Sooma fiicna inaad garanayso macnaha magacaada. iyo magacaad u bixin lahayd ilmahaada.
Hadaad rabto inaad ilmahaada u bixiso. magac qurux badan, oo soo-jiidashana leh. Waxaan maqaalkan idinku soo aruurinay. Magacyada gabdhaha somaalida iyo wiilasha, oo xul ah.
Waxaa wanaagsan, markaad ubadkaada ubixinayso magac. inaad si fiican uga fiirsato.
Waxaa jira xadiith nabiga laga wariyay oo dhahaya. Maalinta qiyaamo, waxaa laydinku yeedhi doontaan magacaydiina. Iyo magacyada aabayaashiina. Ee wanaajiya magacyadiina.
sidoo kale akhri:- erayo dhiiri galin ah
600 Magacyada gabdhaha soomaalida
Waa kuwan magacyo ka badan 600 oo ah magacyada dumarka soomaalida. Kuwo cusub, iyo kuwi horaba. Kuwoodi ugu wanaagsanaa, uguna shidanaa.
sidoo kale akhri
magacyada gabdhaha ugu shidan
- Aragsan. Tii isha u rooneyd.
- Aslan. Midi aslanayd, ( waa midab qurux badan)
- Ashkiro. Tii midab fardoodka cas ayad.
- Iftiin. Midi nuurka badnayd.
- Adeeca. Midi baariyada ahayd.
- Abyan. Horyaalki quruxda. Waxaa loo bixiyaa curada.
- Idman. Tii lasii naadiyay.
- Amran. Tii astaanta gaarkaa lahayd.
- Baada. Tii raagta.
- Baar. Tii hablaha ugu saraysay.
- Badhaadha. Tii barwaqada ahayd.
- Barni. Wuxuu tilmaamaya midabka iyo quruxda gabadha.
- Basra. Waa magaca magaalada labaad ee ciraaq.
- Bariisa. Inanta reerku ku soo waa barista.
- Beday. Waxaa loo bixiyaa inanta, tii ha horeysay uu ale la noqday.
- Balax. Waa tii midabkeedu cadaa, ee boodhka ahaa.
- Berdan. Deganaan iyo dhawrsanaan.
- Tanaad. Waa tii guulaysatay.
- Timiro. Waa tii midabkeedu casaa.
- Tooxyar. Inanta dhuuban ayaa loo bixiyaa.
- Xaadsan. Xumaanta iyo ceebta aan lahayn.
- Xiddo. Midabkeedu cawlan ama casuuska yahay.
- Xogla. Inanta aabaheed dhinto, ayadoo caloosha ku jirta.
- Dalays. Gabadha ka sareysa dumarka faceedka ah.
- Ramla. Waa ciid macnuhu, laga wado qurux iyo waynaan.
- Sellin. Waa tii jaanteedu miisaanka lahayd.
- Suudi. Inanta shanqadheedu yartahay.
- Suuri. Quruxda badan.
- Shaadiro. Midawga dugulka ah.
- Shahmaad. Muranla’. Murankeedu ma badna.
- Shacni. Qurux iyo iftiin.
- Dheeraa. Gabadha hablaha kale, wax dheer.
- Shankaroon. Gabadha dumarka kale wax-dheer.
- Dheeg. Gabadha u eg aabaheed ama hooyadeed.
- Dhudi. Gabadha dhuuban ee qorqoran ayaa loo bixiyaa.
- Cutiya. Gabadha socodka dagan.
- Cayo. Gabadha dhagaha nugul, ee dabacsan.
- Cawrala. Inanta aan ceebta iyo xumaanta lahayn.
- Calowla’. gabadha saafiga ah.
- Gaasira. Waxaa loo bixiyaa gabadha quruxda badan.
- Gallado. Deeq alle bixiyay ayuu magacu u taagan yahay.
- Filsan. Inanta filkeeda ugu wanaagsan.
- Farow. Gabadha joogeeda iyo cayilka isku toosan leh.
- Foolaad. Waxaa loo bixiyaa, gabadha curada ah.
- Qaafo. Gabadha leh quruxda iyo jaaha.
- Qarad. Gabadha lagu ducaysto iney dhalato.
- Qaleeya. Waxaa loo bixiyaa gabadha la-dhalata wiilal badan.
- Karuur. Inanta cad ee dhalaalaysa.
- Keysi. Waa tii ku filnaatay qoyskeeda.
- Kawsar. Wabi ku yaala janada ayaa loogu magac daray.
- Lafti. Tii dhaladka ahayd.
