Sidee ku ogaan kartaa waxa kujira qofka qalbigiisa. Ama sidee u akhrin kartaa xaalada uu ku sugan yahay qofka.
Marka ugu horeysa ee qof kulantaan, magaranaysid nooca uu yahay qofkaas. Sida dabeecadihiisa. Qoraalkan waxaan kugula wadagaayaa. cilmi nafsiga aad ku ogaan karto qofkaas marxaladiisa, iyo waxa kujira uurkiisa.
Waa maxay cilmi nafsigu?
Cilmi nafsigu waa barashada cilmiga dabeecada iyo maanka. Sida dareenka iyo fikirka .
Markaad barato waxaa kuu fudud inaad fahanto dabeecada. iyo hanaanka maskaxdu wax u aragto, sida
- Caadifada.
- Dhiiri galinta.
- Cabqarnimada.
- Shaqsiyada qofka.
Muhiimada cilmiga nafsiga
Cilmi nafsigu waa maado cajiiba. waxay macquul ka dhigtaa waxyaabo aan suuro gal ahayn. Waxaad si fudud u ogaan kartaa qofka shaqsiyadiisa, adigoon waxba waydiinin. Sida
- Dabeecadiisa.
- Xaaladiisa.
- Iyo wuxuu ku fikirayo.
Waxa ugu muhiimsan waa dhaqdhaqaaqa uu sameeyo jirka qofka, isagoon is-ogeyn. Hadaba sirtu waa fahanka luuqada jidhka ee qofka. Waana inaad u fiirsataa jirkiisa iyo qaabka hadalkiisa.
1- Indhaha
Indhuhu waa meesha ugu horeysa, eed ka ogaan karto waxyaabo badan. Oo ku saabsan qofkaas. Sida
- Inuu run sheegayo.
- Iyo daacadnimadiisa.
Indhuhu way noocyo badan ayey wax u gudbiyaan. Midkastana wax gaara ayey ka turjumaan. Waa kuwan noocyada indhaha wax u eegaan, iyo ujeedooyinkooda.
Qofka oon ku eegi Karin
Haduu qofku kala ilaaliyo indhihiisa iyo indhaada. Waxay noqon kartaa labo mid un.
- Inuu yahay qof wax qarinya.
- Iyo inuu yahay qof been kuu sheegaya.
Hadaba hadaad qof ku aragto calaamadahan, si taxadar leh uga fiirso qofkaas.
Qofka oo indhaha kugu gubo
Hadaad aragto qofki oo indhaha kaa jeedinaynin, oo six un kuu eegaya. Waa qof raba inuu kaa cabsiiyo.
Hadaba markaad qof ku aragto arintan, isku-day inaad u jilcin. Oodan ka yeelin cabsida uu kula rabo.
Qofka oo indhaha laaba
Markaad aragto qofki aad sheekaysanayseen, oo indhaha isku-qabanaya marar badan. Waa fariin cad oo ku tusaysa in qofkan hadalkaada uu dhibsanayo.
Isku-day inaad noqoto qof caqli leh, oo jooji islamarkiiba waxaad u sheegayso qofkaas.
2- Dhoolacadeynta
Dhoolacadeyntu waxay gudbisaa dareenka qofka. Waxayna noqon kartaa, mid dhaba iyo mid khayaano ah.
Dhoolacadaynta runta ah, waxay laa-laab ku samaysaa agagaarka indhaha.
3- Is gacan-qaadka
Qaabka aad qofka isku salaantaan. waxaad ku ogaan kartaa arimo badan oo qofka u qarsoon.
Salaanta dagdaga ah
Haduu qofku kaala boodo gacanta, markaad isa-salaantaanba. Waa astaan sheegaysa inuu qofkaas kuu xanaaqsan yahay. Ama uu jiro khilaaf idin dhaxeeya. Laakin mararka uu dagdagsan yahay waa arin caadiya.
Salaanta ay taabashada la socoto
Markaad qofka isa-salaantaan, waxaa dhacda in gacanta kale ay garabka kaa saaraan. Ama ay gacanta kaa saaraan.
Midana waa calaamad sheegaysa, in qofkaas si qalbi furan kuu soo dhawaynayo. Ama uu ku faraxsan yahay kulankaada.
4- Dhaqdhaqaaqada oo uu qofku koobiyeeyo
Inuu qofku sameeyo waxaad samayso oo kale, waa hab awood badan oo keenaya inuu qofku ku aamino.
Markuu qofku samaynayo dhaqdhaqaaqada oo kale, maaha wuxuu kas u samaynayo. Ee waa wax dabiiciya, manaha wax wax markasta dhaca.
Calaamdan waa mid kuu muujinaysa inuu qofkaas u bogay sheekadaada. Iyo inuu agtaada cajis ku dareemaynin.
5- Horey inuu u soo tiirsado
Haduu qofku horey u soo fariisto, markaad sheekaynayso. Waa astaan muujinayso inuu qofku hadalkaada xiisaynayo.
Qofku wuxuu horey u soo fariistaa, markuu la joogo qof uu xiisanyanyo sheekadiisa.
6- Dib u fariisi
Haduu qofku dib u fariisto markaad la hadlayso. waxay kuu cadaynaysaa inuuna rabin waxaad u sheegayso.
Markaad calaamadan ku aragto qofka. waxaa kuu sahlan inaad fahanto dareenkiisa gudaha iyo fariinta uu ka soo dirayo.
7- Isku salaaxida gacmaha
Gacmuhu waxay soo gudbiyaan, waxay maskaxdu ka fikirayso. Markaad aragto qofka oo gacmaha isku salaaxayo. qofkaas wuxuu ku jiraa marxalad wanaagsan oo farxada.
Wuxuu rajaynaa waxanaagsan, oo ka farxin doona.
8- Salaaxida garka
Markuu qofku taataabanayo garkiisa, isagoon is ogeyn. Wuxuu ku jiraa fikir dheer, oo uu xal ugu raadinayo arin. Ama wuxuu ka laba-labeenayaa inuu qaato go’aan.
Maskaxda gudaheeda ayuuna ku shaandhaynayaa arintaas.
9- Suniyaha
Suniyuhu waxay qeexaan wuxuu gudaha ka dareemayo. Waxayna sameeyaan ficilo badan, oo kamida.
Iney kor aadaan
Markuu qofku arko wax ka yaabiyo ama kaa cabsiiya suniyihiisa ayaa kor aada. Laakin markay suniyaha qofka kor aadaan, iyadoon jirin wax ka yaabiya ama ka cabsiiya. Waa fariin cad oo sheegaysa inuu warkaada ku soconin qofkaas.
10- Gacmaha is-dhaafsan
Markuu qofku labadiisa gacmood is-gudubsiiyo, waxay la macno tahay gabi ahaanba warkaada marabo.
Si kastoo qofku wajiga kuugu furo, haduu gacmaha is-dhaafiyo. Waa fariin cad oo uu kugu tusayo inuuna rabin hadalkaada.
Adigana markaad aragto calaamadahan, noqo qof xariifa oo jooji hadalkaada.
11- Madax-ruxida badan
Sida caadigaa madax inuu qofku ruxu. waxay cadeynaysaa inuu kugu raacsan yahay arintaad haysaan markaas.
Si guud madax-ruxida waa calaamad muujinaysa inuu raali yahay qofkaas. Laakin madax-ruxida badan waa sifo sheegaysa inuu qofkaas rabo inuu iskaa-dhaafiyo. oo uu leeyahay halmar qofkan yaa kaa aamusiiya.
Hada kadib hadaad qofka aad la-hadlayso ku aragto calaamadan, bye ku dheh.
12- Qaniinida ookiyaalihiisa
Hadaad aragto qofka oo qaniinaya ookiyaalihiisa. Ama waxyaabo kale oo uu gacanta ku hayo, sida qalinka oo kale. Waa calaamad sheegaysa, inuu qofkaas walwalsan yahay. Oo uu xal u raadinayo xaalad ku cusub.
