Bilowga wada-sheekaysiga wanaagsan. waa suaalo iyo mawduucyo dhalin kara, inaad qofka sheekooyin macno iswaydaarsataan.
Waana habka ugu fiican eed kula bilaabi karto shukaansi qof kugu cusub. waayo waxay kaa caawinayaan inaad dareemin qajilaada. Iyo inaad si wacan qofka u baratid.
Waxaan maanta ku barayaa, tusaalooyin iyo habab cajiib ah. oo kaa caawinaya inaad qof la bilowdid wada hadal xiiso leh oo macaan.
Waana xeelado kala duwan oo awood badan. hadaad u isticmaasho hab wanaagsan iyo sidaan kuu barno.
Waa maxay shukaansi?
Macnaha shukaansi waxaa weeyo, inaad ficil ama hadal aad ku soo jiidato qofka aad ka heshay. waxaana loo adeegsadaa mid qoraal ah ama mid fool-ka-fool ah.
Shukaansi qoraal ah, waa marka qofka aad ka heshay ka xishoonayso. ama ay jiraan duruufo kale oon kuu saamaxaynin. inaad qofkaas hadal toos ah ugu sheegato dareenkaada.
Shukaansi fool-ka-fool ah, waa midka aad qofka si toos ah ula-hadasho. adigoo muujinaya dareenkaada. Waana mid geesinimo iyo dhiiranaan u baahan.
Waxaa jira erayo kale oo la-macno ah sida
- Xod-xodasho.
- Haasaawe.
- Wada-sheekaysi.
- xiriir
sidoo kale akhriso
Sidee loo sameeyaa shukaansi qof kugu cusub wait please
Shukaansiga qofkaad ka heshay ayaa farxad kuu horseedi kara, hadaad sheekada isla-fahantaan. Waxaana kula wadagaayaa 7 xeeladood ood kula wadaagi karto shukaansi qof ugu cusub.
Isticmaal hadalo su’aalo u badan yihiin
Markaad qofka la-hadlayso waa inaad taxadartaa. ood xulataa erayada iyo hadalada aad qofka kula hadlayso.
Waa inaad qofka waydiisaa hadalo su’aalo u badan. suaaluhuna waa inay noqdaan, kuwo si fudud uu qofku uga jawaabi karo.
Iska-hubiqofka
Haduu yahay qof kugu cusub markaas, oodan u lahayn wax aqoon ah. iska-hubi marka hore inuu leeyahay xiriir ama inuu lamaane leeyahay.
Waxaadna ku ogaan kartaa adigoo waydiinaya suaalo koo-kooban sida.
- Maad madax banana tahay?
- Xiriir maa lagula samayn karaa?
Xod-xodasho: waxay la-macno tahay shukaansi, laakin wuxuu khaas u yahay raga. siiba marka lagu dhiirigalinayo inuu guursado.
Haasaawe: waa sheekada dhaxmarta labo qof oo horey isku soo shukaansaday. Walina wada socda.
Xiriir: waa marxalada ugu dambaysa ee shukaansiga. in labadi qof ku midoobaan guur ama gaabsi.
Hadalkaada yaree
Haday gabadh tahay, waxaad ogaataa in rag badan la-hadli karaan gabadha. sidaas darteed hadalkaada waxaad ka dhigtaa mid kooban oo la-fahmi karo.
Fahan waxay jeceshahay
Markaad rabto inaad shukaansato ama aad soojiidato qof kugu cusub. waxaa muhiima inaad khabiir ku noqoto, waxayaabaha uu qofkaas xiiseeyo. Kadibna kala sheekayso.
Tusaale: dumarku waxay jecel yihiin ninka…
- Naxariista badan
- Dhoolacadeeya.
- Furfuran
- Nadaafadiisuna ay fiican tahay.
Inaad gabadha si naxariis le hula hadasho, erayo macaan ku dhahdo. waa hab aad ku hanan karto dareenkeeda.
Saaxiib la-noqo marka hore
Xiriirka ugu wanaagsan wuxuu dhacaa. markaad noqotaan saaxiibo kadibna calaaqadiina aad u badashaan shukaansi.
Dabcan waxaana macquula inaad si fiican u barato qofkaas, intaadan shukaansanin ka-hor.
Noqo qof dabacsan
Markaad qoka la-hadlayso, u dhaqan si dabacsan. isticmaal erayada jilicsan ee muujinaya ixtiraamka iyo xadaarada sida
- Fadlan sidaas maad samayn kartaa?
- Soo dhawow walaal.
- Firaaqo maad tahay.
Dhamaan erayada noocan ah, waxay muujinayaan dabacsanaan iyo ixtirmaam. waana erayo hub ah oo qofka qalbigiisa kuu jilcinaya.
Noqo qof dagan oo macquul ah
Inaad u muuqato qof dagan, waxay qofka kale u muujinaysaa inaadan u qabin baahi badan. waayo qofka hadaad u muujiso rabitaan badan, markaad isk cusub tihiin. waxay ku abuuraysaa shaki iyo inuu gadaal u istaago.
Erayo macaan oo shukaansi ah
Waxa dhadhanka u yeelaya shukaansiga waa adeegsiga erayada macaan ee jacaylka ah.
Qofka hadaad amaanin, siiba dumarka, waxay agtaada ku dareemaysaa culays iyo cajis. hadalkaadana wuxuu noqon midaan lahayn wax dhadhan ah.
