waxaa jira laba nooc, oo kamida dadka. Kuwo waxay xiiseeyaan hadalada kaftanka ah. Kuwana waxay xiiseeyaan halxiraalayaasha.
Hadaad tahay dadka xiiseeya halxiraalayaasha, waxaan maqaalkan kuugu soo aruurinay. Halxiraale iyo jawaabo cusub, kuwaas oo xul ah.
88 halxiraale xul ah
Halxiraaluhu waa erayo madadaalo ah, ood la-wadaagi karto asxaabtaada iyo dadkaadaba.
sidoo kae akhri
sidee wiil jaceyl loogu abuuraa?
halxiraale iyo jawaabo
- Sheeg wax meeshaad rabtay, ku gaynaya, asagoon dhaqaaqin?. Waa wadada.
- Wax markaad isticmaalayso aad tuurayso?. Shabaqa malayga.
- Sheeg noole caanihiisu xalaal yihiin, hilibkiisuna xaaraan yihiin?. Waa hooyada.
- Salad la-tukado oon lahayn sujuud iyo rukuuc?. Waa janaasada.
- Wax la-dhalo, aan waxba dhalin?. Waa baqasha.
- Wax ilko badan leh, oon ku qaniini Karin?. Shanlada.
- Wax soo socda, oon imaanaynin waligii.? Bari.
- Wax socda oon nasanaynin waligeed?. Waa dabaysha.
- Sheeg magaalo aan burka lagu shiidin?. Bur lama shiido.
- Sheeg wax markaad taabato qaylinaya?. Waa gambaleelka.
- Shay shay-kasta, u baahan yahay?. Waa magaca.
halxiraale cajiib ah iyo jawaabo
- Xayawaan sooma bisha ramadaada, sida dadka oo kale.? Maska.
- Imisa midib ayey leedahay qaanso-roobaadaka.? Todobo.
- Waxaad sheegtaa magaalo aan mayd ka-dhimanin?. Mayd ma-dhinto.
- Wax biyaha ka imaado, hadey taabtaana dhimanaayo.? Barafka.
- Wax markaad kariso adkaada.? Ukunta.
- Wax korkaada ku yaala, aadna taaban Karin.? Cirka.
- Waxaad sheegtaa albaab aan la-furi Karin.? Albaabka furan.
- Shey aad wado asagana kuwada.? Kabaha.
- Codka loogu neceb yahay dunida.? Codka dameeraha.
- Wax qaawan, dadkana astura.? Irbada.
- Waxaad sheegtaa, wax waxkasta arko indhana aan lahayn.? Waa muraayada.
halxiraale qosol badan
- Wax la-cuno oo xarafka N ka-bilowda, oon ahayn nacnac?. Waa nafaqo.
- Sheeg wax biyaha ka-dhasha, biyahana ku dhinta?. Kaneecada.
- Labo wax oo aad qureecda cuni Karin.? Qadada iyo cashada.
- Waxaad leedahay oo lagaaga isticmaal badan yahay.? Waa magacaada.
- Wax orgiga ka xishoodo, laakin aabaha uuna ka xishoonin?. Naagta uurka ah.
- Biyo cirnkana ka imaanin dhulkana ka imaanin?. Waa ilinta dadka.
- Wax asagoo qalalan ku galaya, asagoo qoyan kaa soo baxayo.? Waa cadayga.
- Wax markuu soconaya hal lug ku socda, markuu istaagana sedex lugood ku istaaga.? Waa kaariyoonaha.
- Sheeg xayawaanka ugu xasuusta wanaagsan?. Geela
- Meesha kaliya ee jidhka kamida, ee dhiigu gaadhin. waa Daboolka isha.
- Sheeg wax hal ill eh, ishaasna aan waxba ku arag.? Irbada
halxiraale cajiib ah
- Sheeg wax markaad soo iibsato madow ah. markaad isticmaashana guduud ah, markaad ka-bogatana cadaan ah?. Dhuxusha.
- Sheeg magaalo cagaaran, dhismaheeduna guduud yahay, dadkeeduna madaw yahay. Qaraha
- Sheeg shay aan meel gali Karin, hadii madaxa aan laga garaacin. Waa musbaarka.
- Sheeg shay aad galaysid, hadana aad ku dul ooyayso.? Waa basasha.
- Sheeg albaab aan la-furi Karin?. Waa albaabka furan.
- Sheeg wax aan kaa tagaynin, intaad nooshahay.? Waa magacaada.
- Waxaan noole ahayn, oo gacmo iyo qoor leh?. Waa funaanada.
- Sheeg wax hortaada socda, hadana aad akri Karin?. Waa hawada.
- Wax markuu nadiif yahay madaw ah. Markuu wasaq yahayna cadaan ah?. Sabuurada.
- Markastoon qabaysto, waan yaraadaa?. Waa saabuunta.
- Geedka aduunka ugu dheer, xaguu ku yaalaa?. Dhulka.
halxiraale adag
- Wax kor u-socda, oon hoos u soo noqonin?. Waa cimriga.
- Wx gacmo leh, hadana aan ku dharbaaxi Karin.? Saacada.
- Sheeg wax raga xaga dambe kaga yaala, dumarkana xaga hore.? Waa xarafka N.
- Wax muraayada ka-dhax-baxa, asagoon jabinin?. Iftiinka.
- Wax markaad xidhan tahay, aadan arkaynin?. Karfanta.
- Wax dhaxda ka rima, oo afka ka-dhala?. Waa qoriga.
- Waa maxay waxaan wax qaniinin, waxna goynin. Ilaa indhaha faraha laga galiyo?. Waa maqaska.
- Waxaad aragto oodan qabin Karin?. Waa qiiqa ama hooska.
- Xayawaan aan la-cunin, laakin wuxuu dhalo lacuna?. Shinida.
- Wax istaaga lagu xidho, fadhigana lagu furo?. Waa salaada.
- Wax lugo leh oon socon Karin?. Waa miiska.
halxiraale diini ah
- Sheeg nabigi feedhay malakul-mawdka.? Nabi muuse.
- Waxaad sheegtaa labada nabi ee aan guursanin.? Nabi ciise iyo nabi saxye.
- Waxaad sheegtaa nabi ismaaciil hooyadii.? Waxaa la odhan jirey haajara.
- Meeqa sano ayuu soomay nabi maxamad SCW?. Sagaal sanadood.
- Waxaad sheegtaa nabiga loo-yaqaano afayeenka nabiyada?. Nabi shucayb.
- Waxaad sheegtaa magaca xaaski fircoon.? Aasiya bintu musaaxim.
- Taariikhda hijriga yaa diwaangaliyay?. Cumar binu khadaab.
- Waxaad sheegta labada bakhti ee xalaashaa?. Ayaxa iyo kalluunka.
- Waxaad sheegtaa labada nabi ee ila-adeerka ahaa?. Nabi luud iyo nabi ismaaciil.
- Waxaad sheegtaa xiliga furiinku uuna banaanayn?. Marka dumarku caadada leeyihiin.
- Salad wakhtigeeda hadaad ku tukan-waydo, inaad soo qalayso ay xaaraan tahay. Waa jumcaha.
halxiraale xikmad
- Sheeg shayga kaliya ee wax cuna, hadana aan dhargaynin.? Waa dabka.
- Sheeg waxaad u baahan tahay, hadana aadan arkaynin. Waa hawada.
- Wax lagaa qaadayo, intaan lagu siinin ka-hor.? Sawirka.
- Waxaad sheegtaa, wax siiwaynaada marka wax laga qaado?. Hoga.
- Waxaad sheegtaa, waxaan noole ahayn balse dhiman kara?. Batariga mobileka.
- Bishee ayey dadku seexdaan hurdada ugu yar.? Bisha fabrury.
- Sheeg wa afar farood iyo suul leh, laakin aan noolayn?. Waa galoofiska.
- Sheeg waxaan wadlin, haduu gaajoodo been sheega, haduu dhargana run sheega.? Waa saacada.
- Sheeg waxaadan maqlaynin wuxuu sheegayo, hadana aad fahmayso wuxuu sheegayo. Waa buugaagta.
- Waa maxay dhaawaca aan dhiig ka imaanin.? Waa dareemaha murugada iwm.
- Waxaad sheegtaa waxa aduunyo ugu dambeeya?. Waa xarafka O.
halxiraale iyo jawaabo qoraal ah
- Waxaad sheegtaa wax hadii qoorta laga jaro aan dhimanaynin, hadii lugaha laga-jarana dhimanaya?. Waa geedka
- Meeqa ayuu libaaxa uurka ku sidaa ilmihiisa.? 106 maalmood.
- Qofki ugu horeeyay ee surwaal xidhay?. Nabi ibraahim CS.
- waxaad taaban karin, hadana jabawaa. waa balanta.
- hadaad quudiso ma dhargo. hadaad waraabisana wuu dhiman. waa dabka.
- waxaad sheegta bisha leh, 28 cisho. bilaha oo dhan.
- sheeg laba xubnood oo jirkaada kamida, marka laysku-daro magac gaadhi noqonaya?. waa cagafta.
- waxaad sheegtaa xayawaan aan seexanin?. waa raha.
- sheeg xayawaanka, marka magaciisa iyo midabkiisa laysku-daro, noqda magac qabiil. waa sacad. sac+cad.
- sheeg xayawaan markuu kaligii yahay horey u socda. markuu wax wadana gadaal u socda. waa xarwalwaalka.
- sheeg goorma daaqada guriga la-furaa.? markay xidhan tahay.
Faa’idada halxiraalayaasha
halxiraale iyo jawaabo cusub
- Waxay kobciyaan xawaaraha maskaxda.
- Firfircoonida maskada, ayey xoojisaa.
- Hal-abuurka qofka ayaa kordha.
- Waxay xoojiyaan, xirfada xalinta caqabadaha.
- Isku-buuqa ayey yareeyaan.
- Is-dhaxgalka dadka, ayey hormariyaan.
Runti halxiraalayaashu, waxay dadka ka caawiyaan, bad-qabka maskaxda. Iyo inuu qofku barto, xainta dhibaatooyinka. Iyo xujooyinka.
Muhiimada ay leeyihiin halxiraalayaasha.
Inaad xaliso halxiraale, waxay kordhinaysaa xawaaraha maskaxdaada. Iyo hal-abuurkaada.
Waxay kaloo qofka ka-dhigaan qof faraxsan, oo nashaada. Saw maadan arkin, marka halxiraale lagu waydiiyo. Adigana aad ka-jawaabto. Waxaad dareemi xoogaa nashaada iyo farxad.
Gaba-gabo
Waxaan idinla-wadaagnay halxiraalayaal xul ah, oo cusub. Kuwaas oon ka soo xiganay buugaag, muqaalo iyo wargaysyo waawayn.
Waxaan rajeynayaa, inaad ka heshay qaybo kamida halxiraalayaasha. Ama dhamaantoodba.
Bal nala-wadaag meeqa halxiraale ayaa kugu cusub.
Good work
Keep going wll