Gabaygu waa habka ugu cajiibsan ee soomaalidu ku wadaagi jireen. Xogaha, dhacdooyinka, iyo waahaya noloshooda.
Wuxuu xambaarsan yahay taariikhda umada somalida. waxaana loo isticmaali jirey, inuu gabay jacayl ama gabay sarbeeb ah.
Waa maxay gabay?
Gabaygu waa hadal murtiyeed taxan, oo ka kooban baydad isku xidhan. Oo leh qaafiyad iyo miisaan ka dhaxeeya.
- Gabaygu qaran ahaan waa hadal.
- Qabiil ahaan waa suugaan.
- Qoys ahaan waa maanso.
- Qof ahaana waa gabay.
Gabaygu waxaa boqorka maansada. Wakhti dheer ayuu ahaa, dariiqa warbixinta dadku iskugu gudbiyaan. Taariikhdana ku kaydiyaan. Dadka jecel isku amaanaan. Gabaygu wuxuu leeyahay qiimo sare somalida dhaxdeeda.
- Waa laysku abaal mariyaa.
- Talo ayaa laysku siiyaa.
- Waa lagu dagaal gala.
Gabay jacayl
waa gabay jaceyl ah oo macaan oo amaan dumar ah.
- Hadaan axdiyow jacaylka.
- Naftayda abaarey sheego.
- Mid weeyaan igu adkaaday.
- Sidii ubax iigu beermay.
- Dhamaan u adeegayaasha.
- Wadnaha ku aroorshay dhiiga.
- Waxay u ordain si-aada.
- Markaad erey qura tiraahdo.
- Naftayda agjoogistaada.
- Waxay ka heshaa awoode.
- Ruux baa tahay aan u oogoy.
- Hadaan aragiisa waayo.
- Ayaan kaliyood maqnaato.
- Anfaaciga quudan maayo.
- Biyaha kama oon baxaayo.
- Indhaha kor u qaadi maayo.
- Waxaan ahay ruux asqaysan.
- Naftaydu amaano weeye.
- Ilaahay igu ilhaamay.
- Hadana adigaan ku siiyay.
- Waxaa tahay ruux agtayda.
- Abaal ku leh aan dhamaane.
- Ardaa u yagleel jacaylka.
- Ishqiga ka adkow dhankaada.
- Dugsiga waa lagu unkaaye.
- Amaan kuma koobi doono.
- Aqoonta ilaah ku siiyay.
- Waxaa tahay ehlu khayrka.
- Janada loo furay albaabka.
- Hooyadii ku dhashay aduunkan.
- Ku keentay ifkaa amaan leh.
- Sidii ubax geed ku yaala.
- Indhuhu way kugu farxaane.
- Kumaan arag aynigaaga.
- Raga arladeena jooga.
- Midaan soo dhiga agtaada.
- Awooda ilaahay baa leh.
- Ayaan khayr leh bay ishaydu.
- Adiga ii kaa arkootay.
- Hadii uunka aynu joogniyo.
- Aduunyada oo dhan maanta.
- Adiga lay dooran siiyo.
- Daqiiqad qudha oon ku eego
- Ayaan u arkaa nasteexo.
- Amuurtan jacaylku hee dheh,
- Ayaan khayr leh bay agtaada.
- I keentay ano ordaaya.
- Uurkayga sidey arkaysay.
- Saw taa isla keen abaartay.
- Jacaylkaad igu abuurtay.
- Eed iyo dhib ka sheegan maayo.
- Waxaan u arkaa il doog leh.
- Ileys iyo meel ugbaad leh.
- Hadaan noqdo ooridaada.
- Awlaadaada hooyadoodna.
- Odhaahdiyo amaradaada.
- Hadaan u adeeci waayo.
- Sidii ilmo aad ramaysay.
- Hadaan ubaxyahow bidhaamay.
- Hilaacyahow ii iftiimay.
- Raja tahay ii maqnayde.
- Sidii ubadkiyo dhalaanka.
- Hadaan kugu ababin waayo.
- Jacaylkaad adigu beertay.
- Agtayda markaad timaado.
- Ee aad igu soo dhawaato.
- Ayaan istareexayaaye.
- Intaan ifka joogo maandhe.
- Miyaan ku ilaabayaaba.
- Indhihi ku arkaa ayaan leh.
- Rabow ha iga kaa qaadin.
- Ayaamaha iigu laaban.
- Aduunyada joogisteeda.
- Hadii aad yara ilduufto.
- Naftan igu ooli mayso.
- Ifkana sii joogi mayso.
- Dhibtana u adkaysan mayso.
- Adtaaday ku oon baxdaaye.
- U noqo ruuxii adkeeya.
- Jacaylka amaanadiisa.
- Waagi baryee ee iftiima.
- Ayaan kastoo timaada.
- Waxaan ka baryaa ilaahay.
- Inaan noqdo ooridaada.
- Inaan ilmo kuu xambaaro.
- Agtaada inaan ka muuqdo
- Intaan lay gaynin iilka.
- Dhamaan unugyada jidhkayga.
- Uurkiyo badi waaxyahayga.
- Adaa amray naftadan.
- Jacayl ku abuurkay maandhe.
Dareen caashaq gabay
waa gabay amaan ah oo ku saabsan caashaqa iyo
- Naftu waxay dareentaa.
- Kalgacal diirimaad badan.
- Daganaanta xiisaha.
- Naftay daris wadaagaane.
- Markaan ku daawado.
- Ayey dhibi idaysaaye.
- Dhookha igu kaa simay.
- Ayaa deeqay ruuxdaniye.
- Duugoobi maayo cishqiga.
- Waan dugsanayaaye.
- Dunidaba dhamaanteed.
- Adaan kugu dawoobaaye.
- Hadba waxaan diyaar garow.
- Idhaah dadab galkeenee.
- Dumar kale ka saahiday runtii.
- Oo ma daydayo e.
- Dareenkayga adigaa ku ladhan.
- Doorkaan maanta ahee.
- Ilaa daayin abidkaa.
- Ayaad wehelin doontaaye.
- Waxaan kaa dugsanayaa.
- Dhaxamaha dayrka nololeede.
- Dacal jog naftaydani.
- Aday kugu dagaysaaye.
- Daryeel iyo waxaad ii hurtaa.
- Darajo khayraade.
- Diiftii I haysaa
- Dhaqsay iiga duushaaye.
- Markaasuu dareen caashaq
- Lihi igu darooraaye.
- Dibnahaadan goortaad furtid.
- Eed dhihida dooneyso.
- Dabuubtaad tiraahdiyo.
- Kelmado daara noloshayda.
- Qalbigaa ku doogsada.
- Markaad damacdid weedhaase.
- Wadnahaa dawoobiyo.
- Kashani daacad kuu jecele.
- Markaasey dul iyo hoos.
- Farxadi wada dabooshaaye.
- Hadba waxan ku daalacanayaa
- Daaqad ii furan.
- Daal tira doojaad tahay.
- Iyo deeq ilaah wadaye.
- Durdur iyo xareed baad tahay.
- Ceeb ka daahirane.
- Daruur caashaq baad ii tahay.
- Iyo dagal barwaaqeede.
- Waxaad ii da’daa goortii.
- Uu daal isoo rido e.
- Waxaad ii dadaashaa.
- Markaan doono aragaaye.
- Gobonimo qof loo doortay.
- Oo duur xulaad tahay.
- Kuma dagin kumaan doorsadeen.
- Duni dhamaanteede.
- Kuma dayn karaayo.
- Naftaad door ku leedahay.
- Dubaaqayda xiisaha.
- Ku ladhan waa dumine.
- Allaylehe dadkaba lama sinidoo.
- Dawlad baa tahay
gabay murugo jaceyl
- Ma dhacdaa qof kaa tagay.
- Dharaar aad u baahnayd.
- Inuu eray ku soo dhaho.
- Qalbigaaga dhaawaca.
- Dhayalsigu jawaab maleh.
- Dhibta ruuxna lama dhalan.
- Hadii laysku dhiman jirey.
- Hada waa lakala dhacay.
- Kala dhuumashaa timid.
- Cid is dheehataa jirin.
- Ma haduu dhantaal yimid.
- Ana aan dhul suge ahay.
- Maxaa keenay dhiilada.
- Arooskiinan dhacaya.
- Dhaguguu u daranyahee.
- Ila dhaafa qaylada.
- Hambalyada dhambaalkani.
- Maa dhabaa ilwaadeey.
- Mise waaba dhalanteed.
- Ninka dhawrsan guursaday.
- Nasiib buu igu dhaafee.
- Wali ruuxdu may dhalan.
- Dhoolo ka qosol kaago.
- Farxad caawa loo dhigay.
- Inaan dheehdo waan rabay.
- Balse dhaawac baan ahay.
- Ninkan aad ku dhagan tahay.
- Qalbigaa ka dhiidhiyay.
- Dheeraa xasuusuhu.
- Murugadu dhamaad maleh.
- Dhinacyadu imaqnaa.
- Qof I dhawrayaan jirin.
- Aan dhintee I daawada.
- Ama dhaafa aamina.
- Dhaaxaan sugaaye.
gabay hooyo
waa hooyo macaan qoraal. hooyo macaan qiimaheeda iyo abaalkeeda lama soo koobi karo. waana gabay amaanaya hooyooyinka.
- Hooyooy macaaneey.
- Hibo tii mudnaatay.
- Habta tii isiisay.
- Horaad igu duwaysaay.
- Hooyo qaali baa tahay.
- Anigoo habaas wayn.
- Dadku ay I hiifaan.
- Hadal aanan garanaynin.
- Tii ila hadlaysaay.
- Hooyo qaali aa tahay.
- Heer dhaxantu daran tahay.
- Hoygana la bixi Karin.
- Haa markaan iraahdaba.
- Horaad igu duwaysaay.
- Hoodo iigu noolow.
- Waxaad iila heer tahay.
- Hooyo iila dhigantaa.
- Waxaan la heli Karin.
- Hoygii la garan Karin.
- Hibo iigu nolow.
- Hoobaan bislaatiyo.
- Hoygii janada iyo.
- Midhahoo hataantuqa.
- Hoostoodu tahay malab.
- Eebahay ku sii hooyo.
- Hadhici qaboobaa.
- Eebaheen hibeen jirey.
- Hooskii carshiga iyo.
- Hodan meel barwaaqa ah.
- Ilaahay ku gee hooyo.
- Alahayow ka hay hooyo.
- Jahanama ka hay hooyo.
- Holo olol ka hay hooyo.
- Waxkastaba ka hay hooyo.
- Alahayow ka sdhawr hooyo.
- Dhib ciqaab ka dhawr hooyo.
- Naartii ka dhawr hooyo.
- Dhibkastaba ka dhawr hooyo.
- Hanuunkii siraad raaci.
Gabay ku saabsan aabo
- Alahayow caadilow.
- Cududaad iga beertiyo.
- Cadkii aan ka soo guiyo.
- Caasin maayo waalidkay.
- Intuu caqligayga joogo.
- Aabo intaad cududaadiyo
- Caqligaadi ii maashay.
- Intaad caqabada nololeediyo.
- Culeys wayn iga qaaday.
- Damiir caafimaad leh baa.
- Tabayaa cabashadiy xaalkaa.
- Wakhti aan caruur ahaayo.
- Curdin soo baxaya.
- Adna cududaada nololayd.
- Waa cayn la dhaafee.
- Caqligunbaa tabayaa aabo.
- Aaboy cimrigaadiyo.
- Noloshaad la cawaysay.
- Nin caruurnimo haysaa.