- Dhoolacadayntaadu waxay dawo u tahay xanuuno badan oon gudaha ka dareemayo.
- Waxaa tahay midaan naawilayay sanado badan, ee maad ila-daadihayn jacaylka.
- Waad istaahishaaa amaan iyo ducaba, maxaa yeelay waan kaa helay quruxey.
- Waan ku jeclahay waana ku jeclaaday, waana ku jeclaan doonaa intaan dunida joogo.
- Waad ku mahadsan tahay inaad isoo dhawaysay, waxaad tahay hormuudki noloshayda.
- Waxaa jira labo xilli oon rabo inaad adiga oo kaliya kula joogo, hadda iyo markasta.
- Majirto waxaan la barbar-dhigi karo farxada aan ku dareemo agtaada. waxaa tahay qayb kamida noloshayda.
- Waxa kaliya ee noloshayda farxad galinaya, waa inaan adiga ku jeclaado.
- Waad ku mahadsan tahay inaad ku soo biirtay noloshayda, waan ku jeclahay macaan badan.
- Waxaa tahay qofka kaliya een jeclahay. waxaad iga mudan tahay ixtiraam iyo qadarin markasta.
- Waxaan xisaabiyay inta jeer een kaa fikiro, waxayna ka badatay inta jeer. een ka fikiro naftayda. Waxaan ogaaday naftayda inaad adiga tahay.
- Qalbigayga wuxuu dareemaa fatxad iyo daganaansho, markaan eego suuradaada qurxoon.
- Mararka qaar waxaan is-waydiiyaa sababta aan kalida u ahay. ileen adigaa noloshayda ka maqnaa.
- Waxaan kuu ahaan doonaa qof naftaada daacad u ah.
- Dadku waxay dhahaan way adag tahay in la helo qof si dhab ah kuu jecel, balse aniga adigaan ku helay.
- Qiimaha uu leeyahay jacaylka maanan aqoonin, ilaa aan adiga kula kulmay.
- Waxaan rajaynayaa inaad si fiican u fahanto inaan ku jeclaan doono. intaan noolahay, sababtoo ah waxaa tahay qofka kaliya ee naftayda bogsiiya
shukaansi kaftan ah
wiilka: asc walaal. waxaan rabaa inaan yeelano shir albaabdu u xidhan yihiin (inaan kulano)
gabadhi: waxba kama qabo walaal, waa inoo barri insha alaah.
Marki la-kulmay kadib.
Wiilka: walaal dawlad maad soo dhistay wali? ( ma lagu guursaday)
Gabadhi: haa walaal.
Wiilka: maa lagu aqoonsaday.
Gabadhi: maya walaal aqoonsi ma-jiro, miisaaniyadi wadankana hoos ayey u dhacday (bilk adkaaday)
Wiilka: kadibna?
Gabadhi: mooshin baan ka-keenay( dacwad furiin ah) sidaasna cod aqlabiyad ah. ayaan kaga guuleystay. (ogolaansho ayaan ku kala tagnay)
Wiilka: armada anigana mooshin iga keentaa, hadii miisaaniyada wadanka hoos u dhacdo. (dhaqaale la’aan igu dhacdo)
Gabadhi: maya waxaan kuu samayn mudo kordhin (waan kuu samrayaa). waayo waxaan ogaaday in dawlad xun dhaanto dawlad la’aan (nin xun iney dhaanto nin la’aan)
Wiilka: hada maad ii codaysay? ( maad I ogolaatay) just a moment preparing.
Gabadhi: haa waliba waan kuugu shubayaa (anigaa ku garab taagan)
Wiilka: haye doorashadi sidee ayey u dhacaysaa (meherkeena). ma hab deegaan baa mise 4.5 (mid labada reerba isku imaanayaan)
Gabadhi: maya ma-rabo 4.5, waxaan rabaa hab deegaan (asxaabtada iyo ehelka iney kulmaan)
Wiilka: haye insha-alaah, waxaan sugnaaba waa xiliga doorashada (xiliga meherkeena)
su’aalo shukaansi ah
waxaad suaalahan u adeegsan kartaa dhamaan mawduucyada oo dhan. si aad u bilowdo ama aad ula sii wado qof kasta wada-hadalka.
Badankooda waa suaalo furan, oo ay sahlan tahay in laguu jawaabo. Waxayna dhalin karaan su’aalo muhiima ama faalooyin.
- Naftaada kawaran?
- Maad samaysay wax xiiso leh maalmahan?
- Maxaa maanta kaa qosliyay?
- Noocee ugu jeceshahay warbaahinta bulshada?
- Muxuu ahaa buugi ugu wanaagsanaa eed akhriso?
- Maad dhagaysataa heesaha? Fanaankee ayaad xiisaysaa?
- Waligaa dalxiis maad aaday? need just a moment.
Gaba-gabo
Markaad rabto inaad la-wadaagto shukaansi qof kugu cusub. waxaa muhiima inaad u dhaqanto hab dabacsan. waayo waxaa kuu sahlanaan inaad qofkaas soojiidato. moment preparing everything you.
Iintaas waxaa dheer, hadaad isticmaasho xeeladahan aan kor kugula wadaagnay. waxaa hubaal ah inaad qofka aad ka heshay soojiidan doonta. preparing everything you need/
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad.
I am not sure where youre getting your info but good topic I needs to spend some time learning much more or understanding more Thanks for magnificent info I was looking for this information for my mission