13- Fiirinta hoos
Inuu qofku fiiriyo hoos, waa astaan muujinaysa inuu qofkaas dareemayo hooseyn iyo liiditaan.
Dabcan way jiraan dad markasta fiiriya hoos. waana astaan ay leeyihiin dadka aan isku kalsooneyn.
14- Taabashada garka
Ficilkan taabashada garka, wuxuu cadaynayaa inuu qofkaas daacad ahayn. Hadaba ha aaminin qofkaas, waxkastuu kuu sheego, ilaa aad iska hubiso.
15- Qaabka socodka
Siduu qofku waxay gudbiyaan fariimo badan. Haduu qofku talaabsanayo, waxay cadaynaysaa kalsoonida uu qofkaas ku qabo naftiisa.
Haduu qofku luudayo, waa astaan muujinaysa inuu qofkaas dareemayo liiditaan. Hadaba markaad aragto qofka oo luudayo waydii inuu caawimaad u baahan yahay. Waxaa laga yaabaa inuu rabo garab istaag.
16- Nooca hadalka
Qofka hadalkiisa, waxaa laga dareemi karaa. Sida inuu xanaaqsan yahay iyo in kale.
Markuu qofku xanaaqsan yahay, codkiisa kor ayuu u qaadaa. Markuu qofku si hoose kuugu jawaabana, waa marka uuna xiisaynaynin waxaad u sheegayso.
Xikmado cilmi nafsi ah
- Hadaad rabto in qof wax ku siiyo, marka hore waydiiso wuxuuna ku siin Karin.
- Markuu qof been kuu sheegayo, aamus oo fiiri indhiisa oo kaliya.
- Hadaad rabto in lagu xasuusto, marnaba dhaxda ha-galin. Ee gadaal ama horey mar.
- Markaad koox tihiin ee lawada qoslayo, qofku wuxuu eegaa qofka uu ka helo. Ama is fahmayaan.
- Hadaad rabto inaad ogaato qofka inuu ku neceb yahay, waydiiso waxyar sida qalin.
- Hadaad rabto qofku inuu aamino hadal aad u sheegayso. Ku dheh taladan waxaa isiiyay waalidkay.
- Markuu qof si xun kuu soo eego, lugihiisa eeg. Wuu kaa dayn doonaa eegmadaas.
- Markaad rabto inaad wax soo xasuusato isku-qabo indhaha.
- Si-aad u yeelato caado cusub, waxaad u baahan tahay 66 maalmood.
- Hadaad rabto inaad maamusho qofka kaa soo horjeeda, si dagan u hadal.
Cilmi nafsiga jacaylka
- Markuu jacayl kugu dhaco, waxaad u dhaqmi sida qof jiran oo kale.
- Intaad qof danaynayso waa intuu kaa sii fogaanayo.
- Dadka inta badan la-dhaawaco waa kuwa kalida ku ahaado nolosha.
- Go’aanada iyo talooyinka ugu fiican waxaa inta badan bixiya dadka soo dhaawacmay.
- Inta badan ee dadka ku mashquusho, waa inta badan ee kugu mashquulaan.
- Hadaad aragto qof markasta fiirinaya indhahaada, wuu ku jecel yahay.
- Haduu qof aad kuu jeclaado, wuxuu markasta ku waydiinayaa meeshaad joogto.
Cilmi nafsiga dumarka
- Dumarku waxay awoodaan iney fahmaan markaad been u sheegayso.
- Matalaada ayaa ku badan dumarka.
- Waxay jecel yihiin dumarku iney khilaaf abuuraan.
- Isba-badalka ayaa ku badan dumarka.
- Waxay jecel yihiin iney hadlaan markata.
- Waa noole dhiblow ah.
Gaba-gabo
calaamadahan cilmi nafsiga waxay kuu sahlayaan, inaad fahanto waxa qofku uu gudaha ka dareemayo. Iyo talaabooyinki aad qaadi lahayd. waxaan rajaynayaa talaabooyinkan cilmi nafsiga ah, inaad wax badan ka faaidi doontaan. hadlin ku filan.
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
dhamaad
Waa. Qormo macaan