- Kolay casharadaad qortiyo.
- Ma dareemo cabashadaada.
- Nin damiirku caasiyay.
- Hortii anaa cabiraya.
- Nabarada ku ciilay aabo.
- Duco waxaan curinayaa.
- Rabi inuu ku cafiyoo.
- Cadaabaha kaa duwo.
- Inta janada calfatiyo.
- Inta guusha curisay.
- Caadil kaa dhigo ee.
- Ifka cisi ku nolow.
- Aakhirana caradii janada.
gabay somali
waa gabay waano ah qoraal, oo dumarka u gaar ah.
- Horaadada intaan qaawiyiyo.
- Qoorta iyo laabta.
- Oo wixii qarsoonaan jirey.
- Iyo qalabka soo muujo.
- Qoraanka iyo nabiga scw.
- Intuu yiri quursan kari maayo.
- Qubi maayo qawlkii aliyo.
- Qaata maro fiican.
- Dhaqankayga qalan maayo.
- Oo qawl ku xiri maayo.
- Qumanihi I dhalay aabahay.
- Qaali weeyaane.
- Sumcad qaniyo.
- Quruxduu lahaa.
- Xoor I qaban mayso.
- Ma qasaarsho hooyaday macaan.
- Qayb kastoy tahaye.
- Oo qobkii walaalkay lahaa.
- Quus ka dhigi maayo.
- Qalbigayga wiilkaan ku qora.
- Qoomamayn maayo.
- Oo intaan qaraabiyo .
- Tol nahay iyo qabiilkayga.
- Intii qiimo ila dooneysiyo.
- Qurux inaan yeesho.
- Somali bay intay qaayibtay.
- Qaali igu haysa.
- Marna qaac ku shidi maayo.
- Iyo qoomamiyo ciile.
- Alahayow ha ii qqorin.
- Ninaan qaafil ka ahaado.
- Quruxdoo banaan taala.
- Iyo qalanjo boodeysa.
- Qurux iyo qalooc.
- Iyo amuur laysku qarinaayo.
- Ii soo qor faaliyo amaan.
- Lagu qasaarayo.
- Ifkoo lagu qarqoomaa leh.
- Iyo qabalo shaydaane.
- Inta aan ilaahay qalibin.
- Dunidan qiiqaysa.
- Qoortiyo qubkiyo naasihiyo.
- Qariya jirkiina.
gabay waxbarasho
waa gabay ku saabsan waxbarashada iyo tacliinta. waxtarka ay inoo leedahay iyo qiimaha qofka waxbartay.
- Maamuus sharafiyo.
- Magac waxaad ku leedahay.
- Midhaha tacliintiyo.
- Maskaxmaal markaad tahay.
- Muhandisoo aqoon leh.
- Maankiisa kaashada.
- Caqligiisa maala.
- Ka maarma asaagiis.
- Macbuudkii abuuriyo.
- Rabigiisa mahadiya.
- Markuu xaalku ladan yahay.
- Ama uu murugtiyo.
- Meesha adag uu galo.
- Astaqfaarta magansada.
- Marna aan ku caasiyin.
- Sida makhluuqa qaarkiis.
- Maahmaah mugeed waynbaa.
- Macnaheedu wuxuu ahaa.
- Ruux naftiisa maamulay.
- Meel mariyay tiisa.
- Mid kalana ku dari kara.
- Maareeye noqn kara.
- Talo miigaan bixin kara.
- Maahmaah kalaa tidhi.
- Aqoon sida mayayga.
- Mahiigaanka roobka.
- Cirka oo maaruqa.
- Maalin ay u hoortaa.
- Jahligana u maydha.
- Manfac iyo sareedana.
- Mulki kaaga yeesha.
- Murti kale waxay tiri.
- Cilmiga ood ka madhan tahay.
- Gudcur mararoobe ah.
- Mugdi ruux gudaayaad.
- Muuqaalkiisa leedahay.
- Macnaha iyo ujeedada.
