Heesaha waxaa loo isticmaalaa, inaad ku muujiso. Dareenkaada jacaylka. Ama niyad-jabka, iyo waxaad ka dareemayso. Gudaha.
Waxaan maqaalkan maanta idinku soo gudinay. Heeso qoraal ah oo xul ah. kuwaas oo uu qaaday, fanaanka wayn. Ee xariir axmad. iyo kuwo heeso qoraal ah qaraami.
Gacantayda midig. Xariir axmad heeso qoraal ah iyo maahmaahyo.
- Gacantaydi midigiyo. Gardaadiyo laabtaay.
- Lafahan garabka haystiyo. Garka iyo wadnaha
- Halbawlaha ka-gooni ah. Iyo dhiiga isu geeyaan.
- Geestii aan u eegaba. Goboladaydi jiidhkaay.
- Ama garo ama ha-garanin. Ama gees hakaa maro.
- Soo gooso xaajada. Arin iga gun weyee.
- Gugoo da’aayiyoo. Guulaamo roobey.
- Waagoo oo guduutiyoo. Dayax guurada joogaay.
- Gal xareedi jiiftiyo. Geedahoo baxaayay.
- Dumar wixii gareys leh iyo. Gabdhaha tii u mudnayn.
- Gudcur maararawloo. Shimbiruhu godeystaan.
- Oo galowgu yeedhiyoo. Oo gaabsaday codkiisi.
- Ayaan xalay go’doomoo. Gogoshii la-ii dhigay.
- Gabagabo ku dhaafoo. Guurihii habaabee.
Dheeman lula. Xariir axmad hees cusub
- Adaa dhawrsaney naftaydaa. Dhibtiyo dhaawaca u diida.
- Adaa sida dhool guyoo da’ay. Dhaayaha aragayga dooja.
- Adaa sida ruux dhallaana ah. Dhug iyo maqli-lahoo.
- Dharaaraha dheeli ciirkaa. Adaa nafta dhami kalkaala.
- Adaa qalbiga dhaya naftaydaay. Dhawiyo u ah, dhuuni quuda.
- Adaa dhool dahab la-mood Dhabti aan kugu dagaa.
- Adaa dhulkoo rays lahoo. Dhirtuna ubax haysatoo.
- Dhiijamuhu biyo dhigeen. Qalbiga uga dhigan dhamays.
- Dhalaal badan, dheeman luula. Dhismaha qoyskeena kaaba.
- Dhalaankana korin ogeeya. Dhadiyo dhaxan lima qiira.
- Adaa dheehiyo dhalaalba leh.
xasan aadan samatar heeso qoraal ah
- Qureesti haweenkay. Qurux hodan baad ka tahay.
- Qiimeynta dadnimadaan. Kugu qaatay qaali.
- Qudheydi ku-raacdaa. Kaa quusan weydoo.
- Waan kuu qushuucoo. Igu qaali baa tahay.
- Habeenkii waan qarwaa. Qariyo buuraja jafaa.
- Qardoofaha jacaylkiyo. Qiiradiisa baan qabaa.
- Qoraxeey inan ku nool. Ayuu qalbigu doonayaa.
- Qudhaydaa maaganoo. Bartaabaan kala qoslaa.
- Qadarin mudan baad. Qayrkaa ku dhaaftoo.
- Qof igu dheeroo. Aan qaayibaa tahay.
- Sida qaansa-roob. Ku qooraansadaayoo.
- Qawlkaaga wacan. Baa wadnahayga qayb dagay.
Hees macaan oo qoraala
- Caashaqu xaq-dhawriyo. Xurmo iyo karaamiyoo.
- Xaq wuxuu lahaan jirey. Kama-hayo xagaagee.
- Maxaan kugu xigtaystaa.
- Ma xumaanta digashiyo. Xujadiyo lurkaagan.
- Xiiso kuugu qaadaa. Xajin kama dhamaatide.
- Xurguf laysku sooriyo. Haduu xaalku laakimo.
- La-xidhiidho waa nool. Xubbi kuma siyaadee.
- Xisku unbaa nacayb iyo. Naxli sii xantoobsadee.
- Xaashe galkacaylkii. Samo loogu xilan jiray.
- Xeyn-daabki gobanimo. Waa adigaan xabaalee.
- Maxaan kugu xeer dhigaa.
- Xilligii la-joogaba. Xagal daacsi mooyee.
- Xushmad kaama dheefee. Maxaad iigu xariirtaa.
Heeso jaceyl ah oo gaaban.
- Waan ka-maarmay jacaylkaan.
- Mudo dheer nabnabaayay.
- Kolkii aad milgihiisaa.
- Muran uun kuba koobtay.
- Qofkii kuu mohonaayay.
- Ma jiraayo hadeer.
- Ma-hadhada kalgacaylkana.
- Eegaba waan kaba meedhay.
- Ma awoodo cilaaqada.
- Maalinoo dhanba taagan.
- Ma-taqaanid aduunka.
- Sida loo muxubeeyo.
- Qofkii kuu muxubeysan.
- Marra waaxid jacaylkii.
- Markii uu inna daayay.
- Maskaxdaada ka saaroo.
- Meel kaleeto qorshayso.
- Madadaaliyo beentaa.
- Maqluuq waa ku hodmaayee.
- Mir qadhaadha iga hooyoo.
- Runtu waa ma-huraanka.
axmed mooge heeso qoraal ah
- Qof xaqiiqo kuu jecel.
- Ha xumaynin waligaa.
- Qalbi adiga kuu xala.
- Kaaga yuusan xaasidin.
- Xumaatadaada ruux neceb.
- Xurmuu kaa mutee garo.
- Xagal daac qof kaa jaray.
- Haku xoorin waayaha.
- Geerida xaq weeyee.
- Hadii aan xabaal galo.
- I xambaari maysidee.
- Ifka igu xanaanee.
- Naftii adiga kugu xidhan.
- Ha xanuujin waligaa.
- Markaad xoogaa leedahay.
- Ku xad-gudub qof ha is-odhan.
- Qofkii xaalad kugu adag.
- Xil wanaagsan kuu galay.
- Xili hore wax kuu taray.
- Waligaa xasuusow.
- Intay noolashu xayi tahay.
- Qo xidhiidhka kuu jaray.
- Xigto malaha aakhiro.
- Una xiisi maysidee.
- Geerida xaq weeyee.
- Hadii aan xabaal galo.
- I xambaari maysidee.
- Ifka igu xanaanee.
heeso qoraal ah jaceyl
- Jacaylkii xiskaygiyoo. Oogadeyda xubin-xubin.
- Naftaydii u xulayee. Xididada halbowliyoo.
- Wadnahaygu ku xaadiray.
- Adigaa xumeeyoo. Xasidkii jacaylkiyo.
- Intaa xin irmaanayd. Xanta iyo lugooyadaa.
- Markastaba ku xeel-dheer. Xagoodi kamarayee.
- Xili qudha la’aantaa. Anigoon xasili karayn.
- Markii layga kaa xaday. Dhabtii xaaladaan galay.
- Xasaasi bay ahaydoo. Ilaah baab xaqiiqdii.
- Halmar iga xayuubshoo. Xusuustii madoobayd.
- Xuubkeedi wuu dhacay.
- Xarku wuu dhibandanyoo. Geedaha haduu xulo.
- Xididaduu u siibaa. Jacaylkuna xanaaniyoo.
- Haduu waayo xafidaad.
- Xanaf iyo kulayliyoo. Xumadiyo waxyeeliyoo.
- Lasoo wada-xidhiidhoo. Xagaaguu jacaylkii.
- Xuskii kaaga baahnaa. Xarbi looga soo-dhacay.
heeso qoraal ah amaan dumar
- Markuu soo galo jimcuhu. Jacaylkaagaan tabaa.
