fbpx

Hooyo macaan – u dir fariimo qurux badan better

Xiriirka ka dhaxeeya hooyo macaan iyo ilmaheeda, waa jaceylka ugu saafisan aduunka.

Inaad hoyo macaan siiso hadyad, marka laga soo tago. sidoo kale inaad u muujiso mahadcelin, si ixtiraam leh, waa hab wanaagsan.

Hooyo waa waxa ugu qiimaha badan ee dunida korkeeda yaalla. Waxay in badan u rafaadaa farxda ilmaheeda. Waxay u dhafri oo ay u gaajoon, ilmaheeda dartiis habeeno badan.

Waxaan halkan kuugu soo aruuriyay, fariimo iyo erayo macaan. oo hooyadaa macaan u diri karto ama aad ku dhihi karto. Si-aad uga mahadceliso abaalkeedi, oo aad u muujiso qiimaheeda.

Midna ogow hooyo macaan abaalka ay kugu leedahay, lama gudi karo marnaba. Ee hooyadaa baari u noqo markasta.

31+ erayo aad ku dhihi karto hooyo macaan

Waa inaad hooyadaa ku dhahdaa erayadan, si-aad u muujiso abaalkaad u hayso. Wayna ku farxi doontaa.

  • Waxkasta ayaad ii tahay hooyo markasta.
  • Inaad hooyadey noqoto ayaan ku faraxsanahay.
  • Waad mahadsan tahay hooyo.
  • Qof naxariis badan ayaad tahay.
  • Ii naso hooyo anigaa qabanaya hawshan.
  • Cagaha maan kuu maydhaa.
  • Waxaa tahay tiirka guushayda.
  • Walid wanaagsan sidaada oo kale inaan noqdo ayaan rabaa.
  • Tiirka gurigeena ayaa tahay hooyo.
  • La’aantaa waa abaar hooyo macaan.
  • Markasta talo fiican ayaad I siisaa mahadsanid.
  • Waad ku mahadsan tahay, maadaama amrkasta garabkayga aad tahay.
  • Adigoo kaliya ayaa I fahmaya markaan ooyo.
  • Waxaad awood u leedahay inaad qalajiso ilintayda.
  • Waxkastoo ugu qaalisan ayaad u qalantaa.
  • Qofka kaliya ee markasta I fahma ayaa tahay.

Erayo aad ku dhihi karto si-aad uga qosliso

  • Soo xasuuso markaan yaraa.
  • Cunto kariyaha ugu cuntada macaan ayaa tahay.
  • Waxaa tahay geesiyadeydi.
  • Saxiibtayda qaaliga ah ayaa tahay.
  • Dhabtaada maan ku seexan karaa hooyo.
  • Qof togan ayaa tahay markasta.
  • Waan faraxsanahay waayo adigaa faraxsan markasta.
  • Adigaa sabab u ah inuu qoyskeena ugu fiicnaado.
  • Si wanaagsan ayaad ii soo korisay.

Oraahyo hooyo ku saabsan

  • Hooyo waxay fahantaa eray aadan afka ka dhihin.
  • Waxa ugu qaalisan koonkan dhaxdiisa waa hooyo.
  • Waxkastoo qiimo leh hooyo ayaa laga bartaa.
  • Jacaylka ugu qiimaha badan, waa midka ka dhaxeeya hooyo iyo ubadkeeda. Ma dhamaado.
  • Hooyo qof ka daryeel badan majiro.
  • Hooyo qofkaan ku daydo ayaa tahay.
  • Markasta qalbigayga ayaad ku jirtaa.
  • Waad ku mahadsan tahay maadaama aad isoo korisay.
  • Waad iisoo samirtay hooyo mahadsanid.
  • Waad mahadsan tahay maadaama aad I bartay sidaan naftayda u daryeeli lahaa.
  • Waxaa tahay qofki I baray macnaha naxariista.
  • Agtaada ayaan amaan ku dareemaa.
  • Waxaa tahay hooyo midii ugu qiimaha badnayd.
  • Waan ku jeclahay hooyo, maaha maadaama aad hooyaday tahay. ee waa inuuna jirin koonka qof kale oo I fahmaya.
  • Boqoradi gurigan, boqoradi qalbiga aabahay, waa boqoradi noloshayda hooyaday macaan.
  • Waxaa tahay iftiinki noloshayda.
  • Waxaa tahay kooladi sku-haysay aqalkeena.
  • Qalbiga qoyskeena ayaa tahay.jaceylkaada iyo taageeradaa waa midaan dhamaad lahayn.
  • Caalamka oo dhan ayaa u baahan hooyo.
  • Waxaa tahay iftiinki reerkeena.
  • Waan kugu faanaa hooyo.
  • Alx, maadaama ay hooyadey ii noshahay.
  • Abaalkaada waxaan ku gudo magaranayo.
  • Naxariisti oo socoto ayaa tahay.
  • Hooyada ugu wanaagsan ayaa tahay.
  • Hadaanba adiga ku haysto wax iga maqan maleh.
  • Sababta qoyskeena u adag yahay, waa adiga dartaa.
  • Sidaada oo kale inaan noqdo ayaan rabaa.
  • Inaan qof fiican noqdo adigaa sabab u ah.
  • Waxaa tahay hooyo qaaliya.
  • Runtii waan u riyaaqaa kartidaada.
  • Adigoo faraxan markaan arko waan farxaa.
  • Qofka ugu caqliga badan ayaa tahay.
  • Waxkasta sida ugu fiican ayaad u qabataa.

