fbpx

Sheekh mustafe – sheekha ugu saameynta badan soomaalida better

Sheekh mustafe wuxuu kamid yahay culimada waaweyn ee soomaalidu ku faanto. waa sheekh saameyn xoogan ku leh bulshada somalida dhaxdeeda.

sheekh mustafe ayaa taariikhdiisa ka sheekeeyay marki ugu horreysay. kulanki labaad ee culimada soomaalida, ee magaalada nairobi ayuuna uga sheekeeyay taariikhda noloshiisa.

sidoo kale akhri:

erayo naxariis badan.
erayo dhiiri galin ah naftaada.

Waa kuma sheekh mustafe xaji?

sheekha wuxuu kamid yahay culimada dhifka ah. ee isku bartay culuumta diiniga iyo maadiga.

Wuxuu ku dhashay magaalada burco, xiligi guumaysiga.

Wuxuu ka soo jeedaa qoys culimo ah, aabihii wuxuu ahaa nin culimo ah, oo loogu yeedho xaaji. Xataa awoowayaashiisi waxay ahaayeen culimo diinta u shaqeeya.

Wuxuu wax ku bartay macadka jarmalka oo ku yaala magaalada burco. wuxuu ka bartay xirfada farsamada korontada.

Sanadki 1980-ki wuxuu ka qalin-jabiyay jaamacada umada soomaalida.

Waxbarashada diiniga wuxuu ka bartay culimada soomalida.

Sheekha wuxuu sheegay in dawladi soomaaliya dhacday. asagoo jooga yurub, oo u sii qaaday dad xanuunsanaa oo walaaladiisa ah.

sidoo kale akhri

waa maxay gabay somali?
hadal murti leh oo gaaban.
waxa qofka qalbigiisa ku jira.

Xiritaanki sheikh mustafe

Wuxuu sheegay sheekha, in dawladi dhexe xidhay ee soomaliya xidhay marar badan.

Meel kasta oo dawladu ku xidhay dadka waa lagu xidhay sheekha.

Wuxuu macalin ka noqday macadku uu wax ka bartay ee burco. laakin mudo sanad ah kadib, waxaa xidhay dawladi dhexe ee maxamad siyaad barre.

Goobaha lagu xidhay sheekha waxaa kamida.

  • Saldhiga booliska.
  • Xarunti NSS.
  • Xeerada guulwade.
  • Xeeradi militariga.
  • Dhabarjabin.
  • Jeelka.

Mararka qaar wuxuu xabsiga ku jiriyay sanado, waligiina lama geynin maxkamada.

Dalka dibadiisa ayuu daganaa sheekha ilaa 1999ki. kadibna wuxuu u soo fuurey magaalada hargeysa.

sidoo kale akhri:

sidee loo noqdaa qof furfuran?
hooyadaa u dir fariimo qurux badan.
waa maxay kalsooni?

Xikmadaha sheikh mustafe xaaji ismaaciil

Sheekha wuxuu kamid yahay culimada soomaalida ee ugu xikmada badan. waaa kuwan xikmado cajiib ah oo laga qoray sheikh mustafe.