- Hadaan kuu maanfuro.
- Milgaha iyo karaamadu.
- Aqoon bay u magan tahay.
- Misbaax iyo waa nuur.
- Madad iyo waa gurmad.
- Mawle eebaheen un.
- Makansiiyay adoomaha.
- Miftaaxa aqoonta.
- Taalla dunidan moolka ah.
- Masdarkaadu wuxuu yahay.
- Musxafka quraankiyo.
- Mustafaha rasuulka.
- Xadiiskiisa meel maray.
gabay macalin
Gabaygan waa gabay amaan macalin ah. oo sheegaya faa’iidada macalinku u leeyahay bulshada iyo mujtamaceena.
- Mudanow macalinow.
- Magacaadu waynaa.
- Nasabkaadu dheeraa.
- Manfacaadu badanaa.
- Mulkigiyo mahiigaan.
- Miriyo wax lahaa.
- Mawjadaha maantaa.
- Buuraha maquunsheen.
- Macalinku jahliga diid.
- Mugdigiyoo idil fogee.
- Murtiyoo dhan kaalmee.
- Maqal u kordhi dhagihii.
- Maskaxdii mataalneed.
- U dhig meel xusuustii.
- Ku labaynta socodkii.
- Mayl lagu dar luguhii.
- Meel fog iyo meel dhaw.
- Nasab sare aqoon gee.
- Mayrka cilmiga adkee.
- Maya yiri cawaanimo.
- Majaraha oftiinkana.
- Maankeeda gaarsii.
- Majaxaabi cudurkii.
- Nolosha miftaaxeed.
- Midigta alle kuu saar
Gabay saaxiibka wanaagsan
waa gabay saaxiibtinimo ka hadlayo oo qeexaya muhiimada. iyo saameynta uu leeyahay saaxiibka wanaagsan.
- Saaxiib samo kula jeclaada.
- Salaadana kuu kaxeeya.
- Saaxiib subciskiyo quraanka.
- Sunnaha iyo xadiiska toosan.
- Sadriga dhigo kugu yidhaahda.
- Saaxiib dhaqankeena suuban.
- Sinjiga iyo sawraceena.
- Intuu saydhoo ka maarmay.
- Safkaa yurub aan ku faanin.
- Saaxiib arin kula sargooya.
- Dantaadana aan ku seejin.
- Saaxiib talo kuu sifeeya.
- Sirtaadana kuu ilaasha.
- Saaxiib samirkiyo dulqaadku.
- Sad weeyaan kugu yidhaahda.
- Saaxiib dadka aan ka soconin.
- Dhexdoodana wada sabbaynin.
- Saaxiib aan kaa santaagin.
- Maantuu dhibic kaa sarreeyo.
- Saaxiib aan kugu salluugin.
- Intaad sumo seegto leedahay.
- Saaxiib aan kugu sargoynin.
- Saaxiib aan kugu salaynin.
- Qabiilkiyo soohdintaada.
- Saaxiib aan kaa socdaalin.
- Markaad dhibta caasha saarta.
- Saaxiib sacab kuu garaaca.
- Markay guuli kuu sugnaato.
- Haduu saritaan ku gaadho.
- Saaxiib aan kaa maqnaanin.
- Aduunyadu waa sagaale.
- Haduu yar simbiririxoodo.
- Saaxiib qaladkuu sameeyay.
- Sidiisa markaad u sheegto.
gabay walaalnimo
- Intii hero dunida ku taal.
- Inta xaawaley ku nool.
- Inti xaragoota dumar.
- Xamdaay ruux kula midihi.
- Hooyo wali may xambaarin.
- Waxaa tahay inan xijaaban.
- Xishood lagu ladhay akhlaaq.
- Xilkasnimo iyo aqoon.
- Asaageed xaakim dhaafshay.
- Namiim iyo xaasidnimo.
- Abidkaa laguguma xaman.
- Xumaan meeshay ka iman.
- Ayaad ka xijaaban tahay.
