Bulshada aduunka ku nool oo dhan waxay leeyihiin murti iyo mahmaahyo.
Soomaaliduna waxay leeyihiin sidaas oo kale maahmaahyo, xikmado iyo murti. waxaan maanta idinla-wadaageynaa mahmaahyo cusub oo xikmado leh. kuwaas oon soo xulnay.
waa maxay maahmaah?
Mahmaahdu waa hadal gaaban, oo murti badan xambaarsan. waa suugaan, aan la-kala-lahayn.
waxay tilmaantaa noolasha umada leh maahmaahdaas. iyo heerkooda garashada.
maahmaahyo cusub
- Baashaal ardaygi bartaa ma baaso.
- Baryo dad waa lagu basaasaa.
- Taajir ma-waayo la-taliye.
- Xoolo nin leh waa la xurmeeyaa.
- Nin xil hayo waa la-xantaa.
- Awr aan dabar lahayn wuu kugu durduriyaa.
- Doolar nin arkayo ma-dareemo daal.
- Fadhi laguma helo fiiso.
sidoo kale
maahmaahyo cajiib ah
- Dheeman cilad leh ayaa ka fiican dhagax caadiya.
- Haduu xoogaada yaryahay, ha-qaadin shay culus.
- Qofkii malab xadaa farihiisa buu leefleefaa.
- Eray run ah dhaar uma baahna.
- Badu waligeed ma soo-iibsato kaluun.
- Ninka waxa ku-dhaca, waa ciqaabta carabkiisa.
- Dhulku wuxuu leeyahay dhago, dabayshuna cod.
- Ma-gali kartid jano, hage la’aan.
- Aamusnaantu waa muusiga ninka caqliga badan.
- Labada dhagood ku dhagayso. laakin hal af ku-hadal.
maahmaahyo xikmad leh
- Abaal hadaan rag gudin, rabaa guda.
- Baroortu orgiga ka-wayn.
- Cadawgaada caano mac baa la-siiyaa.
- Dad nin u taliyay iyo nin baryay baa yaqaana.
- Dumar ama u Samir am aka-samir.
- Rag habeen buu is-dhaafay.
- Dumar laan waa noolal la’aan.
- Rag dumar baa is-dhaafshay.
- Naag la-furay, fadhi uma yaalo.
- Rag la’aan wax kuma-yeesho, ee rag xumaa wax ku yeesha.
- Rag hareertaadaa laga dayaa.
maahmaahyo murti leh
- Cagahaada u fidi, sida bustahaadu yahay.
- Erayo wanaagsan, waxay godkiisa ka soo-saari karaan maska.
- Erayada madhan, ma buuxiyaan calool madhan.
- Cabir kun jeer, laakin hal mar gooy.
- Eeydu way ciyaan, safarkuna wuu sii socdaa.
- Faa’idadu waa walaalka khasaaraha.
- Qofki carabkiisa dhawra, madaxiisa ayuu badbaadiyaa.
- U-fiirso hooyadeed, intaadan guursanin gabadha.
- Dhisme aan sees lahayn ayaa duma.
- Sida aabaha waa sida wiilka.
maahmaahyo qosol
- Naag la-xidhay way xanaaqdaa.
- Faanto qubatay furkeedaa furma.
- Badhan isma-xidho.
- Geeljire dandiisa og.
- Nin alle tumayo, oohintiisa cidna ma-maqasho.
- Balaayo-balaayo qaydhiin maaha.
- Tabcadaa ma-baahdo.
- Tashadaa ma-qasaaro.
- Hadba sida loo-jabo ayaa loo-dhutiyaa.
- Labo qaawan isma-qado.
- Kor waayeel waa wada-indho.
- Ninaan dhididin ma-dharko.
- Nin kuu digay kuma dilin.
maahmaahyo xul ah
- Wiilkaada iyo wiil gaalo garto waa loo simaa.
- Dabcigoo kaa xumaada, dadkuu kaa saaraa.
- Balaayo intay kaa-maqan tahay, dariskaa ayey ku maqan-tahay.
- Dadnimo ayaa darajo ka horeysa.
- Midigtaada hadii lagugu qabsado, waa laga mudaa.
- Dad nin u taliyay iyo nin tuugaa yaqaan.
- Ciyaar la’aan caqligu wuu caabuqaa.
- Lama huraan, waa caws jiilaal.
- Ballan qaad, waa eed qaad.
- Duco waalid iyo durbaan aroos waa lagu tarmaa.
- ma wadar baa waalan mise waaxid.
- Dadku waa isku muuq hadana waa kala-maan.
- Nin aan shaqaysan shah waa ka xaaraan.
- Aqoon la’aan waa iftiin la’aan.
- Hasha geela cunaysa ayadaa cabaada.
- Arad waa dan, uskag waa doqonimo.
- Hadal badan haan ma buuxsho.
- Meel am aka muuqo am aka maqnow.
- Dagaal nin aan aqaan baa ku orda.
maahmaahyo dumar
- Naag been baa lagu soo xero galiyaa, runa waa lagu dhaqaa.
- Naag ninkii xariir u gogla bay xanan u gogoshaa.
- Dumarku waa balaayo loo baahan yahay.
- Naagi ninay taqaan nin ma moodo.
- Naag waa midho geed saaran.
- Dumar hiil haka sugin.
- Dumar iyo dameeraba duco la’aan bay tarmaan.
- Cisho iyo naag xumba waa la dadajiyaa.
- Dumar iyo caruurba ma-hayo ma yaqaanaan.
- Dumar ninki amaanaa leh.
- Dumar waa dabin shaydaan.
- Haween ku diiday loogama hadho.
- Dumar iyo caruurba sasab baa lagu wadaa.
maahmaahyo jacayl
- Faqriga markuu albaabka ka soo-galo, jaceylkuna daaqaduu ka baxaa.
- Jaceyl indho maleh.
- Inaad wax jeclaato waa in naftaada dhib galiso.
- Jaceyl sii-jeeda awood laguma soo-jeediyo.
- Jahli iyo jaceyl midna looma jiifsado.
- Jaceylku waa cudur, qofka la-jecel yahayna waa dawo.
- Guur waa god gacan gali.
- Nin guursaday xuunshana xoolo mood.
- Labadii isla-garataa ayuu guurka u hagaagaa.
maahmaah ragga
- Rag waxaa ugu faan-badan, mar-duule iyo mar-dhoofe.
- Rag waxaa ugu liita, ciil-kama baxe iyo calooshiis la-ciyaare.
- Ragu riyo ma-liso, reerkiisana ma-gooyo.
- Rag lacag wuu abuuraa, lacagtuse rag ma-abuurto.
- Rag jidiin baa walaaleeya, ee jir ma-walaaleeyo.
- Rag wuxuu yiri, rag baa diida.
- Ragana dhugga, ritigana ilkahaa laga eegaa.
- Rag waa arin keen iyo aqbal keen.
- Raga runta kama nixiso.
- Rag waxaan naftiisa ahaynba wuu maareeyaa.
- Rag qabri yio qawl baa ka-hadha.
maahmaah guurka
- Guur waa god gacan gali.
- Guurkaada awr dhaan ahna waa lagu beegaa.
- Guur badani gablan kaama bi’iyo.
- Nimaan guursanin gogol fiican ma-seexdo.
- Guur iyo geediba sahan-bay ku fiican-yihiin.
- Nin guursaday xuunshana xoolo mood.
- Labadii isla-garataa guurku u hagaagaa.
- Haweenka iyo geelaba waa la-hida raacaa.
- Balo guur ama guurso ku dhahdaa.
maahmaah geela
- geel aan gaawo loo-hayn lama godlo.
- Geel ba’ow yaa ku leh.
- Geel col mooyee abaari wax ma-yeesho.
- Geel dhalaan qaaday ma-dheera.
- Geel fudaydna kuma rimo, fudeedna kuma dhalo.
- Geel jeeni kama go’o.
- Geel labo jir soo wada-mar.
- Geel lun lugama riixo.
- Geel maalinba ceel buu joogaa.
- Geel ninaan lahayn, geeridii war maleh.
- Geel qaylo xun, lama dhici karo.
- Geel waa geel, wixi gooyana waa geel.
- Geel wuu is geedo baraa.
- Geel xeradiisu waa nabad.
- Geel doono geeso dhiig leh bay dhashaa.
- Geel-jire geedi kama naxo.
- Geel jire guri maleh.
- Geel jire ninka u taag-daran ayuu taageeraa.
- Geelu meeshuu ku kaajuu ku saleeyaa.
- Hal aad naaskeeda hayso, kuruskeeda lama laaco.
- Hal aad nin ku baratay kaama dhumin.
- Hal aadan jirin, ku jabisay.
- Hal aan wali kuu dhalin, ilmaheeda ha-tirsanin.
- Hal bacaad lagu lisay.
- Hal booliya nirig xalaala ma-dhasho.
- Hal isii iyo hoo, iskuma xigto.
- Hal laac aragtay, laan hoose ma-aragto.
- Hal libaax arkayso, ma-godlato.
- Hal maalis ah, xoolo kuuma noqoto.
- Hal sodon qaday, sedex kuma dari-wayso.
- Marka geel loo heeso ayuu dameero u heesaa.
- Rati lama raree, ninkiisa la-rartaa.
maahmaah carabi ah
- Arinkaa waa hal bacaad lagu lisay.
- Qofkasta wuxuu tamaniyo ayy helaa.
- Kaftanku murugada ayuu tagsiiyaa.
- Indhoole indhoolaa haga.
- Dadkana wuu fikiraa, Alana marhore ayuu qadaray.
- Xiliga imtixaanka qofka waa la-sharfaa ama waa la-dulaystaa.
- Way madawdahay, wayna qurxan tahay.
- Inaad shamac shidato ayaa ka fiican inaad mugdiga naclado.
- Sariirtu waa mid, laakin riyooyinku way kala-duwan yihiin.
- Qori ha-qaadan si-aad cayayaan u dishid.
- Wakhtigu dahabkuu ka qaalisan yahay.
- Halkaad joogto camalkeedaa la-yeeshaa.
maahmaahyo qoraal ah
- Inta beeri ku siiso bahdaa kuma siiso.
- Nin gaajeysan gar looma dhiibto.
- Gabadhi waa midho geed saaran.
- Dad baa hagar leh, dhul hagar maleh.
- Ciil beel, ciilbay dhashaa.
- Dariskaada oo gubanaya, dugsi looma fadhiisto.
- Meel aar ka kacay, atoor fadh-fadhiisay.
- Ninku hal kuu lis, ama hadal ku-dheh.
- Geel la-qaaday ragiisaa la-tirsaday.
- Gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaa.
- Nimaan digo galin dab magalin.
- Gammaan iyo haween ba waa hoodow.
- Meel hoo u-baahan, waxba hadal kama-taro.
- Waraabe bartaa mooye bawdku uma muuqdo.
maahmaah iyo xikmad
- Haween waa maal oo waa muur oo midig reer.
- Jiritaan reer waa jaaribaan haween.
- Shini fayow malabkeeda lama shushubo.
- Haween waa madhxiya oo waa madal iyo maqane og.
- Fardo jeedal looma qariyo
- Hoos waliba hadal leh.
- Cadaalad baa cudud midaysa.
- Faras waa ka joog ama ku joog.
- Candho lo’aad waa ninba intuu gashado.
- Laba cadow isma dugsadaan.
- Tulud geel laga saaray waa dhagax dhul laga fujiyay.
- Naag aan nin kaa xigin waa waraabe aan seedi kaa xigin.
- Gacmo is-dhaafay ayey galadi ku jirtaa.
- Xaq aan xoog wadan ma soo-xaroodo.
- Nin shimbiro sabaaya, wadhaf kama shanqadhiyo.
maahmaah waraabe
- Waraabe waraabe canaanay, waase walaalkii.
- Waraabe daalay dirirtiisaa loo-tagaa.
- Waraabe ciilna haw-qaban, calalna haw-tuurin.
- Waraabe lafihiica iyo mid guri taalaba uma roona.
- Waraabe dhanki loo erayaba waa u toos.
- Waraabe la-tagis bartay, ka-ridis waa ku ceeb.
- Waraabow saamo-jiidid iyo shanqadh kala daa.
- Orodna layguma gaadho, afxumana wax ima yeesho.
- Waraabe iyo caruur iyagoon is-arag bay coloobeen.
maahmaah beenta ku saabsan
- Balan badan waa been badan.
- Been fakatay run ma gaadho.
- Been iyo war badan habeen bay wada dhasheen.
- Been marka hore waa malab marka xigtana waa malmal.
- Been nin yaqaan waa u boholyoobaa.
- Been roortay run ma gaadho.
- Been sheeg oo been-run u eg sheeg.
- Been waad ku cabtaa kumase raagtid.
- Been waxay liqdaa kii tufay.
- Beenaale been baa disha.
- Beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaa.
- Been hal lug bay leedahay.
- Baani raadi leh.
- Beenlow baadidiisa lama helo.
- Beenlod dal yaqaan ah sahan looma dirsado.
- Beenlow runtiisana waa been.
- Beenlow waxa sirta xasuus xumo.
- Beentaada-hore runtaada dambe ayey bi’isaa.
- Gadaashii ka naxe waa nin been badan.
- Hadal badan badhbaa beena.
- Maqal sheeg waa been sheeg.
- Marna been aqal ma-dhisto.
- Wax ma-hubsade beenaale ayaa dhaama.
maahmaah ku saabsan nabada
- Aan wada hadalno, waan aan heshiino.
- Balaayo looma yeedho.
- Afkii ba’ay dhahay, tubtii waa karaa.
- Bililiqo doon waa nabad diid.
- Caano daatay, dabadooda la-qabtaa.
- Gogoshaada nabad ayey kugu deeqdaa.
- Hadaan lakala roonaan, roob ma-da’o.
- Jidkii habeen laga lumay, dharaar loo noqoy.
- Khayr waxba kaama dhimee, sharka u toog hay.
- Marxaba minankaada ayaa lagu tagaa.
- Maslaxadaada maqaar eey baa loogu seexda.
- Nabad doon oo cuqaal iyo culimo u dir.
- Nabad go’day ma xidhanto.
- Nabad iyo colaadba carab baa keena.
- Nabad la-tuugay, nabad maaha.
- Nabad baa shah iyo sheeko leh.
- Nabad la’aan lama lado.
- Nabad markay jirto, caanuhu waa dhey.
- Nabad waa la-dhistaa, colaadna waa lakala dhaqaaqaa.
- Nabad waa lagu tarmaa, colaadna waa lagu dhintaa.
- Nabadaada waa carabkaada.
- Nabad baa naas laguuno leh.
- Nabad waa dheef lagu naaxo.
- Nabad waa geel xeeradii, iyo rag gogoshii.
- Nabadi waa sahaydaada, ood suxulada ku sidatid.
- Naf alle leeyahay, nafsi lagama galo.
- Nin rag ah, walaal wuxuu ku dhaamo lawaa.
- Ninkii laga nabad gala, ayaa nabad gala.
- Raad arooryo, dib looma raaco.
- Rag gogoshii, waa godob la’aan.
- Reer nabada looma talin waayo.
- Sama tagaa, horey tagay.
- Waa la duugiye, yaan la-dacaroon.
- Wax qod-qodow, wax dug-duugow ayaa ka roon.
- Wixii war lagu dhamayn karo, waran laguma dayo.
- Xiliga nabada, qofkiiba labo ayuu la egyahay.
maahmaahyo somali ah
- Kabbo geel kabtin bay ku waddaa.
- Karan iyo koronba dibay u kacaa.
- Gabadh aan hooyo lahayn, waa haan saabla’.
- Nin gafay ma wayna.
- Baadi lo’aad biyaa loo fadhiistaa.
- Geed walba in gubtaa hoos taal.
- Jilaal waa ninkii haye.
- Axmaar la-aragyaaba farenji xaaji.
- Riyahoo qaawan baa idaha ku qosla.
- Nimaan dhul marin dhaayo maleh.
- Gartu nin way u go’daa, nina way ka go’daa.
- Nin baahan caadil maaha.
- Nimaan garow baran, gar muu baran.
- Gari alley taqaan.
- Garawshiinyo waa geel siin.
- Gaal dil gartiisana sii.
- Gari laba nin kama wada qosliso.
- Gar waa loo wada-islaam.
- Intay calooshu buki lahayd, cagtu ha bukto.
- Ninba kaskii buu kor tagaa.
- Run nimaan kuu sheegin rug kuuma hayo.
maahmaah reer xamar
- Albaab uuna lahayn qofki garaaca, abaalkiisuu helaa.
- Alifka kuu hagaaga, albaqruu ku gaadhsiiyaa.
- Luuq-luuq maraw laasim laamiguu imaadaa.
- Sabuul galey kii ku-siiyaa la-siiyaa.
- Kuunta wixii loo kuusay, karaamo lee waaye.
- Cimrigaada oo raga, geel dhalaayuu ku tusaa.
- Cimrigaada oo dheer, geel dhalaa ku tusaa.
- Jibaal-fashow jinkaaga maah.
- Naag wixii haayo xarig lee maaho.
- Meel libaax soo galay, lama joogo.
- Mundul dumay, mundul taagan kama naxo.
- Maseerow moos batiiq ah waaye.
- Mininkey iiga bax iyo maalkey isii meel loo moodo majirto.
- Nin roorayo hortiis mala rooro.
- Sac madaw waxa caanihiisa cadeeyay, cibaaro soomaha.
- Luquntaa ninkii ku-mashquula, laqdabaas wadaa.
- Muufo majiiji canjeero haku quus-qaadatee.
- Labo qaawan waa u toostay.
- Nin daad qaaday, waa kuwo daayay.
- Mundul ninkii dhisaa ka-wayn.
- Quraanjo aruurtay, ayax way jiidaa.
- Macno la’aan minin xumaa ka-dambeyso.
- Ninki lawaayo mininkiisaa, laga doonaa.
- Musbaax mininkaa u baahan, minin dadaw malageeyo.
- Nin wayn oo waashay wabigaas ku dhacaa.
- Nin ku gaadaya waa loo gabadaa.
- Ninkii waaw dhaha, isagaa laga war sugaa.
Murti iyo maahmaah xul ah.
- Alla-aamin ma iisho.
- Buubaal biyaha korkiisa saaran buu ka-didaa.
- Carrab lo’aad caws looma tilmaamo.
- Dhaxal goronyo, dhebad baa isk leh.
- Eydin geel, kolba waa ninki ku dambeeya.
- Fadhi iyo fuud, yicibeed laysku waa.
- Gambaalo nin gaaraa guntada.
- Hadal waa dheh iyo dhagayso.
- Ii ooy waa la-helaa, laakin ii indho beel lama helo.
- Jinkaada la-dheel, kana dhug lahow.
- Lama huraan waa caws jiilaal.
- Maroodi meeshu ka guurayo, wuu geeda gooyaa.
- Nin faash wata xaabo ma-waayo.
- Oodi sidey u kala-sareyso ayaa loo kala-qaadaa.
- Qunyar socde, qodaxi ma mudo.
- Saguaro intay tub joogto ayey tub kale raadisaa.
- Tolkaada iMaahmaahyo samirkayo xaaskaada midna looma xoog waynaado.
- Usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa.
- Waxay indho arkaan ayey ilko gooyaan.
- Wahsade wiilkiisa ma korsado.
- Xarago dumar xanuun maleh.
- Xaalkaada xabiibkaadaa loo sheegtaa.
Maahmaah samirka
- Arin ku dhaaftay aah ma-celiso.
- Bawdo rageed, maalinba midbaa qaawan.
- Calf waa intii calool gashaa.
- Doon buuxdaba, badbaa lagaga tagaa.
- Fudeyd dhicis baa eeday.
- Hal-bil qaday, bari kuma dari waydo.
- Iimaan allaa uur buuxsha.
- Gaadi badane, waa loo gogol badiyaa.
- La-hel la-waa baa ku xigta.
- Laba qaawan, isma qaado.
- Maal yari, iimaan baa lagu kabaa.
- Muraadkiis gafe, mininkiisa ma gafo.
- Nabar aad filaysay, naxdin maleh.
- Naxdin baa aduunyo loo nool yahay.
- Samra sadkii ma waayo.
- Rabi waa la sugaa, wuxuu ku siiyana waa lagu mahad-naqaa.
- Geed dheer, geed gaaban baa lagu fuulaa.
- Tuugmo dad, tuur bay kuu yeeshaa.
- Waan baahanahay, bakhti looma cuno.
- Wax la-waayay looma waasho.
- Wax tagay, tiigsimaad ma-leh.
- Waxaad haysato, wax kuluma sina.
maahmaahyo sarbeeb ah
- Hadal waa kii gaaban ee lawada garto.
- La-tuure waa tuugaa.
- Duunyaa la-qasbaaye dad lama qasbo.
- Gacan aan wax laga baran lama cawryo.
- Wacdi wadaad wax isii baa u dambeysa.
- Wadaad duco mooyee deeq laga roon.
- Caado la gooyaa cadho aley leedahay.
- Shir naagood oo shan dhaafay waa shar.
- Tulud jeeni kama go’o
- Waxaad beerato ayaad goosataa.
- Carabku laf maleh, hadana wadan buu dumiyaa.
- Eyga inta badan ciya, wax ma-qaniino.
- Quruxdu way dhamaataa, laakin xikmadaa hadha.
- In been la-maqlo ayaa ka culus, in la-sheego.
- Qofki cadho la-kaca, wuxuu la-fadhiistaa khasaaro.
- Hubku waa cadawga qofka iska-leh.
Maahmaah labaalay ah
Labo muuqaada ayey ku farxaan.
- Martidaada iyo.
- Maalkaada.
Labo waa kuwii af-gaaban.
- Aqal iyo.
- Gabadh.
Labo guur ayaa lagu dhawraa.
- Indhaha iyo.
- Ibta.
Labo dhagax waa iskugu mid.
- Taabasho iyo.
- Tuujin.
Labo waxkasta ka filo.
- Dad iyo.
- Duur.
Guusha noolashu waa labo.
- Rabitaankaada iyo.
- Rabitaanka xaaskaada oo si-waafaqa.
Nin kaligii socda waa labo.
- Ama waa tuug.
- Ama waa tol la’aan.
Labo ayaa la nuugaa.
- Nasab iyo.
- Naaso geel.
Gob labo ayaa ka soo-hadhay.
- Ma-samre iyo.
- Ma-sariigte.
Dhalinyaro labo ayaa ka soo-dhay.
- Ma-yimaade iyo.
- Ma-yaboohshe.
Labo socod ayey ku fiican yahay.
- Diin iyo.
- Daruur
Labo fadhiga ayey ku fiican yihiin.
- Dab iyo.
- Dumar.
Labo noolal ayey ku fiican yihiin.
- Geesiga iyo.
- Godlane.