- Laqanyo. Gabadha leh quruxda curdanka ah.
- Maydhan. Gabadha aan lahayn xumaanta ee nadiifta ah.
- Madheedho. Midabkeedu yahay guduudka.
- Magool. Waa tii u dhignayd manka dhirta iyo ubaxa.
- Madhifla. Gabadha aan xumaanta iyo ceebta lahayn.
- Muraaxo. Gabadha hooyadeed u eg.
- Nabado. Gabadha dagan.
- Nagaad. Gabadha lagu xasila ee bariyada ah.
- Weris. Gabadha magac iyo tafiir reebta.
- Wiyilo. Jooga iyo hilibka dumarka ayuu magacu sheegayaa.
- Hira. Wuxuu tilmaamayaa muuqa iyo midabka gabadha.
- Haweeya. Gabadha uu qof kasta jeclaado.
- Habsan. Gabadha wanaagsan.
- Yusur. Gabadha midabka maariin-madaw xigeenka leh.
Magacyada gabdhaha Ay Jecelyihiin
1 | badra | baqiida | tasniim |
2 | teeyba | xusna | xanaan |
3 | khaluud | qeysara | zidra |
4 | zukeena | salwa | sedra |
5 | shiima | shamiim | calwiya |
6 | ceeysha | kifaaxo | kawsara |
7 | liyana | ladman | maasiim |
Magacyada Gabdhaha Ugu Quruxda Badan 2024
1 | cabiir | nasriin | xala |
2 | wafaa | daaliya | iilaaf |
3 | ritaal | qasaal | niila |
4 | naarmiin | tamiim | hayaam |
5 | ayzal | asiila | diyaana |
6 | maariya | liliyaan | inaas |
7 | nawaara | lana | saara |
8 | raniim | randa | kanuz |
9 | raqad | afnaan | miila |
10 | luumi | aliin | manaaf |
11 | noofa | meysa | baraa |
12 | razaan | diima | najad |
13 | almaas | araam | safiya |
Magacyada Gabdhaha Quraanka
1 | janah | sadra | Lu’lu |
2 | kawthar | tasniim | fardawso |
3 | Xuur | sundus | afnaan |
magacyada gabdhaha iyo macnahood
- Ritaaj. Waa albaabka kacbada.
- Lamaar. Waa dhaldhalaal.
- Luuliya. Waa luulka.
- Asiil. Waa shey xariir ah.
- Liyaana. Waa geedka timirta oo yar.
- Miyaar. Waa iftiinka qoraxda.
- Layaan. Waa indho doogsasho.
- Rodiina. Waa saxaabiyad/
- Lojeyn. Waa biyaha macdanta.
- Saha. Waa biyaha bada.
- Miyaan. Waa ubaxa cad.
- Yaara. Waa magac turki, qalbi fiican.
- Randa. Waa quruxeey.
- Mudala. Waa kolkoolis.
- Diima. Waa roob yaryar.
- Jawiis. Waa farxada.
- Nursiin. Waa iftiiinka dayaxa.
- Almas. Waa almaasta qaaligaa.
- Daana. Waa dheemanka.
- Tasniim. Waa cod qurux badan.
- Rimaas. Waa almaaska biyaha.
- Rinaad. Waa cuudka carafta.
- Noofa. Waa taajirad.
- Asmaa. Waa cirka.
- Neyruus. Waa maalinta ciida.
- Naazli. Waa dalaayad.
- Israa. Waa sir.
- Wacad. Waa hambalyo.
- Riima. Waa cod-qurux.
- Rahaf. Waa hawo qaboow.
- Amal. Waa gabadha rajada leh.
- Adiiba. Waa gabadha edebta iyo sharafta leh.
- Azhaar. Waa gabadha farxada iyo quruxda badan.
- Ashwaaq. Waa gabadha hilowga badan.
- Asiila. Waa gabadha deeqsiyad, nasab iyo akhlaq leh.
- Afraax. Waa gabadha farxada iyo rayraynta badan.
- Afnaan. Waa sareyn.
- Aniisa. Waa gabadha naxariista iyo qalbi wanagsan.
- Axlaam. Waa gabadha hadafka leh.
- Aysal. Waa iftiinka dayaxa.
sidoo kale akhri:- hadal murti leh oo gaaban
Magac Qurux Badan Gabdhaha
Magacyada Gabdhaha Xarafka A
Aamina | aasiya | Aaya |
abxado | Abshiro | Abyan |
Abyoon | Adna | Ardo |
Askaro | Asli | Afraxo |
Arliyo | adeeca | aragsan |
aslan | ashraax | ashwaaq |
asma | amaal | amir |
amran | amuun | anusa |
axlaam | axado | ayaan |
Magacyada dumarka Xarafka I
iido | iisho | iimaan |
ijaabo | ijo | idil |
isir | isra | istaahil |
istarliin | istaanbuul | idman |
istiqlaal | ismahan | ishaaro |
iftiin | ifraax | iqbaal |
iqra | ikraan | ilwaad |
ilhaan | indhaqeqa | isniino |
Magacyada dumarka Xarafka U
ubax | udgoon | ugaaso |
ugbaad | umulkhayr | ulasan |
Magacyada Gabdhaha Xarafka B
baarcad | baahila | batuulo |
baxsan | barrey | badhaadha |
barkhado | barni | bedra |
barwaaqo | basra | basma |
bahja | beegsan | beerlula |
Baciido | bila | biladaya |
bilan | binti | baada |
baar | bishaaro | batuulo |
Magacyada dumarka Xarafka T
tanaado | tiriig | timiro |
toosan | tusmo | taraaxa |
taysiir | tooxyar |
Magacyada Gabdhaha Xarafka J
jaamaco | jawaahir | juweeriya |
jimco | jookho | jano |
jamiilo | jawhara |
Magacyada Gabdhaha Xarafka X
xaadsan | xaali | xaawo |
xabado | xabiibi | xaadiya |
xaadiya | xaybo | xasna |
xafsa | xalan | xaliimo |
xawlo | xamaro | xamda |
xanaan | xayaat | xiis |
xiddo | xirsiyo | Xigaal |
xildiid | xoriyo | xurmo |
Magacyada Dumarka Xarafka KH
khadiija | khayro | khadra |
khamiiso |
Magacyo Shidan Gabdhaha
Magacyada Dumarka Xarafka D
dahabo | dawo | dawlo |
deeqa | degan | diiran |
dalays | daacado | danabo |
dayiso | dayaxo | dakeeya |
doonbira | dugsiiya | duniya |
Magacyada Dumarka Xarafka R
raaxo | raaqiya | raxiima |
raxma | Riyaaq | ruwayda |
raaliya | racwi | ruqiya |
riyaad | riyo | roodo |
rabiica | rafiiqa | ramla |
rumaan | ruun | ramla |
Magacyada Dumarka Xarafka S
samiya | saafi | saaco |
safo | sabaad | saxarla |
saxan | sacdiyo | sadca |
sareedo | safiyo | sagal |
salaado | salma | samiixa |
samiira | samsan | saynab |
saciido | siraad | sifaad |
siman | soohan | suuban |
suudi | subeyda | suheyb |
subkan | sucaad | sucdi |
suleekha | sureer | sumaya |
suheer | suhuur | shaadiya |
shaaca | shacni | shamis |
shukri | shaqlan | shankaron |
Magacyada Dumarka Xarafka DH
dhaashan | dhaaho | dhaayo |
dhaqan | dhamays | dhamo |
dheeraad | dheeg | dheeman |
dhool | dhuux | dhudi |
Magacyada Dumarka Xarafka C
caashca | caaliya | cabiir |
cabdiya | cadar | cadey |
calaso | calowla | caawiya |
canab | caways | cawilo |
cawo | cawrala | ceebla |
ciiltira | cosob | cuddoon |
Magacyada Dumarka Xarafka G
gaasira | gargaara | gallado |
Geela | Gobey | guduudan |
Geyfan | gobaad | Gobdoon |
Magacyada Dumarka Xarafka F
faadumo | Faa’iso | faakhir |
faayo | fartuun | fatuux |
fatxa | farax | fariido |
fartuun | fardawso | farxiya |
faryaad | fahiima | fahma |
faynuus | fayruus | falis |
fiido | fiis | filsan |
filkaroon | foos | foosi |
foosiya | foolaad | fulli |
Magacyada Dumarka Xarafka Q
qaali | qaaliya | qaalis |
qaahira | qadan | qarad |
qaladla | qalanjo | quways |
qalbi | qamaro | qaniya |
Magacyada Dumarka Xarafka K
kaafiya | kaamilo | kaaha |
kariimo | karuur | kaltuun |
kawsar | kiin | koos |
Magacyada Gabdhaha Cusub
Magacyada Dumarka Xarafka L
laashin | labeen | ladan |
laqan | layla | leexo |
Magacyada Gabdhaha Xarafka M
maandeeq | maan | maano |
madiino | markabo | marwo |
maryan | madhedho | macey |
magool | mako | malabo |
malayko | malyuun | mansuuro |
mahabo | maydhan | maymuun |
miido | miigaan | muciina |
milgo | miyir | muxubo |
muraayo | muslimo | mulaaxo |
mulki | mumina | muina |
Magacyada Dumarka Xarafka N
naadiya | naado | nabado |
najax | najma | nadiira |
nadiifo | naciima | nafiso |
nawaal | naqaad | nimco |
Magacyo Shidan Gabdhaha
Magacyada Dumarka Xarafka W
waafi | wacan | warsan |
warda | warmoog | wahiiba |
waris | warda | wiilo |
Magacyada Dumarka Xarafka H
haboon | habsan | harawo |
hana | hani | haweeya |
heego | hibaaq | hibo |
hiddo | hufan | hinda |
hindisa | hodan | Hoodo |
Magacyada Dumarka Xarafka Y
yaasmiin | yaasir | Yusra |
yurub |
Magacyada wiilasha + macnahooda
- Axsan. Waa shaqsiga ugu wanaagsan.
- Axnaf. Waa qofka alle sida toosan u caabuda.
- Ashraf. Waa qofka ugu sharafta badan.
- Amiin. Waa shaqsiga dhawra amaanada.
- Ayman. Waa qofka deeqsigaa.
- Azhar. Waa qofka iftiinka badan.
- Alyaas. Waa qof geesiya.
- Ayaad.waa qof xoog badan ama caqli badan.
- Akram. Waa qof karaamo, deeqsinimo iyo naxariis leh.
- Abyan. Qof nadiif ah.
- Ajmal. Waa qof aad u qurux badan.
- Anwar. Waa qof nuuraya.
- Ajwad. Waa shaqsiga ugu fiican.
Magacyo Shidan Wiilasha
amjad | sajaad | ayman |
fawaaz | naayir | maajid |
waliid | jawaad | anas |
jaabir | raamiz | rayaan |
shahaab | suheyl | baasim |
Haani. | ilyaas | fahad |
caarif | zaayid | cumeer |
faalix | amaan | ilhaab |
kanaan | marwaan | xeydar |
taamir | muscab | jaad |
maahir | feysal | naadir |
qeys | heysam | yacquub |
seyfadiin | juud | faaris |
iyaad | saalim | waliid |
saami | turki | yazan |
caabid | salmaan | sacad |
bishaar | sanad | qaasim |
Muhiimada uu leeyahay magaca wanaagsan
Magacu waa astaan ka turjumaysa shaqsiyada qofka loo bixiyay. Waxaana muhiima magaca loo bixinayo ilmaha, inuu noqdo mid wanaagsan.
Halbeega lagu cabiro magaca wanaagsan, waxaa weeyo. Waa inuuna noqonin magacu.
- Mid lagu caayi karo qofka.
- Shaqsiyadiisa mid lagu yareyn karo.
- Ama magac dadku dhibsanayaan.
Magaca xun
Inaad qofka ugu yeedho magac xun, nabigeena SCW wuu ka digay. waayo wuxuu keenaa, in qofka la-quudhsado. Ama hoos loo dhigo, sharaftiisa.
Sidaas darteed, hadii magac xun, laguu bixiyay, iska-badal. Oo magac wanaagsan oo cusb la-bax. Hadii ilmahaada u bixisay, magac xun, hada ka-badal.
Waayo waxay saamayn xun ku yeelanaysaa, koriinkiisa. Waxaa kamida magacyada xun, kuwa inta badan dadka soomalida iskugu wacaan.
iley | jiis | bidaar |
calooley | San-wayne | Cag-jar |
curyaan | Ilko-dheere | madaxey |
gaabow | madoobe | foolxo |
faruur |
Xasuusin:- haduu qofku dhibsanaynin naaneysahan, waa iska-caadi. Laakin hadaad dhibsanayso, si-cad u diid. Oo u sheeg dadka, in magacaada saxdaa kuugu yeedhaan.
sidoo kale akhri :- hooyo fariimo aad u diri karto
Gaba-gabo
Diinteena islaamka aad ayey u qadarisaa, magaca wanaagsan. Waana xaq ilmuhi uu ku leeyahay, labadiisa waalid.
Waayo hadii ilmaha loo bixiyo, magac xun ama aan fiicnayn. Caruurta faciisa ah, ayaa ku cayn doona hadhaw. Taasna waxay keenaysaa, inuu dareemo kalsooni la’aan iyo cuqdad.
Sidaas darteed, waa in ilmaha loo bixiyaa magac wanaagsan. Si caruurta ficiisa ah, si sharaf leh ugu dhax-jiro.
M.a