- Xakaar kuma bado ilaah.
- Facaa kuma dhaho xubeero.
- Kuwii kula rabo xumaan.
- Xagaaga ma soo maraan.
- Adaa xigga iigu mudan.
- Adaa xiska iigu yaal.
- Xurmaad iga mudan tahay.
- Miyaan ku xaqiri karaa.
- Xurmaad iga mudan tahee.
- Xikmadiyo weerahaan ku idhi.
- Erayadaan kuu xariiqay.
- Walaalnimaan kuugu xulay.
Gabay dhiiri galin ah
- Qabyo weeyo dunidani.
- Darajana ma sahlane.
- Dadaal oo ka sii badi.
- Dariiqaad ku socotana.
- Doqon hawga leexan.
- Nacasbaa ka damqada.
- Wuxuu dadaal ku gabee.
- Dayaxa oo kuu muuqdana.
- Hadey daruuro qariyaan.
- Ha dib dhigin hankaagee.
- Dadaal oo ku sii soco.
- Diraac adoo rajaynaya.
- Hadey abaar ku diirto.
- Barruu dirir hoorayaaye.
- Dalaga hore u sii aasoo.
- Ha kadaalin rajadaase.
- Dadaal oo ka sii badi.
- Koley darajo way kane.
- I daadihi kuna tiraahdee.
- Kartiyo dadaal uunbaa.
- Dariiqeedi lagu hantaa.
- Duruufiyo marxaladana.
- Darteed baa loo maraa.
- Waase dagaal socdee.
- Doonbaad saarantahee.
- Dadku yeyna ku hirdiyin.
- Bada yaaney kugu darin.
- Dacuuflahana ha u jabin.
- Haba diido guushaadee.
- Si kastoo lguu dilaaba.
- Dadaal oo kasii badi.
- Way dawaatay darajo.
- Dariiqeedu kaama fogee.
- Ku dadaal wixii dhiman.
- Damiirkana maaweeliyoo.
- Dagaalkaaga yuu tabin.
- Hana barin diiqadeynta.
- Haba diido rafaadkee.
- Dadaal oo kasii badi
Gabay dulmiga
- Xaq iyo darajooy kumee.Dadaalku saw tuu ahaa.Milgiyo door uu lahaa.Dadkoo dhani raadin jirey.Daruuraha koley tagaan.Dabina loo dhaafi jirey.Xaqiyo darajoy kumee.Inaad isirtoo wacnayd.Iskaa wax u daadihayso.Saw tii laysku dooran jirey.Dan guudna inoo ahayde.Danuub goormay ahaatay.
Gabay waayaha nolosha
Waa gabay ka hadlaya waaqica dhabta ah ee nolosha. Waa abwaan gallaydh.
- Jirjiroole dhawr midab leh.
- Wuu xiiso jabiyaaye.
- Ruux igu cusub jeer aan
- hubsado uma juboonaayo.
- Qofki jilicsan bay meelahaa.
- Nacabku jiidaane.
- Ma jantee xumaanata.
- Wanaagana joojin kari maayo.
- Doqonbaa abaal loo galay.
- Jeex ka soo celine.
- Kuwi nolosha ii jalmay.
- Ee ii jabaadaayay.
- Markaan gaadho jawigaan
- Rabay jeestay oran maayo.
- Danaystaa judhaaba tirtira.
- Jiridihiisiiye.
- Jaranjarada ruux iga gudbiyay.
- Kama jarmaadaayo.
- Jaanisyada dadki ii furfuray.
- Jaw ku oran maayo.
Gabay naftaada
- Naftiisa qofkaan xushmaynin.
- Damiirkiisuna xishoonin.
- Ayaa aadmiga xagtoo.
- Xumaantooda uun wad-wada.
- Hadaad aragtaa xinlow.
- Xajin nolaha marshoo.
- Ceebaha xaashiya kuqora.
- Xaqiiqdii wuu bukaa.
Gabay amaan rageed
- Raga guudka waa siman yihiin.
- Waana kala gaare.
- Ninwaliba garaadkii ayuu.
- Gees la marayaaye.
- Caqligay ku kala gooni yihiin.
- Guule amarkiiye.
- Gariirkaa arlada gaaray.
- Iyo gooha dami waayay.
- Galdaloolo ii muuqataan.
- Soo gudbinayaaye.
- Intyy gaarka ula bayray
- Ee gabaygu sheegayo.
- Iyo hadal garaan marinayaa.
- Galiya maankiina.
Gabay qoraal ah
- Rabow waxaan ahay adoon.
- Islaam muslimoo xamdiya.
- Arkaantiyo tiirarkiyo.
- Qiro oo ashaada falay.
- Rasuul malag aakhiriyo.
- Janiyo aaminay cadaab.
- Ku caabudi kali ahaan.
- Cidna soo marin amaan.
- Amaanaan kuu sidaa.
- Ayaankaygiyo hadhow.
- Umuurna waan rabaa.
- Xabaalana waan arkaa.
- Hog iyo iil waa hubaa.
- Rabow waxaan ahay adoon.
- Dhoobiyo laga uumay ciid.
- Insaan ceebliyo adoon.
- Qof baan ahay eedo badan.
- Ilduufku wa ii aqoon.
- Dhibaa igu tahay waswaas.
Gabay sayidka
- Hanfi yio hongorre soo dhiciyo.
- Hinif dabayl baa leh.
- Hana qaad iyo hilaac bililigliyo.
- Halalac roob baa leh.
- Cir habqamay xareed laga hirqaday.
- Haradigeed baa leh.
- Xiin hawle iyo heego curan.
- Hogol daruuraa leh.
- Hir doogliyo caleen hamashiyo.
- Habatac ciid baa leh.
- Ciisaha baqtiga hiigayiyo.
- Haqay midgaan baa leh.
- Huuraale cali jaamac iyo.
- Holoq dameer baa leh.
- Xididnimo haboonkeed.
- Ninkii lagu hirtaa baa leh.
- Hargaamooyin iyo ceeb.
- Ninkii gun u hoydaa baa leh.
- Hidda xumo goey heerle iyo.
- Horinta cawl baa leh.
- Hub wanaagsan heensiyo.
- Fardiyo haybad iyo luuli.
- Hodyo deeqa iyo waxsiin.
- Hor alle gaystaa leh.
- Hanaan quruxsan haashar gobeed.
- Hodan dariiqaa leh.
- Horwaynkiyo haleelada.
- Nirgaha loo hintaaqinayo.
- Haamaha karuurkee.
- La shubo holaca jiilaalka.
- Heel xoolo laga buuxiyiyo.
- Hibana eebaa leh.
Gabay sarbeeb ah
- Dool geeye hawd sare.
- Geel daajin jirey baa.
- Gabal dumay go’aansaday.
- Hadii waagu daalaco.
- Dagmadii hargeyso.
- Daayo kaga xirnaayeen.
- Iuu dawga halabsado.
- Intaa sheekhu daakirin.
- Dhulka socod dabaalsii.
- Talaabada is daba-gali.
- Wuxuu sii durduriyo.
- Dalow iyo jar iyo laag diiriyo.
- Dalow ka sii dhaco.
- Wuxuu maalmo dabadeed.
- Gooruu daal ku dhaw yahay.
- Dar allee ku soo baxay.
- Dudun dhawr qubuurood.
- Midba daraf ka yaaloo.
- Loogu xeeray sida dayr.
- Waa daw salaantuye.
- Duco kooban ku xigsii.
- Dabadeed dhaqaaq yiri.
- Dhawaaq iyo dareen maqal.
- Si digtoona u istaag.
- Dhulka dayma daymee.
- Duul ahaan wada eeg.
- Ducdan iyo docdaa dhugay.
- Kana waa dad iyo ruux.
- Shaki oo dabcigu yaab.
- Duduntiyo xabaashiyo.
- Hadalka kale ka soo duul.
- Lana yidhi duceeyoo.
- Geel jire damiinkii loo daaye.
- Daacad baad u egtahee.
- Xusul duubkan socodka leh.
- Halkeed ula dan leedahay.
Hadraawi gabay
- Maalmuhu waa wareegto.
- Aduunyadu waa hadh guura.
- Irmaankeediyo ladnaanta.
- Aadmigu laba goor mahaysto.
- Faqrigu abtirsiimo maaha.
- Hadaad aamiin xoolo hayso.
- Nimcadu kula aabo maaha.
- Miskiinka awood dareeyay.
- Itaalkiyo haynta liita.
- Ayankiyo maalmihiisu.
- Bariba way iman karaane.
- Aduunyo qofkaad ku dhaanto.
- Duruufi agtaada keentay.
- Hanoqon mar arxame bakahyla.
- Ku dhaafaya oomanaan.
- Ku dayriya arag yaraanta.
- Ku diidaya uur madhnaanta.
- Lahow daymada islaamka.
- Lahaw damqashada ogaalka.
- Kadaa urugada waxyeelka.
- Kadaa digashadiyo iraaqda.
- Kadaa afxumada saboolka.
- Markuu aqalkaada buuxo.
- Hadii eraygaa wax gooya.
- Markay hantaa isgaadho.
- Hadii dadba kuu istaago.
- Markii anfacaa samaado.
- Hadii amarkaa fulaayo.
- Oo aad tahay ruux axsaan leh.
- Bal daalaco ubadka jaarka.
- Agoontiyo maxasta baahan.
- Bal daalaco ugadooda.
- Siduu aradka uga muuqdo.
- Damiirka hadaad axdiisa.
- Dareenka ogaalka siiso.
- Bal daalaco waad ilmaynaysaa.
Gabay dardaaran
- Dharinyarow dhaliishan.
- Maahan wada dhamaantiine.
- Dhaqanka gaalada idinku badan.
- Dhawrka loo jaraye.
- Ha dhawrsadaan ceebta.
- Yaan dhawrta loo kurine.
- Dhaqankiyo hidihiyo.
- Dhamaan loox ku dhigayaaye.
- Aan idin dhigee iga dhugtoo.
- Dhuuxa hadalkayga.
Gabay dhaliil ah
- Dhalinyarooy dhaliil baan arkaa.
- Aad u dhumuc wayne.
- Dhayal iyo waxay idinla tahay.
- Nabadu dheedheele.
- Dhiigiyo naftaa loo huriyo.
- Dhaqasho xoolaade.
- Dhagooyo wadaa loo cunoo.
- Dhuuxa loo shubaye.
- Dhufeyskana rag baa ugu jiroo.
- Dhawra nabadaase.
- Waa dhaxal awoow iyo
- Awood soo dhignaan jiraye.
Gabay cay ah
- Baloodhada ku doodiyo.
- Dhulkan dayran moyee.
- Maatida kadaa male.
- Saw askari dirsociyo.
- Qoys daadehee iyo.
- Kutax darajo moyee.
- Garashiyo damiir maleh.
- Waryaa dunuub wade.
- Dadba yaad xukumaysaa.
- Sawkuwaa didaa tagay.
- Sawkuwaa dalkii nacay.
- Kuwo kale xabsigu dilay.
- Diidnay calan astaanleh.
- Daantaada maamulo.
- xus jacayl gabay
Gaba-gabo
Waa gabayo xul ah, oo iskugu jira. Gabay jacayl ah oo macaan, gabay sareeb jaceyl ah iyo gabayo kale oo macaan. Adigu midkee ku soo jiitay. post navigation leave
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad.
Just wish to say your article is as surprising The clearness in your post is just cool and i could assume youre an expert on this subject Fine with your permission allow me to grab your RSS feed to keep updated with forthcoming post Thanks a million and please keep up the enjoyable work