Inaad noqoto qof furfuran waa xirfad aad baran karto. Waxaana u sahlan qofka furfuran inuu dadka la-hadlo. Oo uu samaysto asxaab iyo xiriir.
Waligaa maad is-waydiisay, sidee loo noqdaa qof furfuran.? Dabcan hadaadan ahayn qof furfuran, su’aashan waad is-waydiisay.
Qoraalkan wuxuu kaa caawinayaa, sidaad u noqon lahayd qof furfuran oo bulshaawi ah. Kaasoo dadku agtiisa ayna ku dareemaynin cajis.
sidee loo noqdaa qof furfuran?
Intaadan akhrin qoraalka, marka hore su’aalahan ka jawaab.
- Markasta maad is-dhahdaa inaad sidan u hadasho mayna ahayn.
- Naftaada adigu maad cabudhisaa.
- Maad tahay qof xishood badan oo dadka ka baqa?
- Maad ka baqdaa inaad dadka ka dhax hadasho?
- Kalinimada maad neceb tahay?
- Maad ka walwashaa waxay dadka ku dhahaan in badan?
- Bulshada dhaxgalkeeda maad ka baqdaa?
- Inaad dadka ka liidato maad isku malaysaa, markaad bulshada ku dhaxjirto?
- Qofka markaad isku-dhacdaan khaladka korka maad iska saartaa?
- May kugu adag tahay inaad gasho meelaha bulshadu ku sheekaystaan?
Hadaad tahay qof noocan ah, waa inaad joojisaa dhaqankaas. Hadaad rabto inaad noqoto bulshaawi.
Talaabooyinkan ayaa kaa caawin doona inaad noqoto qof furfuran
1- Dhoolacadaynta badi
Calaamadaha dadka furfuran, waxaa ugu muhiimsan dhoolacadaynta. Qofka markuu dhoolacadaynayo, ayaa lagu dhiiran karaa in lala hadlo.
Markaad u muuqato qof xanaaqsan oo xirxiran. waxaa qofka kale ku adkaanayso inuu daganaansho kugula hadlo.
Dadka waxaa soo jiita qofka u muuqda, mid faraxsan. Waxay jecel yihiin iney la saaxiibaan, ama loo soo dhawaado.
2- Isku-day samaynta wax cusub
Qofkasta wuxuu leeyahay goobo uu markasta tago, iyo waxyaabo uu si joogto ah u sameeyo. Taas oo keenaysa inuu wajaho xaalad cusub.
Hadaba isku-day inaad isbuuc kasta tijaabiso xaalado cusub iyo inaad barato dad cusub.
- Sida inaad tagto goobo cusub.
- Inaad qabsato hawlo cusub.
3- Su’aalo waydiinta badi
Dadka furfuran waxaa lagu yaqaanaa, iney yihiin kuwo su’aalo badan. Oo doonaya markasta iney wax cusub ogaadaan ama bartaan.
Qofka dadka waydiiya su’aalaha, waa mid ku fiican in lala sheekaysto. Waayo waxay taas u muujinaysaa qofka kale. inaad xiiso u qabto inaad wax ka ogaato qofkaas noloshiisa.
4- Iska-dhaaf fikrad ku-dhaga
Dad badan ayaa iska aaminsan fikrado ayna aqoon iyo waayo aragnimo u lahayn. Hadaad shay aqoon u lahayn, inaad qofka waydiiso ceeb maaha.
Dadka furfuran waa kuwo markasta raadiya, iney ogaadaan wax cusub. Kumana dhagaan hal wax amah al fikir. Waxay sameeyaan isbadal.
5- Ha xukumin dadka
Hadaad dooneyso inaad noqoto qof furfuran, oo lala sheekaysan karo. Waa in aragtida iyo nolosha dadka kale, horey ka xukumin.
Haduu qofku sheego waxaad la-yaabto, ama iidan isku-fikir ahayn. Isku-day inaad fahanto sababta ka dambaysa fikirkooda. Ama ujeedada uu u samaynayo waxaas.
Markaad dadka si dagdaga aadan u xukumin, waxaa kordhaysa in lagu aamino. Hadaba noqo dhagayste fiican. Waayo furfurnaantu hadal oo kaliya maaha, ee dhagaysiga ayaa ka ah qayb weyn.
Hadaba isku-day markaad qof la-hadlayso, inaad si fiican u dhagaysato. Iyo inaad la socoto wuxuu qofka ka sheekaynayo.
Sidee lagu noqdaa qof aan lagu cajisin?
markaad la sheekaysanayso asxaabtaada, maad tahay qof lagu cajiso. Oo hadalkaada may dhibsadaan. Hadaba sidee ku noqon kartaa qof aan lagu cajisin agtiisa. Bulshada dhaxdeeda?
Waa kuwan 3 talaabo ood samayn karto.
1- Bedel fikirkaaga
Hadiiba aad adiga is-aaminsiisay inaad tahay qof agtiisa lagu cajisayo. Waxaad noqonaysaa qof lagu cajiso agtiisa.
Mushkiladu waa waxaad aaminsan tahay. Hadaad moodo inaad tahay qof aan sheekayn Karin. Hadaad umalayso inuu qof dareemayo, in lagugu caajisayo. Sidaad ayaad noqonaysaa. Qofku wuxuu rumaysan yahay ayuu noqdaa.
Waa muhiim inaad badasho fikirkaada. Aamin inaad tahay qof firfircoon, sheego macaan, oo ag-joogiisa lagu cajisin.
2- Balaadhi asxaabtada
Baro dad cusub oo aad la sheekaysato, oo same dhaxgal bulsho. waayo waxaad kasban doontaa sheekooyin badan, iyo dhacdooyin kugu cusub.
3- Hormarin joogto ah
Qofku markuu joojiyo inuu wax cusub barto, waa marka sida dhabta uu u dhintay. Hadaba waa inaad maalinkasta ogaataa wax kugu cusub.
- Sidaa inaad ogaato macluumaad cusub.
- Akhrinta bug cusub.
Qofka sideeda haduu maalinkasta maskaxdiisa ku buuxinayo aqoon. iyo fikrado cusub marnaba ma noqonayo qof lagu caajisayo. Waayo maskxadaada waxaa ka buuxa macluumaad badan, ood u sheegi karto qofka kale.
Qodob muhiim ah
Isbadalku waa waxaad aaminsan tahay ama waxaad naftaada ka dhaadhicisay. Waxyaabaha qaar hadaad rumaysan tahay iney jiraan. Waxay keenayaan inaad naftaada liido. Kalsoonidaadana ay burburto.
- Hadaad moodo in dadku adiga kuu fiirsadaan, oo waxaad dhahdaba si gaara loo eegayo.
- In lagu bahdulayo hadaad moodo, markaad wax khalado. Adiga ayaa ah qofka burburinaya noloshiisa.
waxba ha-walwalin dhamaan caadooyinkan xun waad badali kartaa. hadaad raacdo talaabooyinka ku xusan qiraalkan. waxayna xal u noqonayaan, caqabada ku hortaagan hada.
Caadooyin kaa dhigaya qof soo jiidasho leh
Qofkasta wuu jecel yahay inuu ahaado qof leh soo jiidasho. Waa kuwan talaabooyin kaa caawinaya inaad noqoto mid soo jiidasho leh.
10 caado oo kaa dhigayo qof soo jiidasho leh
1. Dheh maya hadaadan rabin.
Dadku way ku ixtiraami doonaan hadaad tahay, qof ku socda wax ka mid fikirkiisa. Iy go’aanadiisa.
Ha noqon qof aqbala waxkasta oo la dhaho. Bar carabkaada erayga maya. Waayo waxay dadku kuu arkayaan inaad tahay qof jira. Noloshiisana xor u ah. Wayna ku ixtiraami doonaan.
2. Hagaaji muuqaalkaada
Qofkasta waxa ugu horeeya ay arki doonaan waa muuqaalkaada. Sababtaas darteed, waa inaad ku dadaashaa muuqaada.
- Same jimicsi.
- Qurxi labiskaada.
Intaasba waxay kaa dhigayaan inaad noqoto qof soo jiita dadka.
3. Same wax wanaagsan oo qariib ah
Waxaad samaysaa wax wanaagsan, oo dadku inta badan ayna samaynin. Sida inaad qofka markaad meel galaysaan oo kale, aad ka qabato albaabka, si uuna ugu dhicin. Ama ufur.
Ka caawi dadka waxaad karto. Waa waxyaabo yaryar, oo samayntooduna fududahay. Hadana kaa dhigaya qof soo jiidasho leh.
4. Yeelo luuqad-jireed furan
Maad isku mashquulisaa telefoonka, markay dadka kula hadlayaan. Tani waa nooc kamida luuqad jireedka xiran.
Hadaba markaad qofka la hadlayso fur gacmahaada oo eeg indhihiisa. Kana dhagayso hadalka . waa inaad samaysaa luuqad jireed. Sida inaad gacmaha dhaqdhaqaajio markaad wax sheegayso.
5. Waxaad dhadaa mahadsanid
Way fududahay inaad dhahdo mahadsanid. Laakin maad ogtahay in qof dhan maalintiisa ay dhisi karto.
Markuu qofku kaa caawiyo wax, xataa haduu yar yahay ku dheh waad mahadsan tahay. Waxayna keenaysaa inaad dadka soo jiidato, oo lagu xushmeeyo.
6. Garo qiimahaada
Ha noqon qof iska socodo, oon garanaynin wuxuu yahay iyo wuxuu mudan yahay. Waa inaad garanayso qiimaha shaqsiyadaada. Oo isku kalsoonow.
Markastood garanayso qiimahaada iyo waxa kuu qalma. Waa markastood noqoto qof leh soojiidasho.
7. Wakhti u yeel naftaada
Ogow waxa kaliya ee marnaba soo noqonaynin noloshaada, waa wakhtigaada. Taasna waa sababta ay dadku ugu mashquulsan yihiin samaynta hadafyadooda. Ilaa ay ka guuleystaan.
Hadaba ha noqon qof markasta laheli karo. Ee noqo qof inbadan la raadiyo hadalkiisa aragtidiisa iyo la kulankiisaba.
Taas macnaheedu maaha inaad noqoto qof kibir badan. laakin ilaasho wakhtigaada, oo yeelo hadafyo. Waana waxa kaa dhigaa inaad yeelato soojiidasho.
Gaba-gabo
Hadaad dooneyso inaad noqoto qof furfuran. Markay dadku hadlayaan, si fiican u dhagayso. Adigoon ku mashquulin, waxaad ku jawaabi lahayd. Ama waxaad dhihi markuu hadalka dhameeyo.
Waxba haka sii fikirin, kaliya si wacan u dhagayso, qofka kula hadlaya. Si dabiiciya ayey kuugu imaan waxaad hadhow dhihi lahayd.
Khaladka dadku sameeyaan ayaa ah, intay dhagaysan lahaayeen qofka hadlaya. Ayey waxay ka sii fikiraan, waxay dhihi lahaayeen. Markuu qofku dhameeyo hadalkiisa.
Taasna waxay keenaysaa inaadan fahmin sheekada, iyo ujeedadeedaba. Waxaa kale oo macquula in qofku kuu sheekaynayay kaa caajiso. Uuna dhagaysanin warkaada.
Waxba ha isku-mashquulin inaad noqoto qof dhamaystiran. Si dabiiciya u dheh, hadalka maskaxdaada ku soo dhacay.
Midna ogow, qofkasta waxbuu khaldaa. Majiro qof boqolkiiba boqol saxan. Adigana sidaas oo kale ayaa tahay. Waxna waad sixi waxna waad khaldi. kaliya noqo qof aad u firfircoon oo saaxiibtinimo leh
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad.
1 thought on “Sidee loo noqdaa qof furfuran – better for you”
Comments are closed.