Dhamaanteen waxaan jecel nahay inaan ku noolaano nolol macaan. waxaan ku haminaa sidaan u noqon lahayn dad guulaysta.
Adigu maad kamid tahay dadka doonaya iney ogaadaan wadada guusha nolosha loo maro? Hadey jawaabtaadu haa tahay, qoraalkan adiguu ku quseeyaa.
Waxaan kula wadaagaynaa habkaad ku gaadhi lahayd guusha aad doonayso. iyo wadaada aad u mari lahayd.
Dabcan su’aasha aad naftaada waydiinayso, waa sideen ku gaadhi karaa guusha aan rabo. raac talaabooyin hoose.
Qodobada mawduuceena maanta
- Waa maxay guusha nolosha?
- Wadada guusha loo maro
- 10-ka fure ee guusha
- Astaamaha guusha lagu gaadho
- Caadooyinka guusha
- 4 waxyaabood oo guusha kaa hor taagan
- Maxaad u guulaysan wayday?
- Talooyin guusha nolosha
- Xikmadaha guusha nolosha
- Sababaha guusha lagu gaadho
- Dhiiri galin guusha
dhamaan qodobadan kor ku xusan, waxaan ku faahfaainaynaa qormadeena maanta.
Waa maxay guusha nolosha?
Guusha noloshu waa helida dhamaan waxaad doonayso noloshaada inaad hesho. ama fulinta qorshaad dajisatay.
Guusha waxaa lagu qeexaa, kartida aad ku gaari karto hadafka nolosha aad ka leedahay. Guushu manraba kuma imaato
- Iska-fadhi.
- Fikir gaabni.
- Hami yari.
- Samir la’aan.
- Iyo fudayd.
Guusha aad gaadhayso waxaa go’aamiya hankaada mustaqbalka eed doonayso. guushaadana waxay la eg-tahay hankaada inta uu la eg yahay.
Wadada guusha loo maro
Waxaa jira habab badan ood u mari karto, sidaad ugu guulaysan lahayd yoolkaada. waxayna ku xidhan tahay waxaad ka aaminsan tahay guusha.
Tobanka fure ee guusha
Waxaa jira furayaal kuu sahlaya inaad ku guulaysato hadafkaada, waxayna kala yihiin.
- Dhaqaajiye.
- Tamar.
- Xirfada.
- Aragti mustaqbal.
- Ficilka.
- Filasho wacan.
- Isku waajibin.
- Furfurnaan.
- Samir
- Joogtayn.
Furayaashan oo faahfaahsan waxaad ka helaysaa buuga 10-ka fure ee guusha.
Astaamaha guusha lagu gaadho
astaamahan hadaad leedahay, waxaa tahay qof saaran. wadadi guusha uu ku gaadhi lahaa.
- Inaad yeelato ham iyo hiigsi.
- Ha samaynin hal khalad ah labo jeer.
- Inaad ku qanacsanaanto is-badalka.
- Dadaal iyo kharti dheeraad ah.
- Samir iyo dulqaad badan.
- Xooga saar go’aankaada.
- Cidna ha u ogolaan iney hadafkaada kaa leexiyaan.
- Guusha inaadan ka baqin.
- Niyadaada inaad wanaajiso.
- Daacad inaad u noqoto yoolkaada
- Alle inaad talo saarati markasta.
Caadooyinka guusha
Wadada guusha loo maro, waxay leedahay shuruudo. iyo caadooyin loo baahan yahay inaad yeelato, si aad u gaadho guul. Waxayna kala yihiin
1. Ku dadaal kobcinta maskaxdaada
Daraasad la-sameeyay ayaa lagu sheegay in dadku leeyihiin. labo maskaxood oo asaasi ah, oo saameeya sidaad u fikirayso.
- Maskax xadidan.
- iyo maskax kobcaysa.
Dadka leh maskaxda xadidan waxay aaminsan yihiin, in guusha lagu gaadhin shaqo adag. ee ay tahay wax si fudud lagu gaadhi karo.
Waxa aaminsan yihiin iney tahay, hibo dadku ku dhashaan. waana dad si sahlan uga tanaasula yoolkaada.
Dadka leh maskaxda kobcaysa, waxay aaminan yihiin. iney dadaal badan ku samayn karaan isbadal muuqda.
Dadka noocan ah waxay u badan tahay iney gaadhaan guulo. kamana tanaasulaan yoolkaada, markay wajahaan xaalad adag.
2. Ku kalsoonow naftaada
Talaabada koowaad ee guusha lagu gaadho. waa inaad ku kalsnootaa naftaada iyo kartidaa.
Hadaadan naftaada adigu aaminsanayn. waxaa kugu adkaan doonta inaad gaadho yoolka nolosha aad ka leedahay.
3. Dajiso hadaf aad gaadhi karto
Si aad u gaadho guusha aad rabto, waxaa fiican inaad dajisato hadafyo cad ood gaadhi karto.
Waxaana kuu fududaanaya inaad horey u socoto. ood ka gudubto caqabadaha kugu xeeran markaas.