  • Aqoonyahanku waa midka yaqaana rabigiisa, aakhirana yaqaana, aduunkana ka samayn kara isbadal.
  • Markaad leedahay dhalasho wacan, waxaad qofkaas ugu hambalyeynayaa inuu ku sii dhawaanayo qabrigiisi.
  • Waa lagama maarmaan inaad noqoto qof leh hami, hiigsi iyo han sare.
  • Dadka qaar dibada markay joogaan way qurux badan yihiin. markay guriga imaadaana waa bahallo. Inaad ku xumaato qofkaad nolosha ku midowdeen iyo awlaadaada. Dibadana aad ahaato qof fiican, maaha wax wanaagsan.
  • Adduunka dadka naftooda gooya ayagaa ugu badan reer-galbeedka, away barwaaqadi ay sheeganayeen.
  • Haduu noqdo aqoonyahanku mid suldaanku iibsan karo, dawladuna laaluushi karto, kaasi maaha aqoonyahan.
  • Maxay noloshaada ku soo kordhin gool ayaa la dhaliyay.
  • Inaad hooyo noqoto ayaa ka qurux iyo farxad badan, inaad noqoto injineerad.
  • Qofkasta wuxuu ogyahay ina qabiilkiisa la dulmiyay, laakin ma-oga intuu qabiilkiisa dulmiyay.
  • Hadaad akhriso qoraanka, waxaa tahay qof uu alle u waramayo. bal qiyaas alle oo kula hadlaya oo waliba kuu waramaya.
  • Luuqada soomaliga waa luuqad muslim, waa luuqad diin iyo dadnimo xambaarsan.
  • Meesha qiimaha leh oo rabta inaad u sii shaqaysato waa aakhiro.
  • Qalbiyada dadka waxaa lagu furtaa jacayl, naxariis iyo hadal dabacsan.
  • Qofka ugu liita waa midka aakhiradiisa ka saaqida, een u shaqaysanin.
  • Dadka ugu hantida badan waa kuwa ugu hurdada iyo raaxada yar.
  • Hadii janadu tahay meesha loogu nimceeyo qofka. cadaabtuna tahay halka lagu ciqaabo qofka, aduunkana waa meesha laysku imtixaamo.
  • Ilmahaada inaad hanti uga tagto waxaa ka qiimo badan inaad uga tagto diin. Inaad hanti badan uga tagto waxaa ka qiimo badan inaad asaga ka dhigto qof jira oo muslim ah. haduu noqdo qof muslim ah oo naftiisa ku kalsoon. asagaa samaynsan doona meel uu seexdo iyo wuxuu cuno.
  • in todobo masaajid oon lagu tukan mararka qaar, laga dhiso xaafad kasta. waxaa dhaanta adigoo dhisa wado dadku maraan.
  • Wax mucaarad la dhaho kuma jirto islaanimada. Waxa kujira islaanimada wax la dhaho xaq iyo baadil. Wixii xaq ah inaad taageerto waa waajib, wixii dulmi ahna inaad ka la dagaalanto waa waajib.

sidoo kale akhri:

astaamaha saaxiibka wanaagsan.
hadafka nolosha baro sirta guusha.
qiso cajiib ah.

Muxaadarooyinka ugu caansan ee sheikh mustafe

sheekh mustafe
sheikh mustafe siiradii rasuulka scw qaad

waa kuwan 75-ta muxaadaro ee ugu caansan ee uu jeediyay sheekh mustafe. dhamaantood waxaad ka helaysaa youtub-ka.

  • Xalinta dhibaatada muslimiinta.
  • Xanuunada ku dhaco qalbiga.
  • Dawada kurbada looga baxo.
  • Sidee diintaada loo ilaashadaa adigoo jooga galbeedka.
  • Qiso ku saabsan balanta.
  • Qisada asxaabul-ukhduud.
  • Qof waxtar leh noqo.
  • Nacaybka gaaladu u qabaan muslimiinta.
  • Badi xuska alle.
  • Isbadalada xoogan eek a socda caalamka.
  • Iimaanka oo laga run sheego.
  • Dhibaatooyinka qurbaha iyo waxa ay kala kulmaan dadka.
  • Dhalinyarada iyo khataraha ku wajahan.
  • Dhalinyarada waa rajo iyo dhib lahow.
  • Dadka waxaa ugu khayr badan midka anfaca.
  • Dadka oo wax loo taro.
  • Balanta.
  • Aakhiro iyo dhibta taalla.
  • Duruuska laga qaadanayo hijrada nabiga SCW.
  • Siiradi nabiga SCW.
  • Isdul taaga dhacdooyinka wadamada islaamka.
  • Guusha dhabta ah ee nolosha.
  • Ehelkaa, qaraabada iyo tolkaadaba xiriiri.
  • Cadayntii nabinimada SCW.
  • Soomaliya waxay u dhaxaysaa dhib iyo rajo.
  • Sababaha keena kacdoonka iyo dawadiisa.
  • Qalbiga saafiga ah.
  • Maxaa loo abuuray bani-adamka.
  • Islaamka iyo mustaqbalka aadanaha.
  • Dhibaatooyinka dhalinyarada haysta.
  • Ahmiyada salaada.
  • Muxaramaadka oo laga dhawrsado.
  • Ilaalinta midnimada umada.
  • Gabadha muslimada ah iyo isbadalida wakhtiga.
  • Waxyaabaha kugu kaalmaynaya inaad xajisato diinteena.
  • Dadka oo wanaag la dhaxdhigo.
  • Talo saarashada allle SW.
  • Tawxiidka iyo fadligiisa.
  • Toosnaanta.
  • Ahmiyada uu leeyahay tawxiidka.
  • Hadalka wanaagsan iyo dabacsanaanta.
  • Dhibaatooyinka caalamka ee maanta.
  • Kumaan ahay aniga.
  • Masuuliyada kaa saaran diinta.
  • Siyaasadi uu ku hogaamiyay umada nabiga SCW.
  • Xanuunada qalbiga ku dhaca.
  • Wayneynta nabiga SCW.
  • Tusaalooyin kamida dagaaladi uu nabiga galay SCW.
  • Sidee lagu gaadhaa guusha dhabta ah.
  • Naftaa u baahan waano wanaagsan.
  • Istiqfaarta dambi dhaafka.
  • Hamiga iyo taargeedka dhalinyarada.
  • Acmaasha la-aqbalo.
  • Xakamaynta nafta xuma doonka ah.
  • Maxaa lagu aqbalaa camalka wanaagsan.
  • Maxaa aqoon ah.
  • Liibaanta aduunka.
  • Ku dhaqanka quraanka kariimka.
  • Iga gaadhsiiya aayadna ha ahaatee.
  • Xalinta khilaafka.
  • Waanada quraanka ku soo aroortay.
  • Waa kuma hogaamiye?
  • U fiirsashada quraanka.
  • U diyyar garowga aakhiro in rajada la soo gaabiyo.
  • Tasbiixda ku soo arootay quraanka.
  • Taariikhda dacwada.
  • Suaalo iyo jawaabo.
  • Sideen u badbaadin karnaa ubadkeena wadamada galbeedka.
  • Masuulida waalidka ka saaran ubadka.
  • Loolanka u dhaxeeya baadilka iyo xaqa.
  • Khilaafka sida loo xaliyo.
  • Ku sugnaanta diinta alle SW.
  • Dadka khasaaray ee quraanka lagu sheegay.
  • Axkaamta ciidaha gaalada.
  • Acmaasha sida uu alle ku aqbalo.

sidoo kale akhri:

waa maxay jacayl?
maahmaahyo cusub oo xikmad leh.
halxiraale iyo jawaabo cusub.

Gaba-gabo

Sheekha wuxuu umada soomaaliyeed la-wadaagay muxaadarooyin badan oo boqolaal ah. oo duruus iyo casharo badan laga faa’iday. scw qaad siiradii rasuulka

Wuxuuna taariikhdiisa dadka uga sheekeeyay. kulanki labaad ee culimada soomaalida ee lagu qabtay magaalada Nairobi dalka Kenya. rasuulka scw qaad siiradii

Waxaana ka soo qayb galay mu’tamarkaas culimo soomaaliyeed oo ay kamid yihiin. sheekh cabdirashidd sheekh cali suufi. Iyo sheekh maxamad udris. qaad siiradii rasuulka scw

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

isku-day inaad ku share garayso baraha bulshda, si asxaabtaada uga faaideystaan. midaas waxay noo muujinaysaa taageeradaada.

Dhamaad.

6 thoughts on “Sheekh mustafe – sheekha ugu saameynta badan soomaalida better”

  1. you are in reality a just right webmaster The site loading velocity is incredible It seems that you are doing any unique trick In addition The contents are masterwork you have performed a wonderful task on this topic

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights