fbpx

Waa maxay kalsooni? Baro sida loo dhiso kalsoonida better

Kalsoonidu waa aaminaada aad ku qabto naftaada, kartidaada iyo aqoontaada. Waa aaminaada aad ku qabto shay, ama qof kale.

Hadaba waligaa maad is waydiisay su’aasha ah. Waa maxay kalsooni? Calaamadaha lagu garto kalsoonida. Noocyada kalsoonida, iyo faa’iidada ay leedahay kalsoonida.

Waa maxay kalsooni?

Kalsoonida nafta waa mid kamida waxyaabaha aan sida cad loo qeexi Karin. laakin aad garanayso markaad aragto, qof leh.

Waxay noqon kartaa, kalsoonida nafta. Inaad aaminto ama aad ku kalsoonaato qof kale.

  • Kartidiisa.
  • Tayadiisa. Iyo
  • Xukunkiisa

Waxayna kalsoonida nafta saamaysaa waxkastoo ku saabsan noloshaada. Sida

  • Habkaad u aragto naftaada.
  • Sidey dadka kale kuu arkaan. Iyo
  • Sidaan u qabano shaqooyinkeena.

Calaamadaha qofka isku-kalsoon lagu garto.

Waxaa jira astaamo lagu garto qofka isku-kalsoon. Adigu maad leedahay calaamadahan hoos ku xusan.

Qofka isku kalsoon waxaa lagu gartaa sifooyinkan hoose.

  • Waad firfircoon tahay.
  • Dadka hadalkooda ma saameeyo.
  • Waxa saxdaa ayuu sameeyaa.
  • Khaladkiisa wuu qirtaa.
  • Si togan ayuu u fikiraa.
  • Eedaynta wuu u adkaysan karaa.
  • Khataraha ayuu u badheedhaa.
  • Wax soosaar ayuu leeyahay.
  • Waa qof dagan.
  • Qof kale kuma tiirsana.
  • Dhaliishiisa wuu aqbalaa.
  • Qof kale iskuma haleeyo.
  • Guusha dadka kale kama baqo.
  • Dadka ma-baryo.
  • Isbadalka kama cabsado.
  • Dhagaysigiisa ayaa ka badan hadalkiisa.
  • Dadka oo dhan si wanaagsan ayuu ula-dhaqmaa.
  • Qofka la-hadlayo indhihiisa ayuu eegaa.
  • Hadaf ayuu leeyahay.
  • Wuu naxariis badan yahay.
  • Naftiisa wuu daryeelaa.
  • Isma-kibriyo.
  • Noloshiisa way nidaamsan tahay.
  • Si joogto ah ayuu wax u bartaa.
  • Waad dulqaad badan tahay.
  • Naftiisa ayuu maal-gashadaa.

Faa’iidooyinka kalsoonida

Inaad naftaada ku kalsoonaato, waxay leedahay wax-tar badan. Waa kuwan faa’iidooyin ay sheegeen daraasaduhu. Kuwaas oo laga helo kalsoonida.

  • Cabsida oo yaraata.
  • Dadka ood saamayn ku yeelato.
  • Inaad hogaamiso dadka.
  • Hab-dhaqan wanaagsan.
  • Waxaad dareemi inaad qiimo leedahay.
  • Dadka oo ku ixtiraama.
  • Soo jiidasho ayaad yeelan.
  • Si togan ayaad u fikiri.
  • Cabsidaada oo yaraata.
  • Dhiiranaan.
  • Xoriyad ayaad dareemi.
  • Cimri dherer.
  • Farxad badan.
  • Furfurnaan.
  • Hal-abuur.
  • Shaqsiyadaada oo awood yeelata.

sidee loo dhisaa kalsoonida?

Waxaa jira waxyaabo aad samayn karto, si-aad u dhisto kalsoonidaada. waa kuwan 6 tallaabo oo aad ku dhisi karto kalsoonidaada.

1- Daryeel naftaada.

Inaad naftaada daryeesho, waxay xoojinaysaa kalsoonidaada. Hadaba waa inaad samaysaa qodobadan.

  • Hurdo kugu filan seexo.
  • Nadaafadaada ilaali.
  • Cunto fiican cun.
  • Ilaali dareenkaada.
  • Si togan u fikir.
  • Xiriiri ehelkaada.

2- Fiiri guulihi aad gaadhay

Way fududahay inaad dareento, kalsooni la’aan. Hadaad aaminto inaadan waxba xaqiijin Karin.

Hadaba qor oo tax, waxyaabaha noloshaada aad ku faanto. Xataa hadaad keentay sida dhibco fiican oo kale.

Qor oo dhig agtaada, waxaad ku faanto hadaad qabatana ku dar.

Markaad dareento kalsooni la’aan, dib u fiiri qoraalkaadi waxyaabaha aad ku faanto.

3- Xiriir togan samayso

Dadka taban ee hoos kuu riixaya, waxay burburin karaan kalsoonidaada. Sidaas darteed isku-day.

  • Inaad wakhti yar la-qaadato dadka taban.
  • Inaad la-saaxiibto dadka togan ee hadafka leh.
  • Dadka ku dhiirigaliya inaad la-saaxiibto.
  • La-saaxiib dadka kuu mahadceliya.
  • Iyo dadka wanaagsan.

4- Ka-fikir waxyaabaha aad ku fiican tahay

Qofkasta waxaa jira, waxyaabo uu ku fiican yahay. Ee adiga kuwaada maxay yihiin?

Inaad ogaato waxaad ku fiican tahay, ood hagaajiso. Waxay kaa caawinaysaa, inaad dhisto kalsoonidaada.

5- Naftaada la-tartan

Inaad naftaada la-tartanto, waxay kor u qaadeysaa kalsoonidaada. Hadaba si aad naftaada ula-tartanto.

  • Waa inaad samaysataa yool cad.
  • Yeelataa qorshihi aad ku gaadhi lahayd.

Hadaad rabto yeyna ahaanin, hadafyo waawayn. Wuxuu noqon karaa hadafkaada, inaad barato sida loo kariyo saanbuuska.

Kaliya samayso hadaf cad, oo xaqiijin karto. Si-ay kor ugu kacdo kalsoonidaada.

6- Naftaada kor ula-hadal

Marnaba ma yeelan kartid kalsooni, Hadaad si taban u fikirayso. Ama aad naftaada u sheegayso, inaad qaban Karin waxaas.

Dib u fiiri sidaad ula-dhaqanto naftaada, iyo sidey u saamaynayso kalsoonidaada. Hadaba naftaada ula-macaamil sida qof aad saaxiibo qaaliya tihiin oo dhiirigali.

Noocyada kalsoonida

Waxaa jira dhawr nooc oo loo-qaybiyo kalsoonida, kuwaas oo kala ah.

1- Kalsoonida awoodaada

Waxay quseysaa kalsoonida noocan ah.

  • Awoodaada qabashada shaqada.
  • Barashada wax cusub.
  • Maareynta xaaladaha.

2- Kalsoonida muuqaalka

Midan waxay ku saabsan tahay, habkaad u qiimayso.

  • Labiskaada. Iyo
  • Muuqa jidhkaada.

3- Kalsoonida kartidaada

Kartida aad u leedahay qabashada shaqadaada.

  • Aqoonta aad u leedahay hawlahaada.
  • Diyaar-garowgaada shaqada.

4- Kalsoonida qiimahaada

Hadaad tahay qof aan laga-maarmin goobta shaqada. waa calaamd muujineysa kalsoonida qiimahaada iney sareyso.

  • Qiimaha wax qabadkaada.
  • Qiimaha shaqsiyadaada.

5- Kalsoonida sumcadaada

Sidoo kale kalsoonida qofka waxaa kor u qaadi kara, siduu dadka kale ula-macaamilo.

  • Sidaad dadka kale ula-dhaqanto.
  • Naxariistaada.
  • Dulqaadkaada.

Qasab maaha qofku inuu yeesho, dhamaan noocayadan oo dhan. Si uu u noqdo qof isku kalsoon. Waxaa kugu filan qaybo kamida.