4. Same ficil
Markaad dajisato hadaf, ha fadhiisan oo talaabo qaad samee. maalin kastana ka shaqee wax ku gaadhsiinaya yoolkaada.
5. Awoodaada ku xisaabtan
Ha isku-dayin inaad halmar samayso wax badan, waa inaad ku xisaabtantaa tamartaada. iyo waxa ugu muhiimsan ee kaa caawin kara yoolkaada.
6. Xiriir wanaagsan samayso
Xiriirku lama huraan ayuu u yahay guusha, sidaas darteed la samayso xiriir adag. dadka ku taageeri kara, ee kaa caawin kara inaad gaadho yoolkaada.
7. Khaladaadkaada wax ka-baro
Qof kasta wuu khaldamaa, muhiimadu waa inaad khaladkaada wax ka bartaa. oodan ka cajisin halgankaada.
8. Dib u dhaca u adkayso
Qof kasta oo hadaf leh wuu la-kulmaa dib u dhac. inaad yoolkaada ku gaadhi waydo wakhtigaad qorshaysatay.
Adigu haka niyad-jabin hadafkaada, markay adkaadaan arimuhu. ee u adkayso dib u dhaca oo horey u soco.
9. Naftaada dhiiri gali
Inaad markasta ahaato qof firfircoon, xoogaa way adag tahay. waayo waxaa kugu hareeraysa bulsho iyo asxaab kala duwan oo ku niyad jabin kara.
Qof kastana dhaxdiisa waxaa ku tartama dabeecado kala duwan oo iska soo horjeeda.
Adigu waa inaad naftaada u noqotaa dhiiri galiyaha ugu wayn, sida inaad abaal mariso. hadyad naftaada siiso, markay wax xaqiijisaba.
4 waxyaabood oo guusha kaa hor taagan
dadka guulaysta waxay ka fogaadan fikradaha dadka curyaamiya. adigana sidaas oo kale waa inaad ka fogaataa. Waxayna yihiin.
1. Fikradaha khayaaliga ah
Fikradaha khayaaliga ah waa fikradaha aan saxda ahayn, ee naftaadu aaminsan tahay. Sida
- Shaqo waligay kama helayo wadanka.
- Waxba ma yaalaan halkan.
Fikradaha khayaaliga ah, waxay si toos ah u xadidayaan fursadahaada dhabt ah. iyo guulahaada.
Hawsha ugu muhiimsana waa inaad ka takhalustaa fikradahan, hadaad rabto inaad gaadho guul.
Fikradahan ma xadidayaan fursadahaada oo kaliya, waxay sidoo kale burburin karaan noloshaada.
2. Adkaysi la’aan
Bal ka waran adigoo aqoonti lagu qaban lahaa shaqada leh. fursadina haysta, hadaad rajo dhigto, maadaama aad fashilantay hal ama labo mar.
Dadka kaliya ee gaadha hadafkooda, waa kuwa adkaysiga u leh caqabadaha soo wajaha.
3. Isbadal la’aan
Isbadalku waa awood lagula qabsado xaaladaha guud. waa awood kuu sahlaysa inaad hab kale hawshaada u qabato. haduu kuu shaqayn waayo habki hore.
Haday kuu fududaato la-qabsashada isbadalka, waxaa kuu fududaanaysa inaad la-qabsato xaalado kale duwan. Taasna waxay badinaysaa fursadahaada guusha.
4. Qorshe la’aan
Hadaadan lahayn hadaf iyo qorshihi aad ku gaadhi lahayd. ogow waxaad qayb ka noqon qof kale qorshihiisa.
Markaad rabto inaad xaqiijiso hadafka nolosha aad ka leedahay. waa waajib inaad yeelato qorshe cad oo kugu hagaya hadafkaas.
Maxaad u guulaysan wayday?
Hadaad si dhab ah u doonayso inaad gaadho guul. waa inaad si qoto-dheer u fahantaa fikradaha guud, ee go’aaminaya guushaada.
Talooyin guusha
- Dadaal oo joogtee hayaanka aad ugu jirto guushaada.
- Kolba waa inaad hubisaa inaad ku socoto wadadi saxda ahayd.
- Waa inaad u samirtaa caqabadaha aad la kulmi karto.
Xikmadaha guusha
xikmadahan waxaa laga diwaan galiyay dadki guulaystay. adigana waxay kugu dhiiri galinayaan inaad ahaato qof dhiiran markasta.
- Dadka guulaysta waxay maalgashadaan wakhtigooda.
- Shaqadu waa midhaha rajada oo dhan.
- Haduuna jirin hadaf aad gaadho, waxaad waydo ma jiraan.
- Dhiiranaantu waa furaha ugu fiican ee guusha lagu qaadho.
- Wada shaqaynta kooxda, waxay yaraysaa culayska shaqada.
- Qofna uma xoog iyo caqli badna sida 10 qof.
- Fikraduhu waa kumanaan, qiimo ma-laha hadaan ficil laga dhigin.
- Ficilka ayaa ka muhiimsan weedhaha.
- Waa inaad waajahdaa dhibatada, si aad u gaadho guushaada.
- Qofka guulaysta waa midka aan is-dhiibin marnaba.
- Wax wayn waa inaad hurtaa, si aad u hanato wax wayn.
- Way adag tahay in lagaa guulaysto, hadaadan quusanaynin adigu.
Sababaha guusha lagu gaadho
Waxaa jira waxyaabo aad u baahan tahay, si aad u gaadho guusha aad rabto inaad xaqiijiso.
Waxaadna aamintaa guusha inuu alle bixiyo alle. balse waxaad u baahan tahay inaad la imaato sababihi aad ku gaadhi lahayd guusha.
Waxyaabaha guusha inaad gaadho kuu sahlaya waxaa kamid ah.
1. Inaad tahay qof diyaarsan
Diyaar garowgu waa asaaska guusha lagu gaadho. markaad diyaar tahay waxaa kuu sahlan inaad fursadaha ka faa’idaysato.
2. Samee waxaad jeceshahay
Qofka bani’adamka ah, marnaba ma wadi karo wuxuuna jeclayn ama uuna ku qanacsanayn.
Qabo waxaad jeceshahay, waayo waxaa kuu fududaan inaad hawshaas ka gun gaadho.
3. Yeelo yool
Waa muhiim inaad yeelato waxaad doonayso inaad xaqiijiso. si aadan uga caajisin helida waxaad rabto.
4. Wado saxan ku soco
Marnaba guushaad rabto ma gaadhaysid, hadaad ku socoto wado khaldan. yoolkaadana waad ka lumaysaa.
Si aad uga badbaado arintan, talooyinka wanaagsan ee dadka waayo araga ah qaado. khaladkaadana wax ka baro.
5. Ka fikir talaabooyinkaada
Same qorshe kugu haya meeshaad rabto inaa gaadho. hadaadan ka fikirin waxaad qabanayso, marnaba waxba kuuma suuro galayaan.
6. Diirada saar hormarkaada
Waxaa ku soo wajihi doona caqabado fara badan. waxayna kaaga baahan tahay adkaysi iyo dulqaad badan.
Hadaba waa inaad waajahdaa caqabadahaas, si aad u gaadhin hadafkaada. iyo waxaad rabto inaad hesho mustaqbalka.
7. Hiigsigaada cadee
Waa iney kuu cad yihiin waxaad doonayso inaad xaqiijiso ustaqbalka. tusaale ahaan hadaad rabto inaad ganacsato, waa inaad cadaysaa.
- Markaad bilaabayso ganacsiga.
- Nooca ganacsiga aad rabto.
- Dhaqaalaha aad galinayso.
- Goobta aad ka bilaabayso.
- Sidaad u bilaabayso.
Haduuna kuu cadayn waxaad doonayso. marnaba ma helaysid natiijo wanaagsan ood ku faanto hadhow.
8. La-saaxiib dadka wanaagsan
Inaad dadka wanaagsan wehel ka dhigato, waxay qayb wayn ka qaadanaysaa hormarkaada. iyo siduu noqonayo mustaqbalkaada.
Dhiiri galin guusha
Markaad ku jirto hayaanka guushaada ee nolosha. waa inaad naftaada dhuuri galin u samaysaa.
Qodobadan waxay kaa caawinayaan inaad naftaada dhiiri galiso.
- Wanaaji xiriirka aad alle la leedahay.
- Marka kasta ood gaadho guul alle xus.
- Yeelo jadwal kugu haga yoolkaada.
- Si togan u fikir.
- Samayso waqti aad ku qiimayso wax-qabadkaada.
- Rajooyinkaada iyo hankaadaba ha xadidin.
- Noqo qof samaysta farxada asagu, yaan laguu samaynin.
- Maalin kasta naftaada dhiiri gali.
- Ka qayb gal bandhigyada cilmiga ah.
- Naftaada ku tababar ineyn ka caajisin waxaad go’aansatay.
- Kalsoonidaada kor u qaad.
- Noqo qof ay ka go’an tahay inuu gaadho harumar.
- Markaad dhibaato la-kulanto ha is dhiibin.
- Wakhtigaada inaad dayacdo iska ilaali.
- Ka fogow dadka kugu abuuraya niyad jabka.
- Iska ilaali waxyaabaha dib u dhaca kuu horseedaya.
Ogow iney wax kasta hal mar kuu suurto galaynin, ee ay u baahan tahay wakhti iyo inaad ku celceliso.
Gaba-gabo
Waad gaadhi kartaa guul kasta ood rabto. hadaad la imaato sababaha lagu gaadho guusha allana aad talo saarato.
Kaliya waxaad u baahan tahay inaadan is-dhiibin. ood ahaato markasta qof ku dhiiran yoolkiisa. yaabood oo aad u baahantahay, baahantahay si aad u gaarto.
Qodobada aan ku xusnay qoraalkan, waxay kaa caawinayaa. iney kuu iftiimiyaan wadada guusha lagu gaadho. oo aad u baahantahay si, aad u gaarto guusha nolosha.
La-wadaag asxabataada, mahadsanid.
Dhamaad
3 thoughts on “Guusha nolosha wadada loo maro better”
Comments are closed.