Labo geeri ayey ku fiican yihiin.
- Bakhayl iyo.
- Baqay.
Labo hala saaxiibin.
- Qof fataal ah.
- Iyo qof bakhayl ah.
Gabadhu labo ha u cadaato.
- Ilkaha iyo.
- Indhaha.
mahmaahyo saddex lay ah
Seddex lalama darso.
- Kaa done dib dhacaada jecel.
- Dulqaad yare, daandaansi badan.
- damiir laawe, damaaci badan.
Sedex dadka ha uga sheekaynin
- Dhaawacaada haka sheekayn.
- Dhaqaalahaada haka sheekayn.
- Dhaqankaada haka sheekeen.
Sedex alle kuguna cidleeyo
- Cadaw gaal ah, alle kuguma cidleeyo.
- Geel gooy ah, alle kuguma cidleeyo.
- Guur ceyr ah, alle kuguma cidleeyo.
Sedex hadey sedex kaaga baahdaan sii
- Dulmane difaac u baahan.
- Baahane gargarkaada u baahan.
- Jaahil cilmigaada u baahan.
Sedex ayey dumarku raga ku doortaan.
- Nin dulqaad badan.
- Nin damiir xoogan.
- Nin damac gaaban.
Sedex meelood oo caqligu dadka ka galo.
- Hunguriga.
- Jirka.
- Maanka.
Sedex xaaskaada ku fiicnaato.
- Akhlaaqda haku fiicnaato.
- Nadaafada haku fiicnaato.
- Dhigaalka haku fiicnaato.
Sedex guurka way burburiyaan.
- Galo xun.
- Gashin xumo.
- Gaban xumo.
Sedex ha samaynin.
- Xiliga farxada balan ha-qaadin.
- Xiliga cadhada ha jawaabin.
- Xiliga murugada go’aan ha qaadan.
Sedex nin, lama raaco
- Ma-horeeye.
- Ma hambeeye.
- Ma haasaawe.
Sedex qoyskaada waa laga ilaaliyaa.
- Eray xun.
- Anfaca xun.
- Agab xun.
Sedex qof waligaa ha ilaawin.
- Waalidkaada.
- Macalinkaada.
- Qofka wax ku-taray.
Sedex sifo ayuu yeeshaa siyaasigu.
- Sad u-joog.
- Sir u-joog.
- Sama u-joog.
Sedex ayey ragu noqdaan, guurka kadib.
- Muranle.
- Ma-oge.
- Malable.
Sedex ayaa nabad dhalisa.
- Talo furan.
- Tolid xiran.
- Tab qoran.
Sedex kala-tali walaalkaada.
- Barin xun.
- Beec xun.
- Bilcan xun.
Sedex ayaa odeynimada kaa qaada.
- Inaad deeq darnaato.
- Inaad dulqaad darnaato.
- Inaad daacad darnaato.
Sedex ayuu rag is-dheer yahay.
- Garashada waxa soo-socda.
- Qabashada waxa taagan.
- Ka-samrida waxa tagay.
Sedex guur, ooy geeridu keento.
- Dumaasha.
- Xigsiinta.
- Godob-reebta.
Sedex ayaa dumar lagu qabaa.
- Xilkasnimo.
- Xog-ogaalnimo.
- Xan la’aan.
Sedex alle ayaa kugu naca.
- Salad la’aan.
- Sako la’aan
- soon la’aan.
Sedex haweenka lama-waydiiyo.
- Meeqa ayaad jirtaa.
- Meeqa ayaad dhashay.
- Meeqa ayaa ku soo furay.
Sedex waa lagu dadaalaa.
- Diinta.
- Ducada waalida.
- Dariska xaqooda.
Sedex sedex lagama daayo.
- Rag shir lagama daayo.
- Dumarna sheeko lagama daayo.
- Xoolana hees lagama daayo.
Sedex iska-ilow waligaa.
- Caajis.
- Cir-waynaan.
- Camal xumo.
Sedex kuuma turaan.
- Cadawgaada.
- Qof xun.
- Wadkaada.
Sedex dadkaa kugu naca.
- Baahi badan.
- baryo badan.
- cunto badan.
Sedex lalama saaxiibo.
- Rag ma-yaqaan.
- Run ma-yaqaan.
- Iyo rabi mayaqaan.
Sedex sedex bay ku bartaa.
- Baahi duco ayey ku bartaa.
- Beentuna faan bay ku bartaa.
- Baryaduna fadhi bay ku bartaa.
Sedex baa horumar lagu gaadhaa.
- Hadal yar.
- Hawl badan.
- hogaan wanaagsan.
Sedex alle ayaa laga magan gala.
- Huluf dagaal oon tol badan lahayn.
- Gabadh aan xishood lahayn.
- Geeri aan ubad lahayn.
Waxaa la-dhahay waxaa jira.
- Aduun ku ciroole.
- Oogo ku ciroole
- iyo uur ku cirooole.
Maahmaahyo afarey ah
Afar afar laguma daro.
- Waan guuri.
- Waan guursan.
- Geel baan qaadi.
- Geenyaan soo-gadan.
Afar waa afar.
- Noolashu waa niyad.
- Noolashu waa qaali.
- Nacaybk waa olol.
- Nabsigu waa qadhaadh.
Afar lama eego.
- Cawro qaawan.
- Caad roobeed.
- Calool buuran.
- Col soo socda.
afar buu ragu magansadaa.
- muruqiisa.
- maankiisa.
- magaciisa.
- mirihiisa.
Afar waa odey ceebtii.
- ha gaabnaado.
- ha gar-xumaado.
- ha gacan adkaado.
- gardiid ha ahaado.
maahmaah iyo macnahooda
Rag waxaa ugu liita,
- nin haduu jooga aan la-celin.
- haduu tagayana aan la-celin.
- haduu maqan yahayna aan la-tabin.
maahmaahdan waxay ka-hadlaysaa, qiimaha iyo waxtarka raga. waxaana loo isticmaalaa, ninka aan laga helin, hanki loo-qabay iyo kaalintiisi.
Noocyada maahmaahyada.
Maahmaahyadu waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo kala ah sidan.
Maahmaahda tooskaa.
Waa maahmaahda macnaha iyo odhaahdu isleeyihiin.
- Tusaaale waxaad jeceshahay hadaad waydo, waxaad ka badin waydo ayaa la-yeelaa.
Maahmaah goodin ah.
Waa maahmaahda leh oraah ujeedo kale ka-hadlasya. Ee laga fahmo erayadeeda hanjabaad iyo caga-jugleyn.
- Tusaale, nimaan waran kaa reebin wacad kaama reebo.
Maahmaah duurxulka ah.
Waa maahmaah kuu cadeynayso iney jiraan, waxaad ogeyn. Si toos ahna aan laguugu sheegaynin. Waxaana la-dhahaa waa digniin aan toos ahayn.
- Tusaale walaashaa iskuma-hubtide, seedigaa ha coleysan.
Maahmaah sarbeeb ah.
Waa maahmaah tilmaameysa kala-duwanaanshaha aroohda hadalka iyo ujeedada.
- Tusaale, rag yaraaday tafo naagood baa laga doonaa.
Gaba-gabo
Maahmaahdu waxay kamid tahay, qaybta afka ee tixda la-dhaho. Sida gabayada, geeraarada, heesaha iyo noocyada kale ee maansoontinka.
Dhamaan maahmaahyahan waa xul. Waxaana rajeynayaa inaad ka-heshay, qayb kamida. Ama dhamaantoodba.
Adigu akhriste, maahmaahyadan meeqa ayaa kugu cusub. Nagula wadaag qaybta hoose.
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
dhamaad.
M a si fiicannayd u diyaarisay
Waxaad noo Soo diyaarisaa dhambaalo jaceyl ah wll