- Halkaan ku balami jirniyo. Jawiyo wacan baan galaa.
- Jabkayga markan arka. Jidhkuba I dubaaxiyaa.
- Hargeysa dareen jiraan. Qurbaha ku jujuubayaa.
- Quruxda daalaan jantee. Janada bari ee sanaag.
- Inaan dhul ka jeexanoon. Ku-jaar noqonaan rabaa.
- Inaad wada joognabaan. Hadiyo jeer doonayaa.
- Xiisahan jiitan dartaa. Xawaare u soo jaraa.
- Jahaaga hadaan arag. Joornaalka dadki galee.
- Jariiradu daabacdaan. Jidkoodi sii hayaa.
hees jaceyl dhab ah qoraal
- Sidaad tahay xareed jiifta. Ama xamashka ciideena.
- Xariir yahay qalbiga saaqday. Naftaad xiiso galisaaye.
- Xiskaan adiga kaa doortay. Xaawaleyda dunidoo dhan.
- Ayaan kugu xasiliyaaye. Ilaa xooji dhinacaaga.
- Adaa xubiyeey I deeqa. Xiskana adigaa daweeya.
- Xumana kuu quudhi maayee. Xanaano jacaylk gudoonso.
- Xaaladeyda noolashayda. Xagal daacna uma quudho.
- Hadey xaajo igu ciirto. Samahayga xaaleeya.
- Anna laabta kuu xaadhay. Oo kugu xafiday maanka.
- Xurmiyo sharaf iyo. Daryeelna xagayga kafilo xabiibtii.
- Ma xaasido naflaha ruux. Ma xumayso gacalkeeda.
- Xididkeeda sooyeeya. Is xil-qaami ogidaada.
- Dadka wada xurmayntaada. Sharaftiyo xaq-dhawrkaaga.
- Ayaan kugu xushee qaali. Xero kaaga dhigay maanka.
- Xidig yahay bildhaanteedu. Xadanteysa maankeyga.
- Qalbigiyo xiskiyo laabta. Xididada jidhliyo beerka.
- Waa u dheef xasuustaadu. Xubnahayga idilkoodee.
hibo nuura heeso qoraal ah
- Qofna dhalashaadu kuu dhiibayaa ubax.
- Qofna si aad u dhimatuu kuu qoolayaa dhagar.
- Dhaqtar adiga kula rabo. Inaad dhaawacnaato.
- Waxaa dhiba asaga. Nabarkaaga inuu dhayoo.
- Jacayl dhaba xidhiidh. Dhifeynin wada dhistaa nolol.
- Laba dhaar kuwada maray. Qof dhaxgalay dhib waynaa.
- Qofbaa taada dheel-dheel. Kaga dhiga waxaan jirin.
- Qofna dhaadashadaadiyoo. Farxadaad kula dhidib.
- Waxaad maanta dhigataa. Bari kugu dhacaayaa.
- Qof kuu dhoohan. Ciilkiyo shalaytada.
- Ka dhawr murug.
heeso qoraala oo soomaali
- Hadaad koolka iga qaban layd. Kuma ilaaweenee.
- Fariintayda adigoo arkaad. Igu adkaysaayee.
- Aniguna online-kaagi. Baan ku ag-wareegaayee.
- Odhaahdiyo jawaabtaadi. Baan u sugayaaye.
- Moobilkaan ka yara eegayaa. Erayadaadiyee.
- Marka uu qof ila soo hadlaan. Adi ku moodaayee.
- Akoonkiyo cinwaan kaagi. Baan isha ku hayaayee.
- Sidaan kuugu oon qabo ma ogid. Ubax la-moodyeey.
- Inyar codkaaga maqlaan. Ku istareexaayeey.
- Ashqaraar markaasaan dareen. farxad la-ooyaayee.
- Ma ogid sidaan kuu jeclahay. Waanad aragtaayee.
- Halkaan aa ka leeyahay. In badan ma ogid say tahay.
- Masejkayga adigood uraad. I ag-maraysaayee.
- Aniguna fariin diiran baan. Kaaga sugi aadee.
- Inaad soo jawaabtaan macaan. Teelka eegayaayee.
Raxma Xariir axmada. Heeso cusub.
- Raaliyo ideeqdaay. Rixinki naftaydaay.
- Rafiiqaygii noolashee. Rabi igu galadayee.
- Ramad lagu qaboobaay. Rubuc geed kutaalooy.
- Ruuxdayduu jamataay. Rajo koriyahaygaay.
- Rasmi lama huraaneey. rasmi lama huraaneey.
- Raxan maanka qooysaay. Raasamaalkii noolashaay.
- Rubadaad bogsiisaa. Rafaad kugu ilowdaa.
- Raxmo inan gobeedey. Waxa tahay qof ii roon.
- Marwo raad qabow’oo. Rabigay asluubiyoo.
- Uraaxeeyay sharaftaay. Gob israacsan baa tahay.
- Rabitaan galkacaloo. Rugna taan wadaagnay.
- Naftaa kugu riyaaqday. Agtaadaan kuraystayee.
- Rasmi lama-huraaneey. Rasmi lama huraaneey.
heeso qoraal ah nimcaan hilaac
- Qalbigan ku rajaynayaa. Aniga raran igu shidoo.
- Hadaan kaa reebi karo. Natani rabitaanku dagay.
- Jacayl, jacaylkuba ima rarteen.
- Wadnaha raadkiisa iyo. Halkaa beerkiyo rubada.
- Galgacalkaa lagu rakibay. Qof aan dadka iigu rooneyn.
- Rafiiq iigama dhigteen.
- Aniga kuma raadiyeen. kumana soo raad-gureen.
- Dharaarkaba rugtaad fadhido. Raarteeda ma soo-galeen.
- Haday ruuxdani ku jecel. Wixii runa iga maqlaysoo.
- Qudheydaan ku raacday. Baa ra’yiga iga qaadinee.
- Hadey ruuxdani tashiga. Ra’yiga iga qaadan lahayd.
- Jacayl, jacaylkuba ima rarteen.
- Anoo rasmi kuugu nugul. Adaan rabin aragtidee.
- Miyaan raacdayn lahaa. Rugtaad kolba joogtid.
- Rarashaba kumaan bideen.
heeso qoraal ah lafoole
- Bal ogow ilaahay. Amba eersan maayee.
- Haduu amarka keenana. Cidi oolin maaysee.
- Waxaan aa aa ka leeyahay. Ama aan la ooyaa.
- Gabi oogadaydiyo. Ubucdeyda hoosiyo.
- Agagaarka beerkoo. Naftu aamus didayee.
- Samirkii ayuub baan. Sugayaa markeygee.
- Umuuraha jacaylkiyo. Anoo arag mid ii moog.
- Sidii lay abaaray. Hurdo layga kaa shiday.
- Ogolow la ii yidhi. Ka adkaysan waayee.
heeso qoraala jacayl
- Waa dookh jacaylkuye ha dayrin. Hana dumin galgacalkoo ha diidin.
- Nataad deeqdayoo. Adi ku doortay.
- Dadku lama sinee. Qo kuu diiran.
- Haku digan. Haduu kuu darsada oo.
- Dareen caashaq. Ruuxuu kugu daray.
- Oo kugu dawoobaa. Ku daynaynee.
- Oo dookhu kugu ladhay. Ha diidin.
- Oo damiirka ugu sheeg. Dabiibkaa.
- Waa darandar weedhiye. Ha diidin.
- Hana dumin wanaagoo. Ha duugin.
- Oo dabuubta caashaqa. Ha damaqsan.
- Hana dilin samuhi. Waa danteenee.
- Qofka dunida kuu jecel. Ha deyrin.
- Hana dilin samuhu. Waa danteenee.
xariir axmed heso qoraal ah
- Lilaah baan kuu qabee. Lugooyaad igu ahayd.
- Anoo laabta kugu hayaad. Adiga luxudka ii qodaysay.
- Hadaad ii loogtay cadaw. Ama laaleey aad fuusho.
- Barriba laagta waad. Kuu soo dhici.
- Lurkiyo dibin-daabyaduna. Ilmadu libiqsi yeelkadaa noqon.
- Madheedh iyo laama ubax. Markaan wada laactamaynay.
- Amase liilalooda beentaa. Aniga liishaan I saartay.
heeso qoraal oo jacayl ah
- Ma ilmeeyo intaad ila joogto.
- Macno yeeshay intaad I dhisayso.
- Oo macaan noolashayda ahaatay.
- Qof sidaada I dhawrta aduunka.
- Arki waayo intaan soo arkaaye.
- Qalbigayga ilayska u daaran.
- Adigaa alkumoo asteeyay.
- Erayadaan ka maqlaayo afkaada.
- Niyadaa istareex ku ahaatay.
- Qosolkiyo unta waxaa iga gooya.
- Adigoon indhahayga u muuqan.
- Ruuxaan eegto adaa u horreeya.
- U malayn inuu ifka joogin.
- Axad gaadha udgoon badnidaada.
- Ma irdhoowo intaad I tusayso.
- Farxad aan ku aqbaalno jacaylka.
- Ma awood inaan ka ahaado.
- Ayaan qudha meesha aad ku sugnaato.
maxamed mooge heeso qoraal ah
- Jacayl mugiyo miisaan leh. Baan ugbaad kuu hayaa.
- Markaan ku eegaba muxibadu. Way igu maaxdaa.
- Ma moogidoo indhuhuna marwoy. Muuqaalkaada way sii milicsadaa.
- Jacayl maryaha soo xaytayoo. Miciyaha listaa.
- Sida mahiigaankii Igu da’oo, waygu maaxayaa.
- Nafta kaama maarminee. Aan mataanayno dookhey.
- Kaalay maanka ii fur maankoo. Sida muraayad I hormuuqo.
Mukhtaar jigjigaawi. Nasriin
- Hadii aan nasriiney. Xili ayaamaha.
- Xariir kugu tilmaamoon. Kaa dhawri jirey xanaf.
- Maantana xagedi. Xurmadii haweenkiyo.
- Xidigaan damaynoo. Dumar laga xushaa tahay.
- Xaashee aduunyada. Waxaan xaakimku qorin.
- Ruuxna xaabsan maayee.
- Gurigaa xumaatiyoo. Xasad eebe ka dhawr.
- Inkastoo nasriinay. Xilo aad ii noqotiyo.
- Ubad ii xumbaarto. Jeclaystay xagaygee.
- Caku xaalka dunidaa. Labadii xanaanshee.
- Caashaqa xidhiidhshee. Ku xamdiya noolashooda.
- carab loaad caws looma tilmaamo.
cabdi tahliil heeso qoraal ah
- Koleey ruux tagay ma-tabo. Halkuu ka tanaasulee.
- Hadaan kuu tag-dariyee. Hadmaad ii tabaabushaysan.
- Anoo tiiraanyadiyoo. Caashaqa toostiisa qaba.
- Anoo tacabiray in-badan. Haduu tiigsigu I gabay.
- Waxaan tabay ee hafiga. Usoo maray turunturada.
- Mar waa tuurtee hadan. Anoo taa kaa filayn.
- Taageeraan kaa rabaa.
- Koley ruux ruux ku tolan. Ma daayo tawaawacee.
- Qalbigaan kugu soo tashaday. Ha tirin asagoo ku jecel.
- Adoo tagay baan samrayee. Hadana ha isii-tirtirin.
- Aniga qalbigayga togan. Mar un ku dheh waa ku tabay.
- col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma qaboobo.
khadra daahir heeso qoraal ah
- Intaan kax ahaa. Kulkiisa jacaylki
- Intuu kun I gaaray. Intaan ku tabaayay.
- Dartaa kurbanaayay. Kashaada xasuusta.
- Miyaad ka tiraysay. Intuu kaligay.
- Lurkiisa I haystay. Intaan kulba heer.
- Ka soo maraayay. Keladu I sudhnayd.
- Dhibaataan ku sugnaa. Miyaad ka ladnayd.
- Anna kama’oo Naftaana kalifee.
- Kalgacal ebaran. Keebka un hayee.
- Kaama filanayn. Kobtaad I dhigtee.
- Ka raali ahaow. Intaan ku jeclaa.
- ceebtaaday kow ogtahay kun looma sheego.
- Intaan ku daraayay. Ka sii badinaayay. Jacayl ka-kabaayay.
- Intaan korinaayay. Ku soo tacab belay.
- Kaskaagiyo maanka. Miyaad ka jaraysay.
- Intaan kufayee. Mar aan kacayeen.
- Intaan kolba. Heer ka soo marayee.
heeso qoraala amaan dumar
- Waxaa tahay qof. Meeqaamka miisaanka ugu culus.
- Qalbigayga kaga mudan. Waxaa tahay mataantii.
- Maareynta waayahaa. Ku lahayd milgaha badan.
- Adigaa milgiyo sharaf. Ugu mudan asaagaa.
- Mahayo mid kula-midaa. Oo maanka deeqdee.
- Macaanteydi noolashaay. Waxaa tahay naf iga midaa.
- Malaysanoo tagi. Inan adi kula mid ah.
- Mawlaheen ma limine. Babay munaal.
- Waxaa tahay ma-dhaalkii. Dadku wada ma-jiirtaan.
- Maashu dareenkaay. Maan ahaan aduunkyada baby.
- Mudantaan jeclaayee. Mawluhu ku taageer.
- Waanban kuu maqsuudoo. Masha alaah, muuqaaga dheeha leh.
- Markii aan jaleecabaa. Muxibaa I qaadee.
- caleen qudhac calool geel ma buuxiso.
heeso qoraal ah cumar dhuule
- Anigoo jacayl ba’an. Dartaa jiifka ladi waayay.
- Oo jajuubka xiisah. Nafty kugu juboonayso.
- Oo jidiinku awgaa. Oontaba u joojiyay.
- Ilaah baa jaliilee. Hadaad iguba jeesjeesto.
- Anigoo jikar geeyin. Hadaad carada joogtayso.
- Saw inaan ku jaro marka. Laabtu jamanmayso.
- Anigoo xumaan jirinin. Ku jantoo adoo qudha.
- Qalbigayga jiidsada. Adigoo jidhkiyo maanta.
- Ku jixaansan laabtaydu. Uma jeelo aragaada.
Cawaale aadan heeso qoraal ah
- Naf kuu jeelan awgaa. Habeenkiina dhawr jeer.
- Dhaga salasha jiifkoo. Aan jidiinka dheef marin.
- Oo adi dad kuu jecel. Hadaad jirab isleedahay.
- Jaanis iga halaabiyoo. Waran gar-naqsi joogtaa.
- Jeerka waan ka caagay. Jidkan aad ku socotiyo.
- I-jiid aan ku jiidee. Uma jeedo wiilyahow.
- Xidhiidhkiina waan jaray. Horey baan jajuubiyoo.
- Jab u soo dhamaystee. Mar kale jajuubiyoo.
- Jahwareer magali karo. Sidey naftaydu jeceshahay.
- Wiil jiroo dulqaad badan. Inaan jees yegleenaa.
- Jaliil baan ka sugayaa.
- colka wadhaf ma lagu dayey.
- caro walaal waa la gartaa uur dadbanse lama garto.
Heeso qoraal calaacal
- Aduunku markuu samaa. Saadaashuna ii wacnayd.
- Adigoon cidna ila simayn. Wataad boga igu sidaye.
- Saabki ku xidhnaa wadnaha. Suleekhay maxaa xanibay.
- Taladii wada saxniyoo. Maxaa samirki ku dhacay.
- Ala malaha waa lagu sitaa. Suuldarada hayga rogin.
- Seeftiyo ila gaad warmaha. Dabadeed seexo o ha kicin.
- Baryaba arinba iga siyaa. Surmiyo oon baan qabaa.
- Sirtaydii baa baryahan. Samada lagu maalayaa.
- Wax baad yar saluugsantee. Si fiican wax iigu sheeg.
- Hadii kale yaan sinaba. Sheekada laynaga saadheyn.
- Sida mayay arooryaad. Miiraale soo kacay.
- Meel mahiigaan jilbaha dhigay. Dhirtu ay magooshoo.
- Maanka iyo caleentii. Isku-meedhax soohmeen.
- Dhulka midood ka soo baxay. Muran uu dhaxyaaloo.
- Anaa kaa macaaniyo. Waxaan ahay mas ciidee.
- Hadal laysu mari Karin. Meeshee barwaaqaa.
- Muuqooda inan yahay. Marmar baan ku moodaa.
- Ama kugu mataalaa. Runta lagama maarmee.
- Maalintaan ku halacsaday. Meel dhimanla inaad tahay.
- Madmadow igama galin.
Heeso qoraal amaan
- Jacayl dhiiga raacaan. Mudo soo dhisaynoo.
- Dhambaal laysu tabiyaa. Farxad kaaga dhigayoo.
- Dhib inaad dareentaa. Qalbi aaha.
- Ogow kaaga dhaartayoo. Dhaayahayga adiga weeyaanee.
- Inaad tahay dhigaygiyow. Dadka ruuxa iigu dheer.
- Dhadoo kaama saarnee. Dhuga meel kuwada yaal.
- Dhab ahaan ma noqonaa.
- caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko.
- ceeb looma dhinto cara lalama qarxo cayna looma dhaawacmo
- cadawgaa looma taahee tun ku adkay
- buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa
- ceel dad liqa ul baa lagu dayaa
- heeso qoraal
- ciise socod kuma laabna abeesona samir kuma laabna
- calafkaa nin ku rabaa baa haya
Heeso jacayl qoraal ah.
- Jacayl aayatiile baan abuurnoo. Waad ogaydoo.
- Intaan ubadkiisi mudaybaan. Ilaashoo wan adkeeyo.
- Abayda sidii u dhawree. Markaan kulahaa ugaasoy.
- Ujeedo fog baan lahaa. Afeefo dantaan lahaa.
- Amaanada dhawr lahaa. Markuu ubaxii is gaadhay.
- Markuu intifaacsi joogo. Maxaa uur xumada keenay.
- Maxaa odoyaal xil siday. Dagaal loogu oogayoo.
- Maxaa loo iima sheegtayoo. Waliba aflagaado keenay.
- Abaal daraney hadaad. Ujeedo xinkaad u buuxday.
- Ilowshe dhawee nafsaa. Dhexdeenan ka ooganoo.
- Waxunbay iguma raacdoo. Anigu kaa aarsan maaye.
- Ilaah baan talada saartay.
- culimo dad u eki bay kugu dishaa abeesona dhul u eki.
hanuuniye heeso qoraal ah
- Burjiga quruxiyo dadnimo. Biliga dhaqankiyo gobnimo.
- Basharka wacaniyo qofnimo. Adaa basharka u sitoo.
- Adaa wali kuu bukaa. Indhaha bilic baad u tahay qalbigaa.
- Aqoon baad u tahay. Bogiyo jeexi naftoo.
- Miyaan kaa maarmayaa. Adaan raga kaa boqroo.
- Adaa kuu beer nuglahay. Hadmaad I bogsiin walaal.
- Saynab cige kala dooro waayaha Natu waxay u dabacdaa.
- Ama dawadeeda ah. Ruuxii daryeelee.
- Mar hadey dareentoo. Dibindaabyo iyo murug.
- Tii diide weeyoo. U dabci mayso waligeed.
- Anna waxaan dabaylo. Hawada aan usii diro.
- Jacayl aniga ii daran. Wadnaha dhiigaa dumoo.
- Deeqsiiya oogadaa. Sambabada dushooda.
- Iga baxoo dayaan. Ka durduurta xididada.
- Waan daayay manatee. Axadkii dareemoow.
- Dib waxay ka noqotana. Kala dooro waayaha.
- Naftu waxay u duwatoo. Hadba dooni saartoo.
- Dakhalkeedu jaban yahay. Sariirta dusheedii.
- Daawadaa hawada saree. Ilaa waagu daalaco.
- Ha daakiraan wadaadadu. Doogtii taal feedhahaa.
- Danqashada ka daayoo.
- lafoole heeso qoraal ah.
- canbe laf baa ku jirta.
Heeso qoraala oo macaan
- Dabacsanida hadalkiyo. Daganaantu inan yahay.
- Waa waxa dareenkiyo. Nafta damaca galiyee.
- Kaaga doortay qayrkaa. Dugsi dhaxanta celiyiyoo.
- Dawadayda inay tahay. Anigoo dal-dheer jiraan.
- Halkan kaa dareemaa. Deeqa waan ku-jeclahay.
- Damcigaaga wacaniyoo. Dulqaadkiyo xishoodkaba.
- Waa wax lagugu deeqoo. Daa’inkii ku uumaa.
- Sharaf kuugu dawgalay.
- canaan ka kuu xigo ha u danbeeyo.
heeso qoraala
- Noolashu waa wada qardhoofyo. Qaraxna laga waayi mayo.
- Jacaylkana qulub ma seego. Markuu calaf qiil ka waayo.
- Jacaylkaan wada quwaynay. Quwaynay, qurux u yeelnay.
- Qolfooftiyo ruuxda hoose. Dareenka ku quudinaynay.
- Siduu qoyskiinu yeelay. Kumuu noqon tacab qasaare.
- Qof aan qalbigaagi raacin. Hadii qasab lagugu siiyay.
- Adu qalad hasasaarine. Ileen sidan baa qornayd.
- Shalay riyadaan qorshaynay. Qoodayneen wada astaynay.
- Haduu ka adkaaday qaybku. Oo ay qabyo noqotay maanta.
- Sidani qadar bay ahayde. Indhaha haka qarinin xaqiiqda.
- Ilmana haw qubin xasuusta. Qabwayni ku waajah xaalad.
- Aan cidi qosol kaa filaynin. Ha filan qandhada iyo xanuunka.
- Inaan qol madaw la-jiifo. Ha filan nabdigayga qayb yar.
- Inaan naxli kuugu qaaday. Ha filan qof dad kaa jeclaaday.
- Inaad qoortiisa qoysay. Ha filan iney qoon igaadhay.
- Qadarin baan kuu hayaaye. Rajee iney noqon qummaati.
- Noolashaana qolqolooca keentay.
- bidaari sibiq bay kugu gashaa.
Gaba-gabo
Waa heeso xul ah, oo qoraala. Waxaad u qori kartaa qofkaad jeceshahay. Ama haduu jiro qof ku xumeeyay. oo qoraal ah.
Waa heesahay ugu macaan ee fanaaniinta soomaalida. Waxaa kamida nimcaan hilaac heeso qoraal ah, iyo kuwo kale oo iskugu jiro noocyo badan. cirmigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa.
La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.
Dhamaad.
1 thought on “Heeso qoraal ah oo cusub 2024 better for you”
Comments are closed.