Kalsoonida iyo isla-waynida

Farqi wayn ayaa u dhaxeeya kalsoonida iyo isla-waynida. Inaad isku kalsoonaato, waxaa weeyo. Inaad aaminto ood isku-hubto kartidaada iyo aqoontaada.

Isla-waynaanto waxaa weeyo, inaad aaminto in kartidaada. iyo aqoontaada ay kaa dhigayso mid ka fiican dadka kale.

Kalsoonidu waa inaad si togan u muujiso kartidaada iyo aqoontaada. Islawayniduna waa inaad si taban u muujiso kartidaada iyo aqoontaada.

Caadooyin burburinaya kalsoonida nafta

Hadaba kalsooni darada waxay ka dhalan kartaa dhibaatooyinka aad kala kulanto bulshadaada. Ama dhibaato caafimaad oo xaga maskaxda ah, taasoo saamaynaysa habkaad u aragto nolosha.

Waxaa kale oo keeni karta kalsooni darada. inaad leedahay dhaqamo burburinaya kalsoonidaada.

Bal aan isla eegno caadooyinkan. si aad u garato kadibna aad u billowdo inaad samaysato caadooyin fiican.

Muhiimada kalsoonida.

  • Jihada nolosha ayaad fahmi.
  • Waxaad kuu sahlan inaad guuleysato.
  • Hawlkar ayaad noqon.
  • Khibrad ayaad u yeelan nolosha.

6 caado oo burburinaya kalsoonida nafta

1- Inaad dayacdo muuqaalkaada

Dabcan waan naqaanaa ahmiyada ay leedahay nadaafada wanaagsan. waana daruuri inaad ilaalisaa caafimaadkaada iyo muuqaalkaada. Si aad kalsoonidaada u kobciso.

Mid kamida arimaha keenaya inaad kalsooni laan noqoto. waa inaad dayacdo naftaada, waana ixtiraam xumo aad ku samaysay shaqsiyadaada,

intaas waxaa dheer, hadii aadan ku qanacsanayn muuqaalkaada. waxaa hoos u dhacaya kalsoonidaada waliba markaad ku dhax-jirto bulshada.

Ilaalinta muuqaalkaada, waxay tiir muhiima u tahay, in kalsoonidaada xoogaysato.

2- Inaad aqbali waydo ceebahaada yar-yar

Markaad muraayada isku-eegto. si dhakhso ah maad u dareentaa ceebahaada yar-yar ee ka muuqda muuqaalkaada. kadibna maad ku mashquushaa ceebahaas.

Markaad isku eegayso muraayada, markaasba may kuu muuqaadaan ceebahaada yaryar. Kadibna ciladahaas maad ku mashquushaa.

Waxay noqon kartaa, hal ilig oo kaa maqan ama timaha madaxaada oo yar.

Hadaba hadey jirtaan arimahan oo kale, waa inaad joojisaa. Waayo dhaqanka noocan ah, waa dilaaga kalsoonida nafta.

  • Jooji inaad si aada u fiiriso.
  • Inaad xaqirto naftaada jooji.
  • Cambaareynta naftada jooji.
  • Jooji murugada.

Waxaadan waxba ka qaban Karin, isku-day inaad ku samirto ood horey uga socoto. Ku mashquuli naftaada, waxyaabaha ay ku fiican tahay.

3- daciifnimadaada Inaad ka sheekayso

Farqi wayn ayaa u dhaxeeya, inaad tahay qof la neceb yahay iyo inaad aaminto.

Hadaad naftaada markasta dhaliiso, oo faalo xun ka bixiso. Dadku waxay ogaanayaan, daciifnimadaada iyo waxaad ku liidato. Waxaana ka dhalata laba arimood un.

  • In dadku ku dhibsadaan.
  • Iney kuu arkaan, mid ka-liita siday moodayeen.

Hadaba marnaba dadka kugu xeeran, ha la-wadaagin waxyaabaha aad ku liidato. Hadey yihiin dad kaa caawinaya dhibaatadaas, waa caadi. Waad la-wadaagi kartaa.

Midna ogow, qofkasta wuxuu ku liito iyo wax uu ku fiican yahay ayuu leeyahay. Waana waxyaabaha dadka kala soocaya. Waana sunada nolosha.

Sidaas darteed xooga saar waxyaabahaad ku wanaagsan tahay. Waxyaabaha aad ku liidatana, hagaaji intaad karto. Laakin marnaba haku mashquulin.

4- Amaanta badan ee dadka kale

Markaad si aada u amaanto, qof kale. Waxaad qofkaas si-dadban u sheegaysaa, inuu kaa fiican yahay.

Waa wax caadiya oo loo baahan yahay, in qofka aad ku amaanto wuxuu ku fiican yahay. Laakin haday noqoto wax xad-dhaaf ah. Markaas naftaadu waxay aaminaysaa, iney qofkaas kale ka hooseyso.

Hadaba intaad ku celcelin lahayd, amaanta qofkaas kale. Alle uga mahadceli kartida iyo aqoonta uu ku siiyay.

5- beenta naftaada ood aaminto

Hadii aad kamid tahay sidey dadka u badan yihiin. waxaad la kulantay fikrado taban oo kuu saabsan naftaada mararka qaar. kuwaas oo ay kuu sheegayso naftaada.

Waa arin dadka badankooda la kulmaan. Naftu mararka qaar, waxay kuu sheegaysaa fikrado taban. Oo ku saabsan noloshaada.

Laakin nasiib xumadu waxaa weeyo. Inaad si fudud u aaminto waxyaabaha beentaa een u sheegno nafteena.

Hadaad markasta aaminto, fikradahan beentaa. Wakhti kadib, waxyaabahan taban waxay burburinayaan kalsoonidaada. Waxaana hadhow kugu adkaan doonta naftaada inaad aaminto. Iyo inaad xaqiijiso yoolashaada mustaqbalka.

6- Raali-galinta xad dhaafka ah

Maad is-aragtay adigoo raaligalinaya dadka, xataa hadii ay kaa khaldan yihiin.

Maad aragta, adigoo markasta raaligalinaya dadka, xataa markay kaa qaldan yihiin.

Raaligalintu waa wax fiican, oo nolosha qofka daruuri u ah. Laakin inaad ku celceliso markasta, iga raali noqo. Kalsoonidaada ayey dhaawacaysaa.

Hadey badato raaligalintaadu. Waxay dadku kuu arkayaan, qofaan ku kalsooneyn kartidiisa iyo go’aanadiisa.

Marnaba raaligalin ha-bixin, hadiiba lagaa khaldan yahay. Iyo haduu waxaas mudnayn, raaligalin in laga bixiyo.

waa maxay kalsooni- baro sida loo dhiso kalsoonida

Dhibaatooyinka kalsooni darada qeybaha ugu muhiimsan

  • Aqoon la’aan.
  • Ilow badan.
  • Guul-daro dhinaca shaqada iyo nolosha.
  • Firfircooni la’aan.
  • Dhaxgalka bulshada oo kugu adkaada.

Gaba-gabo

Kalsoonidu waxay asaas u tahay, hormar kasta ood rabto inaad gaadho. Waana daruuri qofka nool maanta, inuu xoojiyo kalsoonidiisa. Asagoo raacaya talaabooyinka ku xusan kor.

Waxaan rajeynaa inaad wax badan ka faa’iiday qormadeena maanta. ee “waa maxay kalsooni” hadaad si fiican u fahanto qormadan. waa hubaal inaad isku kalsoonaan doonto.

Sidoo kale iska ilaali caadooyinka burburinaya kalsoonidaada. Hadaad horey iskugu aragtayna, sida ugu dhakhsaha badan u jooji. Midna ogow nooloshaada, adigaa masuul ka ah. Qof kale maaha. soomaali ahaan tallaabo oo aad ku xoojin karto.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

dhamaad

2 thoughts on “Waa maxay kalsooni? Baro sida loo dhiso kalsoonida better”

  1. Usually I do not read article on blogs however I would like to say that this writeup very compelled me to take a look at and do so Your writing taste has been amazed me Thanks quite nice post

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights