fbpx

Saaxiibka Wanaagsan – Astaamaha lagu garto better

Intaad noshoahay, saaxiibadu way imaan wayna tagayaan. Muhiimadu maaha inaad sanado badan saaxiibo ahaataan. Ee waa in qofkaas saaxiibkaa ah, noloshadaa wax wanagaasan ku soo kordhiyo.

maad ogtahay haduu qofku leeyahay, saaxiibka wanaagsan ee nolosha. waxaa korodha farxada nolosha iyo badqabkiisa.

Waa maxay saaxiib?

Macnaha Saaxiibtinimadu waa iska war-hayn, waa isku kalsoonaan iyo is aaminaad. Waa xiriir u dhaxeeya labo qof, iyo wixii ka-badan, si daacadnimo ah.

Saaxiibtinimadu maaha wax la-arko, ee waa wax la-dareemo. Iyo is fahan qoto-dheer.

sidoo kale akhriso

Astaamaha lagu garto ninka wanaagsan
Hadafka nolosha

Saaxiibka wanaagsan astamaha lagu garto

  • Waa garabkaada xili kasta.
  • Hoos kuuma eego.
  • Dareenkaada ma-dhaawaco.
  • Wuu ku ixtiraamaa.
  • Agtiisa waad ku faraxdaa.
  • Waa daacad.
  • Waa qof aamin ah.
  • Runta ayuu kuu sheegaa.
  • Wuu kula qoslaa.
  • Wuu ku dhagaystaa.
  • Markaad murugaysan tahay, wuu ku dajiyaa.
  • Murugada ayuu kula wadaagaa.
  • Dhibaatada kuguma naco.
  • Wuu kuu dulqaataa.
  • Sirtaada wuu qariyaa.
  • Kuma eedeeyo.
  • Kuma xanto.
  • Waxkastaad kala hadli kartaa.
  • Xumaanta ayuu kaa reebaa.
  • Wanaaga ayuu ku faraa.
  • Hadafkaada ayuu kugu booriyaa.
  • Wuxuu kugu dhaamo, wuu kugu kordhiyaa.
  • Waxaad uga baahato, waad ka heshaa.
  • Wuu ku difaacaa markasta.
  • Naftiisa wuxuu la-jecel yahay ayuu kula-jecel yahay.

Sidee loo noqdo saaxiib wanaagsan

Hadii dadka kugu xeeran, aad ula-dhaqanto. Sidaan kor ku soo xusnay. Hadaba waxaa tahay saaxiib wanaagsan.

Samee qodobadan.

  • Dhagayso saaxiibkaa.
  • Isku-day inaad fahanto xaaladiisa.
  • Su’aalo waydii, si-aad u ogaato dhibkiisa.
  • U dabacsanow.
  • Waydii wuxuu rabo.
  • Tus inaad garab u tahay.
  • xidhiidhi

Sideed ku ogaan kartaa saaxiibka wanaagsan

Waxaad yeelan saaxiibo badan, oo kala duwan intaad nooshahay. Nasiib wanaag, saaxiibka wanaagsan waad heli kartaa.

Inaad ogaato astaamahan, waxay kaa caawinaysaa. Inaad ogaato qofka aad u dhawaan lahayd. Iyo qofkaad ka dheeraan lahayd.

Waa kuwan waxyaabahaad ku garan lahayd.

Qiimee siduu kuula dhaqmo

  1. Fiiri siduu kuu caawiyo

Saaxiibka wanaagsan wuxuu ku dareensiin kalsooni, iyo kalsooni.

Haduu saaxiibkaa si wanaagsan kuugu dhaliilo. Sida qaabka labiskaada, iyo shaqadaada, waa astaan wanaagsan.

Fiiri inuu ku dhiirigaliyo. Saaxiibka wanaagsan waa inuu noqdaa, taageerahaada. Markasta guushaada ka qayb-qaata.

Laakin haduu saaxiibkaa kuu faano, badanka hoos kuu dhigo. Ama guushaada qariyo. Kaas maaha saaxiin wanaagsan.

2. Ogow inuu ku dhagaysto

Mararka qaar, waxaad u baahan tahay. Qof aamusa, oo ku dhagaysta. Saaxiibka wanaagsan, wuxuu yaqaanaa sida loo aamusa, oo dhagaha loo furo.

Hadaad adigu dhagaysato, saxiibkaa dhibaatooyinkiisa. Laakin asagu ku dhagaysan Karin. Markaa mahelaysid, waaxdaadi saaxiibtinimada.

Haduu kaa jeedsanayo, ama uu ku mashquulayo telefoonkiisa markaad la hadlayso. Kaas maaha saaxiib wanaagsan.

3. Xaqiiji inuu daacad yahay

Daacadnimadu waa mid kamida, astaamaha ugu wanaagsan. Ee saaxiibka wanaagsan lagu aqoonsado.

Haduu been kuu sheego, ha-yaraato ama ha-waynaato. Waa calaamad muujineysa, inaad haysanin saxiib wanaagsan.

4. Hubi inuu ku xanto

Dadka mararka qaar, way is-xantaan. Laakin hadaad aragto, saaxiibkaa oo si joogto ah u xamanaya dadka kale. Waxaa macquula, inuu adigana ku xanto, sidaas oo kale. Markaad ka maqan tahay.

Haduu dadka xanto, markay sidaasba idinka tagaanba. Waa calaamad xun. Hadaad aragto saaxiibkaa, oo eedaynaya asxaabtiisa ugu dhaw markasta. Adigana sidaas oo kale, ayuu kugu samayn.

Qiimee ficilkiisa

1)   Hadalkiisa muu ka run sheegaa

Haduu saaxiibkaa samayn waayo, wuxuu dhahay waan samayn. Ama uu muhiimad siinin qorshayaashi aad isla-qaadateen. Maaha saaxiib fiican. Saaxiibka wanaagsan, ereygaada wuu qiimeeyaa. 

Faa’iidada saaxiibka wanaagsan

Waxaa jira asxaab aan bunka iyo shaaha isla-cabno. Ama meelaha meelaha kalaba.

Qofka inuu helo saaxiib wanaagsan, waa wax faa’iido badan u leh noolashiisa.

Waa kuwan faa’idooyin aad ka helayso. Markaad leedahay saaxiib wanaagsan.

  • Kalsoonidaada oo korodho.
  • Inaad hesho qof daacad kuu ah.
  • Shaqsiyadaada oo hormarto.
  • Fikrado wanaagsan ood ka hesho.
  • Taageero bilaa shuruud ah.
  • Cidlada ood ka baxdo.
  • Farxadaada ood korodho.
  • Caafimaadkaada oo wanaagsan.
  • Walwalka oo kaa yaraada.
  • Amni inaad dareento.
  • Daganaansho.

Saaxiibka wanaagsan, maaha qofka aad iska qar-qariso. Waa qof noloshaada si qoto dheer u yaqaana.

Sidaas darteed, waxaa kuu fudud inaad qofkaas agtiisa ku samayso, waxaad rabto. Adigoon dareemin wax culays ah.

Sidee loo ilaashadaa saaxiibka wanaagsan uploaded

astaamaha saaxiibka wanaagsan lagu garto
saaxiibka wanaagsan ee nolosha.

Saaxiibadu way isbadalaan, markaad waynaato. Dadkana nolosha ayaa u saamaysa, habab kala duwan. Sida inaad inaad noqoto saaxiibka kaliya, ee xaaska leh. Ama askaabulada ah.

Waa kuwan 5 qodob, ood ku ilaashan karto saxiibka wanaagsan.

1- Noqo dhagayste wanaagsan

Saxiibkaa si qoto dheer u dhagayso, markuu hadlayo. Siiba markaad xoogaa kala maqnaydeen.

2- Tus inuu kugu kalsoonaado

U muuji saaxiibkaa inuu isku kaa halayn karo markasta. Xataa markaad mashquulka tahay, saaxiibkaa wuxuu kaa mudan yahay. Inaad siiso mudnaan gaara.

3- xiriiri saaxiibkaa

La-hadal oo xaalada saaxiibka la-soco. Siiba markaad kala fog tihiin.

4- ku dadaal inaad yeelato hab-dhaqan wanaagsan

Waxa dadka isku-haya, ee mideeya waa hab-dhaqanka wanaagsan. Sidaas darteed. Saaxiibkaa ka ilaali, waxyaabaha uu dhibsanayo.

5- u dabacsanow

Inaad u dhimriso ama aad u turto. Waa xaq uu kugu leeyahay saaxiibkaa.

Caqabadaha kaa hortaagan inaad yeelato saaxiib wanaagsan

Inaad hesho saaxiib daacad ah, oo markasta garabkaada taagan. Maaha wax sahlan.

Nolosha ayaa dadka mashquulisa. Taasoo keenaysa, inaad ka firaaqo u waydo, inaad samaysato xiriir adag.

Caqabadaha kaa hortaagan

1- Halmaanka badan

Dadku wax way halmaamaan. Laakin markuu bato, waxaa yaraada xiriirka idinka dhaxeeya. Dadki muhiimka kuu ahaa.

2- Mashquulka badan

Inaad asxaabtaada wakhti aad la-qaadan waydo, waxay yaraynaysaa xiriirkiina. Taas oo caqabad ku noqonaysa, inaad iska war-haysaan.

3- Cabsida

Dadka qaar waxay ka baqaan, iney yeeshaan saaxiibo. Maadaama asxaabtoodi hore, kala kulmeen dhibaato.

Nolosha dhamaan waa wada caqabad. Hadana waa daruuri, inaad xidhiidhiso dadka kugu xeeran, ee muhiimka kuu ah.

Goormaa la-jaraa saaxiibtinimada qofka?

Inaad barato muhiimada saaxiibka wanaagsan uu leeyahay. Waa cashar faaiido badan u leh, noloshaada.

Laakin waa inaad ogaataa, asxaabta qaar. Ineyna kuu fiicneyn saaxiibtinimadooda.

Waa kuwan xiliyada ay tahay, inaad joojiso saaxiibtinimada qofkaas.

  • Markuu ka soo gudbo, xadki idin dhaxeeyay.
  • Haduu isku dayo inuu qof kaa dhigo.
  • Been haduu kuu sheego.
  • Sirtaada haduu faafinayo.
  • Haduuna ku danaynaynin.

Haduu qofku noqdo, mid caqabad ku ah, hormarka noloshaada. Wuxuu kugu cidhiidhinayaa addunka, marla iskuday inaad ka dheeraato.

Muhiimada saaxiibka wanaagsan

Saaxiibka wanaagsan nolosheena muhiimad badan ayuu u leeyahay. Sababahan dartood.

  • Isku-aragti ayaad ka tihiin nolosha.
  • Isku-wax ayaad xiiseysaan.
  • Waad is caawinaysaan.
  • Wehel ayaad isku noqonaysaan.
  • Waxaad wadaagtaan ujeedoooyin badan.

Astaamaha saaxiibka xun lagu garto

Jawaabta oo kooban. saaxiibka xun waa qofka agtiisa aad ku dareento cidhiidhiga iyo walaaca.

Calaamadaha saaxiibka xun

  • Inuu kula tartamo markasta.
  • Dhaqamo xun inuu kugu booriyo.
  • Laguma kalsoonaan karo.
  • Muranka badan.
  • Edebta daran.
  • Guushaada kuma farxo.
  • Wuu ku ceebaystaa.
  • Xaasidnimada.
  • Caga-juglaynta.
  • Hab-dhaqan qalafsan.
  • Cayda iyo aflagaadada.
  • Saameyn xun.
  • Wada-hadalkiina ma fiicna.
  • Wuu ku ceebaystaa.
  • Markuu wax kaa rabo, ayuu ku xiriiriyaa.
  • Khayrka kuuguma yeero.
  • Salaada ma tukado.
  • Xumaanta ayuu ka sheekeeyaa,
  • Naxariis iyo xishood malaha.

Noocyada saaxiibka xun

Inkastoo saaxiibada xun, markasta saamayn xun ku leeyihiin dareenkaada. Iyo bad-qabkaada. Hadana way sii kala xun yihiin.

Waxaana kamida noocyadaas.

1- Saaxiibka anaaniga ah

Saaxiibka anaaniga ah, waxaad arki markuu dan kaa leeyahay oo kaliya. Ama markuu cidlo ama cajis dareemo. Markaad adigu u baahan tahay mahelaysid.

2- Eeda badan

Saaxiibka noocan ah, markasta si ula-kac ah ayuu kuu xaqiri. Haduu faafiyo arimaahada. Ama gadaashaada wax xun ka sheego, waa saaxiib xun.

3- Saaxiibka xad-gudubka badan

Saaxiibkan wuu fiicaan karaa, laakin xad malaha. Qofkan oo kale wuxuu faragalin karaa, lamaanahaada. Ama qoyskaada. Asagoon waxba ku waydiinin.

4- Dhibane

Midkamida hababka lagu garto, saxiibka xun waxaa weeyo. Saaxiibka u baahan si gooniya in loo daneeyo. Xataa markaad u baahan tahay garab, ee xaalad adag wajahayso.

Sidee loola macaamilaa saaxiibka xun?

Waa wax caadiya inaad la-kulanto, saaxiib xun. Hadaad dareento, in saaxiibkaa uu dhibaataynayo dareenkaada. Waa inaad raacdaa talaabooyinkan.

Samee qodobadan

Si dhaqso ah xiriirka ugu jar.

Inaad saaxiibkaa xiriirka u jarto, waxay kugu noqon kartaa caqabad. Laakin su’aalahan is-waydii.

  • Qiimahaada miyuu ilaaliyaa.
  • Miyuu ku dhiirigaliyaa.
  • Agtiisa culays miyaad ku dareentaa.

Hadaad su’aalahan si togan uga jawaabi waydo. Waa xiligaad joojin lahayd, saaxiibtinimada qofkaas.

Samayso saaxiib fiican

Waa muuhiim inaad naftaada u samayso saaxiib macno leh oo togan. Hadaad u baahato, waxaad ka heli kartaa.

  • Meelaha kulanada.
  • Xafladaha.
  • Goobaha isbooriga.
  • Maqaaxiyaha.

Gaba-gabo

Markaad akhrisay qoraalkan, waxaa laga yaabaa. In maskaxdaada uu ku soo dhacay. Saaxiibkaada daacad ah. Ee dhib iyo dheefba kula-qaysado.

Waxaa laga yaabaa inaad soo xasuusato, wakhtiyo gaar ah. Oo adiga iyo saaxiibkaa, xasuus gaara idinku leh. Oo aadan ilaawi Karin, booska saaxiibkaa kuu istaagay.

Sidaas darteed, adigana waa inaad noqotaa, qof jecel saaxiibkiis. Oo jecel inuu wanaagsanaado mustaqbalka saaxiibkiisa. Ku boori inuu sameeyo, waxyaabo wanaagsan. Xumaantana ka waani.

Hadaad leedahay saaxiibka nolosha oo kugu wayn. magaciisa hoos ku xus.

La-wadaag, asxaabtaada. Mahadsanid.

Dhamaad.

Verified by MonsterInsights