fbpx

Dhibaatada siigada sida ugu fudud ee loo joojiyo better

Dhibaatada ugu wayn ay siigadu raga ka dhaxlaan,. waxaa kamida dhibatada ay jirkooda u gaystaan.

Dhalinyarada qaar naftooda waxaa halaagtay siigada. waxaana kula wadagaayaa qoraal kuu iftiiminaya dhibaatada siigada.

Maqaalkeena maanta wuxuu ku saabsan yahay

  • Waa maxay siigada?
  • Dhibaatada siigada caafimaad ahaan.
  • Saamaynta xun ee siigada.
  • Sidee loo xalin karaa siigada?
  • Sidee looga soo kaban karaa caadadan xun?
  • Yaa ku badan siigada raga iyo dumarka?
  • Siigada iyo diinta islaamka?
  • Daawada siigada

waa maxay siigada?

siigadu waa inuu qofku iska keeno biyo, asagoo ku ciyaaraya xubintiisa taranka. Waana caado aan u fiicnayn qofka dhaqankiisa diintiisa iyo cafimaadkiisa.

sidoo kale akhri

talooyin wanaagsan oo dhisaya noloshaada.
maraynta waqtiga sida ugu fudud ee loo maareeyo.
sidee miisaanka loo dhimaa 7 maalmood gudahood?

Saamaynta xun ee siigada

  • Maskaxda oo ku qalasha.
  • Faxankaada ito xifdiskaada oo xumaada.
  • Xawliga dhiigaada oo daciifa.
  • Xubinta taranka oo ku jilicda.
  • Miisaanka jirkaada oo yaraada.
  • Dulqaadkaada oo yaraada.
  • Hurdadaada oo badata.
  • Cuncun iyo is-xoqid badan.
  • Shalay iyo halmaam badan.
  • Inaad horey u guursan waydo.
  • Inuu caadaysto samaynta siigada.
  • Waxaa kugu adkaanaya inaad jarto caadadan.
  • Jidhka ood ka dareento daal iyo xanuun.
  • Fikir iyo walbahaar badan.
  • Waxaad noqon qof cajis badan

Dhibaatada siigada caafimaad ahaan

Waxaa jira dhibaatooyin badan oo laga dhaxlo samaynta siigada. Qofba qofka uu ka siigaysi badan yahay, wuu ka dhibaato badan yahay. wuxuuna wajahayaa qofka xaalado nafi ah, iyo xaalado caafimaadba.

Caadada siigaysiga waxay keentaa, dhawr dhibaato oo caafimaad darro ah. waxaana ugu muhiimsan kuwan soo socda.

Dhibaatada siigada raga ay leedahay

  • Daal iyo tabar-yari joogto ah.
  • Dhabar xanuun qaybta hoose ah.
  • Timahaada oo yaraada ama data.
  • Dareen la’aan jinsi.
  • Biyo baxa dagdaga ah.
  • Aragaada oo daciif noqda.
  • Xiniiyahaada oo xanuun ku imaada.
  • Biyaha qofka oo iska dareera sabab la’aan.
  • Dhibtaado nafsaani ah.
  • Waxay kugu keenaysaa xiniinyaha oo ku barara.
  • Waxay sababtaa geedkaada inuu jilco.
  • Waxaa yaraaya awoodaada shaqada
  • Waxay dhaawacaysaa xididada maskaxdaada.

Dhibaatada siigada dumarka

  • Waxay sababtaa in gabadhu ku bikro jabto siigada.
  • Iney qanaaco ku dareemi waydo ninkeeda.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu cadeeyay in tirade raga siigaysta ay ka badan tahay 50%

Sidee loo joojiyaa siigada

Siigada markaad iska-dhaafto, wuxuu jirkaada bilaabaa inuu dib isku habeeyo. oo uu saxo isbadalidi ku dhacay, xaga dheecaanada. iyo hormonada maamula qaybaha jirka ee kala duwan.

Wayna ku kala duwan yihiin dadka, inta uu caafimaadkaada kuu soo noqonayo. waxayna ku xidhan tahay mudada aad caadadan samayn jirtay.

Waxaan xasuusinayaa dhalinyarada samaysa arintan, iney taha wax khilaafsan

  • Diintaada.
  • Dhaqankaada.
  • caafimaadkaadana saamaynaya.