Gabay hooyo macaan qoraal

waa gabay amaana oo ku saabsan hooyo macaan. waa gabay ka hadlaya qiimaha iyo qaayaha ay leedahay hooyo.

  • Hooyooy la’aantaa
  • Aduunyadu hubaashii
  • Habeen kama baxdeenoo
  • Iftin lama heleenoo
  • Dadku uma hayaameen
  • Xiddig hawd ka lulatoo
  • Sida haad ma fuuleen
  • Dayax heego joogoo
  • Hubka laguma tureen
  • Hawo laguma gaadheen
  • Cirka hirar ka muuqdoo
  • Hooyoy addoomuhu
  • Halkay maanta joogaan
  • Adigow horseedoo
  • Intaad hanad xambaartee
  • Haaneedka siisee
  • Horaaddada jaqsiisee
  • Habtay baan xisaab iyo
  • Tiro lagu heleynoo.
  • Marka aad nin hiilloo
  • Laga baqo hashiisiyo
  • Halyey diran dhashaa baa
  • Hooyo lagu xasuustaa
  • Marka aad nin hoo-loo
  • Gurigiisa habaqluhu
  • Isku soo halleeyoo
  • Hayntiisa quudhoo
  • Hor Illaahay geystiyo
  • Lama hure dhashaa baa
  • Hooyo lagu xasuustaa.
  • Mar aad nin himilada
  • Hilin toosan mariyoo
  • Hir markii la gaadhoba
  • Ku labaad hilaadshoo
  • Haga maatadiisoo
  • La higsado dhashaa baa
  • Hooyo lagu xasuustaa.
  • Marka aad nin hoogiyo
  • Ka hor taga daalkoo
  • Garta hubin yaqaanoo
  • Xaqa hoos u eegoo
  • Halistiyo colaadaha
  • Dabka hura bakhtiiyoo
  • Ku haggoogta dhiiggoo
  • Dadka kala hagaajoo
  • Kala haga dhashaa baa
  • Hooyo lagu xasuustaa.
  • Markaad hoobal caaniyo
  • Hindisaa farshaxanoo
  • Hab-dhaca iyo luuqdiyo
  • Hawraarta maansada
  • Heensayn yaqaanoo
  • Rabbi biyo u siiyoo
  • Labadaba hannaanshiyo
  • Hal-abuur dhashaa baa
  • Hooyo lagu xasuustaa.
  • Dumar iyo haween baa
  • Nolol lagu haweyntaa
  • Kuwa lagu hammiyayee
  • Sida hawd caleen weyn
  • Rag u wada hammuumee
  • Ishu calacsanaysaa
  • Hablahaaga weeyee
  • Marka guur la haybshee
  • Gabadh heego dheeroo
  • Hoobaan la moodoo
  • Karti iyo hubqaadloo
  • Quruxdana ka hodaniyo
  • Hira laga aroostaa
  • Hooyo lagu xasuustaa
  • Hooyoy la’aantaa
  • Higgaad lama barteenoo
  • Hooyoy la’aantaa
  • Hadal lama kareenoo
  • Ruuxaanad habinoo
  • Kolba aanad hees iyo
  • Hoobey ku sabinoo
  • Hawshaada waayaa
  • Hanaqaadi maayee
  • Hoygii kalgacalkee
  • Naxariistu hadataay.
  • Hooyoy dushaadaa
  • Nabad lagu hubaayooo
  • Hooyoy dhabtaadaa
  • Hurdo lagu gam’aayoo
  • Hooyoy taftaadaa
  • Dugsi laga helaayoo
  • Waxa lagu hal-maalaa
  • Hooyo ababintaadee
  • Hayin lagu badhaadhaay
  • Hogol lagu qaboobaay
  • Gogol lama huraaneey
  • Dugsigii hufnaantaay
  • Hidda lagu arooraay.
  • Intaad hooyo nooshahay
  • Hambalyiyo salaan baan
  • Hanti kaaga dhigayaa
  • Hamrashiyo xaq dhowr baan
  • Dusha kaa huwinayaa
  • Hooyo dhimashadaaduna
  • Hooggayga weeyoo
  • Hiyiga iyo laabtaan
  • Kugu haynayaayoo
  • Weligay hoygaagaan
  • Ka dul heesayaayoo
  • Hengel baan u xidhayaa
  • Inta haadka duushiyo
  • Idil habar dugaaggee
  • Ifka hibo ku noolow
  • Aakhiro halkii roon

amaan hooyo macaan qoraal

hooyo macaan
hooyo macaan

U malayn maayo inay jiri karaan ereyo iyo qoraal lagu cabiri karo qiimaha. iyo amaanta hooyo macaan ay mudan tahay.

lama soo koobi karo qiimaha hooyo ay leedahay. laakin waxaan soo qaadaynaa qayb kamida xaqa ay diinteena siisay.

Alle SW markuu kawaramaayey in kaligii la caabudo. wuxuu booska labaad ka dhigay waalidka. in loo asxaan falo, baari loo noqdo.

wuxuu alle raali ka noqdaa qofka labadiisa waalid raaliga ka noqdeen. qofka labadiisa waalid habaaraana wuu u cadhoodaa.

asxaabi ayaa waydiiyay nabigeena SCW, yaa iigu xaq badan dadka? wuxuuna ugu jawaabay hooyadaa. yaa ku xiga ayuu dhahay, wuxuuna dhahay hooyadaa. mar sedexaad ayuu waydiiyay, wuxuuna ku dhahay hooyadaa.

  • Hooyo waa naxriis, waa janno iyo farxad ‘ waa jacayl iyo waa nolol .
  • Ma gudan xilkaagii, mana gabin xaqaaqii
  • xusuustana ma moogiye ‘ xujadaada weyn baan
  • xag aan kaga hagaagiyo ‘ xeeligeegi la’ahaye
  • saddex goor xaq mudaneey ‘ xinjirtayda dhiiggaay
  • xaramkii labaadeey ‘ xaaska haybaddiisaay
  • xag alliyo dhankaagay ‘ qudhu igaga xidhante
  • la’aantaa xayaatada, xabaal baan ka gali lahaa.
  • Xadhkihii sammaantiyo ‘ heeryadii xaqiiqada xajisee adkaysaay
  • Qof xannaanadaadiyo, xiisahaaga waayaa
  • xagal-daac ka bixi waa ‘ xiskiisuna ma buuxsamo
  • Hablo xuural-cayn ee ‘xariir guudka loo dabay
  • xulantida la tiigsado ‘ adaa xoor ku soo habay
  • u sii xaadhay daw siman ‘ misna faray xuduuddiyo
  • inta laga xishoodiyo ‘ inta aan xajiin iyo
  • xumo lagu ogaynee ‘ garashadu u xilatee
  • xusul-duubka raadcada ‘ xergi loogu baratamo
  • Xushmayntaada ruux gabay ‘ xaq-dhawrkaaga baal maray
  • ma xasilo adduunyada ‘ xawdkii rasuulkiyo scw
  • janno waa ka xaaraan.
  • inta hooyo ee bugta alahaa siiso caafimaad taama,
  • Inta caafimad qabta allah u siyaadsho
  • Inta aan wax haysan allah u dhiibo
  • Inta haysatana allah u barakeeyo
  • Inta geeryootayna allah u naxriisto

Gaba-gabo

Qoraal oo kaliya laguma soo koobi karo abaalka ay waalidku nagu leeyihiin. Siiba hooyo. Waayo mar aadan waxba ahayn ayey kuu soo samirtay. Daryeelkaada ayey habeeno u soo jeeday. Waxay u gaajootay, si aad adigu wax u cunto.

Hooyo qof ka qaalisan, oo koonkan joogo majiro. Hadaba hadey hooyadaa kuu noshahay, magaceeda hoos ku soo qor. Hadey kuu noleen, walaal u ducee hooyadaa. Sadaqana u bixi.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

Dhamaad.

5 thoughts on “Hooyo macaan – u dir fariimo qurux badan better”

  1. I just could not depart your web site prior to suggesting that I really loved the usual info an individual supply in your visitors Is gonna be back regularly to check up on new posts

  2. Its like you read my mind You appear to know so much about this like you wrote the book in it or something I think that you can do with a few pics to drive the message home a little bit but instead of that this is excellent blog A fantastic read Ill certainly be back

Comments are closed.

Verified by MonsterInsights