fbpx

Nin-rageed ma tihid hadii aadan lahayn xirfadahan | better

Waayaha noolashu way is-bad-badalaan markasta. Laakin waxaa jira arrimo gaar ah oo aan marnaba is-badalaynin.

Ninka raga ah waa inuu maarayn karo noolashiisa, marxalad-kasta oo uu ku sugan yahay. Waxaana jira xirfado ay tahay inuu yeesho ninku. xaalad-kasta oo uu ku-jiro. waa astaamaha nin-rageed uu leeyahay.

Waxaa lagu jiraa wakhti nimanka daciifka ah la-aaminsiiyay in raga iyo haweenku isku-mid yihiin. Waxaadna ogaataa hadii aadan lahayn xirfadahan, ma-tihid nin-rageed dhamaystiran.

sidoo kale akhri : xidhiidh ayaan leeyahay inaan single noqdo ayaan rabaa waa maxay sababta?

Waa kuwan 4 xirfadood oo ay tahay inaad yeelato, si aad u-noqoto nin-rageed xaqiiqo ah.

1- Inaad tabcato dhaqaale

inaan single noqdo ayaana rabaa waa maxay sababta
Nin-rageed ma tihid hadii aadan lahayn xirfadahan | better

Dood la’aan goobaha waxbarashada laguma barayo sida loo tabcado lacagta. taas badalkeeda waxaa lagu barayaa waxyaabo adag oo aan anfacaynin noolashaada.

Hadaba raga qaarkooda waxay bilaabaan iney noolashooda u halgamaan. ayagoon wax aqoon ah u lahayn sida loo tacbo ama loola macaamilo lacagta. iyo sida loo qaato go’aano dhaqaalahooda wax ka-badalaya. Si-ay u gaadhaan isku-filnaansho xaga dhaqaalaha ah.

Waxaa nalagu soo-barbaariyay inaan rumaysano. iney khasab tahay inaad raadiso shaqo aad ka-qaadato mushaar. Wax kale oo intaas sii-dheerna majiraan.

Hadaba muhiimadu waa inaad barataa sida loo sameeyo lacagta sida ugu dhakhsaha badan. iyo inaadan ku tiirsanayn qof kale, waana xirfad muhiim u ah ninka ragga ah noolashiisa.

2- sida loo dagaalamo

Nin-rageed ma tihid hadii aadan lahayn xirfadahan | better to know
Nin-rageed ma tihid hadii aadan lahayn xirfadahan

Qayb-kamida raganimada ayaa kaa maqan, hadii aadan aqaanin sida loo dagaalamao. Wax macna ah ma-samaysnayso inaad tahay doctor ama engineer. hadii aadan aqaanin sidaad iskaga dhicin lahayd qofka kugu xad-gudba.

Qofku waa inuu ka-dheeraadaa dagaalada wadooyinka iyo inuu dandaansado dadka. Laakin taas macnaheeda maaha inaadan baranin sida loo dagaalamo.

Bal qiyaas maalin-un adigoo la-socda xaaskaada, hadii uu qof wadada kugu dhax qash-qashaado. Maxaad samayn lahayd xaaladaas oo kale?

iskuma-hallayn kartid police-ka, waayo intay goobta imaanayaan ayaaba lagaa tagi karaa.

Xaaladan oo kale waxaa kuu banana labo doorasho mid’un. 1- inaad is-halmaansiiso xaaladaas. Waxaana ka dhalan karta inaad waydo ixtiraamki ay kuu haysay xaaskaada iyo kalsoonidi aad ku qabtay naftaada. 2, inaad iska-dhiciso qofka ku soo xad-gudbay dadka aad ixtiraamto ee aad jeceshahay. Waana inuu qofkaas kala kulmaa natiijo xun ficilkaas uu ku sameeyay dadkaada.

Waxaa nasiib-xuma ah badi nimanka maanta nool, iney dooran lahaayeen xaaladan oo kale. iney waxba samaynin oo ay is-halmaaansiiyaan jawigaas.

Taladan qaado, waligaa dagaal ha-billaabin laakin hadii ay dhacdo inaad la-kulanto xaalad dagaal. akhtiyaar kalana aad waydo inaad is-difaacdo mooyiye, waxaa wanaagsan inaad iska-dhiciso ruuxaas.

3- Maaraynta culaysyada

Kartida aad u leedahay inaad xaliso dhibaatooyinka ku soo-wajahaya iyo guusha aad gaadhayso noolashaada. waa labo shay oo isku-xidhan.

Qofka argagaxaya ee quusanaya markuu culays soo-wajaho. waligii lama-tartami karo qofka yaqaana sida loo xalliyo culaysyada noolasha iyo xaaladaha adag.

Dabcan qof-kasta wuu la-kulmaa xaalada adag inta uu nool yahay. ninka-raga ah waxaaba u dheer masuuliyad badan oo saaran, kuwaas oo culays badan. qofkuna xaalad-kasta oo adag oo soo-marta wuu ka soo-kaban doonaa wakhti ka-dib.

Ninka raga ah waa inuu noqdaa mid awood badan oo u adkaysan kara xaaladaha qallafsan ee murugada badan. waxaadna xasuusnaataa ninka aan xamili Karin culaysyada noolasha, inuuna ahayn nin-rageed.

Markaad tahay nin-rageed waa inaad awoodaa inaad maarayn karto xaaladaha xadag. waligaa marnaba ha-calaacalin.

4- Hab-fikir wanaagsan

Nin-rageed ma tihid hadii aadan lahayn xirfadahan | better to know
Nin-rageed ma tihid hadii aadan lahayn xirfadahan | better

Inaad si-fiican uga fikirto waxyaabo kala-duwan. kaama dhigayso oo kaliya mid ku fiicaan wada-hadalada. waxay kaa dhigaysaa qof fahmaya qiimaha ay leedahay noolashiisa. iyo inaad qaadato go’aano wanaagsan.

Gabo-gabo

Qodobadan waxay kaa caawinayaan inaad noqoto qof ku awood badan dhamaan dhinacyada noolasha. waana muhiim inuu barto nin-kasta xirfadahan. si uu u noqdo nin-rageed.

Dhammaad.

3 thoughts on “Nin-rageed ma tihid hadii aadan lahayn xirfadahan | better”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights