aad ka badisaba.
- Galad sheegan maayaan, ninka guda xilkooda.
- Gogol-jiif la-yeeshee. Guur ay wadaagaan.
- Kaasay galoon-sare, u garwaaqsadaa mahad.
- Xasuustuna ku gudhantaa, geesi ay ku sheegaan.
- Xataa saacad gobalkeed, haday goshiisiyo.
- Guradiisa taalo un, ixtiraam gayaan baa leh.
- Wax la-gudo abaal baa leh, is-gamaarin dumar baa leh.
- Haday gabari kuu oyday, galin kugu dul banaysay.
- Ama dhaar ku geeraartay, gama’I dartaa diiday.
- Ha u garan xaqiiqdooda, ha istaagin giriyaadka.
- Gabgableyn haween baa leh, googaa horaa sheegtay.
- Gamaqaate nacas weeyo, guntanaan jaceyl doonay.
- Daacadi gadhkii tuugtay, giniyaad waxaa siesta.
- Garbo dheer ka soo-tuura, guruuruca dambaysiiya.
- Marmarsiiyo gaarsiiya, waa la il-garan waayay.
- Gurcudoow haween wweyo.
- Iclaan guud waxaan talo, dhalintay gudbinayaa.
- Intay geeri ii imaan, ninka gabar jeclaadow.
- Hadey kaa go’an tahay, gabalkuba intuu dhicin.
- Inta gucustu kaa dhalan, soo gunaanad caashaqa.
- Xalaashana ha garab-marin.
maanso jaceyl
- saw labo is-dhaarsaday.
- isna dhaafsada ubax.
- Saw labo is-dhawrata.
- Isna dhiiri galiya.
- Saw dhanka caashaqa.
- Doomaha ma saaraan.
- Saw damiirka maankiyo.
- Qudha isuma dhiibaan.
- Mid wuxuu dhibsanayana.
- Ka kale ma dhaawaco.
- Adna dhaymahaygaay.
- Saw kuuma dhiman karo.
- Nafta kuuma bixin karo.
- Waxa dunida dahab yaala.
- Adi kaama door bidaan.
- Saw adi daraadaa.
- Dabka diirka guba iyo.
- Badahaba ma gali karo.
Maanso dareen jacayl oo cajiib ah
- Indhahaygu waa weel.
- Waa wabi kalgacaloo.
- Waabayda caashaq.
- Ruuxay waxyeeshaa.
- Looga waysa qaadaa.
- Indhahaygu waa wiig.
- Waqti iyo dharaaroo.
- Labadii iswaayee.
- Tabashada wareeraa.
- Isu soo wadaayo.
- Axadaha wax siisaa.
- Indhahaagu waa way.
- Wadhi iyo colaadoo.
- Caqli waalan gaadhiyo.
- Rabitaan wanjalan baa.
- Isku weeraraayo.
- Wabtu waa ishaysiga.
- Indhaagu walaw.
- Ay wajigaaga yaaliin.
- Waxaan moodi jirey abid.
- Inay wax bogaagiyo.
- Wadnahaaga sheegta.
- In dhahaagu waa weedh.
- Wiglo weeyo baan loo.
- Rabigeena wayniyo.
- Wudwud baa abwaan ka ahoo.
- Indhahaagu waraceey.
- Wareegay kor eegaan.
- Cadceeday wacaanoo.
- Waqalkiyo dagaarbaa.
- Midba wayrax sheegtaa.
- Waar anay I eegtiyo.
- Anaa laygu waday taas.
- Indhahaagu waa wadhaf.
- Iyo waran cid lagu gano.
- Waad haleeli gaadhoo.
- U war qaadan waayoo.
- Laga waayay dunidoo.
- Maad waaban hogoshee.
- Dhagar baad wacanay.
- Wahankeedu doonayn.
- Indhahaagu weheshiga.
- Waa waraaq qoraaloo.
- Wadcigaad ku sugantiyo.
- Warwarkiyo dhibatada.
- Laga waayo dheehdaa.
- Indhahaadu waa qood.
- Widhwidhkiyo dhalaalkay.
- Sida waa beryaano.
- Ruuxii kol waayaa.
- Gudcurada wanjaaciya.
- Indhahaadu waanada.
- Waa wadaad afdheeroo.
- Qof samaan ka weecdo.
- Waalid caasiyaayey.
- Waaxidkii abuuriyo.
- Wacdi doorasiiyaan.
- Indhahaagu willkay.
- Kawadaan dareenkoo.
- Gudo walalcdoodiyo.
- Weynaantu hilow bay wanqashaa.
- Astaanoo wajiyo dhibnaha iyo.
- Camankay wareegtada.
- U diraan warax loo.
- Abidkood wakiishaan.
- Caro adag wax yaaliyo.
- Indhahaagu waa wadan.
- Shacab iyo wasiiro leh.
- Xigto iyo walaal leh.
- Wadartoodu wa boqol.
maanso soo jiidasho ah
- Suugaan jamashada taqaana
- Suugaan jilib laha taqaana
- Suugaan jiibtiyo ka maarmin
- Jaangoyn iyo hadal jawaab leh
- Suugaan joogsiga taqaana
- Suugaan jiifkana taqaana
- Suugaan loo wada jarmaado
- Abwaanka jiraa yaqaana
- Abwaano iskuma jiraane
- Abwaanka ka jidhidhicooda
- Aduunka jabkaa ka taagan
- Waxaan jalayaa dareenka
- Waxaan ku jawaabi maanso
- Xaalkii kolba aan la joogo
- Aduunyadu waa jasiirad
- bad iyo webibaa ku jeeran
- buuraa lagu wada jiteeyay
- jiq weeyaan xaaladeedu
- jaliilkii inna abuuray
- muxuu xayawaan dul joojay
- ku jiifa ku aan dhaqaaqin
- ku jeexa dhulkoo cajiib
- ku dhawr jaran jaro ka booda
- ku jaatinka kula fahmaaya
- mid kuu joogsadoo xariif ah
- dhashiisa mid aan jaleecin
- anigoo jiro labaatan
- jacaylkani igu abuurmay
- markaan arkay jaantus kiisa
- naftayda maxaan jikaaray
- maxaan kulahaa ha jiidhin
- axdigii aan jitaynay
- maxay iga sii jarmaaday
- naftani xiisuhu la joogo
- kagacalkuna jiidanaayo
- maxay igu tidhi ma jeesto
- jacaylkani ii bildhaamay
- jacaylkani ii bilaamay
- jaxaylkani igu talaalan
- jacaylkani aan la tiicay
- jacaylkani aan la jeestay
- jacaylkani ugu jufaysan
- jacaylkani aan xambaartay
- jacaylkani ii xurmaysan
- jacaylkani aan u deexday
- jacaylkani ii digaaya
- jacaylkani aan la riiqday
- jacaylkani ila rafaadsan
- jacaylkani igu sinqaaya
- jacaylkani ila sambaabay
- jacaylkani aan sharaystay
- jacaylkani ii shirqoolan
- markuu jeenyaha I saaray
- jujuub iga dayni waayay
- u joogsaday xaaladiisa
- jawaabtaad iga sugayso
- jamiilaay kugu ma diidin
- ruux baad tahay geya jacaylka
- ruux baad tahay loo jiboodo
- ruux baad tahay dumar u jiilan
- ruux baad tahay xumo ka jeeda
- ruux baad tahay jecel wanaaga
- jacaylkani soo dhalaalay
- jacaylkani dhitaystay
- jacaylkani casuumay
- jacaylkani aan u ciiray
- annoo baladkayga jooga
- duruusaha jeetinaaya
- markaad igu tidhi jacaylka
- hoo yoo iga sii jawaabsan
- jasaarnimo kuuma quudhin
- intaan joonyado ka buuxshay
- jawaabtani aan la daahay
- jileec igamay ahayne
- naftaan la jikaar tamaayay
- jacaylkani ii gar sheegatay
- jacaylkani igu ganooda
- jacaylkaan fooladeeyay
- jacaylkaan furay kashiisa
- jacaylkani qarada weyn leh
- jacaylkani qiimihiisa
- jacaylkani koorihiisa
- jidhkayga u diiday kaamil
- jacaylkani aan la liicay
- addaa ii jaray legiisa
- jacaylkani aan ku maydhay
- jacaylkani ii maleegtay
- jacaylkan naruuradiisa
- jihayntiyo naawilaada
- jabkiisiyo waayihiisa
- waabayda ragbaa la jiifa
- jacaylkani yaayacooday
- jilaabsiga iigu yeedhay
- jaangoyntiisaan la yaabay
- waxaan hadal jow ku siiyay
- dhakayga in aan ka joogo
- jacjuumkana aan ka dhawro
- xuskaagaan jeeni qaartay
- telkayga anoo jaleecin
- habeenkii jiif ma seexdo
- intaan geyigeena joogay
- dadkaba ruux kula jamaala
- ma jeedalin aragtidaydu
- jawharad adigaa u muuqda
- jaahaagani quruxda weyn liyo
- bariidadu waa jalkayga
- gabay iyo geeraar jacayl
maanso jacayl qoraal
- Dadku siduu ilayskiyo, Aragga iyo maqalkiyo.
- Taqajaranka oonkaa, Biyaha aayar reebiyo.
- Neecawada la ursado, Uga maarmi karinee.
- Ugu baahan yahaybaan, Aniguna nabiihaay.
- Araggaaga quruxda leh, Ugu oomanahayoon.
- Ku il doogsadaayoo, Ku ilaawi maayee.
- Weligaa ogsoonoow, Inaan kuu han weynahay.
- Iftiinkii naftaydiyo, Aayatiinkii noloshaay.
- Ma og tahay ilaawaadeey, Inaan kuu il-daranoo.
- Sida ubadkii aan dhalay, Adi kuu werwero oon.
- Inan yahay ku daydayo? Ma og tahay asluubtiyo?
- Dhaqankiyo akhluuqdiyo, Iimaanka sharafkiyo.
- Aqoonta iyo garashada, Inaan laga sinaynoo.
- Rabbigeen addoomaha, Qofkastaba in siiyoo.
- Aadmiga dhammaantii, Allaylehe sidaan qabo.
- Af-gobaadsan maayee, Adigu aad u mudan tahay?!
- Ma og tahay inaad tahay, Keligeed adduunyada.
- Taan ka eeganaayeen, Ereygeeda ku xasilo?!
- Adigaa xaqiiqdii, Iimaanka deeqoo.
- Adigaa xaqiiqdii, Unugyada jidhkaygiyo.
- Uurkayga deggayoo, Adigaa xaqiiqdii.
- Farxad igu abuuroo, Adigaan xaqiiqdii.
- Ehel kuu maleeyoo, Amintaan ku waayaba.
- Adigaa xaqiiqdii, Xiisaha I badayoo.
- Adigaanan deeqaay, Kaa oolli karinoo.
- Weligay amaantaa, Ka adkaysan waayoo.
- Afkaa iga xaddaayee, Adigaan ugaasooy.
- Dadka kaa ishaartoo, Naftu ku ogollaatee.
- Waa ayaamo duniduye, Ii hagar bax adiguna.
- Dhugo oo u fiirsoo, Aamin weedhahaygoo.
- Allaa faxane maaree, Arrimaha jacaylkoo.
- Aynu samo ku waarnoo, Farxad ku istareexnee.
- Ila qabo xaggaagoo, Xejiyoo adkeeyoo.
- Ka ilaali xagal daac, Ila dhawr ayaamaha.
- Noloshiyo adduunyada, Allaa faxane ila filo.
- Isu imashadeenniyo, Dhowaan aqal galkeennana.
maanso jacayl iyo wadani ah
- Xariir iyo Ugbaadeey. Xuural ceyn ideeqdaay.
- Tii xiriirka beertoon. Xiisaha ku kulanaay.
- Xaqiiq barashadeenii. Xigmad baa ku duugnayd.
- Iyo xaajo qaaliya. Waligiis xabiibkiyo.
- Xilkas guul mawaayee. Xanta ruux yaqaaniyo.
- Xaasidkaan helleyn libin.
- Xaashaa lilaahiye, Adna roob xagaa iyo.
- Xiin maadan noqonine, Sida mayay xiskinahoo.
- Xarfo baalaheedii, Xili gu’ya ku hooroo.
- Barqo waray xareeddii, Xoolihii durduurtana.
- Xiiqdiyo haraadkiyo, Xakaarkii ka reysteen.
- Yaad xabiibi adiguna, Xididada wadnaha suran
- Xarakaad u yeeshoo, Kasifaysay xumihii.
- Waxaan xeeriyaayoo, Markastaba xasuustaa.
- Xardhan sheekadaadii, Aan lahayn xajiintoo.
- Ku dhisnayd xaqiiqada,. Kolkii ay xayaadeey.
- Xeerbeegta caashaqu, Xubigii dhexdeeniyo.
- Xariirkeena eegtoo, Loo xilsaaray duul sare.
- Falan qayn xadh dhaafiyo, Xuuraansi dabadeed.
- Xigmad nalaku taageer, Xushmo noo dabaal dage.
- Shaal xariira nala saar, Xidigaha jacaylkoo.
- Dadku wada xaqdhowriyo, Xulka dunida naga dhige.
- Eesh calaa xalkuna waa, Inaad noqoto xilahay.
- Xalaal waa iftiimee, Barqo laysku keen xiro.
- Xamdi waaridkeenuna, Duco noo xantoobshaan.
- Arooskeena xamar iyo, Xudur iyo kismaayiyo.
- En-Ef-dhii xadkeediyo, Xagaa iyo jigjiga iyo.
- Xeebaha jabuutiyo, Xaruntii hargaysiyo.
- Puntland laga xadreeyaa,. Inaguna xaqweeyee.
- Gudanaa xilkeenoo, Xajinaa kalsoonida.
- Kuwa xumaha jecel iyo, Xaasidkana ka durugnaa.
- Aduun xeerba xeer iyo, Xidig weeye socotoo.
- Kolba xubin istaagtoo, Xayndaabka noloshuna.
- Hadba xeelad weeyoo, Markii xaajo dhalataa.
- Xalka laysla fiirshaa, Salfudeydna xaawuu.
- Xadigeedi dhaafshee, Macaan xaashi noo gali.
- Ku xariiq saxiixana, Inaynaan xilkeen gabin.
- Xarakada jacaylkiyo, Aanku waarno xiisaha.
- Xayasiiska duniduna, Xarunmaaha abidoo,
- Xabaal lama huraayoo, Aakhirana xasuuslehe.
- Xisbigii rasuulkiyo [scw], Inaan noqoto xulufada.
- Asxaabtii xaqaaheyd, Xamdi noo duceeyee.
- Xubintaasna aamiin,. Awlaad xalaaloo,.
- Xiiso aan ku korinoo, Ku xasila islaam nimo.
- Xaakim nooga tuugee, Xubintaasna aamiin.
- Xabiibi Xayaati Aamiin.
Gaba-gabo
Waxaan filayaa inaad ka heshay dhamaan maansooyinka jacaylka een kula wadaagnay. waa maansooyin xul ah, ood u qori karto qofka aad jeceshahay. siiba haduu yahay qof jecel suugaanta. amal amaan dumar abwaan hadraawi iyo gabay amal amaan dumar abwaan.
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad.