Waligaa maad is-waydiisay sababta dumarka qaar, u daba-cararaan raga aan ula-dhaqmin sida wanaagsan.
Hadaad moodeyso jawaabtu iney tahay lacag iyo qurux iney leeyihiin ragaas. Jawaab saxan ma-haysid. Sirtu waa fahanka habka shukaansiga dumarka.
Waxaa jira rag qurux badan oo hadan naag heli Karin. iyo kuwo badan oo lacag leh, oo lacagta laga qaado la-siiyo rag asaagood ah.
Hadaba waa maxay sirta qarsoon ee shukaansiga dumarka?
Jawaabtu way sahlan tahay, ragaas waxay yaqaanaan sida loo inkiro dumarka. waxay yaqaanaan sida loola-dhaqmo dumarka.
Mid ogow dumarka waxay aad ugu baahan yihiin attention ama in la-daneeyo. Adigana markaad bilowdo inaadan siinin mudnaanta ay rabaan. Waxaad ka duwanaanaysaa raga kale.
Maad u baahan tahay inaad barato sida dumarka loo hanto?
Waxaan kula-wadaagayaa 8 wax oo hadii aad samayso aad ku guulaysanayso shukaansiga dumarka. Iyo inaad hanato qalbiga gabadh-kasta ood rabto.
8-da qodob ee Sirta shukaansiga dumarka
Hadaad yeelato 8-dan arimood ee hoos ku-xusan. Waxaad noqon nin rageed qiimo badan, oo dumarka oo dhan daneeyaan.
1. Mudnaan bilaash ah
Markay gabadh telefoonkeeda eegayso. waxaa fariimo badan u soo-dira rag badan oo dano kale lahayn. iney bursadaan dumarka moogiye.
Ragaas waxay dumarka siiyaan mudnaan bilaash ah. Taasna waxay gabadha tusaysaa iney tahay qaali.
Laakin ninka raga ah, wax mudnaan ah ma-siiyo dumarka. Laga-yaaba inuu gabadh la-kulmo ooy isbartaan, xiiso yarna uu dareensiiyo. Laakin wuxuu ka ilaaliyaa inuu siiyo mudnaan gaar ah.
Wuxuu ula-dhaqmaa sida iney dumarka kale waxba dheerayn.
Arintan waxay dumarka ku abuurtaa su’aalo badan. sida.
- Muxuu ii daba-carara waayay sida raga kale.
- Raga kale muxuu dheer yahay.
- Muxuu ii soo fiirn waayay.
Waxay is-waydiisaa, ninkan muxuu dheer yahay raga kale. Intaas kadibna sharciyadeeda ayey jabin doontaa, si-ay u hesho ninkaas inuu mudnaan siiyo.
Sababtoo ah dumarku ma-aqbali karaan xaqiiqada ah. inuu ninkan siin waayo qiimaha ay siiyaan raga kale.
Si khaldan ha u fahmin hadalka. Kama wadno inaad ku ciyaarto maskaxda dumarka. Waayo natiijo fiican ma-yeelanayso.
Muhiimadu waa inaad qiimayso wakhtigaada iyo waxyaabaha aad mudnaanta gaarka ah siinayso.
Ninka raga ah, markasta wuxuu leeyahay waxyaabo uga muhiimsan. Inuu dumarka daba-cararo.
2. Hadafkiisa noolasha
Raga noocan waxay leeyihiin hadafyo waaweyn, oo ay ka go’antahay iney gaadhaan.
Markaad tahay nin damaciisa guusha uu aad u weyn yahay. wakhti umaba-helaysid naag inaad daba-cararto. Ama xidhiidh wakhti-lumis ah.
Taas badalkeeda raga qiimaha leh, tamartooda waxay ku bixiyaan. Siday u dhisan lahaayeen noolal ay hadhaw ku faani doonaan.
Ma sugaan nasiib inuu maalin meel uga soo-baxo. Ee waxay qabsadaan waxyaabaha ay noolasha ka rabaan.
Dumarkuna raga noocan ah aad ayey uga helaan. Waa sifo ayna lahayn raga kale ee daba-carara dumarka.
3. Noqo nin go’aan leh
Nasiibku wuxuu markasta raadsadaa, qofka go’aanka leh. Raga qiimaha lehna. waxay ogyihiin in noolasha u baahan tahay go’aano adag, in la-qaadan-karo.
Kama baqaan iney la-hadlaan gabadha ay rabaan. Cabsida, xishoodka iyo sugitaanka waa astaamaha raga daciifkaa. Waxay ogyihiin waxay noolasha ka-rabaan.
Intaada baran sida dumarka loo inkiro. waxaad u baahan tahay, inaad awood u leedahay inaad hor istaagi karto. Ama aad taqaano shukaansiga dumarka.
4. Baro sida kali loo ahaado
Dhamaanteen waan naqaanaa rag badan, oo sameeya xidhiidho markasta, hadana ku guul-daraysta xidhiidhadaas.
Mid haduu ku fashilmo, markaasba mid kale ayuu bilaabayaa. Laakin maad taqaanaa sababta ay sidaas u samaynayaan. Raga noocan ah waxay ka baqaan, iney kali ahaadaan. Laakin ninka raga ah, marnaba kama-baqo inuu single ahaado. Sababtoo ah wuxuu og-yahay, inuu yahay nin adag.
Dumarkana raga noocan ah, kalsoonidooda horey ayey ka-dareemaan. Wayna soo jiidataan, wayna daba-cararaan ragan oo kale.
Raga noocan ah, shukaansiga dumarka ay la-wadaagaan, wa kuwo qiimo leh. Wixii KA-soo hadhana way iska-indho-tiraan.
5. Dagaal maala-yacni ah
Haday kuula imaato dagaal maala-yacni ah, iska inkir oo muhiimad ha-siinin. Jooji inaan ku abaal-mariso dhaqankeeda xun ee khaladkaa.
Raga qiimaha leh wakhti uma-hayaan muran iyo is-qab-qabsi. Hadaadba aragto iney muran maala-yacni ah kugu bilaabayso qofta. Haba danaynin.
Tani waxayba calaamad u tahay, ineyna ku xushmaynin adiga. Sidaas darteed waa inaad inkirtaa.
Sidaas inaad samayso
- waxay u furaysaa indhaheeda.
- Waxayna fahmi doontaa, inaad tahay nin aan lagu ciyaari Karin.
- Iyo in ficiladeeda khaldan caqabad ka-dambayn karto.
Jooji ama ka-yaree inaad si-aad ah u-danayso, ilaa ay ka-noqonayso mid qirata khaladkeeda. Isbadalna samaysa.
6. Ka-hadal ujeedadaada
Waa inaad noqoto, nin markasta ujeedkiisa kala-hadli kara gabadha. Ninka qiimaha le, waa nin toosan oo runta ka-hadla.
Waxay bilowgiba qofta si-toosan ugu sheegaan, waxay ka-rabaan ayada. Raga noocan ah, waxaa u dhaanta in la-diido ayaga. intay naag wakhtigooda ka-lumin lahayd. Kuna cayaari lahayd ayaga.
Haday gabadh isku-daydo iney ku ciyaarto ninkan oo kale. isla-markiiba wuu fahmaa, wuuna iska inkiraa.
Waxay durbadiiba naagtan fahmi doontaa, inaad tahay nin aan lagu dheeli karin. Waayo ninkan wuxuu garanayaa, wuxuu rabo.
Haduu dareemo iney naagtan wakhtigiisa ka-lumin doonto. wuxuu ku badalaa mid kale oon wakhtigiisa ka-lumin doonin.
Raga badankooda markay ku-jiraan shukaansiga dumarka, ama la-haasaawayaan. Waxay u galaan shukaansiga dumarka, wakhti lumis oo kaliya.
Halka ninka raga ah ee qiimaha leh, ay tahay fariintiisa mid toosan oo cad.
7. Ha-badalin qorshahaada
Waligaa naag darteed qorshahaada ha u-badalin. Raga qaar ayaa ku dag-daga, iney qorshahooda u badalaan. si-ay naag ula-kulmaan ama ula-hadlaan.
Waa inaad tusin kartaa gabadha, inaad u baahnayn la-hadalkeeda ama aragtideeda.
8. Bedel hab-fikirkaada
Raga qiimaha leh way yaqaanaa qiimahooda, markay gabadh soo-jiidato. Ama ay ka-helaan gabadh.
Umana arkaan iney dumarka oo dhan wax dheertaya gabadhaas. Way dagan yihiin, markay gabadh ag-joogaan.
Wax baqdin iyo kalsooni-daro ah, ma muujiyaan. Xataa haday agtooda joogto gabadha ugu quruxsan dumarka.
Sirtuna waa hab-fikirkooda iyo waxay maskaxdooda ku-haystaan.
Sirta hanashada dumarka
Ereyadan waa hub aad ku hanan karto, qalbiga gabadha aad xiiseyso. Dumarkuna aad ayeyna u jecel yihiin, iney maqlaan ereyadan.
Cilmi-baadhis lagu sameeyay dumarka aduunka. ayaa lagu ogaaday iney jiraan. Erayo si-gaara ay u jecel yihiin dumarku. Eradan dumarka waxay dareensiiyaan qiimahooda.
Hadaba xariif, erayadan isticmaal, markay gabadha kula-joogto. Waxay xoojinaysaa farxadeeda iyo kalsoonideeda.
6 erey oo kaa caawinaya hanashada dumarka.
- Waan jeclahay hab-fikirkaada.
- Hadalkaada inaad dhagaysto waan jeclahay.
- Sidaa tahay ayaan kugu-jeclahay.
- Mar-hore inaan ku barto ayaa fiicnaan lahayd.
- Xataa haduu miisaankaada gaadho 200kg, waan ku jeclaan doonaa.
- 80 jir hadaad noqoto xataa, waan ku jeclaan doonaa.
Gaba-gabo
Dhamaan qodobadan, waa siraha shukaansiga dumarka iyo hanashada qalbigooda. Muhiimadu waxaa weeyo, inaad garanayso sida loo isticmaalo. Iyo xiliga la-isticmaalo.
Dumarku way jecel yihiin, wiilka ay sheekaystaan inuu noqdo nin qiimo badan. waxayna ninka qiimaha leh, u aqoonsadaan dumarku. Ninka yeesha sifooyinka aan kor ku soo-xusnay.
Isku-day inaad dareensiiso qiimaha ay agtaada ku-leedahay. Hadii ay iska-waashana, waxaad tustaan inaad ka-maarmi karto.
Waayo talaabada noocan ah, waxay dareensiin doontaa. Inaad tahay nin qiimo badan oon la-heli Karin.
Waw Masha alah