Inaad jooiso siigada waxay kaaga baahan tahay ka go’naansho. waxaana kula wadaagayaa talooyin wanaagsan oo kaa caawinaya inaad joojiso siigada. sida

  • Inaad guursato hadaad awoodo.
  • Inaad yarayso cabitaanka iyo cunista badan/
  • Waa inaad ka fogaataa waxyaabaha kicinaya dareenkaada sida.
  • Aflaanta xun.
  • Sawirada qaawan.
  • Asxaabta xun.
  • Naftaada ku mashquuli wax-qabad wanaagsan. Yaree firaaqada badan.
  • Saaxiibo wanaagsan dooro sida kuwo dhawrsan. Hanuunsan. Wanaaga ku fara.
  • Jooji inaad ka fikirto samaynta gogosha.
  • Soonka badi, wuxuu kaa caawin inaad daganaato.

Waxaan kugula talin lahaa inaad naftaada ka badbaadiso khatarta, ood iska joojiso. Waa ficil xun oo burburinaya sharafta iyo nolosha qofka.

10 cudur oo laga qaado siigada

Waa dhibaato bulshada haysata. waana sababta aan uga qayb qaadanayno inaa bulshadeena ka wacyi galin mushkiladan.

Dhamaan cuduradan waa kuwo noloshaada burburin kara, hadaadan iska gaadhin, waxayna kala yihiin

Cudurada laga qaado siigada

1. Shalayto joogta ah.

Daraasado badan oo laga qoray dhibaatada siigada. waxay dhamaantood xuseen in dadka sameeya ficilkan ay ka dhaxlaan shalay badan.

2. Hamigaada oo hooseeya

Waxaa kugu adkaan doontaa inaad si wanaagsan u fikirto. inaad samaysato hadafka nolosha aad ka leedahay, waxaa noqon daciif.

3. Qoyskaada oo burbura

Dhibaatadan waxay saamaynaysaa qoyskaada, hadaad hada leedahay iyo hadaad samaysato mustaqbalka. Waxaana hadhow kugu adkaan doonta inaad hawshaada u gudato sidi lagaaga baahnaa.

4. Raganimadaada oo daciifta

Waxaa daciifaya jirkaada iyo maskaxdaada. waana sababta rag badan ugu adag tahay inay aadaan gymka ama dhisaan jirkooda.

Sidee looga soo kabsadaa caadan xun?

Waxaa jira waxyaabo ay tahay inuu qofku ugu dadaalo jirkiisa. si uu uga soo kabsado dhibaatada siigada. Waxaana kamid ah

  • Cunto fiican.
  • Nasasho.
  • Inaad ka fogaato waxyaabaha keena walwalka.

Haduu qofku sameeyo arimahan. wuu ka soo kabsan karaa dhibaatada uu u gaystay jirkiisa.

Yaaa siigada ku badan raga iyo dumarka?

Daraasad la-sameeyay ayaa lagu cadeeyay in dadka siigaysta ay u badan yihiin raga. inkasto ay jiraan dumar sameeya, hadana waxaa ku badan raga.

Siigada iyo diinta islaamka?

Samaynta siigada waa xaaraam islaamka dhaxdiisa, waana shay dhibaato ku ah qof caafimaadkiisa.

Waxkasta oo dhibaataynayo caafimaadka qofka, waa xaaraam diinta islaamka. Ilaa iney daruuro jirto mooyiye.

Daawada siigada

Dawada ugu fiican ee siigada waa

  • alle ka cabsigaa.
  • Go’aan adag.
  • Dareenkaada inaad xakamayso.

Hadaad qodobada la imaato waad ka bogsan kartaa. waa inaad ku mashquushaa samaynta khayrka.

Allana bari inuu kaa daaweeyo xanuunkan. runti waa xanuun bulshada badankeeda dhibaato ku haya maanta, siiba raga.

Daawashada filimaanta xun

filimaanta xun
saamaynta xun ay leeyihin dhibaatada siigada re suaal

Filimaanta xun asal ahaanba sababta loo sameeyay. waxaa weeyo in la rabo in maskaxdaada lagu maamulo.

Waxaa adoon lagaaga dhigayaa xiisaha iyo rabitaanka naftaada. waxaana kugu adkaan doonta inaad go’aan ka qaadato, balwad ayeyna kuu noqon.

Hadaba daawashada aflaanta xun. waxay sidoo kale kuu sababi karaan dhibaatooyin caafimaad oo dhanka maskaxda ah.

sidoo kale akhri:

guusha nolosha iyo sida loo xaqiijiyo?
talooyin wanaagsan oo dhisaya noloshaada
shuruudaha salaada iyo waxyaabaha lagaa rabo?

Waa kuwan dhibaatooyinka laga dhaxlo

1. Lamaanahaada ma qancin kartid

Waxaa kugu adkaan doonta inaad lamaanahaada si dabiici ah gogosha ula wadaagto. waayo maskaxdaada waxay la-qabsan oo kaliya daawashada filimaantas xun.

2. Dareenkaada dabiiciga ah ayaa dhumaya

Waxaa kugu adkaan doonta inaad si dabiici ah dareenkaada ku hesho. ama waxaad dareen ku heli kartaa waxyaabo aad loola yaabo ood ka baratay filimaanta.

3. Fikrado khaldan oon jirin inaad aaminto

Filimaanta xun waxay faaifiyaan fikrado khaldan. ood aamini karto inay dabiici tahay in la sameeyo ama sidaas la noqdo.

Taasna waxay kugu keenaysaa niyad jab iyo inaad lamaanahaada waydiiso waxaan jirin. ugu dambayna uu gurigaada sidaas ku burburo.

4. Jinsi aan kalgacal iyo jacayl la-socon

Alle SW labada qof ee wada nool wuxuu dhac dhigay jacayl iyo kalgacayl. waxayna ka qayb qaataan waxyaabo badan oo farxada nolosha ah.

Laakin filimaanta xun waxay ku barayaan in gogosha ay tahay. isku-taga oo kaliya sida xoolaha oo kale.

Waxaana meesha ka baxaya naxariisti, hilowgo iyo kalgacaylki. oo dhamaantood muhiim u ah lamaanaha.

5. Mar kasta wax dheeraad ah ayaad raadinaysaa

Filimaantan waxay kugu sababi doonaan inaad markasta raadiso. waxyaabo dheeraad ah oon dabiici ahayn, si aad u hesho raaxadi aad rabtay.

Dhaqanka noocan ahna wuxuu horseedaa in ugu dambayn gurigaada uu dumo. lamaanahaadana ku fahmi waayo, iyo inaad yeelato dabeecado aan lagugu ogeyn.

6. Rabitaan la’aan gogosha

Waa cilada ugu weyn ee laga dhaxlo joogtaynta daawashada filimaanta xun. inaadan lamaanahaada u hamoon ama aadan damcin.

7. Caadada xun ee siigaysiga

Dhibaatooyinka kale lee laga dhaxlo daawashada filimaanta xun. waa inaad caadaysato ood ku qancayso samaynta siigaysiga.

Waana mushkilad wayn oo burburinaysa noloshaada, hadaad ka joogsan waydo.

8. Anaanimo

Waxay kugu abuuri karaan daawashada filimaantan, inaad naftaada oo kaliya ka fikirto. sidaad adiga un u heli lahayd raaxada aad rabto. Iyo inaadan marnaba aadan ka fikirin dareenka lamaanahaada.

9. Halmaan badan

Inaad joogtayso daawashada filimaanta xun, waxay dhaawacayaan maskaxdaada. waxaadna isku arki doontaa halmaan badan.

Dhibaatada daawashada filimaanta xun, waa mid aduunka aad ugu faaftay. waana dhaqamada xun ee ay faafiyaan reer galbeedka.

Waxaana kugula talinayaa inaad alle ka baqdid, oo sida ugu dhaqsaha badan iska-goysida caadadan xun. Waayo uma roona mustaqbalkaada iyo caafimaadkaadaba.

Gaba-gabo

Dhalinyarada waayadan waxay jecel yihiin iney sameeyaan siigada. laakin hada waad ogaatay dhibaatada siigada raga iyo dumarkaba u leedahay.

Sidaas darteed waxaan rajeyn inaad iska dhaafi doonto samaynta caadadan xun. hadaad kamid tahay dadka ku aafaysan.

Waxaaba kugula talinayaa, inaad meesheeda ku badasho caado wanaagsan. sida waxbarasho shaqo ama wax kale oo nafci kuu leh. uga soo kabsadaa dhibaatada siigada suaal sidee uga soo kabsadaa, sidee uga soo kabsadaa dhibaatada.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

Dhamaad.

2 thoughts on “Dhibaatada siigada sida ugu fudud ee loo joojiyo better”

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights